Dib udhac kuyimid xiliga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Iyo Musharaxiin Badan oo Is Diiwaan Galiyay?

0
Sunday September 10, 2017 - 11:19:47 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib udhac kuyimid xiliga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Iyo Musharaxiin Badan oo Is Diiwaan Galiyay?

    Guddiga Doorashada Hirshabelle iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa Xalay kulan degdeg ah ku yeeshay Magaalada Jowhar kaas oo looga hadlayay doorashada Madaxweyne ee Maamulkaas oo la filayo iney dhacdo Bartamaha Bishan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashada Hirshabelle iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa Xalay kulan degdeg ah ku yeeshay Magaalada Jowhar kaas oo looga hadlayay doorashada Madaxweyne ee Maamulkaas oo la filayo iney dhacdo Bartamaha Bishan.

Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Cali, Afhayeenka Guddiga doorashada ayaa Warbaahinta usheegay inuu dib udhac kuyimid Jadwalkii doorashada ee Hirshabelle, Sababta ayuu ku sheegay in culeys dhanka howsha ah ay soo wajahday Guddigooda.

Dib udhacan ayuu sheegay iney ku wargaliyeen Wasaaraada Arimaha Gudaha Somaliya, Xubno ka socday Urur Goboleedka IGAD iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee Hirshabelle uga jiro Baarlamaanka Soomaaliya.

Waqtiga rasmi ahaan ay dhaceyso doorashada ayuu Afhayeenka sheegay iney tahay 16-ka Bishaan oo ku aadan maalinimada Sabtida ah ee Todobaadka soo socdo, maalmahanna ay sii socon doonto Qabashada Araajida ee Musharixiinta utaagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Hirshabelle.

Haatan ayuu sheegay Xildhibaan CabdiWali Sheekh Cali iney isa soo diiwaangaliyeen 8 Musharax kuwaas oo dhamaantood haatan ku sugan Caasimada Hirshabelle, Maalmahan ayuu tilmaamay iney rajo ka qabaan iney soo dhameystiraan araajidooda dadka kale uu doonaya iney xilkaa utartamaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip