Ganacsatada ayaa sheegay in kooxdaas ay ula dhaqmaan sidii xoolo xero ku jira, oo marba kan la doono la iskala soo baxo, iyagoo tilmaamay in dhowr jeer oo ay isku dayeen in Maxkamadaha dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ka dacwoodaan laga hor-istaagay.
Abshir Muuminoo ka mid ah ganacsatada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ee Dubai lagu hayo xadgudub, caga-juglayn Musaafuris Sharci darro ah iyo in Shuruucdooda lagala noqdo.
Waxaa uu sheegay in ganacsatadu aanu haysan cadaaladda ay xaqa u lahaayeen, iyadoo ay ka hor istaageen rag shabakad ah oo isku xiran oo ka kooban Soomaali iyo Carab.
Mursal Salaadoo isaguna ka mid ahaa ganacsatada warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in ka badan 10 qof oo ka mid ah ganacsato ka soo jeedda deegaanada Puntland, si sharci darro ah looga soo musaafuriyay dalka Imaaraadka, iyadoo waliba aan la siin waqti ay hantidooda iyo qoysaskooda meel kaga soo ogaadaan.
Waxaa uu tibaaxay in ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay ku dulman yihiin dalkaasi, isaga oo intaasi ku daray in ganacsatada la dhibaataynayo ay ka mid yihiin ganacsato dalka Imaaraadka ku leh hanti Muguurta ah, Shirkado iyo ganacsi kale.
Sidoo kale waxaa uu xusayin dhibaatada aan loo kala eegin ganacsatada, ayna saamaysay ganacsato dalkaasi ku sugnaa sanado badan sida 20 sano, 30 sano ilaa iyo 40 sano.
Ugu dambeyn Maxamed Faarax Bayrayaawarbaahinta u akhriyay qodobo ay soo saareen ganacsatada, waxaana uu u qornaa sidan:
1- Waxaa ay baaq u direen dhammaan Hay’adaha ay qusayso arrimahan inay wax ka qabtaan dhibaatada iyo xad gudubyada ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhacaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai.
2- In la sii daayo dhammaan ganacatada haatan sida sharci darada ah ugu xiran dalka Imaaraadka.
3- In ganacsatada Shuruucdooda laga qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo celiyo iyo in la joojiyo dhibaatada lagu hayo ganacsatada.
Ganacsatada ayaa soo bandhigay raga ka dambeeya dhibaataynta ganacsatada
1- Cubayd abu Cali, UAE, tel:0502488985— waa ninka madaxda ka ah Shabaddan, wuxuuna haystaa amniga Dubai gaar ahaan qaybta soomalida.
Abu Cali, waa ninka awooda buuxda u haysta in uu ganacsada Soomalida siduu doono ka yeelo, iyada oo aan wax maxamadka ah ama cadaalad ah la soo taagin.soomalidu waxay u yaqaaniin (all in one) maxaa yeelay isagaa police kii ah oo isagaa maxkamadii ah oo isagaa wadanka kaadhoofinaya.
2- Maxamed Catiiq —- Abu Cabdullahi, waa amniyaadka Dubai,waa ninka ganacsatada waraysta ee wuxuu doonana ku qorta computerka dabadeedna ganacsatada my khasba in ay wuxuu qoray saxeexaan khalad iyo saxba Atwater. Tel:0504406239
3- Axmed, waxaa uu u dhashay Imaaraadka, wuxuu ka shaqeeyaa amniyaadkaTel:0503583962.
Ninkaas wuxu caadaystay tacdiibka ganacsatada Soomaalida wuxuu ku waraysta istaga 3 ilaa 4 saacadood oo xiriir ah halka isaguna kursi raaxo badan isku ruxayo.
4- Bashiir Khaliif Muuse (Bashir Mageffe) waxaa uu u dhashay dalka Djibouti.tel:00971506539281
Bashiir waa ninka Sameeya waraaqaha been abuurka ah ee dhuxusha Soomaaliya sida sharci darrada iyo qarsoodiga ah looga soo dhoofiyo.
Bashir waa isku xidhaha kooxda mageffeyasha ah wuxuu saaxiibdhow layahay Obaid Abu Ali/ Amniyadka Dubai iyo Khaalid/ Amniyaadka kismayu labaduba waxay haystaan awood dowladood oo ay ganacsatada soomaliyeed ku dulmiyaan maslaxadooda shaqsiyadeed ugaga faaiidaystaan.
Ahmed Barre yuu u xidhan yahay?
Ahmed Barre waa nin kamid ah ganacsata Soomaalida ah ee aadka looga yaqaano Dubai iyo dalka Soomaliya, oo dhan, waa ganacsade wadanka inbadan joogay wuxuuna ku leeyahay magaaladda Dubai shirkado badan iyo guryo badan.
Axmed, waxa haysata kooxdaa dadka ganacsatada ah dhibaatada ku haysa, waxaana lagu haystaa si xaqdaro iyo dulim ah, wuxuuna ku xidhanyahay xabsiga Ceweer ee Ku yaala Dubai.
Ahmed barre waxaa looga yeeddhay xafiiska Muraaqabad–(station police) taariikhdu markeyahayd 09/05/2017, ka dib markii uu soo jaajusay Bashiir .
Axmed Barre waxaalagu sameeyey baaritaanka (harsh interrogation-ka loo yaqaano ka dibna xabsiga loo taxaabay loonadiiday damiin iyo mudo uu hantidiisa kala daadsan ku soo uruursado.
Codsi
- Waxaa dowladda Imaaraaadka iyo umaradeedda khayrka iyo sharafta baddana laga codsanayaa in ay Axmed Barre u ogolaadaan in uu maxkamadda cadaalad ah helo.
- Dowladda Soomaaliya waxaa laga codsanayaa inay baadhitaan ku samayso sababta iyo cida kadanbaysa xadhiga dhibane Ahmed Barre iyo sidii uu Dhibanahu u helilahaa maxkamad cadaalad ah.
- Dowlada somalia waxaanu ka codsanaynaa in ay baadhitaan dhab ah ku samaysaa shaqsiyaad ka kor ku xusan ee caadaystay
gaboodfalkagacansatada somaliyeed ee dalka emirateka lagu lakaco.
Ugu danbayntii dowlada somaliya waxaanu ka codsanayaa in ay dowllada Emirates ka codsato file danbiyeedka dhibane Ahmed Barre.si ay u ogaato ama u hesho xaqiiqadda waraaqaha been abuurka ah ee ganacsata somaliyeed lagu masaafuriyo.
Ganacsato Soomaaliyeed ee Dubai oo sheegay inay dhibaatooyin kala kulmaan Kooxo isku xiran
Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka carabta ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sanadihii u dambeeyay kala kulmayeen Rag ka tirsan amniyaadka Dubai, kuwaasoo ku haya xadgudub, cagajugleyn, xarig iyo