
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 9-KA SABTEMBAR 2017-KA
Goobjooge, ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu watay baaskiil, xilligii uu goob taasi imaanaa yay, iyadoo uu gudaha u gal ay maqaaxida, da qiiqado ka dibna uu is qarxiyay.
Waxaa la xaqiiji yay inay 4 qof ku dhimatay is miidaa mintaasi, halka 3 kalena ay ku dhaawacan tay. Dhibbaneyaashu dhammaantood waa rayid oo ganacsato ay ku jiraan.
Waxaa la soo sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro Samafale Ibraahim Axmed Ibra ahim (Macruuf), oo la shaqaynayay Hay’a daha Arlaadi iyo Intersos, oo arrimaha gar gaarka ka shaqeeya.
Nin ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa sheegaya in mar qura uu is bedelay jewigii maqaaxida, ka dib mar kii uu is qarxiyay ninkii isa soo miidaamiy ey ay dadka dhibaateeyay. Gaad iidka gur madka degdegga oo halkaasi gaaray, ay aa ka daadgureeyay dhibaneyaasha oo la gaarsii yay Isbitaalka Guud Baydhabo. Qoysaska iyo ehelada dadkaasi, ayaana buuxiyay isbitaalkaasi.
Weerarkan, ayaa burbur xooggan soo gaarsiiyay maqaaxidaasi. Maqaaxidan oo xilliyada Galbihii ay dadku isugu yim aadan, ayaa waxaan la garanayn ujeed ada ka dambeysa in la beegsado.
Bishii February ee sanadkii hore, ayay ah ayd markii weeraro ismiidaamin ahaa lagu qaaday maqaa xidan, oo dad badanina ay ku dhinteen.
HIRSHABEELLE OO HIRGELINAYSO MASHRU UC MUHIIM AH
W/Bii’ada iyo Deegaanka M/Hir shabe ele Cabdi Kariin Nuur Xasan Doob yare ayaa Simba u she egay in ay dhagax dh igeen goob loogu Tala galay in Dadka iyo Xoolaha ay biyo kaga cabbaan.
Wasiirka ayaa sheegay in deegaanka koongo ee ku yaala duleedka M/Jowhar ay ka Hergeliyeen wartaas isaga oo intaa si raaciyay in mashruucaas mud do laba bilood ah lagu soo gaba gabeeyn doono.
Wasiir Cabdi Kariin Nuur Xasan Doob yare ayaa sheegay in mashruucaan uu ya hay kii Ugu horee yay ay ka her geliyaan Hir shabeelle oo xoolaha laga waraabin karo dadkana ay isticmaali karaan weliba si bilaash ah
KENYA OO BOQOLAAL KUN BIXINEYSA HELI STA XOG KU SAABSAN DAGAALYAHA
Saraakiil sar sare oo ka tirsan Bileys ka Kenya ayaa warbaahinta u sheegey in Boqoalal Kun oo Doolar ay ku bixin doon aan helista xogta Dagaalyahanada alshab aab ee ku dhuumaaleysanaayo deegaano dhaca Gobalka Waqooyi Barli Dalkaasi.
Waxa ay sheegeyn in ay jiraan dagaalay ahano si gaar ah xogtooda ay u danee na yaan oo ay male enayan inay ku dhuum aaleysanayaan Keymaha Bony oo aan
sidaa kaga fogeyn Deegaan Xeebeed ka Lamu, waxa ayna intaa ku dareyn in Dagaal yahanad aasi ay helista xogtooda hoose ku bixin doonaan lacag dhan 20, 000 dollar. Axmed Iman Cali ayey ku sheegeyn saraakiishaan in uu yahay Hogaa miyaha Kenyanka qeybta ka ah Alshaba ab iyo tod obo Dagaalyahano kale ay ku bi xin doonaan lacago ka badan dagaalya hanada kale.
"Weligoodba Keymaha Bony ayaa u ah eyd xarun ay Tababaro ku siiyaan Kenyan ka quud daree nayo ku biiristooda, waxay ne u tahay goob ay ku dhuumaaleystaan waana ka war heynaa waxaase lacagaa haan ku bixineynaa bal inaan ku helno xog hoose oo inoo sahleysa soo qabasha d oda maa dama Keyntaasi ay tahay meel aad u weyn ayna adagtahay in si sahlan lagu helo qof ku d
huumaaleysanaayo ha ba ugu darnaato qof in muddo ah ku dhuu maaleysanaayey oo fahmay ku no ola shada iyo ku dhuumaaleysiga keyntaasi” ayey sheegeyn saraakiisha u hadlay Bile yska Kenya.
Waxaanan daahsooneyn in Dagaalya hanada alshabaab ay dhawaanahani Gob al ka Waqooyi Bari Dalkaasi ay ka wade yn Howlaglo qorsheysan oo ay ku baacsa naayaan misiixiyiinta Kenyanka ah iyo cid ii ay u arkaan Cadawgooda.
WASIIRKA CAAFIMAADKA OO SHIR UGA QEYBGASHAY HELSINKI
W/W/Caafimaadka ee XFS,Fowsiyo Abiikar Nuur oo uu wehliyo la taliyaha Wasar rada xagga Caa fimaadka taranka iyo dhal laanka Dr Abdulqadir Wehliye ayaa safar 2 casho ah oo shaqo ku jooga M/Helsinki ee dalka Filand.ayaa ka qeybgalay shir lo oga hadlayay Caafimaadka Haweenka Wa ddamada burburka soo maray.
Wasiirku waxay ay shir gooni gooni ah la yeelatay W/W/Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta Mr.Kai Mykkänen iyo Wasiir ka Arrimaha Qoyska iyo Adeegyada Bulsh ada Ms Annika Saarikko, wa xayna isla soo qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka iyo Dalka Soomaaliyeed..
Wasiirad Fowsiyo waxay kaloo la ku lantay Hey’ada IOM MIDA FINNSOM kala na hadadhay baa hidda loo qabo in qurbajoogta Soomaliyeed ka qeyb qaa dato dib u dhiska Waddankooda Wefdi ga Soomaaliyeed waxaa ay booqdeen he y’ado badan oo ay ugu horreyso Natonal Institute for Hea lth and Welfare.,iyagoo ku lan la qaateen jaalliyadda Soomaalida ee ku sugan Dalkaasi, waxayna ka la hadas hay wasiiraddu xaaladda caafimaad ee wadanka iyo sidii la isaga kaashanlahaa..
Wasiiraddu waxay kaloo ka qeybga shay casho sharaf aad loo soo abaabulay laguna wada fala nqeeyay kaalinta ay ka qadan karto qurbajoogta Finland kor u qa adidda dareyeelka C/fimaad ee Somaliya.
D/WAABERI OO KU GUULEYSATAY TARTANKA K/CAGTA EE DEGMOOYINKA G/BANAADIR
Degmada Waaberi ayaa habeen hore ku guule ystay Tartanka Kubadda cagta ee degm ooyinka, ka dib markii ciyaartii Finalka ay uga badisay degmada Hodan 31.
Ciyaartoyda degmada Waaberi ayaa qeybtii hore ee ciyaarta la soo baxay dar dar, waxaana ay 20-kii daqiiqo ee u horey say ay dhaliyeen 2 Gool oo deg deg ahaa.
Degmada Hodan ayaa qeybtii hore hesh ay Rigoore, inkastoo ay khasaariyeen, ha se ahaatee cal anwadaha ayaa ku tilmaa may in goolhayaha degmada Waaberi uu qalad sameeyay, bannaanka u soo baxay, waxaana mar kale loogu celiyay Rigoora da inay tuurtaan degmada Hodan, waana ay iska khasaariyeen markii 2aad ee loo gu celiyay.
Waaberi ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku hoggaamineysay 2-0, waxaana laga saaray hal ciyaaryahan, oo la siiyay kaarka cas. Qeybtii 2aad ayaa Waaberi ay la tim id goolkii 3aad, waxaana uu ahaa gool niyad jabiyay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Hodan. Ciyaartoyda D/Hodan oo xaal ka ku xumaaday, waxaana dhowr jeer ay Isku dayeen inay goolasha lagu leeyahay iska soo gudeen, balse 15daqiiqo markii ay ciyaarta ka harsaneyd ayaa waxaa ay heleen hal gool.
Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku racaday, ko obkiina ay ku qaadeen kooxda degmada Waaberi, oo markii 3aad Final u soo bax day, iyadoo 2dii Final ee u dam beeyay ko obka laga qaaday. Ciyaartan ayaa aheyd tii u horeysay ee la qabto xilli habeen ah muddo 30 sano, waxaana garoonka Koon is Stadium lagu dhajiyay nalal waaweyn oo garoonka oo dhan ifin ayay .
G/G/B/dir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Guddoonsiiyey Abaalmarinta Taratanka Deg.G/Bnaadir D. Waaberi oo Noqtay Hoy aalka Degmooyinka ee Sanadkaan waxaa na la siiyey Jeeg 50 Malyan Sh. Som. ah iyo koobkii kalinta 1aad iyadoo degmooyin kaHodan iyo kaaraanna la siiyey 25 mal yan iyo 10 malyan oo kaalimha 2/3aad ah.
dhinaca kale billado ayaa la guddonsiy ey dadkii gacanta ka geystay iyo kuwii u gu firfircoonaa iyo Tartanka.
SHARMAARKE: KHALAD AYAY AHAYD IN QALBIDHAGAX ETHIOPIA LOO DHIIBAY
13 DAQIIQO KA HOR
Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowla ddii hore ee uu ra'iisulwasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weyd aarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.
Sharmaare oo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Martida Makrafoonka VOA ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbidhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo ma amulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.
RW Sharmaare ayaa dhanka kale khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim QalbiDhagax oo uu she egay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Ethiopia. Weriyaheena London Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa wareysi gaar ah khadka taleefonka kula yeeshay RW hore Sharmaarke
XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAANKA OO DIYAARIYAY MOOSHIN KA DHAN AH XUKUUMADDA KHEYRE (AKH
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaan ka marka la saxiixo.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya inuu socdo saxiixa Xildhibaanada taageersan Mooshinka, inkastoo nuqul ka mid ah qoraalka Mooshinka ee aan helnay aanay ku qorneyn Xildhib aanada saxiixay, waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada diyaariyay mooshinkan ay gaarayaan illaa 50-meeyo.
Qoraalka Mooshinka laga diyaariyay Xukuumadda ayaa loo cuskaday qodobo culus, sida khi yaano qaran iyo ku xadgudubka dastuurka oo ay ku eedeeyeen inay gashay Xukuumadda, iyagoo soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka.
Maalinta maanta ayaa la filayaa inuu furmo kulanka Baarlamaanka, iyadoo ajandaha looga hadlayo uu ka mid yahay go’aankii Xukuumadda ka qaadatay arrinta Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo ay dow ladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.Halkan hoose ka akhriso nuqul ka mid ah Qoraalka Moo shinka:
MIDOWGA AFRIKA OO SHEEGAY IN CIIDA MO DHEERAAD UU U BAAHAN YAHAY HOWLGALKA AMISOM
riso)
Kulankan oo looga hadlayay Xaalada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Adds Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socota Dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nig eria iyo Uganda oo Ciidamo ka qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay ka joogaan Dalka Soomaaliya.
Kulankan uu shir guddoominyay Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Sm ail Chergui, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka kala socda Dalalka Mareykanka, Britain iyo Xubno kale oo matalayay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub.
Guddiga isku xirka howlaha military ee howlgalka AMISOM, ayaa laga dhageysato warbixino ku saabsan howlgalka AMISOM ee ka socda qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Guddigan ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu u baahan yahay dhaqaalo, si loo wado taageerida Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dagaalka kula jira Xarakada Al Shabaab.
Waxaa sidoo kale ay xuseen in ay jirto baahi loo qabo Ciidamo dheeraad ah oo lagu soo biir iyo howlgalka AMISOM, maadaama dhawaan Golaha Amaanka ay muddo kordhin u sameeyeen howlgalka AMISOM.
Guddigan ayaa shirka ka sheegay in howlgalka AMISOM uusan sii socon karin ilaa Ciidamo dheeraad ah lagu soo biiriyo howlgalka haatan ka socda Dalka Soomaaliya.
XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAANKA OO DIYAARIYAY MOOSHIN KA DHAN AH XUKU UMADDA KHEYRE (AKHRISO)
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaan ka marka la saxiixo.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya inuu socdo saxiixa Xildhibaanada taageersan Mooshinka, inkastoo nuqul ka mid ah qoraalka Mooshinka ee aan helnay aanay ku qorneyn Xildhiba anada saxiixay, waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada diyaariyay mooshinkan ay gaarayaan illaa 50meeyo.
Qoraalka Mooshinka laga diyaariyay Xukuumadda ayaa loo cuskaday qodobo culus, sida khiy aano qaran iyo ku xadgudubka dastuurka oo ay ku eedeeyeen inay gashay Xukuumadda, iyagoo soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka.
Maalinta maanta ayaa la filayaa inuu furmo kulanka Baarlamaanka, iyadoo ajandaha looga hadlayo uu ka mid yahay go’aankii Xukuumadda ka qaadatay arrinta Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Halkan hoose ka akhriso nuqul ka mid ah Qoraalka Mooshinka:
BOQOR SALMAN OO DHOWAAN LA BOQORNI DOONO
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman laga yaabo in uu ku wareejiyo taajka boq ortooyada dalkiisa wiilka uu dhalay ee Ma xamed Bin salman oo haatan ah amiI rka dhaxal sugaha.Kooxda lagu magacaa bo Eurasia ayaa daraad shaacisay warkan iyadoo sheegtay in ku wareejinta xilka Bo qortooyada ay dhici karto toddobaadyada soo socda si loogaga hortago in suurt oga lnimada in kacdoon uu ka dhex dilaaco gu daha qoyska reer Boqor ee Sacudi Car abiya
"Waxaan filayaa in Boqor Salman uu ku wareejin doono boqornimada wiilkiisa toddobaadyada soo socda haddii aysanba dhaqso ku iman si aysan mucaaradka ka dhex jira reer Boqor uga hor istaagin in uu noqdo boqorka Sacudi Carabiya.”ayuu yiri Ayham Kamel oo madax ka ah kooxda Eurasia Group.
Amiir Maxamed isaga oo hadda aanan Bo qor aheyn ayuu dalka Sacuudiga maamul aa, waxaa lagu eedeeyaa inuu lahaa go’a ankii go’doominta Qatar, waxaa uu mas’ uul ka yahay siyaasadda dalkiisa gaar ahaan sida loo wajahay dalka Yemen.
Dhaqaale ahaan, waxaa uu wadaa National Transformation Plan, "Vision 20 30” iyo habab kale oo dhaqaalaha dalkaa si kor loogu qaadayo, waxaana lagu tu hmaa in uu yahay in ka furfuran madaxda kale. Aragtida cusub ee Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan uu la yimid waxaa ka mid ah sidii looga maarmi lahaa Shidaa lka 2020ka, in la suuqgeeyo hantida ma guurtada ah ee dowladda iyo in 1.2 Milyan oo qof shaqo la abuuro si loo yareeyo Baa gamuuddanimada dalka Sacuudiga 11.6% illaa 9%.
MEXICO OO SAFIIRKA WAQOOYIGA KUURIYA KA SAAREYSO DALKEEDA
Mexico ayaa ku amartay safiirkii Waq ooyiga Kuuriya wadankeeda u fadhiyey in muddo 72 sacadood gudahood uu kaga baxo dalkaasi, arrintaasi oo la sheegey in Mexico ay kaga jawabeyso tijaabooyinkii Nuclearka ay dhawaanahaani sameyneys ay dowladda uu Hogaamiyo Kim John Un.
Waxayna safiirka ku wargelisey in ay hab oontay in uu sida ay tahay u tixgeliyo am arka kasoo ba xay Madaxda wasaarada ar rimaha Dibeda ee Mexico ayna sidaasi ha boontahay, waa hadii bay yiraahdeyn la doonayo in mar uun uu dib usoo hagaago xiriirka iyo xushmada ay isku heyn jireyn labadaani dal.
Hong Gil oo ah safiirka la eryey ayaa waxa kaliya ee u furan in uu isaga baxo dalkaasi, iyadoo ay Waqooyiga Kuuriya ay sii weynneyso saaxiibadeyda fara ku tiri ska ahaa oo ay mexico iyo Maleysia ugu dambeeyeen.
WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIR LOOGAGA HADLAY AMNIGA G/KACYO
Kulan loogaga hadlayay xasilinta xaaladaha colaadeed ee ka dhex jira maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo gabagabeeyay daraad magaalada Gaalkacyo iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 1o qodob,
Kulankan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in shir dib u heshiisiineed la qabto,in laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal iyo in wadooyinka colaadaha ku xiremey dib loo furo.
Waxaana lagu heshiiyey qodobada soo socda:
1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.
2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.
3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.
4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.
5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.
6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.
7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.
8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.
9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.
10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.
KULAN HOR DHAC U AH DHISMAHA M/HIIRA ANLAND OO KA DHACAY BELEDWEYNE
Iyadoo dhawaan qoraal si wada jir ah ay u soo saareen saaxiibada caalamka ay walaac ka muujiyeen maamul cusub oo looga dhawaaqo gobolka Hiiraan, ayaa waxaa daraad magaalada Beledweyne ka dhacay kulan hor dhac u ah dhismaha maamul lagu magacaabo HiiraanLand oo ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Sare.
Odayaal iyo waxgarad ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhamaanba bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ku mideysan yihiin dhismaha maamulkan, iyaga oo sheegay in markii horeba waxgaradka gobolka Hiiraan ka soo horjeedeen dhismaha maamulka Hirshabeelle ee xaruntiisu tahay Jowhar.
Arimahan oo dhan ayaa imanaya xili dhinaca kale magaalada Jowhar loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynihii labaad ee uu yeesho maamulka Hirshabeelle wax ka yar sanad, kaddib markii xildhibaannada baarlamaanku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulka Cali Cabdullaahi Cosobole oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.
Laakiin dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku talineysa in la raaco hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo maamulka Hirshabeelle , dastuurka iyo habraaca baarlamaanka ee u deg san, iyaga oo intaa raaciyay in la ilaaliyo muhiiimada ay leedahay xasilloonida siyaasadeed ee laga ma maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.
GANTAAL LAGU DHUFTAY GAARI MARAYAY DUL EEDKA DEEGANKA KUUNYA BAROW
Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in gantaal laga soo ridey diya arada aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay gaari marayay duleedka deegaanka KuunyoBarow oo ka tirsan degmada Baraawe.
Gaariga ayaa la sheegay in ay la socdeen saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyn laga fuli yay agagaarka Baraawe, laguna dilay hal dagaalyahan
Duqeyntan ayaa dhacday daraad oo Khamiis aheyd, abaarihii 2:45 saacada geeska Afrika, sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.
Weerarkan ayaa noqonaya kii 3aad oo uu Mareykanka fuliyo todobaadkan gudihiis.
G/WASIIRRADA OO ANSIXIYAY HESHIIS KA ISUCELINTA MAXAABIISTA EE DOWLAD AHA INDIA IYO SOOMAALIYA
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii daraad waxaa ay ku ansixiyeen heshiiska isucelinta maxaabiista dowladdaha India iyo Soomaaliya, waxaana he shiiska dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soo maaliya kala saxiixdeeen ee isucelinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadin iinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo.
Xabsiyadda ku yaalla dalka India, waxaa ku xiran Soomaali baddan, kuwaas oo intooda badd an lagu eedeeyay burcadbaddeednimo.
Dowladda India, ayaa dhawaan xukun ku riday eedeysanayaasha, balse xukuumadda ayaa iminka dadaal ugu jirta sidii Soomaaliddaasi loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.
Kulankii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shirguddoominay ay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa arrimaha looga hadlay wax aa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isucelinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.
WASIIRKA AMNIGA SOOMAALIYA OO SHEEG AY IN AMMAANKA DALKA UU AAD U WANA AGSANYAHAY
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo daraad golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaa liya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.
Wasiirka ayaa sheegay in magaalladda Muqdishu iyo gobollada dalka ay ka socdaan howgallo la gula dagaallamayo Al Shabaab iyo kooxaha kale.
Ammaanka caasimadda Soomaaliya, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu ahaa mid kas oo haggaagaya sidii uu ahaan jiran, waxaana magaalladda wali ka socda howlgallada ay sameyna yaan ciidamadda xasilinta caasimadda.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga oo isagan golaha warbixin siinayay ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka, marka ay baxaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo, ayaa dad badan ay ku bogaadiyeen sida ay isaga xilsaar eyso bixinta mushaaraadka ciidanka dowladda, waxaana madaxda ay sheegeen in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda tan iyo markii ay timid dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farm aajo.
MEXICO OO SAFIIRKA WAQOOYIGA KUURIYA KA SAAREYSO DALKEEDA
Mexico ayaa ku amartay safiirkii Waqooyiga Kuuriya wadankeeda u fadhiyey in muddo 72 sacadood gudahood uu kaga baxo dalkaasi, arrintaasi oo la sheegey in Mexico ay kaga jawabeyso tijaabooyinkii Nuclearka ay dhawaanahaani sameyneysay dowladda uu Hogaamiyo Kim John Un.
Waxayna safiirka ku wargelisey in ay haboontay in uu sida ay tahay u tixgeliyo amarka kasoo baxay Madaxda wasaarada arrimaha Dibeda ee Mexico ayna sidaasi haboontahay, waa hadii bay yiraahdeyn la doonayo in mar uun uu dib usoo hagaago xiriirka iyo xushmada ay isku heyn jireyn labadaani dal.
Hong Gil oo ah safiirka la eryey ayaa waxa kaliya ee u furan in uu isaga baxo dalkaasi, iyadoo ay Waqooyiga Kuuriya ay sii weynneyso saaxiibadeyda fara ku tiriska ahaa oo ay mexico iyo Male ysia ugu dambeeyeen.
AL SHABAAB OO SHEEGTAY IN AY DILEEN ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA AMISOM
Wararka laga helayo Degmada Mahaday ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Qarax xoo gan lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Qaraxan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Buu rane ee Duleedka Degmada Mahadaay.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ka dhacay goob inta badan ay fariisan jireen Ciida mada Nabad Ilaalada ah ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dalka Burundi.
Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi miino ayaa sheegay in hal askari ay ku dileen.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan sheegasha da Xarakada Al Shabaab.
QM OO KA WALAACSAN CUNNO YARI KA JIRTA QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA
Madaxda Hay’addaha FAO, IFAD iyo WFP ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah uga hadlay baahida loo qabo in la sameeyo mashaariic kala duwan oo wax looga qabanayo sameynta ka dhalatay abaraahii dhawaan ku dhuftay Soomaaliya.
Madaxa Sanduuqa Caalamiga ee horumarinta Beeraha (IFAD) Gilbert F. Houngbo ayaa wa xuu sheegay in 3.3 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay baahan yihiin gargaar cuuno, waxaa uu sheeg ay in Dadkan ay saameeyeen abaaraha.
Madaxda Hay’addaha FAO iyo WFP oo isuguna booqasho ku tagay Dalka Itoobiya ayaa wax ey sheegeen in muhiim ay tahay in wax badan laga qabto saameyntii ka dhalatay abaarahii ku dhuf tay Dalka Soomaaliya.
Madaxdan ayaa sidoo kale kulan looga hadlay abaarihii ku dhuftay Dalalka Soomaaliya iyo Ito obiya waxey ku yeesheen Magaalada Adds Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu taageerayo Soomaalida ku sug an gudaha Dalka Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa tiro dhowr jeer ah warbixino ka soo baxay waxaa lagu sheegay malaayiin ruux oo Soomali ah ay wajahayaan xaallado nololeed oo u baahan in wax laga qabto.
SOMALIA OO BEESHA CAALAMKA KA DAL BATAY KORDHINTA GARGAARKA BINI’AADAN NIMO
Dowlada ah ee Soomaaliya ayaa dalalka deeqaha bixiya iyo hay’adaha gargaarka ka dalb atay in la kordhiyo kaalmada Soomaaliya si loo samatabixiyo milaayiin ruux oo ay sameyeen abaar aha ku dhuftay Soomaaliya.
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Maryan Qaasim ayaa dhawaan hay’adaha ka shaqeeya dhinaca gargaarka bani’aadinimo ugu baaqday in sare u qaadan u gargaarida dadka tabaaleysan
Wasiir Maryan Qaasim ayaa xustay in muhiim ay tahay in kaalmada bani’aadinimo la gaars iiyo dadka u baahan kuwaas oo ay sheegtay in xaalado nololeed ay tahay mid halis weyn ku jirta.
Maryan Qaasin ayaa xaqiijisay in dowlada federaalka ah in ay si weyn ula shaqeynasay hay, adaha gargaarka si dadka nugul ay u heleen samatibixin dhab ah
Ugu dambeyn, Xiriiriyaha arimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerq ayaa xusay in ay dadaalo xoogan ku bixiyeen taakuleynta dadka tabaaleysan balse wuxuu inta asi ku daray in dad badan oo ay abaaruhu ku dhufteen aysan weli heli wax gargaar ah.
GALMUDUG OO KU BAAQDAY IN LA HIRGEL IYO HESHIISKII GAALKACYO
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa ku baaqay in la hirgeliyo qodobadii ku saabsanaa nabadeynta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mu dug.
Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in dhammaan la hirgeliyo qodo badii ka soo baxay shirkii Gaalkacyo, gaar ahaan qodobada saldhiga u ah heshiiskan.
Wuxuu sheegay marwaba ka Galmudug ahaan in ay kago’an tahay Gaalkacyo iyo gobolka Mudug oo hal ah, Puntland dhankoodana ay ka rajeynayaan si la mid ah, si shacabka labada dhinac ay u helaan wada noolaansho.
"Waxyaabaha aan jecelnahay in marlwaba si toos ah loo abaaro ay tahay waxaa ka mid ah heshiiskii daraad, sida in la furo jidadkii iyo magaalada oo kala xirneyd, anaga marlwaba waxaa na ga go’an Gaalkacyo iyo Mudug oo hal ah”. Ayuu yiri (Carabey).
Shir qaatay Saddex maalmood ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee gob olka Mudug, kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay kala hogaaminayeen labada Madaxweyne ku xigeen.
SOOMAALIYA OO ISKU DIYAA RINEYSO SOO SAARISTA SHIDAALKA
Xukumada Soomaaliya ayaa Sheegtay in la Dhisaya Hay’adda Batroolka iyo soo Saarista Shi daalka Taasi oo Fududeynaysa Heshiisyada Shidaal Baarista ee Dowladda Soomaaliya ay Doonay so in ay la gasho Shirkadaha Shidaalka ee Caalmanka.
Wasiirka WarFaafinta Qaranka Soomaaliya Mune C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa Sheegay in Xukumada ay Meel Marisay Sharciga Batroolka Soomaaliya sidoo kalena Xukum adu ay Dhisayso Hay’add Soomaaliya u Qaabilsan Arimaha Shidaalka si looga Faa’ideysto Kheyra adka Dalka ku jira.
Soomaaliya oo ah Dal ka soo kabanaya Xasarado kala Duwan iyo Dagaalo sokeeyey ayaa waxaa lagu Tuhmayaa in ay laga Heli karo ceel Shidaal waxaan Golaha Wasiirada Xukumada So omaaliya ay meel Mariyeen Sharciga loo Marayo Soo saarida Shidaalka Soomaaliya.
TRUMP OO DHEXDHEXAADINAAYA KHILA AFKA WADAMADA KHALIIJKA
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rabo in uu dhexdhexaadiyo masha akilka ka dhex aloosan dawladda Qadar iyo dalalka ay dariska yihiin ee Carbeed.
Xulafo uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii Juunyo, Dalalkaasi wax ay sheegeen in ay arrintaas u cuskadeen in Qadar ay taageerto koo xaha argagixisada ah, dawladda Qadar ayaase si wayn u beenisay eedaymahaas, taas baddalkeedana waxay ku dooday in ay door muhiim ka ah ka ciyaarto la daga alanka argagixisada.
Trump ayaa sheegay in uu u arkay in haddii uu gacan ku yeesho "ay durba heshiin laha ay een” dalalkan Carbeed.
BOGGA CAYAARAHA
AYAA NOQDAY CIYAARYAHANKA KU GUULEYSTEY LAACIBKA BISHA EE HORYAALKA PREMIER LEAGUE?
Horyaalka ugu daawashada badan caalamka ee Premier Leaguega ayaa bil walba waxa uu soo saaraa qiimeyn dhanwalba ah hadii ay ahaan lahayd ciyaaryahanka iyo kooxda iyo tababaraha waxaa nasiib u yeeshay in uu noqdo ciya aryahanka bisha Weeraryahanka kooxda kubada Cagta Liverpool ee Sadio Mane oo ku Guuleystey Cayaaryahankii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee August 2017 ee Horyaalka Premier League dalka England laga dheelo.
Ciyaaryahankaan Sadio Mane ayaa Noqday Cayaaryaahnkii koowa ad ee Xiligaan ku Guuleystey Xiddiga Bisha Horyaalka Premier League dalka England Xili Cayaar eedkaan bilaawga ah ee 20172018da.
Xiddigaaan Sadio Mane ayaa abaal marintaan ku garaacay Cayaartoy ay ka midyihiin Phil Jones, Romelu Lukaku iyo Henrikh Mkhitaryan, oo Manchester United u dheela Weeraryaahanka Chelsea ee lvaro Morata iyo Goolhayaha Huddersfield Jonas Lossl Mohamed Salah oo ay isku Naadi u Caya araan ee Liverpool
WARBIXIN: SIDEE AYAY WEERARYAHANDA KOOXDA PARIS SAINTGERMAIN – NEYMAR, CAVANI IYO MBAPPE UGU DHIGMAAN WEERARYAHANDA KOOXAHA REER YURUB
Kooxda Paris SaintGermain ayaa Weerarkeeda ka kooban xiddigaha Neymar,Cavan iyo Mbappe markii ugu horaysay ku wada ciyaari doonto kulanka ay jimacaha marka ay la ciyaarayso kooxda Me ts kulan ka tirsan horyaalka Ligue 1.
Kooxda laga leeyahay Qatar ayaa ka yaabsatay adduunka kadib markii ay suuqii xagaaga xiddiga ha Neymar and Kylain Mbappe ka soo bixisay lacag dhan 364 milyan oo euro.
Labadan xiddig ayaa weerarka kooxda PSG kula biiri doona xiddigaha Edinson Cavani iyaga oo no qon doona saddex xiddig oo ka wada ciyaara weerarka PSG.
Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa sida weerarka kooxaha reer yurub ee kala ay ugu dhigmaan 3dan xiddig.
Neymar and Kylian Mbappe appeared to get along well as they trained together on Wednesday
Waxa aynu saddexdan xiddig oo wada ciyaaraya arki doonaa maalinta jimcaha markii ugu horaysay marka ay kooxda PSG la ciyaari doonto kooxda Mets,Kylian Mbappe ayaa safan doona kulankiisii u gu horeeyay kadib markii uu amaah uga yimid kooxda Monaco, Neymar ayaa dhankiisa dhaliyay 3 gool 3dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka France halka Edinso Cavani uu dhankiisa dhaliyay 5 gool 4t-iisii kulan ee xilli ciyaareedkan.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 8/10.
Chelsea – Hazard, Morata, Pedro
Waxa aynu halkan ku arkaynaa 3 weerar oo dhawaan isku yimid iyada oo uu Alvaro morata ka bad alay Diego costa weerarka chelsea, Hazard ayaa dhawaan si buuxda taam u noqon doona, waxa xiiso yeelan doonta xiddigan kadib wacdarihii uu xilli ciyaareedkii hore dhigay, Morata ayaa laftiisu wacdaro dhigay kulamadii ugu horeeyay ee uu xirnaa maaliyad Blues waxana si aad ah loo rumays an yahay in uu badali doono Digeo costa.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 7/10.
Can Karim Benzema, Cristiano Ronaldo and Gareth Bale lead Real Madrid to glory again?
Saddexdan xiddig ayaa loo yaqaanaa macagooda marka la soo gaabiyo BBC waxa ay baqdin galiy een daafacyada reer yurub sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo ku guulaystay labadii champions lea gue ee ugu dambeeyay, Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu muhiimsan isaga oo wacadaro dhiga kulam ada waaweyn isaga oo caawimo ka helaya xiddigaha kooxdiisa ay ka mid yihiin isco iyo Asensio.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 9/10.
Lionel Messi and Luis Suarez have a new partner following the departure of Neymar
Godkii uu baneeyay Neymar ayaa lagu buuxiyay da,yarka Ousmane Dembele waxana uu xiddigan mustaqbal fiican ku leeyhaya kooxda Barcelona waxana uu weerarka Barcelona kula midoobi doonaa Lionel Messi iyo Luis Suarez, labada xiddig ee Suarez iyo messi ayaa muujiyay awoodooda iyaga oo dhaliyay 67 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii laakiin Dembele ayay shaqo adag u taalaa isaga oo looga baahanyahay in uu dhaliyo 24 gool ee uu dhaliyay Neymar.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 8/10.
Manchester City – Bernardo Silva, Jesus, Aguero (ama Sane, ama Sterling Yaa Og).
Sergio Aguero and Gabriel Jesus make Manchester City a supreme attacking threat
Guardiola ayaa kooxdiisa ku haysta weeraryahano badan oo uu ka so xulan karo weerarka uu ku ciyaari karo kulanka 3da weeraryahan ee uu soo xulan karo ayaan la ogaan karin laakiin kuwa uu doortoba waxa ay noqon doonaan qaar khatar ah.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 8/10.
Liverpool – Firmino, Mane, Salah
Saddexda weeraryahan ayaa ah qaar si degdeg ah iskula qabsaday kadib markii uu Mohamed salah ku soo biiray kooxda suuqii xagaagan, xiddiga reer Masar ayaa durba si weyn ula qabsaday kooxdiisa waxana uu dhaliyay 3 gool isaga oo sidoo kale daafaca ku khalkhaliya orodkiisa badan.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 7/10.
Mesut Ozil (left) and Alexandre Lacazette (right) form part of the Arsenal frontline
Laba xiddig oo ka mid ah 3da xiddig ee weerarka uga ciyaara Gunners ayay laba ka mid ah heshiiskoodu dhacayaa dhamaadk xilli ciyaareedkan xitaa mid ayaa ku dhawaaday in uu kooxda ka tago maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga midka kale ayaa si weyn loogu cambaareeyay qaab ciyaareedkiisa halka xiddiga dhexe uu wali la qabsanayo kubada England.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 7/10.
Manchester United – Rashford, Lukaku, Mkhitaryan
Marcus Rashford (left) will be looking to support leading man Romelu Lukaku this season
Jose Mourinho ayaa 75 milyan oo euro ka soo bixiyay Romelu lukaku si uu ugu xoojiyo 3diisa wee rar ee xilli ciyaareedkan, waxana uu khasaariyay rikoore kulankii Liecester laakiin waxa uu ilaa haatan qabtay shaqo fiican waxa uu leeyahay awood sidoo kale orod badan waxana ay argti ka dhe xaysaa goolka.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 7/10.
(lr) Arjen Robben, Franck Ribery and Robert Lewandowski form a formidable front three
Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 30 gool labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay horyaalka Germany halka uu sidoo kale 2 gool dhaliyay 3 kulan oo xilli ciyaareedkan ah waxa uu jirta fursad fiican oo uu mar kale ugu samayn karo wixii uu dhaliyay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waana weeraryahan la isku halayn karo weerarkiisa.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 8/10.
Gonzalo Higuain of Juventus celebrates with Paulo Dybala and Mario Mandzukic
Kooxda marwada duqowday ayaa khasaartay finalkii champions league xilli ciyaareedkii hore xilli 3da weerarka uga ciyaaray ay yihiin qaar cabsi leh laakiin waxa ay mar kale ku guulaystay horyaalka dalkeeda,Higuain ayaa dhigay rikoor dhanka gool dhalinta ah isaga oo dhaliyay 24 gool oo horyaalka ah.
Qiimaha Kharta Weerarkooda: 7/10
ENGLAND - PREMIER LEAGUE SEPTEMBER 9
14:30Manchester City ? - ? Liverpool
17:00Arsenal ? - ? AFC Bournemouth
17:00Brighton & Hove Albion ? - ? West Bromwich Albion
17:00Everton ? - ? Tottenham Hotspur
17:00Leicester City ? - ? Chelsea
17:00Southampton ? - ? Watford
19:30Stoke City ? - ? Manchester United
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 9-KA SABTEMBAR 2017-KA
ISMIIDAAMINTII KA DHACDAY M/BAYDHABO Waxay weerarkii Imiidaamin ah gelinkii dambe ee daraad ka dhacay maqaxida ku taala Bartama ha M/Baydhabo ee G/Bay. Maqaaxidan oo dacalka ku haysa Xarunta Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil, ayaa waxaa weeraray