Dhaqtarad u dhalatay dalka Talyaaniga oo Kenya lagu dilay & Booliiska oo saddex ruux u soo qabtay dilka

0
Tuesday December 01, 2015 - 19:50:52 in Wararka by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqtarad u dhalatay dalka Talyaaniga oo Kenya lagu dilay & Booliiska oo saddex ruux u soo qabtay dilka

    Dhaqtarad u dhalatay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabi jiray Rita Fossaceca, ayaa lagu dilay magaalada Watamu ee Degmada Kilifi ee dalka Kenya. Dilka Dhaqtaradan ayaa dhacay Todobaadkaan gudihiisa, waxaana lagu weeraray meel Hotel ah oo ay ka cas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqtarad u dhalatay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabi jiray Rita Fossaceca, ayaa lagu dilay magaalada Watamu ee Degmada Kilifi ee dalka Kenya. Dilka Dhaqtaradan ayaa dhacay Todobaadkaan gudihiisa, waxaana lagu weeraray meel Hotel ah oo ay ka casheynaysay, iyadoo weerarkaasi lagu dhaawacay labo ruux oo la socotay Dhaqtarada halka iyana la dilay. Haweenay Dhaqtarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Rita Fossaceca, waxaana da’deeda ay aheyd 51 sano jir, weerarka dilkeeda ayaa la sheegay in loo adeegsaday baangad oo lagu khaarijiyay, halka labada ruux ee kale ee la socotayna lagu dhaawacay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya Charles Owino ayaa shalay oo Isniin aheyd sheegay in dilka noocaan ah uu waxyeelleynayo dhaqaalaha Kenya, maadaama dalxiiska uu yahay laf dhabarta kobaca dhaqaalaha, sidaasi awgeedna aan marnaba loo dul qaadan doonin falalka ceynkaasi ah.

Mr Owino ayaa sheegay in haatan baaritaanka uu marayo meel wanaagsan, goor dhowna la filayo in la cadeeyo qofka dilaaga ah iyo cida ka dambeysaba.

Haweenayda Dhaqtarada ah ayaa Dalxiis ahaan u joogtay dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Watamu oo lagu dilay, halkaasi oo dhowr mar Dalxiis ahaan ay u tagtay.

Dowladda Kenya ayaa cambaareysay falka dilkaasi ee loo geystay Dhaqtarada u dhalatay dalka Talyaaniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip