
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA AGOOSTO 2017-KA
Hay’adda Thabo Mbeki foundation, ayaa isku keentay madaxda, waxaana shirka intiisa badan looga hadlay ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda, gaar ahaan caqabadaha hor taag an Nabadda, Dowladwanaagga iyo kala sareynta sharciga iyo kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeyn ta Caalamka.
Md. Xasan, ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dagaalka Al Shabaab iyo sida ay ku helaan dagaalyahannada u dagaallama.
"Wiil yar haddii uusan heysan waxbarasho, sidoo kalena uusan heysan tababar kale, mustaq balkiisa gacanta uguma jiro. Sidaa dartee waxaa u imaanaya qof, waxaana uu leeyahay dhibaato miyaad qabtaa nagu soo biir, kadibna waxaa bisha la siinayaa 50 dollar. Intaasi kadibna waxaa uu qabanayaa shaqooyinkii kooxaha Argagixisada. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab uma dag aallamaan caqiido, ee waxaa ay u dagaallamaan sidii ay ku heli lahaayeen dhaqaalle”, sidaa waxaa hirkii African Leadership Forum ka sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Muhamuud.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wa xaa uu khudbadiisa kaga hadlay horumarka ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan sida ay u dheceen doorashooyinkii ugu dambeeyay ee madaxtinimada.
Md. Xasan ayaa looga adkaaday doorashii sanadkan ka dhacay Magaallada Muqdishu, waxaa na uu dalka Madaxweyne uu kasoo ahaa mudo afar sano ah.
Madaxweynayaashii hore ee dalalka, Somalia, South Africa, Tanzania, Tunisia iyo Nigeria, ay aa ka wada qeybgalaya shirka oo soconaya labo maalin.
Akhriso:Mudadda Garsugenimada Maxbuuska Soomaliyeed
kamadda Sare ee dalka ayaa wax kasoo saartay Garsugenimada Maxbuuska, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in garsuguhu maxkamad la’aan aanu xirnaan Karin wax kabadan 48saacadood.
Wareegto ay soo saartay maxakamadda sare ayaa si weyn loogu qeexay muddada gars ugaha, iyada oo maxkamadaha dalka iyo dhamaan talisyada Booliska, NabadSugidda iyo Asluu bta lagu socodsiiyey wareegtada.
Xafiiska Xeer ilaalinta iyo xafiisyada kale ee dambi barista ayey maxkamaddu u jeedisay in ay hirgaliyaan wareegtadaan islamarkaana baaristooda ay ku dhameeyaan muddada sharc iga uu farayo oo ay maxbuuska eediisa usoo gudbiyaan maxkamadda awooda u leh ama xoriya diisa ay dib ugu celiyaan.

XIGASHO:SIMBANEWS.NET
XILDHIBAANADA MAAMULKA HIRSHABEELLE OO AMARO LA DUL DHIGAY
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa si kulul uga hadlay amar Taliska Booliska Magaaladaasi kasoo baxay ee ku aadan in xildhibaanada aysan kulamo siyaasadeed ku qa bankarin Hoteeladda magaalada Jowhar.
C/qaadir Faarax Fuute oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in wax aan la aqbali Karin ay tah ay in taliska Booliska Magaaladaas ay xildhibaanada ka hor joogsadaan kulamadii ay yeelan laha ayeen.
Waxa uu sheegay in taliska uu amar ku bixiyay in Xildhibaanada aysan kulmi Karin ilaa laga gaarayo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle oo la filayo in dhowr maalin kadib ay ka dhacdo Magalada jowhar ee Caasimadda maamulkaas, kadib xil ka qaadi stii lagu sameeyay Cali C/laahi Osoble.
XILDHIBAANADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA 2017
Xildhbaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shalay magaalada Cadaado ee gobol ka Galgaduud ku yeeshay kal fadhigoodii 5aad, kulankiisii Afaraad.
Kulanka xildhibaanada Galmudug ay yeesheen oo ay soo xaadireen 50 xildhibaan ayaa waxaa horyaallay laba ajande, kuwaasi oo kala ah Miisaaniyadda Galmudug 2017ka iyo Hindise sharciyeed ka xanaanada xoolaha iyo Beeraha.
Wasiirka Maaliyadda maamulka Galmudug oo hortagay Baarlamaanka ayaa ka codsaday Muda nayaasha in ay ansixiyaan Miisaaniyadda 2017ka ee Galmudug.
Dood dheer kadib xildhibaanada Galmudug ayaa qaab gacan taag ah ku meel mariyay Miisaaniyadda Galmudug, 46 xildhibaan ayaa ogolaatay, Saddex Mudane way diideen, halka hal xil dhibaana uu ka aamusay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay shalay wixii ka dambeeya in ay ansax tahay Miisaaniyadda Galmu dug 2017ka.
FANAANKA CABDI TAHIIL OO LOO QAADAYO CAAFIMAAD DIBADDA AH.
Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ah Fanaan qaran mudo badanna ku xanuunsanaa guri ku yaala Meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horeysay la siiyay lac atii loogu qaadi lahaa Caafimaad Dibadda ah.
Wariye Cabdi Maalik Muuse "Coldoon” oo ah wariye ka shaqeeyo Arimaha samafalka ayaa lacag dhan $21,000 oo dibadda gaar ahaan India loogu qaado ka soo aruuriyay Dad badan oo Soomaaliyeed oo qurba joog ah. Fanaanka Qaran Cabdi Tahliil ayaa sanado badan sariir saaran isa goo gabay dhamaan dhaq dhaqaaqii kadib Cuduro is biirsaday iyo Dayacaad qarankiisa kaga yimid.
Kulanka lacagta lagu siiyay ayaa waxaa ka qeyb Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo ah Agaasimaha KNN Wariye Cabdi Maalik iyo Wasiirka Arimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Qadiijo Maxamed Diiriye.
FAAHFAAHIN QARAXII KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO..
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Wax yaabaha Qarxa oo ku Qarxay ka soo horjeedka Hotelka Mubaarak oo u dhexeeya Tareebiyaano iyo Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga Qarxay ayaa ahaa Saarif,waxaana la sheegay in la soo dhigay Goobta uu ku Qar xay,iyadoo inta uusan Qarxi laga shakiyay oo Dadkii ka Agdhawaa ay Ciidamada Xasilinta Muqdisho ka kala Eryeen.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Gaarigu uu Qarxay,iyadoo Ciidamada Miino Baarista Qaa bilsan ay doonayeen in ay Qarxiyaan,balse uu Qarxay inta aysan Howsha bilaabin.
Labo Qof oo Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa,kuwaas oo kala ahaa Nin Bajaajle ah iyo mid ka mida Ilaalada Hotelka Mubaarak.
Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax Faahfaahin ah kama bixin Qaraxa,waxaana Dhowr Jeer Wadada Maka Almukarama oo ah Wado Mashquul badan ka dhacay Qaraxyo loo adee gsaday Gawaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo la dhigay Wadada.
THERESA MAY OO KU DHAWAAQDAY XILLIGA AY KA DEGAYSO MADAXTINIMADA DALKA INGIRIISKA
Theresa May waxay shaacisay inay xilkaasi ka degi doonto bisha August 30da ee sannadka 2019ka, oo ah isla xilliga uu u dhamaanayo Xillihawleedka Ra’isulwasaarenimo.
Theresa May waxay doonaysaa inay labada sanno ee soo socoto aragto dalka Britain oo si bu uxda uga baxa Mucaahadada BREXIT ee ka bixitaanka EUda, ka hor intaysan xilkaasi ku wareejinin Ra’isulwasaaraha lcusub ee Britain ee la soo dooranayo.
DIINI:"XAAF AYAA QAADI DOONA SHAQO XUMIDA WASIIRADDA LASOO CELIYAY”..
Siyaasi kasoo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) lagula xisaabtamayo shaqa dayacidda ay sameeyaan wasiirada uu dib u magacaabay.
Abshir Diini Cawaale Wasiirkii Hore ee Amniga ee Maamulkii Hore ee Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf, uu qaadi doono mar walba dayacaada ay sameeyaan wasiirada dib loo soo celiyay ku waasi oo uu sheegay in wax la taaban karo aysan la imaanin xiligii uu xilka Galmudug hayay C/kariin Xuseen Guuleed oo xilka iska casilay sanadkii 2016kii, kadib mo oshin ay ka keeneen xidhibaanada Baarlamanka Maamulkaas.
"Madaxweyne Axmed Ducaale(Xaaf) ayaa qaadi doona mas’uuliyadda wasiiradda dib loosoo magacaabay, xiligii C/kariin Xuseen Guuleed wax la taaban karo ma aysan la imaanin , haatana hadii ay fashilmaan Xaaf ayaa qaadi doona mas’uuliyadaas, Madaxweynaha waxa loogu baahan ya hay in uu dabagal joogto ah ku hayo Wasiirada uu dib usoo magacaabay”, ayuu yiri Abshir Diini Caw aale Wasiirkii Hore ee Amiga ee Maamulkii Hore ee Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo daraad hadal ka jeediyay ansixintii wasiirada uu dib usoo ma gacaabay ayaa sheegay in aysan dhici doonin wasiir la kulmaya madaxda Qaramada midoobay iyo wakiiladda beesha caalamka ay safarada ku taga magaaladda Cadaado ee caasimadda Kmg ah ee maamulkaas.
GUDOOMIYE KU XIGEENKII 1AAD EE WAKIILADDA SOMALILAND OO LA DOORTAY IYO WARBAAHINTA LOO DIIDAY IN AY SOO TABIYAAN
Kalfadhigii shalay ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa lagu doortay gudoomiye ku xigeen ka 1aad ee golahaasi oo loo doortay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Fadhigan shalay waxa ka soo xaadiray 71 xildhibaan oo ka mid ah 82 xidhibaan ee golahaasi ka kooban yahay, waxaana halkaasi tartan ku dhexmaray saddex musharax oo gobolka Awdal ka soo wada jeedda, waxaana musharnimadaasi ka tanaasulay todoba xildhibaan oo hore u shaaciyey inay u tartamayaan kursigaasi.
Saddexdan musharax laba ka mid waxaa si weyn u taageerayey labadda xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, Waxaanu xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle watay xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo uu helay 50 cod, halka Xildhibaan Xasan Huffane oo uu watay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu helay 16 xildhibaan, halka Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin Casood uu isna he lay hal cod, taas oo u muuqatay in aanu labadda xisbi midna taageero ka haysan.
Booskan ku xigeenka kowaad ee golahaasi waxa baneeyey Baashe Maxamed Faarax oo isa gu noqday gudoomiyaha golaha Wakiiladda, waxaana ku xigeenka kowaad ee golahaasi shalay loo doortay Axmed Yaasiin Ayaanle oo ah xildhibaan dhalinyaro ah.
Dhinaca kale, marka loo eego saami qaysiga beelaha ku salaysan waxa gudoomiye ku xigeen ka kowaad xaq u lahaa in loo doortay Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka soo jeedda degmadda Saylac, haseyeeshee ficiltanka ka dhexeeya labadda xisbi iyo codadka laga rabao qofka noqonaya ku xigeenka 1aad ee golahaasi ayaa sababay in labadda xildhibaan kala doortaan labadda xisbi, waxaana ku guulaystay xildhibaankii uu KULMIYE watay.
Dhinaca kale, shalay waxa golaha laga horjoogsaday inay warbaahintu gasho, waxaanay wari yeyaashu shalay hor tubnaayeen golaha hortiisa, lama garanayo sababta warbaahinta looga horjoog saday inay doorashadda ka soo waramaan, balse waxa loo ogolaaday uun telefishanka dawladda.
ISRAA’IIL OO QAFAALATAY 800 OO CARRUUR FALASTIINIYIIN AH
Ciisa Qaraaqic oo ah madaxa hay;’adda arimaha maxaabiista Falastiin ayaa sheegay in Israa ’Iil ay bilawgii sanadkan ilaa hadda ay xoog ku qafaasheen 800 carruur Falastiiniyiin ah Carruurtan ayaa la sheegay in ciidamada Israa’iil ay siyaabo kala duwan u qafaasheen iyagoo qaarkooda loo geystay tacadi oo lagu furay rasaas nool iyo waliba xadgudubyo kale oo ka baxsan bani’adanimada.
Bayaan uu soo saaray madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa Qaraaqic, ayuu ku sheegay in caruurtaasi qaar ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah oo loo geystay markii la qa faalanayay,wuxuuna cadeeyay in xadgudubyada ay ciidamada Israa’iil kula kacaan dadyowga reer Falastiin ay tahay mid cad ,iyadoo carruurta Falastiin ay si joogta ula kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo uga imanaya dhanka ciidamada Israa’iil.
Wuxuuna ku baaqay in mujtamaca dowliga iyo ururada kale ee u dooda xuquul insaanka ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatoyinka Israa’iil ay kula kacayso dadka reer Falastiin,talaabadasi oo ka dhan ah qanuunka caalamiga ah.
Madaxa hay’adda arrimaha maxabista Falastiin Ciisa Qaraaqic, wuxuu kaloo cadeeyay in mak madadaha Israa’iil ay ku ganaaxaan carruurta Falastiin %100 lacag aad u tira badan oo aan awood in in ay iska bixiyaan islamarkaana lagu xukumo xabsiyo dhaadheer oo aan xamili Karin caruurta aan qaan gaarka aheyn.
TALISKA CIIDANKA BOOLIISKA SOOMAALIYA OO FAAH FAAHIYAY QARAXII KA DHACAY WADADA MAKAALMUKARAMA
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada MakaAlmukarama ee Magaalada muqdisho.
Qaasim Axmed Rooble,fhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Goobta qaraxa ka dha cay Warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in abaara 4: 30 Galabnimo gaari Saruf ah la dhigay Wadada Xaaji baasto si dadka Soomaliyeed lagu waxyeeleeyo sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Gaarigaas markii meesha la soo dhigay ay ka warheleen Ciidama da,islamarkaana ay dadaal ku bixiyeen in uusan waxyeelo u geysan dadka Shacabka ah.
TAQASUSKA MAAREYNTA MASIIBOOYNKA OO LAGU KORDHIYEY QEYBTA MASTERKA EE JAAMACADDA BENAADIR
Munaasabad lagu daahfurayey Taqasuska cusub ee Maareynta Masiibooyinka (Master in Dis aster Resilience Leadership & Humanitarian Assistance) oo lagu soo kordhiyey qeybta waxbara shada heerka labaad ee Jaamacadda Banaadir ayaa daraad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Hirgelinta Taqasuskan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Banaadir, Machadka Somali Disaster Resilience Institute (SDRI) iyo Jaamacada Goerge Washington ee dalka Maraykanka.
Waxaa Munaasabada furitaanka Taqasuskan ka qeyb galay, Masuuliyiinta hormuudyada, mac alimiinta iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Benaadir, Wakiilo ka kala socday Machadka SDRI, Urur goboleedka IGAD, Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, heyaddo kale, aqoonyahano iyo marti sharaf.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabadaas ka had lay ayaa sheegay inuu ku faraxsansan yahay ka soo qeyb galka daahfurka taqasuskan cusub ee la gu kordhiyey qeybta Masterka ee Jaamacadda Benaadir.
"Dedaal muddo dheer socday iyo juhdi fara badan ka dib ILAAHAY mahadiis waxaan ku guu leysanay shalay inaan aasaaska u dhigno taqasuska Maareynta Masiibooyinka ee aan shalay furit aankeeda xafladan u fadhino, Jaamacadda Banaadir waxay u taagan tahay iney had iyo jeer daboo sho baahida ay qabaan bulshada Soomaaliyeed, soona saarto aqoonyahano dabooli kara hadba me elaha umaddu uga baahan tahay in laga horumariyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.
Dr. Dalmar ayaa ka waramay baahida loo qabo taqasuskan iyo muhimada uu u leeyahay, dal ka iyo dadka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri dalkeena ay ku badan yihiin noocyada kala duwan ee Masiibooyinka sida, dagaalada, abaaraha, fatahaadaha iyo kuwo kale, wuxuuna ugu baaqay ar dayda Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan, isagoo tilmaamay iney tahay markii ugu horeysay ee ta qasuskan laga bixiyo Jaamacad ku taalla dalka, Mahad ballaaran ayuuna u celiyay heyadaha Jaama cada Banaadir gacanta ka siiyey hirgelinta Taqasuskan.
Xiriiriyaha hindisaha Maareynta abaaraha Geeska Afrika ee urur goboleedka IGAD Dr. Cisma an Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa talaabo taariikhi ah ku tilmaamay in Jaamacada Banaadir ay markii ugu horeysay dalka ka hirgeliso taqasuska Maareynta Masiibooyinka, isagoo Maamulka Ja amacada uga mahad celiyey dedaalka ay u galeen taaba gelinta taqasuskan, wuxuuna dhinaca kale ka waramay xaaladaha abaareed ee ka jira Geeska afrika iyo dhibaatooyinka ka dhashay, wuxuuna tilmaamay in baahi weyn loo qabo aqoonyahanada ka soo bixi doona taqasuskan si buu yiri ay wax badan uga qabtaan Maareynta Masiibooyinka aafeeyey Soomaalida.
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay agaasimaha Machadka daraasaadka Culluumta Maareynta Masiibooyinka (SDRI) Maxamed Cismaan oo sharaxaad dheer iyo faahfaahin ka bixiyey habka loo soo diyaariyey taqasuskan, qeybaha uu u kala baxo, maadooyinka lagu baran doono, aqo onta uu xambaarsan yahay iyo faaiidooyinka laga dhaxlayo, isagoo ka qeyb galayaasha uga jawaab ay su’aalo ku saabsanaa taqasuskan cusub.
Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyi inta hadalada ka jeediyey C/qafaar Abuukar oo ah Kusimaha Guddoomiyaha heyadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo C/fitaax Shiikh Maxamuud oo ah agaasimaha waaxda soo kabashada iyo soo dhoweynta Qaxootiga soo laabanaya ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyin ka, waxayna balanqaadeen iney khibradooda waayo aragnimo ku kordhin doonaan taqasuskan kana qeyb qaadan doonaan sidii loo taaba gelin lahaa.
BOGGA CAYAARAHA
FALANQAYN: LIVERPOOL WAXA AY CIYAARAYSAA KUBADA QURUX BADAN LAAKIIN MA DHAMAYSTIRNA
Taageerayaasha Premier league ayaa shalay ku raaxaystay kulankii ugu xiisaha badnaaa tod obaadka kaas oo ku dhamaatay guul weyn oo ay Liverpool ka gaartay dhigeeda Arsenal kulan ka dhacay garoonka Anfield.
Liverpool ayaa soo bandhigtya qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay ahaayeen kooxdii ugu fiic nayd 90kii daqiiqo ee ciyaarta halka ayna Arsenal soo bandhigay hal arin oo la sheegi karo iyaga oo waliba ku sigtay in 3 ama 4 gool oo kale laga dhaliyo.
Xiddigaha Tababare Jurgen Klopp ayaa ku tiirsanaa kulankan orodka mohamed salah iyo Sa dio Mane kuwaas oo si degdeg ah ku gaarayay goolka kooxda Arsenal.
Sidaa darteed Liverpool ayaa soo bandhigtay kubad qurux badan laakiin kooxda ayaan dhama ystirnayn waayo koox weyn kulan kasta kuma tiirsanaan karto in ay orod ku gaadho goolak kooxda waayo waxa ay ka hor iman kartaa koox daafaceedu aad u adag yahay oo uu isku xiran yahay.
Dadka oo dhan ayaa isku raacay in ay Liverpool ciyaaraysay ciyaar qurux badan dhamaadkii ciyaarta laakiin runta ayaa ah in ayna isku dhamaystirnayn.
Dhamaystirka ayaa iman doona marka ay kooxda ku sii hayaan philipe coutinho kaas oo aw ood u leh in u kooxda kusoo kordhiyo xal badan oo aan ahayn orodka rogaal celiska ah.
WAR CUSUB: KOOXDA BARCELONA OO QARKA U SAARAN INAY LASOO WAREEGTO XIDIGA FARSAMADA BADAN EE SERI
Laacib Kaan ayaa wuxuu mudooyinkii dambe bartilmaameed u ahaa Kooxdaan
Wararka laga helayo dalka Faransiiska, ayaa ku waramaya in Barcelona, ay wadda hadal kula jirto Naadiga Nice, oo kamid ah Kooxaha meel dhaxaadka ee Horyaalka heerka koowaad ee wadanka as, iyadoona kala hadlay suurta galnimadda inay lasoo dhaqaaqo xiddiga Seri.
Laacibkaan ayaa wuxuu mudooyinkii dambe bartilmaameed u ahaa Kooxdaan, iyadoona do oneysay inay ku buuxiso booska uu baneeyay Neymar, kaasoo naadiga uga biiray PSG, kadib mar kii lagu qaatay aduun dhan 222 Malyuun, uuna saxiixay shan sano.
Wiilkaan lagu magacaabo Seri, ayaa wuxuu yahay mid dhalinyara ah, waxaana la sheegayaa in Barca ay kusoo qaadan rabto aduun dhan 40 Malyuun, islamarkaana wadda xaadjooda ay umuu qanayaa kuwa ku dhow in leysla garto, iyadoona saacadaha soo aadan la filan karo in lagu dhawa aqo.
Dhawaan ayay aheyd kadib markii Naadig Barcelona ay lasoo saxiixatay xiddiga Naadiga Dort mund ee Dembele, waxaana uu ku yimid naadigaan aduun dhan 105 Malyuun, isagoona noqday sax iixii ugu qaalisanaa oo ay sameyso Bluagrana, taariikhda iyo sidoo kale mid aduunka ayuuna kaalin ka labaad ka galay.
OZIL OO FARRIIN U DIRAY TAAGEERAYAASHA ARSENAL KA DIB GUUL DARADII LIVERPOOL, WARKIISA WAA CAD YAHAY .
Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Ozil ayaa raali gillin u diray taageeraayaasha Arsenal ka dib guul daraddii kulankii Liverpool .
Liverpool ayaa axaddii afar gool oo nadiif ah ku garaacday kooxda Arsenal waxa uuna kulan kaas ka tirsanaa wareegga 3aad ee horyaalka Ingiriiska
Ozil ayaa ka dib kulankaas soo dhigay bartiisa instagram farriin ah ” waa suura gal in aad na eeddaan , nagu qaylisaan , na dhaleeceysaan ,sidoo kale niyad jaab ayaa dareemayaa waxii nagu dhacay kulankaas”.
"Waxaan isku daynay in aan natiijo wacan kala baxno kulankaas balse waxii nalaga filayay ma aynu soo bandhigin Liverpoolna waa ay mudnaayeen guushaas” Caadiyaan waan ka xanaqaa mar ka baraha bulshada la iiga jees jeeso balse ma doonayo in aan qaranka Jarmalka aado aniga oo aan hadal ka dhihin kulankaas”.
Waxa uu intaas sii raaciyay Ozil ” taageerayaasha Arsenal waan idin raali gilinayaa gaar aha an dadkii garoonka qarashka ku soo bixiyay waxaan isku dayaynaa in aan kulamada kale jawaab ka bixnno guul daradadaas”
COSTA OO HESHIIS SHAQSI LA GALAY KOOX KA CIYAARTA HORYAALKA EPL IYO WAQTIGA UU KU BIIRI KARO OO LA SHAACIYAY
Laacibkaan ayaa wuxuu shaki galay waayihisa Blues tan iyo markii sida la sheegay ay isku dhaceen Antonio Conte
Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Chelsea, ee dalka Ingiriiska, islamarkaana kasoo jeeda Spain, asal ahaan Brazil, ah, ayaa wuxuu heshiis shaqsi la galay Naadiga Everton, oo kamid ah kuwa meel dhaxaadka ah ee Horyaalka koowaad ee qaarada Yurub.
Laacibkaan ayaa wuxuu shaki galay waayihisa Blues tan iyo markii sida la sheegay ay isku dhaceen maamulaha Blues ninka lagu magacaabo Antonio Conte, waxaana Costa uu shaaciyay inuu diyaar uyahay inuu ka tago Kooxdaan, islamarkaana uu ijiheystay Kooxo kale.
Toffeska ayaa waxay dooneysaa in wiilkaan ay ku buuxiso booskii uu baneeyay ciyaaryahanka Lukaku, kaasoo kooxdaan kaga dhaqaaqay dhankaa iyo Manchester United, kadib markii iibsaday aduun dhan 90 Malyuun, iyadoona lasoo wareegtay Rooney, waxaana uu ku biiri doonaa dhawaan.
In xiddigaan uu yimaado Kooxdaan ayaa waxay ka dhigeysaa inay noqoto koox aad looga boqo, maadaama ay isku heleyso Rooney, iyo Costa, waxaana ay noqoneysaa mid weerarkeedu uu aad uxooganaado, islamarkaana gool dhalintu ay ufududaan doonto.
ZIDANE OO SI LAMA FILAAN AH UGA HADLAY LABADII GOOL EE UU DHALIYAY ASENSIO MA UUSAN AMAANIN, SABAB?
"WAA SHAQO NOO WADA TAALLO" ZIDANE
Maamulaha Naadiga Real Madrid, ninka udhshay dalka Faransiiska, ee Zidane, ayaa wuxuu si lama filaan ah uga hadlay labadii gool ee uu dhaliyay ciyaaryahanka dhalinyaradda ah ee Marco Ase nsio, kaasoo xitaa Madrid, ka badbaadiyay in dhinaceeda dhulka la dhigo.
Laacibkaan ayaa wuxuu ahaa mid kamid ah goolashii furitaanka Bandhigii xalay, iyadoona loo gu bedalay laba gool, waxaase ciyaarto oo ku dhow inay dhamaato uu dhaliyay goolkii soo naqay raj ada Madrid, sarrana ukiciyay dareenka Naadiga Los Blancos.
Zidane oo kulanka kadib si gaar ah ula hadlay Muuqaal baahiye ama TV, dalkaas Spain laga lee yahay ka hor inta uusan imaan Shirka Jaraa’id ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yah ay goolasha uu dhaliyay balse ma uusan amaanin, waxaana uu sheegay inay tahay shaqo uwada taal dhamaan kooxda.
Bareejadaan ay Madrid la gashay Valencia ayaa waxay ka dhigan tahay in labaduuba ay laa yihiin min afar dhibcood, iyadoona ay Barcelona iyo kooxo kale ay lee yihiin min Lix dhibcood, iyag oona isla haayo Liijaanka Horyaalka labaad ee ugu xisaha badan Yurub.
ITALY - SERIE A
Torino 3 - 0 Sassuolo AC Milan 2 - 1 Cagliari
ChievoVerona 1 - 2 Lazio Crotone 0 - 0 Hellas Verona
Fiorentina 1 - 2 Sampdoria SPAL 2013 3 - 2 Udinese
SSC Napoli 3 - 1 Atalanta
SPAIN - LALIGA SANTANDER AUGUST 27
Eibar 0 - 1 Athletic Bilbao Espanyol 0 - 1 Leganes
Getafe 0 - 1 Sevilla Real Madrid 2 - 2 Valencia
ENGLAND - PREMIER LEAGUE AUGUST 27
Chelsea 2 - 0 Everton West Bromwich Albion 1 - 1 Stoke City
Liverpool 4 - 0 Arsenal Tottenham Hotspur 1 - 1 Burnley
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIY AAN
{SHEEKOTAXANE AH}
Q/74aad
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA AGOOSTO 2017-KA
XASAN SHEEKH "AL SHABAAB UMA DAGAALLAMAAN CAQIIDO EE DHAQAALLE AYEEY U DAGAALLAMAAN" Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Af rika kaga qeybgalay shirweyne ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah H