WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA SABTEMBAR 2017-KA

0
Wednesday September 13, 2017 - 09:28:56 in Wararka by
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA SABTEMBAR 2017-KA

    LAQANYO "KALSOONI AYAA KU QABAA IN XILDHIBAANADA HIRSHABEELE AY I DOORAN DOONAAN" Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Faarax Sharawe (Laqan yo) ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii uu daraad aaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LAQANYO "KALSOONI AYAA KU QABAA IN XILDHIBAANADA HIRSHABEELE AY I DOORAN DOONAAN" Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Faarax Sharawe (Laqan yo) ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii uu daraad aaday Muqdisho ayaa ka hadlay ujeedka safarkiisa iyo waxa uu rajeynayo. Musharraxa ayaa salaan qaaday dadkii isugu soo bax ay soo dhaweyntiisa oo ka kala yimid dhammaan afarta xaaf adood ee ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Mr Laqanyo ayaa sheegay in Muqdisho howlo shaqo u aaday, isagoo xusay inuu rajeynayo inuu ku guuleysto doorash ada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar ay heshay jowhar.com aya tibaaxaya in Mu sharax Laqanyo la yeeshay kulmo gaar ah madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka ah, isagoo isla soo qaadeen howlaha doorashada iyo siyaasadiisa Maamulka Hirshabeelle.

"Waxaan kalsooni buuxdo ku qabaa in doorashadu ku dhici doonto si nabad ah. Kalsooni mug leh ayan ku qabaa xub naha sharci dejinta Hirshabeelle in ay dooran doonan hoggaan tijaabsan karti iyo waayoaragnimana u leh siyaasadda Hirshab eelle iyo qabaa’ilkeeda sugina kara amniga Dowlad Goboleed ka Hirshabeelle” ayuu yiri Mudane Laqanyo asaga oo kula had layay warfidiyeennada gudaha garoonka Jowhar.

Dowladda Federaalka ayaa si dhow ula socota doora shada Madaxweynaha, waxaana la filayaa in saddex musha rax midkood ay taageerto, kuwaasoo ay si kala gaar gaar ah u gu yeertay magaalada Muqdisho.

Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana doorashadan u taagan illaa 8 Musharax oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle.

PUNTLAND OO SHEEGTAY IN GUULO LAGA GAARAY NABADDA GAALKACYO

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabadixakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in guulo wax ku ool ah laga gaaray Nabadda Magaalada Gaal kacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana uu sheegay in Shacabka iyo labada maamul Puntland iyo Galmudug ay iska kaashad een Nabad gelyada Magaaladaasi.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabadixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baa qay shacabka in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amaanka, si looga hortago dhibaatooyinka amni ee Magaaladaasi Gaalkacyo.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan kulamo gaar ah ka yeeshay Nabadda Gobol ka Mudug, waxaana madaxda labada maamul ay isla garteen in si wadajir ah looga hortago xiisadaha colaadeed ee ka jira Gobolkaasi.

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA OO LA KULMAY DANJIRAHA DENMARK

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kul an la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

"Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horu marin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kaba shada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeedi yey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

CIIDANKA KENYA OO QARAX LAGULA EEGTAY DHOOBLEY

Wararka laga helayo Magaalada Dhoobley ayaa ku soo warramaya in Qarax Miino lagula eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo Kenyaan ah oo marayay inta u dhexeysa Maagalada Dhoobley iyo deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ma cadda Khasaraha Ciidamada Kenya ka soo gaaray Qaraxaasi lala eegtay Kolonyada Gaad iidka ay la socdeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kolonyadani la weeraray ay siday Sahay Ciidan, islamarkaa na ay ka ambabaxday degmada Dhoobley, kuna sii jeeday deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi ayaa tilmaamay in tiro Ciidamo Ken yaan ah ay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira kala kulmeen weerarkaasi, walow aysan cayimin.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in Gaadiid dagaal ay ku gubeen Qaraxaasi, ku waas oo ka mid ah Kolonyada la weeraray.

Inta badan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa ka dhaca weeraro dhabo gal ah oo Al Shabaab ay kula beegsadaan halkaas Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee isaga kala goosha deegaanada Gobolladaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU CASUUMAY SHIR KA DHACAYA MAGAALADA NEW YORK

Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxweynaha Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dal ka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoo bey

Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed sii Hayaha Sa faaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa daraad kula kulmay Muqdi sho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cu mar, iyagoona kawada hadlay xiriirka Soomaliya iyo Qatar.

Sidoo kale labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweyna ha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Was iirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad la gaarsiiyay

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xii sadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u ja reen dalka yar ee Qatar.

KOOXO HUBEYSAN OO XALAY HAWEENEY KU DILAY DEGMADA YAAQSHIID

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Xalay qeybo ka mid ah Xaa fada Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Qof Haweeney ah.

Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay halka lagu Magacaabo Siliga waxaana Kooxo hubeys an ay dhowr Xabadood sida la sheegay ku dhufteen haweeneydaas taas oo ay u geeriyootay, sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Haweeneydaas oo la sheegay in ay aheyd qof ka Ganacsada Dhuxusha, iyada oo la sheegayo in ay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka Haweeneydaas.

DOWLADDA SOOMALIYA OO DIB U EEGIS KU SAMEYNAYSA SHARCIGA SOCDAALKA..

Shir ay soo qabanqaabisey hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ku saabsan dib u eegis lagu sameynayo sharciga socdaalka Soomaaliya ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo Mudo 2 maalin ah socon doona ayaa waxaa ka qeyb galaya khubaro ka socota qaar ka tirsan wasaaradaha dowladda Federaalka iyo sharciyaqaano.

Shirkaan latashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgaley wasiirada wasaaradaha arimaha dibadda, Boostada iyo isgaarsiinta, iyo wasiirudowlaha arimaha gudaha, waxaana shirka furey wasiirka amniga gudaha oo kula dardaarmey ka qeybgalayaasha in ay aruuriyaan talooyin wax ku ool ah isla markaana lagu hagaajin karo socdaalka dalka.

Shirkaan ayaa ah kii 2aad iyada oo u hore u qabsoomey latashi lala yeelanayey saraakiisha had da ka howlgala hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii hore uga shaqeyn jirtey socdaalka Dalka.

Shirkaan shalay furmey ayaa hordhac u ah shirar kale oo noocaan ah oo maalmaha nagu soo aadan lala yeelan doono maamul goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

BURUNDIAN DOONAYAY IN AY KU BIIRAAN ALSHABAAB OO LA QABTAY.

Ntakarutimana Benerd, Niyongere Yusuf, Nshimirimana Fulgnce Shadady iyo Bizoza Abderauf oo ah Muwaadiniin u dhashay dalka Burundi ayaa lagu qabtay wadanka Kenya iyagoo damacsanaa in ay ku biiraan AlShabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka dalka kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabteen Afar muwaadin oo u dhashay dalka Burundi kuwaas oo damacsanaa in ay ka gudbaan Xuduuda Soomaaliya si ay uga soo bar bar dagaalamaan AlShabaab oo ay kenya sheegtay in ay qatar ku tahay amaanka gobalka.

Xubno ka tirsan Ciidamada Policeka dalka Kenya ayaa sheegay in raggan ay ka soo safreen caasimadda Bujumbura iyagoo u soo gaaray magaalada Nairobi dalxiis ahaan kadibna waxa ay safar u soo galeen magaalada Mandera iyagoo soo maray Dagmada Isiolo si ay ugu soo talaabaan Soomaal iya.

Laamaha amaanka dowlada Kenya oo joojiyay buska ay saarnaayeen xili ay marayeen barcont rol ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Raggan u dhashay dalka Burundi oo sheegay in ay ku wajahay ihiin Soomaaliya si Al shabaab ay ugu mid noqdaan

MAAMUL GOBOLEDKII UGU HOREEYAY OO SOO DHAWEEYAY TALAABO AY QAADAY DOWLADA SOOMAALIYA

Dhawaan ayaa Dowlada Soomaaliya waxa ay Dowlada Itoobiya, u gacan gilsay C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhgax oo ka tirsana Kooxda ONLF,islamarkaana ay Dowlada sheegtay in Kooxda ONLF ay tahay Koox Argagaxiso ah,ayna Dowlada Soomaaliya aqbali doonin in Ruux dhibaato badan soo geystay in Dalka uu sii joogo.

Markii Ugu horeeysay ayaa waxa arintaas ka hadlay Maamulka Puntland,Wasiirka Dowlaha Mad axtooyada Puntland una qaalbilsan Xirirka Gobollada,Bahiir C/Raxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlay War baahinta ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay ku raacsan tahay Mooqifkii Dowlada Soomaaliya ay qadatay ee ahaa in Dowladda Itoobiya ay u gacan galisay Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in wax wanaagsen in la buun buuniyo arimaha as,islamarkaana waxa uu tilmaamay in Dowlado badan oo ay ka mid tahay Itoobiya ay Ciidamo u soo direen Soomaaliya si ay u Cawiyaan Dowlada Soomaaliya.

NIN AY RAADINAYEEN CIIDAMADA AMNIGA PUNTLAND OO LA QABTAY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karka ar waxaa gacanta lagu dhigay nin ay daba joogeen ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo la sheegay in uu ka baxsaday magaalada Garowe.

Ninkan ay daba joogeen ciidamada Booliska ayaa ka mid ahaa ilaalada mid ka mid ah wasiiradii xilka laga qaad ay, islamarkaana wuxuu qori kala goostay Puntland.

Kontoroolada qaar ayaa waxaa la dhigay sawirkiisa is agoo sidoo kale ay ciidamadu ka baarayeen Gadiidka isaga baxa gobolada Puntland, ugu dambayna waxaa lagu qabtay degmada Qardho ee kadib markii ay soo sheegtay Hooyadii dhashay.

Taliyaha Saldhiga degmada Qardho Gaashaanle Ab shir Maxamed Cabaas ayaa sheegay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysteen soo qabashada ninkaasi, oo magaalada ka waday rabshado.

SUCUUDIGA OO FASHILIYEY WEERAR ARGAGIXISO

Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay Weerar kooxda Daacish ay doonay say in ay ka geysato Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo doonayay In ay isku qarxiyaan Was aaradda Gaanshaadhigga dalkaasi oo xarunteeda ugu weyn ay ku taallo Magaalada Riyaad.

Mas’uul Sare oo ka tirsan ciidamada Nabad suggida dalkaasi ayaa laga soo xigtay in la qabtay labadaasi qof xilli ay doonayay in ay is qarixiyaan. Xogtu waxa kale oo ay intaa ku dartay "waxa cadaatay in baaritaanadii hor dhaca ahaa ee la sameeyey lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen iyo in sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah welina baaritaan ku socdo”

Dowladda Sucuudiga ayaa ka mid ah dowladaha dagaalka kula jira Kooxda Daacish.

MUSHARAX WAARE : QAAR KA MID AH MUSHARIXIINTA WAXEY ISTICMAALAYAAN HANTIDA DOWLADDA

Iyadoo Afar cisho ka harsan tahay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa mag”aalada Jowhar ka soconaya Ol’ole xoogan oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Musharax Maxmed Cabdi Waare oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah musharixiinta in ay caawineyso dowladda Soomaaliya, islamarkaana isticmaalyaan sida uu hadalka u dhigay hantida dowladda.

‘’Magaalada dhaxdeeda waxaad arkeysaa musharixiin ay ilaalinayaan ciidamadii Qaranka sidoo kalana wata ama isticmaalaya gadiid ay dowladdu leedahay, ‘’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Isaga oo ka qeybgalayay dood ka baxday TV –ga SomaliCable ayuu sheegay in ay musharixiin ta qaar isticmaalayaan sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka iyo gadiidka dowladda dhexe laguna ilaalinayo magaalada.

Waa uu ka gaabsaday in uu sheego magacyada musharixiinta dowladda taageerada ka helaya, hase ahaatee waxaa uu ku booriyay dhinacyada oo dhan in sharciga loo hogaasamo.

‘’ "Beesha caalamka waa ay aragtaa waxa dhacaya hadhow waxaa la leeyahay beesha caala mka maxay noo caawin weyday haddii sharciyada laga leexdo qaanuunka dowligana laga leexdo sidee naloo caawinayaa.”ayuu is weydiiyay musharax Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle kaddib markii doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, waxaana uu hadda ka mid yahay musharixiin sida gaarka ah loo hadal hayo ee ugu cad cad Ol’olaha doorasho ee socda.

GUDDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA OO GO’AAMIYAY IN KULANKA MAANTA LOOGAGA DOODO QALBIDHAGAX

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulan uu shalay yeeshay ku go’ aamiyay in maanta oo Arbaco ah la qaban doono ay fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka,isla maraana qodobada laga doodayana uu ka mid noqon doono arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbidhagax.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga joogtada ah uu ku wargeliyay xildhibaanada baarlamaanka iyadoo loo direy dhammaan xildhibaanada fariimo loogu shee gayo in ay ka soo qeybgalaan kulankan.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbidhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbidhagax.

Kulkan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlama anka ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Hase yeeshee, kulan ay daraad yeesheen Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay arr inta ka doodista Cabdikarin qalbidhagax,hase yeeshee cod loo qaaday ayaa dib loogu dhigey arrinta Qalbidhagax.

Dowlada Federalka ayaa culeys weyn ku noqday arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax iyadoo ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirs anaa ururka ONLF.

Khilaafka ka dhashay Cabdikariin Qalbidhagax ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado in ra’iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalayo shir ka Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka.

TURKISH AIRLINES : SOMALIYA WAA HALKA NOOGU FAA’IDADA BADAN AFRIKA”

Mustafa Ozkahraman,oo ah Maamulaha Turkish Airlines ee Kenya oo wareysi siiyay Reuters ay aa sheegay in Somaliya ay ugu horreyso meelaha ay ka faa’idaan duullimaadyadooda Afrika.

Waxaa uu sheegay in Turkish Airlines ay tahay Sharikadda kaliya ee Caalamiga ah ee ka how lgasha Soomaaliya islamarkaana aysan Sharikadaha kale u heysan in Soomaaliya lacag iyo Ganacsi laga sameyn karo.

14; Dal oo Afrika ah ayuu sheegay in ay duullimaad ku marto iyada oo sameysa 52; duullimaad oo Istanbuul iyo Afr ika u dhaxeeya.

lixdii bilood ee ugu horreeyay Sanadkan 2017 ayuu sheegay in Sharikaddiisu ay Afrika ka he shay Dakhli gaaraya $434 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Sharikadda Turkish Airlines ay 49% Dowladda leedahay taas oo ay adeegsadaan Rukun dhan 1Bilyan oo qof Caalamka oo dhan Sanadkiiba.

HAWEENEY MUSLIM AH OO MADAXWEYNE KA NOQOTAY SINGAPORE

Dalka Singapore ayaa yeeshay Haweeneydii ugu horreysay oo Madaxweyne ka noqota taariikh da dalkaas,waxaana ay waliba tahay Muslimad.

Xaliima Yacquub oo 63 jir ah ayaa horay u ahayd Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Singap ore,waxaana ay isu sharraxday xilka Madaxweynaha Bishii la soo dhaafay.

Guddiga doorashada Madaxtinimada Dalka Singapore ayaa sheegay in dhamaan musharrixiintii xilkan isu diiwaan geliyay ay ku fashilmeen in ay u soo gudbaan ka qeybgalka doorashada.

Xaliima ayey sheegeen in ay tahay Qofka kaliya ee ka soo baxay shuruudaha doorashada Madaxtinimada Dalka Singapore iyada oo aysan doorasho dhicinna noqoneyso Madaxweynaha Dalk aas.

Madaxweynaha Xilka kaga horreeyay ayuu waqtiga ka dhacay 31dii August,waxaana sida dast uurka qabo xilkaas sii wadayay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyada ahayd,sidoo kalena ahayd musharrax xilka isu soo taagtay.

Xaliima oo 2013- 2017 ahayd Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Singapore ayaa noqoneysa Haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo Madaxweyne ka noqota Dalkaas.

Muslimiinta Singapore ayaa 14% ka ah tirada dadka dalkaas oo kuwa ugu badanna ay yihiin Budiistaha, Kiristaanka iyo Hinduuga.

DAVID CONCAR OO GAARAY BAYDHABO LANA KULMAY MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED

Xarunta Madaxtooyada koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo ayaa Safiirku waxa uu kulan ay Albaabada u xirnaayeen waxa uu kula qaatay masuuliyiinta ugu sareysa Maamulkaas.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma.

WARIYE KU DHAAWACMAY QARAXII MAGAALADDA BELEDWEYNE OO GEERIYOODAY

Ala ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Magaaladda muqdisho ku geeriyooday wariye C/laahi Cismaan Macalin oo kamid ahaa shaqaalaha Tvga Jubbaland oo dhawaan ku dhaawacmay qa rax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wariyaha ayaa labadii maalin aynu soo dhaafnay ku jirey isbitaalka Difgeer ee Magaaladda Muqdisho kadib markii wax loogu soo qaban waayay goobaha caafimaadka Magaaladda beledweyne, waxaana sidoo kale la sheegay in dalka aan waxba loogu qaban Karin , kadib markii firir uu ka galay maskaxda.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaaladda Beledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro wariyayaal ah oo ka howlgalo magaaladaas.

AKHRISO:SHIR LOOGU HADLAAYO HALISTA ALSHABAAB OO KAMPALA KA FURMAY

Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka furmay Shir loogu hadlaayo arri maha Ammniga ee Bariga Afrika.

Madax ka socota 14 dal oo qaaradda Afrika ku yaala ayaa ka shiraya arrimaha la xiriira ammni ga bariga Afrika iyo halista kaga imaanaysa Alshabaab ee Soomaaliya.

Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaliya islamarkaana gabagabada shirka laga soo sari doono qodobo muhiim.

Sidoo kale waxa uu sheegay Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya in shirka diirada lagu saari doono sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, si ay AMISOM kala wareegaan Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya marka ay ka baxaan.

MUSHARAXIINTA XILKA MADAXWEYNE EE HIRSHABELLE OO MAANTA QUDBADO JEEDINAYA

Maanta oo ah Arbaco 13ka September waxaa Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamul Gobol eedka Hirshabelle ka bilaaban doonta Dhageysiga Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Musharaxiinta ayaa la sheegay in illaa Afar kamida Maanta laga dhageysan doono Qudbad ay uga hadlayaan Barnaamijkooda Siyaasadeed,waxaana Xildhibaanada Hirshabelle lagu Wargeliyay in ay Maanta soo Xaadiraan,

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo balamay in la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota,waxaana Xilka Madaxweynaha Hirshabelle ku Tartami doona illaa 7 Musharax inta illaa hadda isdiiwaan gelisay.

1)Cabdikariin Cali Nuur.

2)Daahir Cabdulle

3)Maxamed Cabdi Waare.

4)Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).

5)Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

6)Maxamed Caruush Diirow.

7) Cabdiraxmaan Xuseen Caddow

BOGGA CAYAARAHA..

HORDHAC: LIVERPOOL V SEVILLA – JURGEN KLOPP OO MARKII UGU HOREYSAY KU HOGAAMINAYA LIVERPOOL TARTANKA CHAMPIONS LEAGUE LAAKIIN MAKA AARGUDAN DOONAAN SEVILLA?

GROUP E

Kooxda Liverpool ayaa markii labaad ka soo muuqaneysa wareega groupyada Champions Lea gue sideed xilli ciyaareed gudaheed, waxaana ay caawa kulankooda soo laabashada ay ka hortagay aan kooxda reer Spain ee Sevilla kuwaasoo ay taariikh kala dhaxeyso.

Reds ayaa dooneysa inay ka aargudato Sevilla ka dib markii ay guuldarro 31 ay ka soo gaartay finalkii Europa League ee sannadkii hore ee 2016. Waxaana ay Liverpool ay niyada ku dhisaneysaa in ay badiyeen lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada Yurub ee ay ku ciyaareen Anfield iyo xaqiiqda ah in Sevilla aysan waligeed badinin iyadoo marti u ah koox Ingariis ah.

Liverpool ayaana sidoo kale rajeyneysa inay ka soo kabsato guuldaradii 50 ee ka soo gaartay Sabtidii kooxda Manchester City kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Waxaa labadaan kooxood Gr0up E kula wehliya oo iyagana caawa ciyaaraya Spartak Moscow oo u safreysa kooxda Maribor.

MAXAA KA CUSUB?

Philippe Coutinhowaa taam wuuna caafimaad qabaa sida uu sheegay tababare Klopp laakiin waa uu diiday inuu xaqiijiyo haddii uu caawa ciyaari doono kulankiisii ugu horeysay ee ee xilli ciyaar eedka.

Coutinho oo isku dayay inuu si qasab ah ugu wareego Barcelona bishii hore ayaa dhaawac dhabarka ah ku seegay shantii kulan ee ugu horeysay kooxda.

Inkastoo uu labo kulan u dheelay xulka Brazil, kubadsameeyahaan ayaa ka maqnaa kulankii Sabtida ay guuldarada 50 ka soo gaartay Manchester City.

Goolhaye Loris Karius ayaa ku soo bilaaban doona goolka kulanka caawa. Goolhayaha Jar malka ayaa markii labaad xilli ciyaareedkaan bedeli doona Simon Mignolet, isagoo ku soo bilowday kulankii ay 40 kaga badiyeen Arsenal horyaalka Premier League bishii hore.

Mohamed Salah ayaa dhuun xanuun uga fariistay tababarkii shalayto, laakiin waxaa la filayaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka caawa ee Anfield.

Dhanka kooxda Sevilla waxaa dhaawacyo kaga maqan Nolito oo dhaawac bowdada ah qaba iyo Geis oo aan laheyn taam ahaansho buuxda ka dib markii uu dhaawac ka soo laabtay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: Karius; Gomez, Lovren, Matip, Robertson; Can, Henderson, Wijnaldum; Coutinho, Fir mino, Mané.

Sevilla: Rico; Mercado, Kjær, Pareja, Escudero; N’Zonzi; Jesús Navas, Ganso, Pizarro, Correa; Ben Yedder.

Champions League Group A

Benfica 1 2 CSKA Moscow

Manchester United 3 0 Basel

NO

Koox

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Manchester United

1

1

0

0

3

0

3

3

2

CSKA Moscow

1

1

0

0

2

1

1

3

3

Benfica

1

0

0

1

1

2

1

0

4

Basel

1

0

0

1

0

3

3

0

Champions League Group B

Bayern Munich 3 0 Anderlecht

Celtic 0 5 Paris Saint Germain

NO

Koox

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Paris Saint Germain

1

1

0

0

5

0

5

3

2

Bayern Munich

1

1

0

0

3

0

3

3

3

Anderlecht

1

0

0

1

0

3

3

0

4

Celtic

1

0

0

1

0

5

5

0

Champions League Group C

Chelsea 6 0 Qarabag FK

Roma 0 0 Atletico Madrid

NO

Koox

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Chelsea

1

1

0

0

6

0

6

3

2

Atletico Madrid

1

0

1

0

0

0

0

1

2

Roma

1

0

1

0

0

0

0

1

4

Qarabag FK

1

0

0

1

0

6

6

0

Champions League Group D

Barcelona 3 0 Juventus

Olympiacos 2 3 Sporting CP

NO

Koox

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Barcelona

1

1

0

0

3

0

3

3

2

Sporting cp

1

1

0

0

3

2

1

3

3

Olympiacos

1

0

0

1

2

3

1

0

4

Juventus

1

0

0

1

0

3

3

0

Champions League - Group E September 13

21:45Liverpool ? - ? Sevilla

21:45Maribor ? - ? Spartak Moscow

Champions League - Group F September 13

21:45Feyenoord ? - ? Manchester City

21:45Shakhtar Donetsk ? - ? SSC Napoli

Champions League - Group G September 13

21:45FC Porto ? - ? Besiktas

21:45RasenBallsport Leipzig ? - ? Monaco

Champions League - Group H September 13

21:45Real Madrid ? - ? APOEL Nicosia

21:45Tottenham Hotspur ? - ? Borussia Dortmund..

"WAA INAAN SOO BARBAARNAA” – MACALIN CAAN AH OO SHAACA KA QAADAY IN KOOXDIISU AY LIIDATO, WAA KEE?

Maamulaha Naadiga Juventus, ee dalka Dalka Talyaaniga ayaa guul daradii ay xalay kala kulmeen Barcelona, waxay sabab uga dhigtay inuu dhoho, waxaan u baahan nahay inaan isa soo dhisno, si ay aan uga adkaano, kooxda Barca, oo xalay 30 uga soo adkaatay.

Ciyaartaan ayaa waxay ka tirsaneed Koobka Champions League, oo ah mid koowaad ee loogu daawashada badan yahay Horyalaada Yurub iyo aduunka, iyadoona uu marayo meelihii ugu xiisaha iyo Xamaasadda badnaa, waxaana kulankii xalay usoo daawasho tegtay dad badan.

Xiddiga gaaban ee Messi ayaa wuuxuu kulankaan sameeyay wax badan kadib markii uu Laba gool ugu shubay shabaqa uu waardiyaha ka yahay Buffon, kaasoo uu xalay ka dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay Taariikhda, waxaana uu soo gaban gabeeyay muddo uu ujabnaa.

"Waa waajib nagu ah, inaan soo barbaarno, oo aan Maskaxiyan ahaan sarre u sameyno, si aan mar kale, uga adkaano Barca,” waxaa sidaas usheegay Saxaafada Macalinka Juventus, kaasoo umu uq day inuu aad ula yaabanaa waxa xalay ku dhacay xiddigihiisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip