![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D'urso ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, si uu uga qeyb qaato dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo xiisada dagaal ee wali ka jirta magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay gaaraan Gaalkacyo, si ay uga qeyb qaataan waan waanta lagu dhex dhexaadinayo Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Michele Cervone D’urso ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay kulan u socdo Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaanakulankan looga hadlayaa sidii qodobadii afarta ahaa ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha loo dhaqan gelin lahaa.
Wakiilka Midowga Yurub ee SoomaaliyaMichele Cervone D’urso ayaa sheegay inay taageersan yihiin dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii nabad iyo xasilooni loo gaari lahaa, isla markaana dadkii barakacay dib loogu soo celiyo magaalada Gaalkacyo.
Siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Culumaa’udiin ka kala tagay gobolada dalka ayaa ku qul qulaya magaalada Gaalkacyo, si ay ugu qeyb qaataan dadaalada lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo, taasoo ay ku barakaceen dad fara badan