
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA AGOOSTO 2017-KA
Cabdiweli Sh/braahim Mudeey Guddoo miye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka ayaa ka codsaday Xujeyda xildhibaanada ah ee Sanadkan in ay u soo Duceeyaan Dadka iyo Dalka.
Hadlkaan ayuu ka jeediyay, xilli uu shal ay Shir guddoomiyay kulankii 15 aad oo ka mid ah Kalfadhiga 2 aad ee baarlam aanka Soomaaliya, kaas oo ay soo Xaadir een 145 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Waxaana xildhibaanadu ay dib isugu soo laaban doonaan 6 Bisha soo socota ee September, iyadoo guddoonka sare ee baarlamaanku ka codsaday guddiyada joo gtada in ay sii wadaan howlaha Shaqo ee baarlamaanka Soomaaliya.
HUMAN RIGHTS WATCH OO KU BAAQDAY IN LA BAARO DAMBIYADII UU GALAY MUKHTAAR ROOBOW
Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Hum an Rights Watch ayaa ugu baaqday dowl adda Somaliya inay baarto dambiyadii uu galay Mukhtaar Roobwo Abuu Mansuur, kaddib markii maanta loo soo bandhigay Saxaafada.
Cilmi baare sare oo ka tirsan Hey’adda Human Rights Watch oo lagu magacaabo Laetitia Bader ayaa sheegtay in sharc iy ada caalamiga ay mamnuuc ka tahay in magangelyo la siiyo dadka gala dambiya da waa weyn, iyadoo Mukht aar Roobow oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha sare ee AlShababa, intii uu ka mid ahaa uu galay dambiyo.
Waxaa ay sheegtay in Mukhtaar Roo bow uu door hoggaamineed ku lahaa we eraro ay geysatay AlShabaa, carruur lagu qasbay in la askareeyo iyo tacadiyo kale.
"Waa in dowladda Soomaaliya ay baarita an ku sameysaa doorkii Roobow, ayna xaqiijisaa kuwii ka dambeeyay dambiy ada as tacadiyadii foosha xumaa ee aanay awooda u laheyn inay ka baxsadaan Cad aaladda”ayay tiri Laetitia Bader oo ka tirs an Human Rights Watch.
Mukhtaar Roobow oo maanta Wariye yaasha kula hadlayay Muqdisho ayaa she egay inuu isaga baxay AlShabaab 5 sano ka hor, isagoo caddeeyay in dowladda Soomaaliya uu marti ugu yahay Muqdi sho, isla markaana uu wada hadal u socdo
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA HIRSHA BEELLE OO XILKA LAGA QAADAY IYO GUDDO OMIYE CUSUB OO LA DOORTAY
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamu lka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa taageer san Madaxweyne Cali C/laahi Cos oble ayaa xalay xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sh.Cusmaan Barre Maxamed. Xildhibaana da oo kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa kulankooda waxaa soo xaadirtay 54 xildhi baan, waxaa ogolaatay in Sh.Cusmaan xilka laga qaa do 52, halka midna uu diiday, midka kale na uu ka aamusay.
Isla markii xildhibaanada ayaa guda galay Doorasho ay u qabteen ilaa 3 sha khsi, kuwaasi u tartamay xilka G/ Baar la maanka maamulka Hirshabeele, maad aama Sheekh Cusmaan ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen. Maxamed C/rax ma an Khayre, Axmed Cabdi Cali, iyo Axm ed Cabdi Faarax ayaa lagu kala magacaa baa Saddexda Qof ee u tartanatay xil ka G/B/Hirshabeelle. Xildhibaanada ayaa u kala codeeyay 3daas Qof, Maxamed C/ra xmaan Khayre ayaa helay 11 cod, Axmed Cabdi Cali aya helay 35 cod halka, Axmed Cabdi Faarax uu helay 8 cod, waxaana ugu dambeyn sidaasi ku guul eystay Axme d Cabdi Cali.
WEERAR DAD LAGU DILAY OO KA DHACAY MUQDISHO
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee G/Banaadir, ayaa sheegaya we erar dad lagu dilay Shalay inuu ka dhacay. Wararka ayaa intaa raacinaya in Ga ari yar oo dad gaaraya todobo ruux ay saa rnaayeen ayaa lagu rasaasee yay meel aa nan ka fogeyn Isbitaalka Digfeer ee De gmada Hodan, waxaana jirta dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay weerarkaasi.
Dabley hubaysan, ayaa lagu soo wara mayaa inay rasaas oodda uga qaadeen gaari yar oo ay dadkaan saarnaayeen, wa xaana halkaasi ku dhintay 3 ruux, halka Afar kalena ay dhaawac yihiin.
Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Bishaar oo shalay la hadlay war baa hinta muqdisho qaar ka mid ah ay aa sheegay in 3 ruux ay geeriyootay, halka dad kale oo dhaawac ahna loo qaaday isbitaalka. Wux uu sheegay dabley hubay san inay beegsadeen dadkaan oo dha ma antood dad shacab ah, illaa haddana ay san garaneyn sababta dad ka an loo be egsaday.
Booliska ayaa baaris ku wada sida ay wax u dhaceen iyo qaabkii ay ku baxsade en raggii hubaysnaa ee falkaan dilka rayid ka ka dambeeyay.
Haweenay ka shaqeysa Isbitaalka Ex Digfeer oo hadda loo yaqaan Erdogan ay aa sheegtay dhaawacyada afar ruux in Isb itaalka la keenay oo xaaladooda caafima ad halkaasi lagu daaweynaayo.
Weerarkaan ka dhacay Degmada Ho dan ayaa wuxuu qayb ka yahay falalka lid iga ku ah dhanka ammaanka ee Muq disho ka dhaca.
WEERAR XOOGAN OO LAGU QAADAY FARI ISIN CIIDAMADA BURUNDI KU LEEYIHIIN SHABEELAHA DHEXE
Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ay aa weerar culus ku qaaday saldhigyada cii dama burundi iyo kuwa dowladda soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka dagamada mahadaay ee G/Sh/Dhaxe. Wararka hal kaa laga helayo ayaa sheegaya in cutub yo ka tirsan dagaalamayaasha Xarakada AlShabaaab ay weerar ku qadeen deeg aanka Califooldheere oo ka mid ah deeg aanada dhaca duleedka Dagmada Maha daay.
Halkaa oo ay saldhigyo Milalitari ku le eyihiin Ciidama Dowladda iyo kuwa AMIS OM ee ka holwgala Qaar kamid ah Dagmooyinka G/Sh/dhaxe,Dagaalkan ayaa la Shegay in la isku Adeegsaday Hubka Nu ucyadiisa Kala Duwan waloow aan la Cadeyn karin Qasaaraha Rasmiga ee soo kala Gaaray Ciidama Alshabaabka ahaa ee weerarka Soo Qaaday iyo ciidamada burundi iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Saldhigyadaas Ku sugnaa.
Dhanka kale Warbaahibta Xarakada Alshabaab Ayaa sheegtay in ciidamadooda weerar Culus Ku Qaadeen saldhigyo ay ku Sugnayeen Ciidamada burundi iyo ku dowladda Soomaaliua Halkaa oo ay she egeen iney Qasaaro Baaxad leh ku gaars iiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowl adda soomaaliya.
Waxeyna intaa Raaciyeen in Weearar ka uu socday mudo Saacado ah kadibna ay Ciidamadoodu ku laabteeen Saldh igya dii ay marka hore Weerarka kasoo Qaade en. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabeele oo ku aadan daga alka ka dhacay deegaanka Califooldhe ere ee G/ShDhaxe Ma ahan markii Ugu horeysay oo ay dagaal yahana Xarakada Alshabaab weearar ku qaadaan saldhig yada ciidamada dowladda iyo kuwa AMIS OM ku leeyihiin Qaar kamid ah Dagmo oyinka G/Sh/dhaxe.
MUKHTAAR ROOBOW OO SHEEGAY INUU ISA GA BAXAY ALSHABAAB
Sh.Mukhtaar Roobwo Cali Abuu Mans uur oo shalay dowladda Soomaaliya u soo bandhigtay Warbaahinta ayaa si ra smiah ugu dhawaaqay inuu isaga baxay AlShabaab. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka City Palace, ayaa sheegay in do wladda Soomaaliya wada hadal u soc daan.
Mukhtaar Roobow ayaa waxaa dhinaci isa surnaa Calanka JDS, waxaana la xusu ustaa xilligii uu ka tirsanaa AlSha baab in dhinaciisa ka baban jiray Calanka madow.
Waxaa uu ka mahad celiyay sida loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, wa xaa uu xusay inuu rajo ka qabo in nabad waarta ay ka islaaxdo Soomaaliya
Mukhtaar Roobow ayaa xilli soo noqd ay Afhayeenka Guud ee Xarakada AlSha baab, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu mar ka mid noqday Amiir kuxigeenka AlShabaab
MADAXWEYNE XAAF "100 ASKARI OO ISKU DHAF AH OO PUNTLAND IYO GALMUDUG KA KALA SOCDA AYAA SUGAYA AMMAANKA.”
Madaxweynaha DowladGobolleedka Gal mudug Md.Axmed Ducaale Geele Xa af, ayaa sheegay inay jiraan ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka M/Galga cyo. Ciidamada ayuu ku sheegay inay yi hiin Booliis, kuwaas oo ka kala socda maamullada Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale tira ahaan ciidamada ayaa waxaa ay gaarayaan 100 askari oo wata afar gaari.
"Dhib badan oo jiray hadda wuu ista ag ay, waxaan hadda mareynaa in ciidan booliis ah oo 2da dhinac ah in la isku daro si ay nabadgelyada u sugaan. 100 askari oo afar gaari wadata ayaa sugaya amma anka M/Gaalkacyo. Ciidankaasi mar dhow ayeey shaqadda bilaabeen waxaana ay soo qabteen dad dambiyo galay, aad iyo aad ayeyna u fiicanyihiin ciidamada”, ayuu yiri.
Dad badan oo ku dhaqan M/Galkacyo ayaa horay usoo dhoweeyay go’aanka ku dhisan nabadgelyada ee ay gaar een ma amulada Galmudug iyo Puntland. Wadah adallo uga socday M/Gaalkacyo maa mul lada Puntland iyo Galmudug oo bishii Ju ne ee sanadkan lasoo gabagabeeyay ay aa waxaa laga soo saaray qodobo intoo da badan ku saabsan xaa ladda Gaalkac yo.
Inta ay wadahadallada socdeen waxaa ka qaybqaatay wasiirro 2da maamul ah oo ay waheliyeen mas’uuliyiinta gobo lka iyo odayaal dhaqameen 2da dhinac ah.
Qo dobbada laga wadahadlay oo inta badan diirrada lugu saaray nabadda si wa dajir ah looga shaqeeyo ayaa is afg arad la ga gaaray,sida ku cad warmurtiyeed ka soo baxay wadahadallada kaaso ka koobnaa toddobo qodob.
Dhinaca kale Md. Xaaf, ayaa sheegay in sababta uu ilaa weli ugu dhawaaqi la’ yahay Golahiisa Wasiiradda ay tahay xal uu u raadinta khilaafka ka dhaxeeyo Ma amulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.
GO’AANKII MADAXWEYNE TRUMP OO SOO MAALI BADAN KA HOR ISTAAGAY GUDASH ADA WAAJIBAADKA XAJKA.
Iyadoo loo diyaar garoobayo gudasha da waajibaadka Acmaasha Xajka, ayaa Soomaalid kunool dalka Mareykanka wax ay walaac ka muujinayaan arrimahaasi, gaar ahaan dadka aan haysanin sharciga dalkaasi.
Walaaca ay muujinayaan dadka Soom aaliyeed ayaa la xiriira diidmadii madaxwe yne Donal Trump ee ahayd socda alka muwaadiniinta ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay kujirto in aysan wadnkaasi u socdaali Karin. Qaar kamid ah dadkaasi ayaa shee gay in documentiyadooda oo ay ku aadi la haayeen Xajka dib loogu soo celiyay, iya goo lagu wargeliyay in aa nay jirin damaa nad ku aadan soo laabashadooda, taasi oo keentay, walwalkan ay qabaan.
Xuseen Cabdi Max’ed iyo C/fataax Cu mar oo kamid ah dadka isku diyaarina yay gudashada waajibaadka Xajka ayaa sheegay inay caqabad xoogan ka haysato dhanka socdaalka, mar haddii aanay dib u gu soo laaban Karin dalka, wax aana ay int aasi ku dareen in ay haysataan sharciyo yer yer balse aanay u kala cadeyn in arin taasi ay saameynayso iyo in kale.
"Magacaygu waa C/fataax Cumar wad dankan muddo ayaan deganahay, wax aan ku faraxsanahay in aan fursad u hello viisaha aan ku soo gudanayo waajibaadka Xajka, balse waxaan ka cabsanaynaa in aan dib u soo laabanweyno, una nasaame eyo go’aankii madaxweyne Trump.
Saameyntii ka dhalatay go’aankii uu madaxweyne Trump saxiixay ayaa sii kor dhaysa,waxaan weli taagan jahwareer ha ysta dhamaan bulshooyinka ka soo jeeda wadamada kujira liiskaasi.
HOGGAAMIYAHA NORTH KOREA OO KU HANJ ABAY IN GANTAAL UU KU TIJAABIN DOONO DEEGAANKA GUAM
Hoggaamiyaha dalka North Korea, ay aa warbixin ka helay ciidamadiisa taas oo sheegeysa in gantaal lagu tijaabi nayo dee gaanka Guam.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in uu daaw an doono jawaabta ka imaan doonta dow ladda Mareykanka ka hor inta aan la qaa din tijaabada gantaalka, waa sida ay shee gtay wakaalladda wararka ee dalkaasi.
Todobaadkii lasoo dhaafay, dowladda ayaa sheegtay in ay dhameysay qorshaha lagu tijaabinayo gantaalka. "Waxaa loo ar kayaa wax wanaagsan haddii go’aanka la qaato, balse in la qaato go’aanka ayaa aad u adag”, ayuu yiri sarkaalka haysta cii damada.
Pyongyang, ayaa ku hanjabtay inay gar aaci doonto Guama, taas oo xaalad geli say guud ahaan gobolka. Madaxweyn aha dalka Maraykanka Trump, ayaa ka digay in lasii daayo gantaalka, taas bedelkeeda waxaa uu sheegay in si kale xaaladda loo darso. Warbaahinta caalamka ayaa sidoo kale falanqeyn weyn ku sameyneysa hada lka kasoo yeeray hoggaamiyaha.
MD.CALI COSOBLE "WAXAAN AHAY MADA XWEY NAHA RASMIGA AH EE HIRSHABEELLE”
Md. Cali Cabdullaahi Cosoble oo Saxa afadda kula hadlay M/Jowhar, isagoo ka soo horjeestay xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan.
Cosoble, ayaa sheegay in hareerihiisa ay taagan yihiin Xildhibaano gaaraya 50 Xi ldhibaan, isaga oo sheegay inaysan jirin ti rada Xildhibaanada ay ku sheegeen kuwa xilka ka qaaday.
Wuxuu sheegay Mooshinka laga keen ay inuu yahay mid sharcidaro ah, islamark aana sidaasi aanan xilka looga qa adi Ka rin, isagana uu yahay Madaxweynaha sha rciga ah ee Hirshabelle. Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu sheegay Mooshinka Xildh ibaanadii waday inay gudbiyeen sida ay sheegeen maalin ka hor, maalintii xigtana ay sheegeen inay xilka ka qaadeen, taasi oo muujinaysa ayuu yiri inay tahay arin aanan sharci aheyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamu lka Hirshabelle, qaarkood oo taageersan Cosoble, ayaa meesha ka sheegay inays an jirin tirada Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Cosoble.
KENYA OO KA CABSI QABTA WEERARO KAGA YIMAADA ALSHABAAB
Ilaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in AlShabaab ay qorsheynay aan Weeraro ay ka geystaan gobol ka Wa qooyi Bari ee dalka iyo sidoo kale degaan ada ku yaalla xeebaha Kenya.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa Wargeyska the Star u sheegay in ciidam ada Ammaanka heegan buuxa la geliyay Cabsi laga qabo Weeraro.
Waxaa uu sheegay in ay suurtagal tah ay in ay doonaayaan in Weeraro Khasaa re badan geysta in ay ku qaadaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.
Sarkaalkaasi ayaa xusay in cabsida u gu badan ay taagan tahay Magaalada Mandera iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhi baato weyn ay heysato dadweynaha ist icmaalaya Wadooyinka gobolka Waqo oyi Bari,Maadaama AlShabaab ay bilaabeen in ay baabuurta Afduubtaan. AlShabaab ayaa dhowr gaari oo qaarkood ay yihiin kuwii Ololaha Xisbiga Jubilee kasoo Afdu ubtay gudaha dalkaasi.
C/ DOWLADDA SOOMALIYA OO ALSHABAAB KALA WAREEGAY DEEGAANKA GO LWEYN
Wararka ka imaanaya G/Sh./hoose ay aa ku waramaya in Ciidamada Xoogga Da lka Somaliyeed oo garab Ka helaya Ciidamada Midawga Afrika Ee Amisom In ay la wareegeen Deeganka Golweyn Ee G/Sh/ Hoose. Gaashaanle Dhexe Ca bdi Salaad oo Kamida Saraakiisha Ururka 26aad Ee Guutada 3aad Ayaa Sheegay In Deegaanka Golweyn ay shalay Si Nabad Ah mar kale kula wareegen Ciidamada Xo ogga Dalka iyo Kuwa Amisom
Sidoo kale Cabdi Salaad ayaa sheegay In Deeganka Golweyn ee dadka ku Dhi baateyn Jireen dagaalyahanada Alshabaab Islamarkana shalay dadka Golweyn ka dulqaden Cadawgii Mudada Dhibka Ku Hayay waa siduu hadalka u dhigee.
Dhanka Kale G/Dhexe Cabdi Salaad Ay aa
Sheegay Iney Sii wadi doonan dagaal ka ey kula Jiraan Alshabaab. Maa lmihii
dambe waxaa deegaankaas ku sugnaa Ci idamada Alshabaab,waxaana ka dhacay
dagaalo u dhaxeeyay Ciidam ada AMIS OM,kuwa Dowladda Soomaliya iyo Alshabaab.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SOO XIR EY KALFADHIGII 3AAD BAARLAMAAN KA MAAMULKAAS
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Md.Axmed Ma xamed Islaam ayaa shalay soo xiray Kalfadhigii 3aad ee G/Baarlamaanka D/Gobo leedka Jubbaland.isagoo Qudbad dheer oo Madaxweynahu uu u jeediyay Baarlam aanka ayuu kaga hadlay arimo kala du wan isagoo si gaar ah ugu dheeraday wad ashaqaynta Hay’adaha Do wlada iyo iska warqabkooda.
Md.Axmed Madoobe wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah in loo wajaho isla markana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexd ooda.
Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka u gu badan ay uga imanayaan si taas loo ya reeyana sida ugu dhaw loo dhisi doono gu diga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hananka garsoorka Jubbaland.
Dhamaan dhulka ay Dowladu leedaha ya ayuu Md.Axmed Madoobe ku cel celi yay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.
Hannaanka qaybsiga khayraadka ayuu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la me el mariyo.
"DFS waxay xuquuq u leedahay iyo wa xa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa inay caddaataa oo hadhow aan la isu gu iman muran iyo dood” ayuu yiri Mada xweynahu.isagoo dhinaca kale sheegay in Madaxda DF so looga baahan yahay inay talooyinka ka qaatan dadka wax gal ka ah ee doonaya in wadanku uu hagaa go.
"Bulshadii waxay u kala qaybsantay la bo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya 2daas noocba waxaan u ba ahanahay inaan ka fogaano oo meel dhe xe aan wax ku cabiro ayuu yiri Md.Axmed Madoobe
wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay So omaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada ka mid ahna ayna ku baraarugs anayn. Baraha Bulshada ayuu xusay in qa ar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku dum inaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.
Gaba gabadii Madaxweynaha DG/Jubb aland Md. Axmed Madoobe ayaa shalay oo Talaado ah 15, August 2017 si rasmi ah usoo xiray KalFadhigii 3aad ee Gol aha Baarlamaanka Jubbaland.
GOLAHA WAKIILADDA SOOMAALILAND OO SHEEGAY INAY DHAXDOODDA KA XALINAYA AN MURANKII SOO KALA DHEXGALLAY
Kulan ay iskugu yimaadeen shirgudo onka golaha wakiiladda iyo dhinacyaddii is hayey ayaa la isku afgartay in mur ankii doorashadda golaha Wakiiladda ka dha shay gudahooga ku xaliyaan sida ay max kamadda sare qaraarka ku soo saartay.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee gola ha Wakiiladda Dr Cali Yuusuf ayaa shacbi ga reer Somaliland ee ka walaacsan khila afka golaha soo kala dhexgalay ugu bu shaareeyey inay xalinayaan khilaafkooda, waxaanu sheegay in laba guddi soo kala magacaabi doonaan 2da dhinac ee khil aafku soo kala dhexgalay.
Sidoo kale, G/Golaha Baashe Maxam ed Faarax iyo xildhibaan Talyanle ayaa sheegay in 7aad la fasaxay golaha si loo dhameeyo khilaafka golaha ka dhex jira.
"nasiib wanaag 2da dhinac qalbi fiican bay la yimaadeen oo ah in la isku soo dho waado oo la is afgarto, marka waxa la isla gartay in 7aadka golaha la fasaxay in gu ddi 2da dhinac ka kooban la soo magaca abo, oo 2da gudi wada hadla an, 7kaasna lagu dhameeyo wixii lagu kala gadisnaa” ayuu yidhi Cali Yuusuf, gudoomiye ku xig eenka 2aad.
Mar uu la hadlayey shacabka Somalila nd waxa uu yidhi "Dadweynaha waxaan u sheegaya woxooga way ka warwars anaa yeen khilaafka golaha, goluhu waa golihii na wax dhibaato ah oo ka dhacaysa ma jir to,marka maanta intii badnayd waanu dha maynay” Gudoomiyaha G/Wakiiladda Ba ashe Maxamed Faarax ayaa isna sheeg ay in golaha la faxay toddo baad kale oo uu ku sheegay In kaadh qaybinta doora shooyinka iyo muranka soo kala dhexgalla loo fasaxay golaha.
"shirgudoonku markii uu la tashaday xubnihii dhinacyadda is hayey, markii aa nu ogaanay inay kaadh qaadasho jirto So ol iyo Sanaaag, waxaanu isla garanay shi rgudoon ahaan in golaha toddobaad la fasaxo oo illa Axadda dambe ah, muranad dii jirinay in lagu dhamaystiro 7aadka golu hu fasax yahay.”ayuu yidhi Baashe Maxa med Faarax G/G/Wakiila dda. Xildhibaan C/maan Maxamed Talyanle oo ahaa mu sharaxii kale ku doodayey inuu G/yaha ra smiga ah ee Golaha yahay ayaa isna ka hadlay go’aankii ay maxkamadda sare dib ugu soo celisay, waxaanu sheegay in gu ddi 2da dhinac ah la magacaabayo si loo wada hadlo, waxaanu yidhi " maxkamad du waxay tidhi khilaafka dhexdiina ah idi nku dhexd iina ka dhamaysta haddii aad ti hiin golaha wakiiladda, intaasi markii ay nagu soo noqotay oo dib la nagu soo celiy ey ee xildhibaanadii golaha wakiiladu kul meen waxay isla qaateen in mudadda gol aha dib loo dhigo, laba guddina la maga caabo.”,
Murankii ka dhashay doorashadda gu doomiyaha ee golaha Wakiiladda Somali land ayaa maxkamadda sare dib ugu soo celisay in xeer hoosaadkooda lagu xaliyo khilaafkaasi, waxaana xildhibaanaddu isla garteen inay dhexdoodda dham aystaan, taasina waxay keentay in labadda dhinac ee muranku ka dhashay qalo waliba guddi soo magacowday, si ay uga wada hadla an khilaafka dhexdoodda ka jira.
6 ASKARI OO LAGA DILAY HOWLGALKA QM KA DIB MARKII WEERAR LAGU QAADAY XARUU NTOODA
Q/Midoobe ayaa sheegtay in koox hube ysan ay weerar kusoo qaadeen xaruuntoo da oo ku taalla waqoyga M/Timbu ktu ee dalka Mali. Saraakiisha howlgalka QM, ay aa sheegay in ay dileen lix kamid ah koo xdii weerarka soo qaaday, shalay oo Isniin aheyd.
Sidoo kale weerarka waxaa lagu dilay lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad da Mali, kuwaas oo ka hoos shaqe ynaya howlgalka Nabad ilaalinta ee QM. Afhay een kuxigeenka howlgalka QM ee dalka asi Farahn Haq,ayaa warba ainta u sheeg ay in kooxda hubeysan ay doonayeen in si xeeladeysan ay kusoo galaan xarunta, balse laga hortagay.
Howlgalka QM ee dalka Mali, ayaa wax aa lagu magacaabaa MINUSMA, waxaa na dhawaan la filayaa in howlgalka la gu guuleysto guud ahaan sida ay aaminsany ihiin saraakiisha ciidamada dowladda Ma li. Xoghayaha Guud ee QM, Anto nio Gute rres, ayaa cambaareeyay weerarka wa xaana uu ku tilmaamay dambi laga galay xeerka caalamka.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQ DAY IN WADA HADAL KULA JIRTO MUKHTAAR ROOBOW
DFS ayaa ku dhawaaqday inay wada hadal kula jirto Wadaadka ka soo goostay AlShabaab Sh.Mukhtaar Roobow Ca li Abuu Mansuur, saacado ka dib markii uu Muqdisho kula hadlay Saxaafada.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasa aradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhowey ney so shaqsiyaadka ka waantooba falalka argagixisada.
Wasaxaafadeedka:
DFS oo wadahadal kula jirta Mukhtar
Siyaasadda DFS waxaa aasaas u ah in sh akhsigii ka waantooba falalka argagaxisni mada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.
Sidaas darteed, DF/Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna in uu ka baxay kooxda AlShabaab.
Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey bal lan qaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka AlShaba ab. DFS ku waxay u mahad celiney saa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roob ow, gaar ahaan bulshada qeyba heeda ka la duwan iyo saaxiibada Beesha Caalam ka.DHAMAAD
C/HI SH. ISMAACIIL FARTAAG OO KU GU ULE YSTAY DOORASHADII XUBINIMADA GUDDIGA DASTUURKA
Senator C/llaahi Sh.Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa shalay ku guuleystay xubini mada Gu ddiga Dib u eegista Dastuurka ee 2da Aq al, ka dib doorasho ka dhacday Xarunta Aqalka sare. Doorashadan oo ay ku tart amayeen illaa afar xubnood oo mid ka mid ay haweeney aheyd, ayaa waxaa C/llaahi Sh. Ismaaciil uu helay 24 cod, halka Shur ki Aadan Maxamed ay heshay 22 cod, wareegii labaad ee doorashada.
Xubinta loo tartamayay ayaa waxaa iska casilay Senator C/raxmaan Faroole oo 7adkii hore looga guuleystay Gudd oomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuur ka 2da Aqal oo loo doortay Cabdi Qeybdi id.
Guddiga dib u eegista Dastuurka ay aa waxaa xubin ka ah 10 xildhibaan oo is ku dhaf ah, waxaa 5 ka mid ah ay ka soc daan Aqalka sare, halka 5ta kale ka socd aan Golaha shacabka. Warqad uu dhowa an uu qoray Wakiilka Q/Midoo bey u qaabi lsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa uu walaac uga muujiyay in Guddi gan aanay wax xubin ah ku laheyn hawe enka.
C/RAXMAAN JAAMAC BARE OO XILAL KALA DUWAN SOO QABTAY OO DALKA MAREYKANKA KU GEERIYOODEY
Alla ha u naxriistee waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Dowl adii Dhexe ee Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre. Marxuumka oo in muddo ah xanuunsanayay ayaa waxaa uu ku geeriyooday magaalaad San Diego ee gobolka California ee dalkaasi Mareykanka sida ay eheladiisu xaqiijiyeen.
Diiriye Max’ed Siyaad Barre oo ah wiil uu adeer u yahay Marxuum C/raxmaan ayaa xaqiijiyay geeetida adeerkiisa.
Alla ha unaxriistee waxaa uu dalka ka soo qabtay xilal kaladuwan, waxaa uu mar ahaan ra’iisul Wasaare ku xigeen, iyo xilal Wasiir.
Sanadkii 1937 ayuu marxuumka ku dhashey magaalaad Luuq ee gobolka Gedo Da’diisu waa waxay ahayd 79, waa Walaalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Max’ed Siyaad barre, isagoo inta badan wax barashadiisa aas aasiga ah uu ku qaatay dalka gudihiisa, 1960 ayuu waxbarashada PHD ka diyaariyay Jaamacad ku taala dalka Talyaa niga.
Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda dowladdii Dhexe 1977, isagoo muddo kadib loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen 1987.Waxaa uu ifka kaga tagay 15 Caruur ah kuw aasi oo isugu jira wiilal iyo Gabdho,
MADAXWEYNAHA COLOMBIA: DAGAALKII LAGULA JIRAY FARC SI DHAB AH AYUU U SOO AFJARMAY
Gaarigii ugu dambeeyay ee ay ku raran yihiin hub ay leeyihiin kooxdii hore ee mucaaradka dalka Colombia, ee FARC ayaa laga saaray meelo ka mid ah dalkaasi, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in tan ay tahay guushii ugu dambeysay ee dalkaasi uu ka gaaro dagaalkii soo jiitamayay muddada konton iyo labada sano ahayd.
Wuxuu madaxweynuhu sharraxaad ka bixiyay sida xoogagga hubeysan ee dalkaasi loogu daad gureyn doono deegaannadii ay ka baxeen kooxda FARC.
Ciidamada ayaa sugi doona ammaanka bulshada iyagoo sidoo kale ka caawin doona dhismaha waddooyinka.
Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Colombia, Jean Arnault, ayaa sheegay in toddoba iyo toban kunteenarro ay ka buuxaan hub laga saaray goobaha ku meel gaarka ah. Dagaalyahannadii hore ee FARC ayaa lagu wadaa in lagu dhex daro bulshada.
C/XAKIIN CAMEY OO KU BAAQAY IN LALA SHAQEEYO CIIDAMADA ISKU DHAFKA
Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay gaba gabo in uu marayo qalabeynta Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Ciidamada isku dhafka in hada lagu wareejiyay Gawaari ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena ay bilabeen shaqadoodii rasmiga aheyd ee nabadeynta magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale C/xakiin Camey ayaa labada maamul iyo labada shacab ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada loo sameeyay in ay ka shaqeeyaan nabada Gaalkacyo, si aysan u soo laaban colaad dambe.
C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay isku keeni doonaan waxgaradka labada dhinac si ay hoggaan ugu noqdaan Nabada iyo wada noolaanshaha.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Camey wuxu sidoo kale tilmaamay in labada ciidan looga fadhiyo inay gut aan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo helo Gaalkacyo oo amni lagu wada degan yahay. Maamulka Puntland ayaa bixinaya mushaarka Saddexda bilood ee ugu horreysa Ciidamada isku dhafka ah ee Magaalada Gaalk acyo amnigeeda sugaya, sida uu sheegay C/xakiin Camey.
Shacabka Gaalkacyo ayaa si wayn u soo dhaweeyay ciidanka isku dhafkaa ee markii ugu horaysay loo sameeyay Gaalkacyo ayna sameeyeen labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
GUDDOONKA AQALKA SARE OO U JAWAABAY MICHEAL KEATING
Gudoomiyaha Aqalka Sare Md/Cabdi Xaashi C/hi ayaa ka jawaabay Warqad qoraal ah oo dhawaan kasoo baxday wakiilada QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal keating. Warqadda kasoo baxay Micheal Keating ayaa aheyd eed eyn ku aadan in aan Guddiga dib u eegista dast uurka ee labada Aqal aan lagu soo daray haween,taasina ay wax u dhimeyso saa miga qeybsiga loogu tala galay in ay qaat aan haweenka Soomaaliyeed dhanka Siyaasadda.
Warqad kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ay aa lagu sheegay in Dastuurka Soomaa liya uu caddeeynayo saamiga haweenka sidaas darteedna aysan jirin ku talo gal toos ah oo ka dhan ah Haweenka.
Waxaa uu sheegay Markii Guddigaasi loo tartamaayay kaliya Hal Gabadh in ay is asoo sharraxday,islamarkaana ay kuu guuldareysatay in ay ka mid noqoto.
Gudoomiyaha ayaa xusay in dhammaan doorashadii ay kusoo baxeen Shanta xu bnood ee Aqalka Sare u mataleysa Gudd iga Dastuurka ay kusoo baxeen si Cadd aalad ah.
"Qodobka 133aad ee Dastuurka Sooma aliya uu farayo in Gole kasta oo ka mid ah 2da aqal laga rabo in ay soo doort aan shan xubnood oo ku matasha dib u ee gista dastuurka,Aqalka sarena uu mas’uul ka yahay 5ta Xubnood ee uu doortay sid aasna ay doorashadooda ku dhacday” ay aa lagu yiri Warqadda kasoo baxay Gud doonka Aqalka Sare.
K/GALBEED "WAXAAN JOOJINEYNAA COLAADA MARKO”
Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay wadaan Wasaaradaha qaar ee Koonfur Galbeed qorshe dib u heshiisiin loogu sameynayo shacabka Shabeellaha iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Abaaraha.
Wuxuu kaloo sheegay Maxamed Fiqi dhibaatooyinkii ka dhacay Shabeellaha Hoose gaar ahaan Marka in ay sababtay in dadka qaar ay u barakacaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gabaadsi doontay, iyo nolol wanaagsan oo ay raadsadaan.
Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha ayaa sidoo kale sheegay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qeyb ka yihiin xasilinta magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.
BOGGA CIYAARAHA
AGAASIMAHA CIYAARAHA EE KOOXDA RB LEIPZIG EE RALF RANGNICK OO SHAACA KA QAADAY WAQTIGA AY LIVERPOOL U FASAXAYAAN SAXIIXA NABY KEITA.
Agaasimaha ciyaaraga ee kooxda ka ciyaarta Bundesligaha ee RB Leipzig ee Ralf Rangnick ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, xiliga ay ku haboon tahay in Naby Keita uu ka dhaqaaqo safka kooxda ree Germany, wuxuuna tilmaamay in sanada 2018 uu Keita u dhaqaaqi doono koox weyn. Inkasta oo ay RB Leipzing diiday dalabyo qaali ah oo ay Liverpool ka heshay waxay sanadka soo socda ku fasixi doontaa 48 milyan gini oo heshiiskiisa lagu burburin karo.
Ralf Rangnick ayaa wuxuu iska diiday in sharaxaad buuxda uu ka bixiyo sababta ay ugu ogolaan waayeen in Naby Keita uu ka baxo suuqan xagaaga, xili sidoo kale uu shaaca ka qaaday inay iska diideen laba dalab ay Liverpool kasoo gudbisay saxiixa laacibkooda khadka dhexe.
Agaasimaha ciyaaraga ee kooxda RB Leipzig ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay: "Mararka qaar ciyaartoyda waxay horumar wanaagsan ka sameeyaan in ka badan kooxdooda waliba sida ugu dhaqsida badan, laakiin hadii uu xili ciyaareedka xiga uu soo bandhigo isla qaab ciyaareedkii wanaagsanaa uu soo bandhigay kii lasoo dhaafay, si la mid ah Champions Leaguega, wixii xiligaas ka dambeeya waxaan ka fasaxaynaa safka kooxda xili ciyaareedka kale ee xiga, waana la qabsan doonaa wixii xiligaas ka dambeeya si uu isna waqtigiisa ugu noolaado”.
Ralf Rangnic ayaa hadalkiisa intaa wuxuu sii raaciyay: "Liverpool waxay inoo soo dirtay laba dalab oo ku socday Naby Keita, xili sidoo kale uu jiray xidhiidh toos ah ee u dhaxeeyay labada kooxood, anagu dhankeena xili kasta go’aankeenu wuxuu ahaa mid cad ee aan ku sheegnay in sanadkan Naby Keita uusan ka bixi doonin safka kooxdayada, dhamaan kooxaha aduunka oo idilna sida aan sameenay si la mid ah ayey inta badan ku dhaqaaqaan”.
Agaasimaha ciyaaraga ee kooxda RB Leipzig ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: "Hadii ay dhacdo in Naby Keita laga soo gudbiyo dalab u dhaxeeya 70 iyo 80 million euros, waxaa waajib ah inaan is weydiino inta ay la egtahay awooda dhaqaaleed miiska saaran ee aan ku lumineyno adeega laacibka, waxaa ila wanaagsan inaan ka war sugno ilaa iyo xili ciyaareedka xiga kadibna aan u fasaxno kooxda kasoo gudbisa qiimo lacageed macquul ah”.
LIONEL MESSI OO FARIIN DHIIRA GALIN AH U DIRAY XIDIGAHA IYO JAMAAHIIRTA KOOXDA BARCELONA, KAHOR INTA AAN LA GAADHIN KULANKA LUGTA LABAAD EE SPANISH SUPER CUPKA
Barcelona ayaa guuldaro culus oo 13 ah kusoo gaadhay garoonkeeda Cump Nou kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka oo ay Axada isaga hor yimaadeen, balse lacibka ree Argantina ee Lionel Messi ayaa aamisan in kooxdiisa Blaugrana ay guul ku soo gaadhi karto Arbacada garoonka Santiago Bernabéu.
Lionel Messi ayaa u xaqiijiyay jamaahiirka kooxdiisa Barcelona in Santiago Bernabéu ay ku soo bandhigi doonaan qaab ciyaareed wanaagsan si ay kaga soo laabtaan natiijada uu ku soo idlaaday kulankii lugta hore.
Xidiga ree Argantina ayaa kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Instagram fariin xambaarsan rajo xoogan kahor inta aan la gaadhin kulanka lugta labaad ee Arbacada ka dhici doono garoonka Santiago Bernabéu.
Dhinaca kale wargeyska "Mundo Deportivo” ayaa wuxuu soo xigtay fariintii uu soo dhigay Lionel Messi bartiisa rasmiga ah ee Instagram, wuxuuna yidhi: "Waxay inoo ahayd maalin murugo, balse waa inaan kacnaa oo aan jawaab culus aan ka bixinaa, si aan horey ugu sii socono,haatana waa aan bilaawnay”.
Lionel Messi ayaa ahaa kulankii Axada ka dhacay garoonka Cump Nouu xidigii ugu wanaagsanaa kooxda Barcelona, wuxuuna dhaliyay goolka qura ee kooxda Blaugrana, kaasoo ahaa rikoodhe, laakiin wuxuu ku guuldareestay in kooxdiisa uu ka caawiyo sida ay ku gaadhi lahayd natiijo wanaagsan, kahor kulanka lugta labaad ee lagu go’aamin doono cida ku guuleysan doonta koobka Spanish Super Cupka.
"Mundo Deportivo” ayaana wuxuu xaqiijiyay in laacibka No.10aad ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina uu rajo wanaagsan ka qabo in kooxdiisa Barcelona ay sameyn doonto garoonka Santiago Bernabéu habeen cusub oo taariikhi ah.
MUXUU TABABARE ERNESTO VALVERDE KA YIDHI SHANTII KULAN EE RONALDO LAGU GANAAXAY IYO SAXIIXA CUSUB EE PAULINHO?
Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa wax laga waydiiyay ganaaxii shanta kulan ahaa ee lagu riday xidiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kaas seegaya kulanka lugta labaad ee Spanish Super Cupka ee ay Barcelona martida ku noqon doonto Bernabeu. Valverde ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay saxiixa cusub ee ay kooxdiisa Barcelona samaysay ee Paulinho.
Ernesto Valverde ayaa sheegay in aanu isagu garanayn in ciqaabta Ronaldo lagu xukumay ay cadaalad tahay iyo in kale isaga oo sheegay in aanu wax fiican ka aqoon sharciga iyo sida uu u shaqeeyo laakiin Paulinho ayuu ku tilmaamay ciyaartoy qarankiisa Brazil muhiim ka ah oo uu awood jidh ahaaneed leh.
Ernesto Valverde oo ka hadlaya ganaaxa Ronaldo ayaa yidhi: "Anigu ma ogi haddii ay tahay ciqaab cadaalad ah isla markaana ma jirto wax aan ka sheegayaa. Anigu ma fahansani sida uu ganaaxu u shaqeeyo. Anigu kuma fiicni arimaha sharciga”.
Ernesto Valverde ayaa inta kadib ka hadlay Paulinho wuxuuna yidhi: "Paulinho waxa uu ciyaartoy muhiim ah ka yahay xulka qarankiisa Brazil, aragtida farsamo, isagu waa ciyaartoy muhiim ah kaas oo sidoo kale jidh ahaan u xoogan. Anaga dhinac kale ayuu na siinayaa maadaama oo aanu kooxda ku jirin ciyaartoy isaga la mid ahi”.
Ernesto Valverde iyo kooxdiisa Barcelona ayaa kulanka Bernabeu iskeenaya iyaga oo Real Madrid ay kulankii hore 31 kaga soo badisay waxayna Balaugrana doonaysaa haddii ay iyaduna Bernabeu guul kale ku soo gaadhi karto wuxuuna Ernesto Valverde xusay in ayna jirin wax aan macquul ahayni.
MAROUANE FELLAINI → JUVENTUS, IVAN PERISIC → MAN UNITED IYO WARARKII SUBAXNIMO EE AY QORAAN WARGAYSYADA CAALAMKU
Wanaagsan oo wacan Akhrisayaasheena sharafta iyo Qiimaha leh ee aan jecelnahayow ku soo dhowaada mar kale iyo barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee aynu ku soo bandhigi jirnay wararka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee ay wargaysada caalamku ka qoraan suuqa kala iibisga.
Suuqa ayaa si Toos ah u furmay waxana ay kooxaha kala duwan ee reer yurub ka shaqaynayaan sidii ay kooxdooda xiddigo cusub oo wax cusub ku soo kordhiya ugu soo dari lahaayeen inta uu xagaagan socdo.
Kooxda Chelsea ayaa ku dhow in ay dalab 50 Milyan ah ka gudbiso xiddiga daafaca bidix uga ciyaara kooxda Tottenham ee Danny Rose kadib marka uu ka hor yimaado Axada (The Sun).
Kooxda Juventus ayaa ku dhow in ay dalab 22.5 milyan ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Marouane Fellaini (The Sun).
Tababare Antonio Conte ayaa diirada saaray xiddiga 15 milyan lagu qiimeeyo ee daafaca midig uga ciyaara kooxda Southampton ee Cedric si uu ugu xaliyo dhibaatada kooxdiisa b
Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa sheegaya in uu xilli ciyaareedkii hore cadaadis ka saarnaa qiimihii laga soo bixiyay laakiin uu xilli ciyaareedkan kubad ciyaari doono (Daily Telegraph).
Kooxda Atletico Madrid ayaa laga yaabaa in ay isaga harto baacsiga dhiblowga reer Spain ee Diego Costa xilli lala xiriirinayo in uu ka tagayo chelsea (Daily Mail).
Kooxda Man United ayaa heli karta saxiixa xiddiga Ivan Perisic inkasta oo uu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda Inter Milan (Daily Express).
Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa diyaar u ah in uu kooxda ka diro xiddigha Paco Alcacer,Rafinha iyo Andre Gomes kuwaas oo aan ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub (Daily Express).
Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa madaxweynaha kooxdiisa Real Madrid ee Florentino Perez u sheegay in aanu u dhaqaaqi saxiixa Eden Hazard (Diario Sport).
NATIIJOOJINKA CHAMPIONS LEAGUE - QUALIFICATION
Qarabag FK 1 - 0 FC Koebenhavn
APOEL Nicosia 2 - 0 Slavia Prague
Hoffenheim 1 - 2 Liverpool
Sporting CP 0 - 0 FC FCSB
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA AGOOSTO 2017-KA
XUBANAH G.BAARLAMAANKA OO FASAX GAABAN LA SHAACIYEY IN AY GALAYAAN Ujeedka fasaxa la siiyay xubnaha baar lamaanka ayuu ku sheegay in ay tahay mid loogu talagalay soo gudashada Acm aasha Xajka, waxaana la fasaxay Xildhi baanada mudo ku siman 21 Maa