Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya

0
Tuesday December 01, 2015 - 20:03:46 in Wararka by
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya

    Muqdisho, 1 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 1 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit.

Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaann mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu isla maanta xafiiskiika warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Tarja Orvokki Fernandez.

Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB.

Labada dhinac waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö , waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Madaxweynaha ayaa labada danjire ee Thailand iyo Finland u balanqaaday in dowladda ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Kulamadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale.

---DHAMMAAD---

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A1043

President Hassan and Thai new Ambassador to Somalia Mr Prasittiporn Wetprasit. Photo by Villa Somalia

IB0A1069

President Hassan and Thai new Ambassador to Somalia Mr Wetprasit. 1st Dec 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1087

President Hassan and Thai Ambassador Mr Wetprasit at Villa Somalia. 1st Dec 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1130

Mr Ahmed A. Kediye (L) Somali Deputy Foreign Minister, Daud Aweis (M), Spokesperson to the President, Hinda Ali (R) Ministry of Foreign Affairs

IB0A1221

President Hassan and new Finish Ambassador to Somalia Tarja Orvokki Fernandez at Villa Somalia. 1st Dec, 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1260

President Hassan and new Finish Ambassador to Somalia Tarja Orvokki Fernandez at Villa Somalia. 1st Dec, 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1283

President Hassan and new Finish Ambassador to Somalia Tarja Orvokki Fernandez at Villa Somalia. 1st Dec, 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1296

Mr Ahmed A. Kediye (L) Somali Deputy Foreign Minister, Daud Aweis (R), Spokesperson to the President. 1st Dec. 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1159

Thai Ambassador Mr Wetprasit (L), Daud Aweis (M) Spokesperson to the President, Mr Kediye (R),Somali Deputy Foreign Minister. 1st Dec. 2015. Photo by Villa Somalia

IB0A1382

Finish Amb. to Somalia Tarja O. Fernandez (L), Mr Kediye (M) Somali Deputy Foreign Minister, Daud Aweis (R) Spokesperson to the President. 1st Dec. 2015. Photo by Villa Somalia

facebooktwitter
1px
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip