Dayactirka garoonka diyaaradaha Jowhar oo la soo gabagabeeyay (Sawiro).

0
Tuesday December 01, 2015 - 19:06:29 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayactirka garoonka diyaaradaha Jowhar oo la soo gabagabeeyay (Sawiro).

    Dayactir lagu sameynayay garoonka diyaaradaha ee gobolka Sh/dhexe ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo si rasmi ah uu maamulka gobolka uu u sheegay in ay diyaaradaha ka soo degi karaan kana duuli karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayactir lagu sameynayay garoonka diyaaradaha ee gobolka Sh/dhexe ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo si rasmi ah uu maamulka gobolka uu u sheegay in ay diyaaradaha ka soo degi karaan kana duuli karaan.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali C/laahi Xuseen (cali guudlaawe) iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa maanta kormeeray garoonka diyaaradaha iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay dayactir lagu sameynayay dhabaha ay ka duulaan kana soo degaan diyaaradaha iyo guryaha nasashada oo dhismo cusub ahaa waxaana maanta la soo afjaray oo la soo gabagabeeyay dayactirkii dhabihii garoonka ay kusoo dagayeen diyaaradaha.

Howlwadeenadii dhisayay garoonka ayaa ugu warbixiyay masuuliyiinta maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyagoo sheegay in ay dhameystireen dayactirkii ay ka wadeen ayna kasoo degi karaan manta wixii ka bilowda diyaaradaha rakaabka balse ay guryihii nashada ay u dhimanyihiin qalabeynta oo kaliya.

Guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe gudoomiyaha gobolka uu isna si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay kasoo degi karaan garoonka diyaarada rakaabka ah iyo kuwa ganacsigaba.

Garoonka diyaaradaha gobolka Sh/dhexe oo hore diyaaradaha u isticmaali jireen oo haatan la dayactiray ayaa dhirirkiisu yahay 3km balaciisuna waa 30mitir, waxana uu ka mid yahay garoomahada ugu waaweyn ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

Shacabka shabeelaha dhexe oo u badan beeraleey ayaa soo dhaweeyay furitaanka garoonka maadaama ay dalagyada ay soo saaraan ay si fudud ugu iib geyn karaan gobolada dalka iyo wadamada deriska waxaana ay ugu baaqeen ganacsatada qudaarta in ay ka bilaabaan gobolka shabeelaha dhexe qaadista qudaarta.

Dhismaha garoonkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo lagu gudo jiro gabagabadii ugu dambeysay ee u diyaargarowga shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

garoonka jowhar (1)

garoonka jowhar (3)

garoonka jowhar (4) garoonka jowhar (5) garoonka jowhar (6) garoonka jowhar (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip