Qaramada Midoobey oo sheegtay in 40-kun oo qof ku barakaceen dagaaladii Gaalkacyo
Dagaaladan ayaa waxaa uu dhex maray Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Galmudug, kaasoo dhacay 22-28 bishan.
Afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric ayaa sheegay in Hey’addaha gar gaarka ee Qaramada Midoobey iyo hey’adaha caalamiga si KMG ah looga raray Gobolka, kadib markii dagaalo kale ay dhaceen 28-kii bishan.
Dujarric ayaa sheegay inay gabaabsi yihiin adeegyada aas aasiga ah ee deegaanka, inkastoo uu xusay in hey’adaha sama falka ee aan dowliga aheyn ay bixinayaan adeegyo caafimaad iyo biyo,
Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ka digayaan in Soomaaliya wali ka jirto xaalad bani’aadanimo, isla markaana dad lagu qiyaasay 4.9 milyan oo ruux ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, halka 1.1 milyan oo ruux ay ku barakaceen dhamaan daafaha dalka.
Si kastaba ha ahaatee dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka barakacay dad u badnaa caruur iyo haween, kuwaasoo xaalada nolol xumo ku heysato deegaano ku dhow dhow Gaalkacyo.
Qaramada Midoobey oo sheegtay in 40-kun oo qof ku barakaceen dagaaladii Gaalkacyo
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 40-kun oo qof ku barakaceen dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30-ruux.