WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA AGOOSTO 2017-KA

0
Sunday August 27, 2017 - 10:30:38 in Wararka by
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 27-KA AGOOSTO 2017-KA

    MADAXWEYNAHA IYO RA'IISUL WASAARAHA OO LA KULMAY DANJIRAHA MIDOWGA YURUB EE BARIGA AFRICA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farm aajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay la kulm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA IYO RA'IISUL WASAARAHA OO LA KULMAY DANJIRAHA MIDOWGA YURUB EE BARIGA AFRICA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farm aajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabil san Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargalin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha mido wga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahedceliya howla ha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhi imka ah.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in Midowga Yurub ay kordhiyeen ahmiyadooda shaqo ee dalka Soomaaliya,si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, qaybna uga noqdaan horumarka ka bilowday dalka” ayuu yiri R/W Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arri maha Soomaaliya. Wuxuna xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudad ii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la ja an qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u hel aan nabad iyo nolol.

GALMUDUG OO EEDEEYSAY CIIDAMADA NISA

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Cismaan Cilmi Nuur Taardhuleed oo warbaahinta kula ha dlay Magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay Ciidamada Nabad Suggida ee ka howlgalla degaanada maamulka Galmudug in ay degaanada Galmudug ka dhoofiyeen nin ka tirsanaan Jabhadda ONLF.

Waxaa uu sheegay in ninkaasi Galmudug ay ku waday Baaritaano, islamarkaana ay ciidamada si qarsoodi ah ugu soo dhoofiyeen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii dowladda Dhexe aysan gacanta u soo galin Galmudug ninkaasi in ay Galmudug ka fiirsan doonto Xiriirka kala dhaxeeya.

Ciidamada NISA ayuu sidoo kale sheegay in ay dhibaato ka waddaan degaanada maamulka Galmudug.

Ciidamada Nabadsuggida ee NISA ee ka howlgallo Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa la sheegay in ay si qarsoodi ah xabsi ugala soo baxeen ninkaasi ka dibna ay Muqdisho u soo dhoofiy een.

SUUQA DEGMADA AFGOOYE OO SHALAY XIRNAA IYO BANAANBAXYO KA DHACAY..

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay shee gayaan in guud ahaan Shalay Goobihii Ganacsi ee Magaaladaas ay xiran yihiin.

Dadweyne farabadan oo ka banaanbaxaya weerarkii daraad aroortii hore lagu dilay 10 ruux ee ka dhacady duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadweynahaan ayaa sakay gebi ahaanba xiray wadooyinka qaar ee Afgooye Goobihii Ganacs iga iyo waxbarashada intaba sida uu ku soo waramayo Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da.

XILDHIBAANADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY GOLAHA WASIIRADA

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa shalay ansixiyay Golaha Wasiirada Ga lmudug, kadib markii Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu Baarlamaaka horgeeyay Wasiirada.

Fadhiga Golaha Xildhibaanada ayaa waxaa fadhisay Xildhibaano gaaraya 57 Xildhibaa, iyadoo 52 Xildhibaan ay u codeeyeen inay ansax yihiin Golaha Wasiirada Galmudug.

Shan ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa diiday inay codkooda siiyaa Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in Wasiirada cusub ay yihiin kuwa ansax ah.

Madaxweyne Geelle oo Baarlamaaka ka hor hadlay ayaa u mahad celiyay, tallaabada Xubnaha Golaha Wasiirada ay ku meel mariyeen Wasiirada cusub ee Galmudug.

Wuxuu kula dar daarmay Wasiirada cusub ee Galmudug inay la yimaadaan wax qabad muuqda, maadaama Wakiil ay ka yihiin shacabka Galmudug, lagana doonaayo inay Bulshada u adeegaan.

Wasiirada cusub ee Galmudug oo aanan wax badan laga bedelin ayaa dhawaan waxaa soo ma gacaabay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, sidaasi ayeeyna ku heleen codka Kalsoonida ee Baarlamaaka Galmudug.

MAXKAMADDA GAALKACYO OO XUKUNO XABSI AH KU RIDAY 8 RUUX

maxkamadda magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa shalay waxa ay xukuno ka la duwan ku riday rag eedeysanayaal ah oo ay dhawaan gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka ee galmudug ka dib howlgal ay sameeyeen.

kaaliyaha maxakamada darajada koowaad ee gobolka mudug dr maxamed jaamac diirshe ay aana ku dhawaaqay xukunka sideedaan ruux, ugu horeyna waxaa uu kudhawaaqay xukunka eedeys anayaasha lagu soo qabtay sida uu

sheegay ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

"maxkamadu waxa ay ku xukuntay 4 nin ee lagu soo eedeeyay isbaarada mid 2 sano, halka 4 ka le ee waxyaabaha maanka dooriya lagu qabtay midkood ay ku xukuntay 2 sano iyadoo 3 kalana ay ku xukuntay mid 1 sano iyo 6 bilood ” ayuu yiri kaaliyaha maxkamadda.

kaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka mudug dr

maxamed jaamac diirshe ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan karto muddo 30cisho gudohood ah ciddii dacwo ka qabta xukunka maxkamada.

ALQAEDA OO KA HADASHAY DILKA HOGGAAMIYE KA TIRSAN ALSHABAAB

Ururka AlQaeda ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii dhawaan loo geysatay wakiilkii AlShab aab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaanay Cali Jabal.

War qoraal ah oo kasoo baxay AlQaeda ayaa lagu sheegay in ay xaqiijinaayaan dilka Cali Jabal oo ka mid ahaa Madaxda AlShabaab.

” Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed ku dilay Cali Maxamed Xuseen , waxaana xaqiinaynaa dilka Cali Jabal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Hadalka kasoo baxay AlQaeda ayaa kasoo beegamaya Xilli AlShabaab ay xaqiijiyeen dilka Cali Maxamed Xuseen oo AlShabaab wakiil uga ahaa gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Caddaan ah ayaa Bishii lasoo dhaafay Cali Jabal ku dilay gobolka Shabeelaha Hoose ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen halkaasi.

OLOLAHA TALAALKA XOOLAHA OO MUQDISHO LAGU DAAH FURAY..

Shirkani oo aay soo qabanqaabisay wasaradda Xanaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soom aliya ayaa ahaa mid lagu daahfurayay Ololaha Talaalka Xoolaha ee cudurada jadeecada iyo furuqa oo intabada xoolaha ku dhaca Qaabka loo gaarsiinkaro dhanka miiga ee gobolada dalka Soomaliya.

Qaar kamid ah wasiirada Xanaanada Xoolaha maamul goboleedyada dalka dhaqaatiir ajaanib ah iyo dhaqaatiirta xirfadleyda ayaa ka soo qeyb galay, iyadoona shirka daahfurka ololaha talaalka lagu qe exay in dalkeena u yahay mid ku tiirsan xoolaha, loona bahan yahay in ahmiyad gaar ah lasiiyo caafi maad qabka xoolaha.

Ibraahim Cabdi Xasan wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aay soo dhaweynayaan ka warqabka caafimaad ka xoolaha, waxaana uu u mahad celiyay dhaqaatiirta isku hoowshay.

Dr Nuurta Shiiq Maxamuud oo kamid ah dhaqaatiirta xirfadleyda Xanaanada Xoolaha ayaa shee gtay in ololaha talaalka uu sahli karo in lahelo xoolo caafimaad qabo, islmarkaana fududeyn kara in lahelo iibka xoolaha la dhoofiyo.

C/kariin khaliif Dhalac wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Daaqa oo war eysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ololaha talaalka lagaarsiinayo gobolada dalka ay kala sheqeyn doonaan dhaqaatiirta xirfadleyda Xanaanada Xoolaha, kaasi oo socon doona muda la ba bilood ah.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba labo jeer sameysa talaalka caafimaad qabka xoolaha, madaama dalkeena uu yahay mid ku tiirsan xoolaha.

MAS’UULIYIIN KA TIRSAN SOMALILAND OO LAGU EEDEEYAY TAHRIIBINTA DHALINYRADDA

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh AadanSiiro),oo kamid ah Culimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Masuuliyiin Somaliland ka tirsani ku lugleeyihiin tahriibka, isla markaana ay qayb ka yihiin Shabakadaha ku Shaqaysta Tahriibinta Dhalinyarada.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay Dhallinyarada reer So maliland ee Tahriiba, isagoo waanana u soo jeediyey oo uu yiri; "Shaqadii Qaranka (Xilligii Soomaaliya) waxaan joogay Iskuulka Faarax oomaar, 9 Fasal oo Fasallada 3aad ee Dugsiga sare ah ayaa joogay halkaa, 180 Wiil, oo ka ugu weyni yahay 17 Jir ayaa Maalin keliya tallaa bay (ku biiray SNM), waxaan uga jeedaa Dalkan waxa xorreeyay 16 Jirro oo ku lugo beelay, kuna Dhegobeelay. Shalay oo wax walba isa saaran yihiin, Dhibna aanay jirin inaad Tahriibt aan oo aad Gaalo isku dhiibtaan waa arrin aad u layaab badan, markaa Dhallinyarada wax aannu ku waanineynaa (in aanay Tahriibin).”

Waxaanu Sheekh AadanSiiro intaa sii raaciyey in Dad maamulka ka mid ahi ku lug leeyihiin Tah riibka Dhallinyarada, waxaanu yiri.

"Waxa ka sii layaab badan kuwa Maamulka haya ee kuwa Carruurta Tahriibiya ah ee Hargeysa jooga, Xarumahooda Gobollada, Telefoonnadooda iyo Magacyadooda la hayo, halka Lacagtooda lagu shubo iyo Saacadaha ay Carruurta kexeeyaanna la garanayo.”

Sheekh AadanSiiro wuxuu dhallinyarada Somaliland ka waaniyey inay Tahriibaan islamarkaana aanay Hooyooyinkood ku khasbin inay inay ka hor ooyaan Dad kale, si ay uga helaan Lacag ay iyaga ku soo bedbaadiyaan, iyagoo awalba ku soo koriyey Daasad daasad Tamaandho ah oo ay suuqa la fa dhiisteen.

DOWLADDA CIRAAQ OO SHEEGTAY IN DAACISH AY KA QABSATAY 90% MAGAALADA TALCAAFAR

Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa gudaha u galay inta badan magaalada TalCafar ee dhacda Wa qooyiga Ciraaq, halkaasi oo ahayd magaaladii ugu dambeysay oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Daacish.

Jeneraal Cabdul Amiir Yarallah oo kamid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgaladaasi ayaa sheegay in dagaal socoday 6 maalmood kadib ay suuro gashay in ciidamadooda falaagada argagixisa da ah ee Daacish ay ka siyfeeyaan intabadan magaalada iyo nawaaxigaeeda, balse ay jiran goobo yer yer oo weli dagaalo goos goos ah ka soconay.

Muuqaalo lagu baahiyaya warbaahinta caalamka ayaa muujinaya guutooyin ka tirsan militariga Ciraaq oo gaaf wareegaya magaalada Tal Cafar, dhisyamaasha qaar ayaa qiiq, uuro iyo holac ka kaca yay, kuwaasi oo ah meelihi ay ku dhuumaalaysanayeen argigixisada oo la beegsaday.

Afhayeen u hadlay Militariga Ciraaq ayaa isna Wakaaladda Wararka Reuters ee Dalka Britain u sheegay in 5% ay ka harsan tahay in ay la wareegaan gebi ahaanba magaaladaasi.

Deegaanada ku xeeran magaaladaasi oo ay ciidamadu sida tooska ah u qabsadeen waxaa ka mid ah, Nida, Taliyaa,Uruba, iyo deegaanka Saad.

Maleeshiyaad gaaraya ilaa 2000 oo qof iyo dad shacab ah oo lagu qayaasayo 10,000 ilaa 40,000 ayay saraakiishu sheegeen in ay ku sugan yihiin magaaladaasi Tal Cafar, ayadoo maleeshiyadu ay gabaad ka dhiganayaan shacabka.

Magaalada Tal Caafar ayaa ahayd goob istraatiiji ah oo ay maleeshiyadaasi isaga kala gooshi jireen, min Mousel ilaa xuduudda Syria,dad lagu qayaasayo 30, 000 oo shacab ah ayaa isaga cararay guryohooda tan iyo markii ay dagaalada ka bilowdeen halkasi daba yaaqadii April.

AHLUSUNNA OO SHEEGTAY INEY DIYAAR U TAHAY WADAHADAL AY LA GASHO GALMUDUG

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay iney diyaar u yihiin wad ahadallo ay la galaan Galmudug, islamarkaana lagu helayo wax walbo oo bulshada dan u ah.

Ku xigeenka hoggaamiyaha maamulka Ahlusunna C/laahi Xirsi Diirshe oo wareysi siiyey Goobj oog News, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan in laga taliyo danta dadka.

Waxyaabaha dhacay ayuu sheegay iney muhiim tahay in laga wadaxaajoodo, la helo dad u jaja ban wadahadallada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Annaga dowlad goboleed ahaa Dadku malaa’ig ma ahan waxbaa qaldamaya ama saxmaya, wa xaan qabaa in wadahadal umaddu ku dhameysato waxa dhexyaalla, waqti la siiyo wadahadalka, la ogol aado wadahadalka, dad howshaasi ehel u ahna loo dhiibo” ayuu yiri Diirshe.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo isna la had lay Goobjoog News, wuxuu sheegay inuu socdo wadahadallo hoose oo ay la leeyihiin Galmudug 

DHACDADII LOOGU HADAL HAYNTA BADNAA OO NOQOTAY HOOYO ILMA YAR WADATO OO DARAAD DIYAARAD LAGA SOO REEBAY

illaa daraad waxa baraha bulshaddu ku wada xidhiidho lagu hadal hayey dhacdo bani ’aadanimadda ku xun oo Shirkadda Fly Dubai ku samaysay haweenay ilmo yar wadato oo diy aaraddii ay raacaysay laga soo dajiyey iyo was iirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo rakaab ka diyaaradda ka mid ahaa oo la dareen noqd ay haweenaydaasi oo isna ka soo haray diyaar addii si uu mooralka haweynaydaasi u dhiso.

Dhacdadana ayaa waxay ka dhacday madaarka Hargeysa wakhti loo balansanaa in la raaco diyaaradda Carabta laga leeyahay ee Fly Dubai oo markii diyaaraddi buuxsantay ay isku dhaceen haweenaydaasi iyo shaqaalaha diyaaradda ka dibna kabtankii diyaaraddu go’aansaday in uu hawey naydaasi safarka ka reebo, haseyeeshee wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadiyo, markii qoladii diyaaraddu ku adkaysteen arrintaasi wuxuu isna go’aansaday in uu ga badha la reebayo ka mid noqdo oo uu ka hadho safarkaasi diyaaradda.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dood ku dhex abuurtay dadweynaha dhexdoodda, iyadoo badan koodu taageeray wasiirka Hawlaha guud iyo go’aanka geesnimadda leh ee uu qaatay, waxaanay dhacdadani u dhacday sidan waxaana barta Internetka ee uu wasiirku leeyahay Facebooga ku soo qo ray sheekadii siday u dhacday "Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai.

Hasse ahaatee gabadhi iyo ilmaheediiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab.

Diyaaraada waxaa la fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cada an ah oo shaqaalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u sheegtay in ay kursigedii ku fa dhiisato waxay ku tiri ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo.

Gabadhi shaqaalaha ahayd way ku adkaysatay, ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kay ga ha fadiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diya arada waxay go'aan ku gaadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale Soomali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan.

In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aan wax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiisheegay in ay go'aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo.

Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duu lista hase yeeshee insa waa la diiday, markaa waxaan anigu go'aan ku gaadhay in aniguna aan ka de go diyaarada.

Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raa cay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii.

Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay in uu raali gal iyo laakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameeye en ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.

Hadaad arki jirteen Airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caru urta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaarada.”

Arrintani waxay tilmaamaysa in wasiirku markii uu wax ka qaban kari waayey gabadha la dajiyo, isla markaana wasiirkii shaqadan lahaaa la diiday uu isagu awoodi karayo inuu mooralka hooyadda ilm aha yar wadata ilaaliyo.

Dhinaca kale, wasiirka duulista hawaddad sare Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in hawee nay daasi uu isagu amray in laga soo dajiyo ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo shaqaali hii diyaaradda.

"Aniga qaaday go'aanka ah qofkaa ha la soo reebo, ma garanayo wasiirka waxa soo raaciyay ma qaraaba ma..? wasiirka telefoonkan ka wada hadalnay ana waan ka soo hadhaya buu yidhi warbaahinta na waan u yeedhanaya oo waan la hadlaya dee haddaad la hadasho ceebi may dhicin baan ku idhi ee nidaamkayagii saxda ahaa baanu marnaye taasi waa arrin kale laakiin, masuuliyadda madaarku wasa araddayday hoos timaadda go'aanka aanu qaadanayna go'aan sax ah buu ahaa," ayuu yiri wasiirka Duulista oo u jawaabay wasiirka Hawlaha guud.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO GUDDI BAARITAAN U SAARTAY DHACDADII BARIIRE

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in la sa meeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxaa ka dhacay degaanka bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Jen Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay VOAda ayaa sheegay in dadkii Daraad lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.

XARUNTA MAAMULKA INTERNETKA HAY’ADDA DOWLADDA OO LA HIRGELIYAY

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay xariga ka jaray xarunta Maamulka Internetka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaara dda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir kuxigeenka Dastuurka Soomaaliya.

Shaqaalaha ka howlagalaya xaruntan ayaa R/wasaare ku xigeenka warbixin kasiiyay sida ay u shaqeeyaan, waxayna sheegeen in internetka ay xarunta bixineyso uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in hirgelinta xaruntan Internetka bxisa ay muhiim u tahay Hay’a daha dowladda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan dhamaan hay’ada kala duwan ee dowladda.

"15 goobood ayaa waxaa la geeyay labo xarig oo isku dul wareegga leh, oo loogu talagalay in haddii uu mid go’o mid kale lagu fakado, 15ka goobood waxaa degan hay’adaha dowladda, adeegyada ay Wasaaradda bixineyso uu yahay mid lacag la’aan ah” ayuu yiri Eng Cabdi Wasiirka Boostada.

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bo gaadiyay dadaallada ay wado Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada, wuxuuna ugu ba aqay Wasaaradaha kale inay ku deysadaan si looga mira dhaliyo qorshaha isla xisaabtanka oo halbeeg u ah Xukuumadda Soomaaliya.

"Waan kuu hambalyaynayaa Wasiir, Xukuumadda Nabad iyo Nolol wax weyn ay ku faanto weey aan oo horumar laga gaaray, Wasaaradaha kale inay kuu deydaan ayaan rajeynayaa, qiimeeyn iyo isla xisaabtan ayaa hal ku dhig u ah Xukuumadan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka.

Furitaanka xarunta maamulka Internetka Hay’adaha Dowladda ee ay hirgalisay Wasaaradda Boo stada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto hirgelinta xaru maha muhiimka u ah dalka iyo dhameystirka shuruucda lagama maarmaanka ah, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Wasaaradda ay ku guuleysatay in golaha Wasiirada iyo Labada aqal ee Baarlamanka ay meel mariyeen sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo hadda la filayo inuu saxixo Madaxweynaha Jamhuur iyadda.

AKHRISO: AWAAMIIR LAGU SOO ROGAY GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIY.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa markii ugu horeysay awaamiir kusoo rogay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ka dib weerarkii Shacabka lagu laayay ee ka dhacay degaanka Bariire.

Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanan Golaha Wasiirada wa rar ku saabsan siyaasadda u adeegsan karin barraha bulshada iyo warbaahinta, intaba, iyagoo aan ogo laansho ka haysan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

 

 

 

 

 

 

 

BOGGA CAYAARAHA

HORDHAC: LIVERPOOL VS ARSENAL JURGEN KLOPP OO RAADINAYA GUUSHIISII SADDEXAAD OO XIDHIIDH AH EE KA GAADHO ARSENE WENGER IYO KULAN TIJAABO WAYN U AH LABADA KOOXOOD OO ANFIELD KA DHACAYA. MAHAMOUD BATALAALE AUGUST 27, 2017

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda Arsenal waana kulankii ugu waynaa ee xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 ay laba kooxood oo ka mid ah shanta ugu waa wayni ay kulan Premier Leaque ah iskaga hor imanayaan. Liverpool ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo kul ankii isreeb reebka Champions Leaque guuldaro wayb baday kooxda Hoffenheim si ay heerka Groupyada Champions Lea que u soo gaadho, balse Gunners ayaa kulankan iskeenaysa iyada oo kulankii ugu danbeeyay guuldaro kala soo laabtay Stoke City.

Qarnigan 21 aad kulanka natiijooyinkii ugu xiisaha bada naa soo saaray gaar ahaan dhamaadka kulamada ayaa ah kulanka ay Liverpool iyo Arsenal wada ciya araan iyada oo markale la filan karo kulan xamaasad badan oo ay labada kooxood iskaga hor iman kar aan. Liverpool iyo Arsenal ayaa kulankan lagu qiyaasi doonaa awooda ay u yeelan karaan in ay kooxa ha waa wayn ee kale kula tartami karaan koobka Premier Leaque.

Jurgen Klopp oo xili ciyaareedkii hore rekoodh layaableh ka haystay lixda kooxood ee waa wayn oo aanu hal guuldaro kala kulmin ayaa Arsenal marti iyo minanba ku soo garaacay laakiin Reds ayaa Isha ku haysa in ay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah ee Premier Leaque ay Arsenal guul ka gaadhaan waa arin aan soo dhicin tan iyo My 1998 kii markaas oo ay Liverpool afar kulan oo xidhidh ah ay Gun ners guuldarooyin soo baday.

Waxyaabaha kulankan khaaska ka dhigaya ayay ka mid tahay in 17 gool ay iska soo dhaliyeen 90 ka daqiiqo ama waqtiga dheeriga ah waana kulanka ugu xamaasada badan dhamaadka ciyarta isa ga oo rekoodhkan kaga horeeya kulan kasta oo Premier Leaque ah oo ay kooxaha kale wada ciyaar aan.

Xili ciyaareedkii hore Arsenal ayaa kaliya 9 dhibcood ka heshay 10 kii kulan ee ay la ciyaartay lix da kooxood ee ugu sareeya iyada oo kala badh guuldarooyin ah kala kulantay kooxaha ay sida tooska ah ula tartamaysay waxaana ku jiray laba guuldaro oo ay Liverpool kala kulantay.

Laakiin taas badalkeeda Liverpool 20 dhicbood ka urursatay lixda kooxood ee waa wayn xili ciy aareedkii la soo dhaafay waxayna ahayd kooxda dhibcaha ugu badan ka heshay 10 kii kulan ee ay la soo ciyaartay kooxaha ay sida tooska ah ula tartamaysay.

Rekoodhka kulamada martida horyaalka Premier Leaque ee Arsenal ayaa noqday mid aad u liita iyada oo 8 guuldaro la soo kulantay 13 kii kuklan ee ugu danbeeyay oo ay marti soo noqotay waxayna soo he shay 4 guul daro iyo hal barbaro ah.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Premier Leaque (Kulankiisa 3 aad)

Kulanka: Liverpool v Arsenal

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Atkinson

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Jurgen Klopp ayaan wali ku xisaabtamayn adeega xidiga uu mustaqbalkiisu cakiran yahay ee Philippe Coutinho kaas oo wali doonaya in uu Barcelona ku biiro balse aan kulankan diyaar u ahayn sababo la xidhiidha dhaawac uu dhabarka ka qabo. Coutinho ayaan jidh ahaan iyo maskax ahaan mid na diyaar u ahayn.

Laakiin macalinka ree Germany ee Klopp ayaa rajaynaya in Emre Can oo laba gool ka dhaliyay kulnkii Hoffenheim iyo da’yarka Trent AlexanderArnold ay kulankan taam u noqon karaan kadib dhaa wacyo fudud oo ka soo gaadhay kulankii Hoffenheim.

Waxa Liverpool wali ka sii maqanaan doona Adam Lallana oo muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaan doona iyo waliba difaaca midig ee Clyne kaas oo aan wali la ogayn xiliga rasmiga ah ee uu soo laaban doono. Haddii Trent AlexanderArnold uu taam noqon waayo waxaa difaaca midig ku soo bilaaban kara Joe Gomes.

Xidiga ree Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa safar ugu baxday dalkiisa si uu badhtamihii usbuuca uu uga soo qayb galo ilmihii saddexaad ee u dhashay laakiin waxa uu diyaar u yahay in uu kulankan ciyaaro.

Dhinaca Arsenal warka ugu wayn ayaa ah in Alexis Sanchez oo aan mustaqbalkiisa wali la xalin uu dib ugu soo laabanayo kooxda Arsene Wenger iyada oo waliba la xusuusto in khilaafkii ugu waynaa ee Sanchez iyo Wenger uu soo bilawday kulankii Anfield ee xili ciyaareedkii hore markaas oo uu mac alinka ree France kaydka dhigay Sanchez.

Warka kale ee ugu fiican ee uu Arsene Wenger haysto ayaa ah in ugu danbayn uu Laurent Kosc ielny soo dhamaystay ganaaxii saddexda kulan ahaa ee uu ku jiray wuxuuna diyaar u yahay in uu kulan kan safto.Ma jiraan dhaawacyo badan oo uu Wenger ka walwalsan yahay balse waxaa wali sii maqnaan doona Santi Cazorla.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Alexandre-Arnold; Matip, Lovren, Robertson; Emre Can, Henderson, Wijn aldum; Salah, Firmino, Sadio Mane.

Arsenal (3-4-2-1): Cech; Kolasinca, Koscielny, Mustafi; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Oxlade-Chamberlain; Sanchez, Ozil; Lacazette.

NATIIJOOYINKA KULAMADII LA CIYAARAY EE ENGLAND - PREMIER LEAGUE

AFC Bournemouth 1 - 2 Manchester City

Crystal Palace 0 - 2 Swansea City

Huddersfield Town 0 - 0 Southampton

Newcastle United 3 - 0 West Ham United

Watford 0 - 0 Brighton & Hove Albion

Manchester United 2 - 0 Leicester City

KULAMADA MAANTA IYO CAAWA LA CIYAARAYO

15:30Chelsea ? - ? Everton

15:30West Bromwich Albion ? - ? Stoke City

18:00Liverpool ? - ? Arsenal

18:00Tottenham Hotspur ? - ? Burnley

NATIIJOOYINKA KULAMADII LA CIYAARAY EE ITALY - SERIE A

Benevento 0 - 1 Bologna

Genoa 2 - 4 Juventus

Roma 1 - 3 Inter

Kulamada Maanta Iyo Caawa La Ciyaarayo

19:00Torino ? - ? Sassuolo

21:45AC Milan ? - ? Cagliari

21:45ChievoVerona ? - ? Lazio

21:45Crotone ? - ? Hellas Verona

21:45Fiorentina ? - ? Sampdoria

21:45SPAL 2013 ? - ? Udinese

21:45SSC Napoli ? - ? Atalanta

NATIIJOOYINKA KULAMADII LA CIYAARAY EE SPAIN - LALIGA SANTANDER

Real Sociedad 3 - 0 Villarreal

Real Betis 2 - 1 Celta Vigo

Alaves 0 - 2 Barcelona

Girona 1 - 0 Malaga

Levante 2 - 2 Deportivo La Coruna

Las Palmas 1 - 5 Atletico Madrid

Kulamada Maanta Iyo Caawa La Ciyaarayo

19:15Eibar ? - ? Athletic Bilbao

19:15Espanyol ? - ? Leganes

21:15Getafe ? - ? Sevilla

23:15Real Madrid ? - ? Valencia

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip