Daawo Sawirada: Taliyaha Booliska Somaliya oo ku sugan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay Casuumada uu ka helay Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka inay la xiriirto wada shaqeynta ka dhaxeysa Booliska Somaliya iyo Booliska Mareykanka iyo Caawimaada Booliska Mareykanka uu siiyo ciidamada Booliska Somaliya.
"Waxaan halkaan u joogaa casuumaad aan ka helay Taliyaha ciidamada Booliska Minnesota oo Afar bilood ka hor noogu yimid Magaalada Muqdisho soo arkay Kaalinta Mareykanka uu ka geysto dib u dhiska ciidanka Booliska Somaliyed.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya.
Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa ugu baaqay dhalinyarada Somaliyed ee waxbartay inay ku biiraan ciidamada Booliska Somaliyed si loo helo ciidan tayo leh oo aqoon leh.
"Dhalinyarada wax baratay waxaan leeyahay ciidamada Booliska Somaliya ku soo biira Dadkii Aqoonta Booliska lahaa waa ay sii duqoobayaan waxaa la rabaa rag Aqoon leh oo dhalinyaro ah oo bedela dadkaasi waana dhalinyarada maanta joogta.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliye Xaamud.
Tan iyo markii hogaanka uu u qabtay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Booliska Somaliya isbedel weyn ayaa ku yimid.
Daawo Sawirada: Taliyaha Booliska Somaliya oo ku sugan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa booqasho ku jooga dalka Mareykanka, gaar ahaan Gobolka Minnesota.