Sama-faleyaal lagu Afduubtay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

0
Monday September 11, 2017 - 18:39:34 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sama-faleyaal lagu Afduubtay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

    Koox hubeysan oo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaashaAl-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen Sama-faleyaal Soomaali ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan oo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaashaAl-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen Sama-faleyaal Soomaali ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

Weerar ay qaadeen Kooxdaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Garas mooshin oo qiyaastii 20 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

Kooxda wax weerartay ayaa Afduubatay 6 ka mid ah Sama-faleyaashii ay weerareen waxaana ka badbaaday hal ka tirsanaa Shaqaalaha Sama-faleyaasha ah sida ay Idaacadda kulmiye u Xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Koonfur Galbeed.

Shaqaalaha la Afduubtay ayaa ka tirsanaa Hay’ad Ma Xalli ah oo lagu magacaabo Kareedo, waxayna Buskud nafaqeysan iyo Cuntooyin kale ay ka qeybinayeen Duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha hay’adda ay u Shaqeynayeen Shaqaalaha la afduubtay sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo loo maleynayo in ay Afduub-kaan ay ka danbeeyeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan hada ka hadli karin Afduubkaasi balse ay warbaahinta kala hadli doonaan Saacadaha soo socda.

 

La soco wixii ku soo kord




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip