FAALO:- Shan Sano Kahor Iyo Xusuustii Doorashadii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud

0
Monday September 11, 2017 - 19:14:40 in Maqaallo by
  • Visits: 1601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALO:- Shan Sano Kahor Iyo Xusuustii Doorashadii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud

    10 September 2012 waxa ay aheyd maalintii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxuu noqday burburkii dalka kadib Madaxweyne aan KMG ahayn oo noqday Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuu Xasan kasoo baxay Bulsh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 September 2012 waxa ay aheyd maalintii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxuu noqday burburkii dalka kadib Madaxweyne aan KMG ahayn oo noqday Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuu Xasan kasoo baxay Bulshada rayadka ah sidoo kale wuxuu ahaa Macalin Jaamacadeed waxaa uu kaloo aas-aasay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) Xasan Sheekh waxaa lagu daray April 2013, 100 qof ee aduunka ugu saamaynta badan.
TAARIIKHDIISA OO KOOBAN KA HOR INTA AAN LA DOORAN

Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955. waxa uu ka bilaabay Waxbarashada Quraanka iyo mida hoose. Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978.

Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree. Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho. Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi. Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English. Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee Bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

DAAWO: KHUDBADII MUSHARAX XASAN SHEEKH MAXAMUUD 08 09 2012

DOORASHADDIISII

WAXAA LA TARTAMAY WAREEGII KOOWAAD MURASHAXIINTA KALA AH, IYO DHIBCAHA

  1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow – 21
  2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex – 30
  3. Cadbullaahi Axmed Caddoow – 24
  4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas – 30
  5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo – 14
  6. Axmed Ismaaciil Samatar -8
  7. Xasan Shiikh Maxamuud – 60
  8. Shariif Shiikh Axmed -64
  9. Yusuf Garaad Cumar -8
  10. Cumar Salaad Cilmi -2
  11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi – 0
  12. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin -2
  13. Cabdulqaadir Cosoble Cali -27
  14. Maxamed Axmed Saalax -0
  15. Salaad Cali Jeelle -0
  16. Ibraahim Cali Xuseen -0
  17. Siciid Ciise Maxamuud -1
  18. Cismaan Maxamed Gacal -1
  19. Maxamed Cabdullaahi Oomaar -1
  20. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf 0
  21. Maslax Maxamed Siyaad Bare -10
  22. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi – 1

WAXAA KA TANNAASULAY INTII AAN LA GELIN WAREEGGA LABAAD OO KA BAXAY TARTANKA

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo heystay 30 Cod

Cabduqaadir Nuur Haaji Wadani 15 Cod

MARKAAS AYAA WAREEGGA U DAMBEEYA WAXAA U TARTAMAY LABADA MUSHARRAX EE KALA AH:

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed

SHARIIF SHIIKH AXMED, OO HEYSTAY 64 COD.

64/275

XASAN SHIIKH MAXAMUUD OO HEYSTAY 60 COD

60/275

WAXA UU KAGA GUULEEYSTAY WAREEGGII UGU DAMBEEYAY SHARIIF SHIIKH AXMED.

XASAN SHIIKH MAXAMUUDWAXA OO HELAY 190, HALKA

190/275

SHARIIF SHIIKH AXMED OO HELAY 70.

70/275

Madaxweynaha xilka ka dagayay, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa doorashada kaddib wuxuu u hambalyeeyey madaxweyne cusub, wuxuuna sheegay inuu aqbalay natiijada isla markaana uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.

NATIJAADII DOORASHADA MADAXWEYANAHA SOOMAALIYA 10 09 2012

Dhinaca kale, Madaxweynaha xiligaasi la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada la doortay, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan xildhibaannadii u coddeeyey. Madaxweyne Xasan wuxuu u mahadceliyay isla markaana ammaanay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Sheekh Shariiif Sheekh Axmed oo uu ku tilmaamay inuu sameeyay horumar weyn oo keentay in doorasho ka dhacdo Muqdisho.

Xasan Sheekh oo loo dhaarinaayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo loo dhaarinaayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ayaa isla maalintaasi loo dhaariyay xilka madaxtinimada. Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf ayaa dhaariyay Madaxweynaha cusub isla goobta Doorashada.

LIXDA TIIR EE BARNAAMIJKIISA SIYAASADEED

  • Xasilita dalka

    Sarraynta sharciga & Dawlad wanaag

2- Soo noolaynta dhaqaalaha dalka

3- Nabadaynta & dib u heshiisiinta

4- Soo noolaynta adeegyada Bulshada

Caafimaadka

Tacliinta

Ilaalinta deegaanka

Fayo Dhowrka Guud Ee Bulshada

5- Midnimada & Wadajirka ummadda Soomaaliyeed

6- Ilaalinta & abuurista xiriirrada caalamiga ah ee ku salaysan iskaashi & wadajir.

GABO-GABO

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka ee 08 February 2017 lagaga guuleystay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii wareegii ugu dambeeyay isugu soo hareen isaga iyo Madaxweynaha xiligaan Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayuu Xasan Sheekh Tanaasulay intii aan loo gudbin wareega 3-aad ee Doorashada, waxuuna u Hambalyeey Farmaajo oo kusoo dhaweeyay Kursiga dalka loogu taliyo.

Xasan intii uu joogay ee 4-sanno aheyd waxuu badalay Labo R/wasaare kadib markii ay isku dhaceen oo wada-shaqeyn waayeen waxaana markii dambe uu doortay CCC Sharmaarke oo la dhameystay waqtiga u haray.

Waxaa lagu xasuusan doonaan dhismaha maamulkada Galmudug iyo HirShabeelle oo Dhaqaale iyo Juhdi xoogan uu galiyay muddo badana muranka dhismaha maamulkaasi usoo dhabar adeegay isagoo kala kulmay caqabado badan oo dhinac kasta kaga imaanaya balse markii dambe ku guuleystay inuu deegaanadaasi oo maamul laheyn usoo sameeyo goboleed waxaana Madaxweyne ka kala noqday Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cali Cabdilaahi Cosoble oo labadaba Barlamaanka maamuladaasi ay isku dhaceen kadibna Mooshino laga keenay waloow labada Madaxweyne goboleed COD Barlamaanadooda u qaadeen Kalsoonida kaga noqdeen haddana Cabdikariim Guuuleed arrimo Caafimaad ayuu isaga casilay kana nastay Siyaasadda waloow muranka xil ka qaadista Cali Cosoble wali taagan tahay kuna adkeysanayo inuu yahay Madaxweynaha maamulka HirShabelle waloow magaalada reerkiisa kasoo jeedaan ee Beledweyne loogu caleema saaray Madaxweynaha Hiiraanland maamul oogu magac-daray oo Xanaaq ka keenay balse aan Dastuurka qabin.

Sii kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligaan degan dalalka Turkiga iyo Tanzania oo Xaasaskiisa iyo Caruurihiisa ku nool yihiin waxaana lagu sharxay Xildhibaan Barlamaan oo aan dhicin inuu noqdo sida Dastuurka dalka uu qabo Madaxweyne kasta oo dalka soo mara oo aan KMG aheyn oo in marka uu waqtigiisa dhameysto lagu sharxo Xildhibaan Barlamaan si Siyaasadda ugu bixin looguna faa’iideyso waxii waayo aragnimo ah ee uu ka dhaxday intii uu uu xilka hayay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip