Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo war ka soo saaray Mushaarka Ciidanka Dowlada

0
Monday November 30, 2015 - 11:57:25 in Wararka by
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo war ka soo saaray Mushaarka Ciidanka Dowlada

    Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaduu ay ka warqabto in Ciidanka Dowladdu ay Mushaarkooda si joogto ah u qaadanayeen 10-kii bilood ee u dambeysay Sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaduu ay ka warqabto in Ciidanka Dowladdu ay Mushaarkooda si joogto ah u qaadanayeen 10-kii bilood ee u dambeysay Sanadkan.

Wasiirka oo Shalay gaaray Magaalada Beledweyne isaga iyo xubno Wasiirro ah ayaa waxaa ay Magaalada ka fureen Mashaariic Horumarineed, kuwaas oo ay ka mid yihii 2 Suuq oo ganacsi, kuwaas oo magaalada Beledweyne loogu tala galay in ay ku shaqeystaan dadka aan awoodin in ay Baqaarrada ku ganacsadaan.

Hadal uu ka jeediyey Goob Fagaare ah oo uu kula hadlayay dadka Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay in Ciidanka Dowladdu ay muddo ku dhow Sanad Mushaarkooda si caadi ah u qaadanayeen, qorshaha wasaaraddiisana ay ka mid tahay in ay sii waddo bixinta Mushaaraadka Askarta Dowladda oo Boolis Meletari iyo Nabad sugidba ka kooban.

Waxaa uu sheegay in uu dowladda kula laaban doono Baahiyada ay qabaan dadka reer Hiiraan, gaar ahaana Beledweyne oo dadku waxyaabaha ay u gudbiyeen uu dowladda u geyn doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip