Hogaamiye ka tirsanaa Maafiyada Talyaaniga oo lagu qabtay dalka Uruguay

0
Wednesday September 06, 2017 - 10:46:29 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye ka tirsanaa Maafiyada Talyaaniga oo lagu qabtay dalka Uruguay

    Mid kamid ah hogaamiyaasha Maafiyada wadanka Talyaaniga oo muddo dheer baxsad ku jirey ayaa 23 sano kadib laga soo qabtay dalka Uruguay isagoo loo haysto dambiyo ah ka ganacsiga muqaadaraadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamid ah hogaamiyaasha Maafiyada wadanka Talyaaniga oo muddo dheer baxsad ku jirey ayaa 23 sano kadib laga soo qabtay dalka Uruguay isagoo loo haysto dambiyo ah ka ganacsiga muqaadaraadka.

Rocco Morabito oo aasaasay koox qowlaysato ah ayaa laga soo qabtay xeebta loo dalxiis tago ee Punta del Este isaga iyo xaaskiisa.Booliska Uruguay ayaa sheegay in Morabito oo 50 sano jir ah uu ku noolaa halkaa muddo toban sano isagoo aqoonsi been abuur ah haystay.

Morabito oo ku magac dheeraa "Boqorkii daroogada cocaine e Milan”ayaa waxaa uu daroogadaas ka soo daabuli jirey wadamada Koofurta America isagoo geyn jirey dalka Talyaaniga.

Kooxda uu madaxda ka ahaa Morabito oo loo yaqaan ‘Ndrangheta ayaa maamulayay ka ganacsiga daroogada Cocainka iyadoo boqolaal kilo oo muqaadaraadkan ah laga dhoofinayay dalka Brazil lana geynayay wadanka Talyaaniga.

Morabito oo la aaminsan yahay inuu yimid wadanka Uruguay sanadkii 2002dii ayaa laga soo qabtay Hotel ku yaal caasimada wadankaas ee Montevideo. Balse mas’uuliyiin u hadashay wadanka Uruguay ayaa sheegtay in uu ku noolaa xeebta Punta del Este isagoo haystay dukumintiyo been abuur ah oo cadeynayay inuu u dhashay dalka Brazil magaciisana uu yahay Francisco Capeletto.

Baaritaan ay boolisku ku sameeyeen guriga uu degenaa Morabito ayaa laga soo helay qori noociisu yahay 9mm,13 mobile iyo 150 sawiradiisa oo kala duwan lacag caddaan ah oo gaareysa 50,000 (£38,500) iyo labo gaari.

Sida uu sheegay qareenka Morabito waxa uu beeniyay inuu ku lug lahaa ganacsiga muqaadaraadka isagoo xusay in Morabito uu tan iyo sanadkii 1994 uu nolol caadi ah ku noolaa.

Waxaa ay dowlada Uruguay ay haatan ku eedeynaysaa inuu dalkeeda ku joogay dukumintiyo been abuur ah laakiin waxaa la filayaa in loo gacan geliyo dowlada Talyaaniga bilaha soo socda.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayay booliska Talyaaniga gacanta ku dhigeen hogaamiyihii kooxda la magac baxday ‘Ndrangheta mafia kadib markii la baadigoobayay muddo 18 sano ah waxaana laga soo qabtay gunta hoose ee buuraha loo yaqaan Calabria .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip