WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA AGOOSTO 2017-KA

0
Monday August 14, 2017 - 10:24:47 in Wararka by
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA AGOOSTO 2017-KA

    MAXAA KASOO BAXAY KULANKA DHEXMARAY MUQTAR ROOBOW IYO RAISULWASAARE KHEYRE Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) kuxigeenkii Hogaamiyihii Xarakada Alshabaab oo shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ayaa loo galbiyay xalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA KASOO BAXAY KULANKA DHEXMARAY MUQTAR ROOBOW IYO RAISULWASAARE KHEYRE Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) kuxigeenkii Hogaamiyihii Xarakada Alshabaab oo shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ayaa loo galbiyay xalay Xarunta Taliska Nabad sugida ee loo Yaqaano Habar Khadiija si loo ilaaliyo Xaaladiisa Amni hoygiisana meesha ayaa Laga dhigay.

Ilo Wareedyo ayaa xaqiijiyay in Roobow uu la kulmay Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre islamarkaana ay kawada hadleen arrimaha Siyaasadeed ee ka jira Dee gaanka Abal iyo Dagaalkii uu Kala kulmay dagaalyahanada AlShabaab.

Dowladda ma shaacin kulanka Shiikh Mukhtaar iyo Ra’iisul wasaare Kheyre,dhexmaray.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in Muqtaar roobow la geyn doono Xaruunta Madaxtooyada soomaaliya wuuna lakumi Doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

GUDDOONKA BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE OO QABTAY MOOSHIN KA DHAN AH MADAXWEYNE COSOBLE (AKHRISO)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ay aa ka guddoontay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen Ma daxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Marwo Canab Ciise ayaa ka dhawaajisay in Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay moo shinkan, iyadoo sheegtay inay saxiixeen illaa 53.

Mooshinkan xil ka qaadista ayaa lagu wadaa in la furo maalmaha soo socda, iyadoo dad badan ay isha ku hayaan xiisada siyaasadeed ee xilligan ka jirta Maamulka Hirshabeelle.

Illaa 12 Wasiir oo isugu jiray Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeeno ayaa shalay iska casilay xilalkooda, kaddib markii ay ku eedeeyeen Madaxweyne Cosoble waxqabad la’aan.

Wasiirada ayaa ku biiray mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle, iyagoo qeyb ka ahaa Xildhibaanadii saxiixay.

Liiska illaa 70 Xildhibaan oo 53 ka mid ah ay saxiixeen Mooshinka ayaa loo gudbiyay Guddo onka Baarlamaanka Hirshabeelle

QODDOBADA LAGU EEDEEYAY MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE COSOBLE AYAA WAXAA KA MID AHAA:

1 Inuu jebiyay qodobo dastuuri ah,

2 Ku takrifal awoodeed,

3 Xil gudasho la’aan,

4 iskahorimaad beelaha dega Hirshabeelle,

5 Shaqo xumo xukuumada ah

6 la tashi la’aan labada gole.

Mooshinkan ayaa ah kii labaad oo Xildhibaanada Hirshabeelle ka keenaan Madaxweyne Cosoble, lix bilood ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale mooshin uga keeneen, balse waa la xal iyay, iyadoo Xildhibaanada badankood markii la afgartay ku dhawaaqay inay ka laabteen mooshinka.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO LA KULMAY MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Isla am ayaa shalay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii ho re ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kis maayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada iyo Shacabkuba ay abaal uga hayaan ugana ma had celinayaan sidii uu garabka walalnimo ugu muujiyay wakhti ay u baahnayeen.

RA’IISUL WASAARE KU XIGEENKA OO KA QAYBGALAY XIL WAREEJINTA HANTI DHOWRKA QARANKA..

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ay aa ka qaybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxa med Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, ay aa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ku farx san yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu ift iimayay in uu wax wayn ka badali doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaran ka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dal kiisa.

Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu falanqeynayo waxq abadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa qaybta ugu muhiimsan.

"Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuqmaasuqa oo muhiimad wayn u leh nida amka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula dardaarmay hog aanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu la socdo dhaqdhaqaaqa xuku umadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawl adda.

Hanti dhowraha cusub Maxamed Cali Afgooye ayaa ku heyb ahaa Hanti dhowrkii hore Nuur Faa rax Jimcaale ee xilka looga qaaday dilkii Wasiir Siraaji, waxaana dood la gelinayaa aqoonta Hanti dho wrkan cusub, maadaama dad badan ay shaki ka muujiyeen taariikhdiisa waxbarasho ee la soo ban dhigay markii xilkan loo magacaabay.

GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO ANSIXIYEY MIISAANIYADDA UU KU SHAQEYN LAHAA MAAMULKAAS

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa shalay kulan ku yee shay Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, waxaana Ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta miisaaniyadda 6da bilood dambe 2017.

Kulanka waxaa shir gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, wax aana dood dheer kadib Goluhu si aqlabiyad leh ku ansixiyey miisaniyadda oo gaaraysa 7.2 Milyan doll arka Maraykanka.

Miisaniyadan ayaa Dhawaan la horgeyn doonaa golaha wakiilada Galmudug, dakhliga canshuur ururinta Galmudug ayaa aad u hooseysa, maadaama aysan si fiican u shaqeynin kaabayaasha dhaqa alaha iyo canshuuraha beriga.

WASIIR XOOSH OO LA KULMAY MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR …

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay kulan wadatashi oo ku saabsanaa hannaanka dib u eegista Dastuurka Qaranka la yeeshay Maamulka Gob olka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiye Kuxigeenada, Xoghayaha ee Gobolka iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dib u egiista Dastuurka iyo maqaamka Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in muhiim ay tahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan dib u eegista Dastuurka.

"Haatan waxaa farxad wayn inoo ah inaan la kulanno Maamulka Gobolka Banaadir oo aan ka ta lagelino hannaanka dib u eegsita Dastuurka, waxaa muhiim inoo ah inaan yeelano wadashaqayn, si aan isaga kaashano hawlaha ina horyaala, waana hubaa Madaxda Gobolka in ay yihiin masuuliyiin aan si dhaw u wadashaqayn doono.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda hawlaha ay qabatay muddooyinkii dambe, isaga oo u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan.

Ugu dambeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa fikradahooda ku saaba san geedisocodka dib u eegista Dastuurka la wadaagay Wasaaradda.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO SHALAY HORTAGAY GOLAHA SHACABKA JFS

Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Mu udey’’ oo shir gudoominayay kulanka golaha shacabka ah ee shalay, ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan golaha shacaba dhawaan ay soo jeediyeen in uu golaha hor yimaado wasiirka arrimaha dibadda si su’aalo looga weydiiyo arimo shaqada wasaaradiisa la xiriira, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyay sida uu ugu hogaansamay u yeeritaanka golaha shacabka.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee shalay oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dha qanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay Xildhibaanada Golaha Shacabka guda galeen su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cu mar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safa aradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka Soo maaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Sooma aliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaar kood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

HAWEENKA KENYA OO DALBANAYA IN CIIDANKOODA LAGA SOO SAARO SOOMAALIYA

Ururada bulshada dalka Kenya, gaar ahaan Haweenka ayaa Maxkamadda Sare ee dalkaasi wa xa ay ka codsadeen in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, kuna sugan Soomaaliya la soo sa aro.

Warqad qoraal ah oo Jimcihii ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayay ku shee geen in muhiim ay tahay in la soo saaro Ciidanka Kenya, si dadkooda ay uga difaacaan weerarada Shabaab ay ka geystaan Kenya.

Sidoo kale Haweenka Kenya ayaa warqadooda waxaa ku qorneed in sirdoonka dalkaasi ay ka dalbanayaan in Ciidamo gaar ah oo ka hortaga loo sameeyo dadka Kenyanka ah ee ku jira Shabaab, weeraradana ka geysta dalkooda.

"Maxkamadda sare waxaan ugu baaqeynaa in Ciidankeena ay ka soo saarto Soomaaliya, dad keena waxay dhibaatooyin dilal ah ay kala kulmaan ururka Alshabaab, si taasi loga baaqsado ayaan Ciidankeena u dalbaneynaa”. Ayay tiri Ms Truphena Moraa oo ka mid ah Haweenka Kenya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Haweeneydan Qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya in ay bilowdeen markii Ciidanka Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya.

Shabaab ayaa horey u sheegay in gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo Qaraxyo toos ah ka gey san doonaan, ilaa Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay ka baxaan.

WASIIRKA WAXBARASHADA DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHAACIYEY IN AY HELEEN DEEQO WAXBARASHO OO …

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaa ca ka qaaday in ay heleen Minxooyin Faro badan.

Wasiirka ayaa sheegay in Minxooyin Badan ay ka heleen Dalka aan Walaalaha nahay ee Suud aan waxaana uu sheegay in ay Si wanaagsan oo cadaalad ah ay u bixin doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in ay sugayaan Deeqo Waxbarasho oo kale oo leh heerar kala duwan oo aan ka heleyno Dowladda Itoobiya.

GUDDIGA DIFAACA EE GOLAHA SHACABKA OO K/AFRIKA SHIR KAGA QEYBGALAY…

Wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga iyo guddiga difaaca ee golaha shacabka jam huuriyadda Soomaaliya oo Koofur Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala wasaar adaha gaashaandhiga iyo arimaha dibadda ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay waxa Soomaaliya ka faa’idi karto khibradaha Koofur Afrika ka baratay gumeysiga iyo waqtiga xoriyadda.

Wafdigaan oo maalmo ku sugnaa Koofur Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Ga anshaadhiga madxafka midib takoorka, halkaas oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kalasooca, iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg iyagoo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore wasaaradda gaashaandhiga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca, golaha shacab ka xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

” Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno isku dhafka Ciidamada mad aama ay ka soo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimoqraadiyad iyo wada shaqeynta caawinaa da labada dal iyo inay naga caawin karto hay’adaha aminga iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix xubnood ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya,waxeyna qeyb ka ahaa yeen Wafuud ka socday Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray Koofur Afrika.


MADEXWAYNE FARMAAJO "DFS WAXAA KA GO’AN IN AY JOOGTEYSO DADAALLADA LAGU CIRIBTIRAYO CUDURRADA DILAAGA AH OO AY DABEYSHU KAMID TAHAY”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhal ka dadaalladii lagu dabar gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soo maaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bahwadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen hig sigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horum arinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada ista agaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano

BOOLISKA TALYAANIGA OO XIRAY MAXAMED FAARAX

Ciidamada booliska dalka Talyaaniga ayaa xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaan jiray Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Booliska waxa ay sheegeen in ninkaasi oo ka mid ah qaxootiga Soo galay dalka Talyaaniga in la xiray ka dib markii uu magangeliyo soo waydiistay Waaxda Qaxootiga dalka Talyaaniga.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Maxamed Faarax oo da’diiso tahay 24 sano jir, wax aana uu ku sugnaa markii la xiraayay magaalada Calarabinieri.

Waaxda dambi baarista dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Kooxihii Burcadbadeeda ee sanadkii 2011kii Afduubtay Markab siday Shidaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Markabkaasi ayaa laga qaaday Madaxfurasho, waxaana qaar ka mid ah Shaqaalihii saarnaa Markabkaasi loo geystay Jirdil.

Dowladda Talyaaniga waxa ay sheegtay in ninkaasi oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo ra adinaayay.

RAILA ODINGA:"YAAN LA SHAQO TAGIN MAANTA OO ISNIIN AH”,!

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa jawaab keni adayga ka bixiyey baaqyadii caalamka uga imanayey ee ahaa in uu aqbalo natiijada doorashadii todobaadkii hore dhacday ee uu muranku ka taaganyahay guushu se ku raacday madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Fagaare ku yaalla xaafadda isku raranta ah ee Kibera oo ku taal magaalada Nairobi, ayaa dad is kugu soo baxay waxa Odinga iyo mid ka mid ah saraakiisha sarsaree xisbigiisu ugu baaqeen taagee rayaasha mucaaradka in aanay shaqo tagin maanta oo Isniin ah.

Senator James Orengo ayaa yidhi dadku waa in ay u dhego nuglaadaan baaqa mucaaradka ee ah isu soobaxa nabadgelyo, sidoo kalena waxa uu sheegay in warbaahinta maxalliga ahi aanay runta ka sheegayn sidii doorashadu u dhacday.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ilaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada lix iyo toban qof lagu dilay goobaha ay ku badanyihiin taageerayaasha mucaaradka ee ku yaal magaa lada Nairobi iyo galbeedka wadanka

17 QOF OO KU DHINTAY WEERAR KA DHACAY BURKINA FASO

Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan yah ay in koox jihaad doon ah ay ka fuliyeen bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou.

Dad goobjoogayaal ah ayaa laga soo xigtay in saddex nin oo hubeysan ay xabbado ku fureen macmiil fadhisay bannaanka hotel iyo maqaayad.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Weerar koox jihaad doon ah ay ku qaadeen maqaayad dalkaasi ku taalla ayaa waxaa ku dhintay 30 qof bishii Jannaayo ee sanadkii hore.

Waxaa laga cabsi qabaa in weerarka ay geysateen koox xiriir la leh ururka alQaeda kana howl gala gobolka Saaxil.

Burkina Faso waxay qayb ka tahay gobolka Saaxil, oo ay dalka Mali uu ka tirsan yahay halkaas oo kooxaha Islaamiyiintu ay ka howlgalayeen tan iyo sanadkii 2012.

CHARLOTTESVILLE: AQALKA CAD OO DIFAACAY JAWAABTII TRUMP

Heather Heyer ayaa ku dhimatay gaari la jiirsiiyay dad isu soo bax sameynayay Sabtidii

Aqalka Cad ayaa difaacay jawaabtii madaxweyne Donald Trump uu ka bixiyay rabshadihii uu dhiigga ku daatay eek a dhacay gobolka Virginia, waxayn sheegeen in madaxweynuhu uusan gaar u camba areyn kooxaha midigfog.

Balse afhayeen u hadlay ayaa sheegay in cambaareynta madaxweynuhu ay qayb ka ahaayeen caddaanka cunsuriyiinta ah.

Haweeney ayaa la dilay Sabtidii kaddib markii gaari la jiirsiiyay dibad baxayaal diiddan kooxaha caddaanka cunsuriyiinta ah ee isugu soo baxay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia. Sag aal iyo toban kale ayaa dhacdadaasi lagu dhaawacay.

Xusuusqoraal ayaa lagu xardhay goobta ay mashaqadu ka dhacday

Dhanka kale 15 qof ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo kale oo la xiriira isu soo bax ay galabtii Sabtida sameeyeen kooxaha midigfog.

Boqolaal ah dadka caddaanka cunsuriyiinta ah ayaa Sabtidii magaaladaasi ka sameeyay socod ay ugu magac dareen Mideynta Kooxaha Midigta, ayna uga soo horjeedeen duminta taallo loo dhisay dadkii gobolada Koonfurta Mar

SOMALILAND OO SI KULUL UGU JAWAABTAY PUNTLAND

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in doorashada maamulkaasi ay ka dhici doonto Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin maamulka Puntland. Somaliland waxa ay sheegtay in Puntland aysan sheegankarin degaano hoos yimaada maamulka Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) ayaa xusay in Somaliland ay leedahay ciidan difaacikara xuduudaheeda, isagoona sheegay in Puntland ay dhiba ato ka waddo gobolada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkaste oo ku soo xadgudubta degaanadeeda.

Doorashada ayuu sheegay in ay ka dhici doono Sool iyo Sanaag,islamarkaana halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf ayaa horay Somaliland ugu baaqay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha amniga, si shacabka labada dhinac ay u nabad galaan.

Axmed C/laahi Yuusuf ayaa maamulka Somaliland ka dalbaday in ay yareeyaan wax walba oo dhibkeenaya, si loo helo xal walba oo nabad iyo wada noolaansho lagu heli karo.

BOGGA CAYAARAHA

BANDHIG: ASTAAN MUUJINEYSA IN LAACIBKA COUTINHO UU KUSOO WAJAHAN YAHAY BARCELONA OO LASII ARKAY

Kooxda kubadda cagta Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa waxay muujisay in xiddigeeda Coutin ho uu ka tagayo kadib markii ay ka saartay Sawirkiisa Bakhaarka lagu iibiyo dharka Naadigaan ka dhe esha Premier League,Xiddigaan reer Brazil ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ku biirayo Cam aaliqadda dalka Spain ee Barcelona, islamarkaana uu ku dhaqaaqi doono aduun dhan 100 Malyuun, uuna imaan doono maalmaha soo aadan.

Astaan ay muujisay Naadiga Reds ayaa waxay hididiillo Farxadeed u abuureysaa taageerayaa sha Barcelona, islamarkaana wuxuu hilmaam siin karaa Niyad jabkii ay ka qaadeen Wiilkoodii ka teg ay ee Neymar.

Neymar ayaa waxaa 222 Malyuun ku iibsatay Naadiga Faransiiska ka dhisan ee PSG, wuxuuna saxiixay shan sano oo heshiis ah, xilli loo dhiibay Lamberka 10aad, ee kooxdaan ka dhisan caasimada Faransiiska.

GARY NEVILLE OO SHEEGAY IN AANU ILAA HADDA FAHMIN SABABTII AY CHELSEA KOOXDIISII HORE EE MAN UNITED AY UGA IIBISAY MATIC IYO PHILIP NEVILLE OO CHELSEA U MAHAD CELIYAY.

Guushii ay Manchester United ka gaadhay West Ham United waxaa si wayn loogu amaanay Ne manja Matic oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican oo uu ku helay ashalay halyayadii hore ee kooxda uu ku cusub yahay ee Manchester United. Gary Neville iyo walaalkii Philip Neville ayaa qarsan kari waayay farxadooda in Chelsea ay Matic u ogolaatay in uu Old Traffrod ku biiro xagaagan.

Gary Neville ayaa sheegay in aanu ilaa hadda fahmi karin sababtii ay Chelsea u ogolaatay in Ma tic uu Manchester Uinited ku soo biiray laakiin sidoo kale waxa guud ahaan amaanay kooxda Jose Mourinho oo uu sheegay in 18 bilood ka hor laga caajisayay in Red Devils la daawado basle hadda laga cabsanayo in laga hor yimaado.

Ugu horayn Gary Neville oo hadlaya sida aanu wali u fahmin sababtii ay Chelsea xidigeedii hore ee Matic uga iibisay Man United ayaa yidhi: "Anigu ilaa hadda maan rumaysan in Chelsea ay isaga fa saxday. Waxaan filayaa in uu ahaa mid fahan dheer oo wax kasta xaqiiqdii si fiican u sameeyay. Kub bada ayuu aad ugu fiicnaa intii aan hore u soo arkayay, kubbad bixintiisu way fiicnayd. Anigu kama fik iri karo hal sabab oo ay Chelsea isaga u iibisay”.

Gary Neville oo guud ahaan Man United ka hadlaya ayaa yidhi: "Hadda ma doonaysid in aad ko oxdan ka hortimaado halka 18 bilood ka hor ayna wax dhibaato ah ku soo gaadhsaynayn isla marka ana ay ahayd wax lagu caajiso in la daawadaa. Dhibaatadii xili ciyaareedkii hore haysatay waxay ah ayd kulamada noocan oo kale ah in ayna kooxaha jabin karin, waxay u muuqdaan kuwo awood badan oo xoogan, waana wax fiican in guul lagu bilawdo xili ciyaareedka”.

Philip Neville ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ugu mahad celiyay Chelsea isaga oo ula jeeday inay Matic u ogolaadeen in uu Manchester United ku soo biiray. Bandhigii Matic ayaa qariyay labadii gool ee uu Romelu Lukaku ku furtay waayihiisa ciyaareed ee Man United.

Nemanja Matic ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kulankii Old Traffrod taas oo fariin cad u dirtay Chelsea iyo Antonio Conte oo xidigan ka doortay Bakayoko oo kooxdiisa ku soo biiray isaga oo dhawac qaba, laakiin Matic ayaa sheegay in guushii ay West Ham ka gaadheen ay ahayd mid muh iim ah.

WARBIXIN: QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KOOXAHA BARCELONA & REAL MADRID EE KULAN KII CAMP NOU, XIDIGIHII KULANKAN KU FASHILMAY, KUWII ISKU MUUJIYAY IYO XIDIGII GAR OONKA UGU FIICNAA.

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ku soo gaadhay Camp Nou iyada oo waliba guul daro xanuun badan soo baday kooxda ay ugu jeceshahay in ay ka gacan sarayso ee Barcelona. Real Madrid ayaa haddaba ah kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan karta koobka Spanish Super Cupka marka ay laba da kooxood arbacada isku arki doonaan Estadio Santiago Bernabeu, maadaama oo ay kooxda Zidane garoonka soo gali doonto iyada oo jeebka ku haysata guusha 31 ah ee ay Camp Nou ku soo gaadhay.

Waxay ahayd habeen farxad wayn u ahayd Real Madrid isla markaana murugo badan ku abuur tay Balaugrana, waxayna Los Blancos muujisay in ayna waqti xaadirkan jirin koox ay ka cabsan kar taa. Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu kooxdiisa uga dhigay mid u bisil kulan kasta oo muhiim ah, laakiin kulankii Camp Nou ayaa ahaa mid dhacdooyin badani ay ku duugan yihiin.

Ka hor inta aanaan idiin soo gudbin dhacdooyin khaas ah oo kulankan El Clasico ee Camp Nou ka dhacay waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood taas oo aad ku fah mi karto xidigaha kulankan ku fashilmay, kuwii isku muujiyay iyo waliba xidigii garoonka ugu fiicnaa. Sida aad fahmi karto qiimayntan waxaa ugu sareeya 10 darajo.

ARINTA UGU HADALHAYNTA BADNAYD: Cristiano Ronaldo ayaa kaydka ka soo baxay wux uuna waqti kooban kadib Real Madrid u dhaliyay goolkeeda labaad si uu hogaanka ugu soo celiyo ka dib markii uu Messi daqiiqado ka hor uu Madrid hogaanka ka beeniyay, laakiin dhacdada ugu hadal ha ynta badnan ayaa noqotay in Ronaldo uu laba kaadh oo digniin ah ku qaatay in uu si xad dhaaf ah isa ga oo maaliyadiisa bixiyay u dabaal degay isla markanaa uu kadhka labaad ku qaatay in uu been reko odhe ku raadiyay, laakiin waxaaba xaalada uga sii dartay markii uu garsoore riixay.

XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Marcelo ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo jiif iyo joogba u diiday difaaca midig ee Barcelona ee Aleix Vidal isla markaana sabab u noqday in Gerard Pique uu goolkii furitaanka kulankan iska dhaliyay. Marcelo ayaa isku qabtay difaacasho fiican iyo waliba fursad abuuris weerarka ah.

XIDIGIHII KULANKAN KU FASHILMAY: Haddii la soo qaatay xidiga ugu liitay kulankan waxa uu noqday Gerard Pique oo ugu horayn kooxdiisa musiibo ugu noqday in uu goolkii furitaanka Madrid ka caawiyay halka uu sidoo kale ahaa mid daawanayay goolashii Ronaldo iyo Asensio oo uu ahaa dif aaca kaliya ee wax ka qaban karayay. Pique ayaa kulankan ka helay qiimaynta ugu liidata oo 3 darajo ah!!

Laakiin sidoo kale waxaa kulankan si buuxda ugu fashilmay xidiga kabihii Neymar loo xidhay ee Gerard Deulofeu balse sidoo kale Luis Suarez ayaa ayaa ku biiray liiska xiidigaha fashilmay. Waxa ka le oo aan kulan fiican qaadan Andres Iniesta, Karim Benzema iyo Rakitic si la mid ah Busquets.

XIDIGIHII KULANKAN ISKU MUUJIYAY: Marka laga yimaado Marcelo, waxaa kulankan isku muujiyay Samuel Umtiti, Isco, Kovacic, Kroos, Casemiro si la mid ah Dani Carvajal , Marco Asensio halka ciyaartoyda kale ee soo hadhay ay soo bandhigeen qaab ciyaareed meel dhexaad ah.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA BARCELONA EE KULANKAN:

Barcelona: MarcAndre ter Stegen 6 ,Aleix Vidal 4 ,Gerard Pique 3,Samuel Umtiti 7 ,Jordi Alba 6, Sergio Busquets 5, Ivan Rakitic 5 , Andres Iniesta 5 ,Lionel Messi 6 ,Luis Suarez 4, Gerard Deulofeu 4

Badalkii: Denis Suarez 6 , Sergi Roberto – n/a

Badal Aan La Isticmaalin: Cillessen, Mascherano, Alcacer, Digne

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA REAL MADRID EE KULANLKAN:

Real Madrid: Keylor Navas 6 , Dani Carvajal 7 , Sergio Ramos 6, Raphael Varane 6 , Marcelo 8,Casemiro 7 ,Toni Kroos 7 , Mateo Kovacic 7 , Isco 7 , Gareth Bale 6 , Karim Benzema 5

Badalkii: Cristiano Ronaldo 6 , Marco Asensio 7 , Lucas Vazquez n/a

Badal Aan La Isticmaalin: Nacho, Casilla, Hernandez, Ceballos

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Newcastle United 0 - 2 Tottenham Hotspur

Manchester United 4 - 0 West Ham United

ITALY - SUPER CUP

Juventus 2 - 3 Lazio

SPAIN - SUPER CUP

Barcelona 1 - 3 Real Madrid



NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIY AAN {SHEEKOTAXANE AH}

Q/74aad

Haddaba Xul-Bella Abbaayo Macaan Jaceylka ayaa ah {Marxalad Marna Aadag , Marna Fudud oo hadana misna Mar Macaan Marna Qaraar sida sibirka Dacaarta iyo Qal kaoo kale ah , sidoo kale waxaa lagu sifeyaa inuu mar yahay Cudur marna waa Caafimaad.

Haddaba siduu qofka u asiibo , h waxaana shaki ku jirin Jaceylku inuu yahay wax Jiro Balse Ja ceylka ayaa lagu fasiraa inuu yahay {Shukulaato aad u ma caan badan iyo Miidda Mlabka }, Taasina waxaa sheegay dadka sida wada jirka ah uwada qeybsaday noloshoodana ku soo wada qaatayMacaanka iyo farxadda iyo reyn reynta .

Runtiigacaliso galkaceylka waxaa u aabbe ah kalsooni da, haddeysan jirinna waxaey ku xiran tahay in la is aami no,waayoo is aamminkuna waxaa uu ku yimaadaa in qof wal iba kan kale uu daacad u yahay.

Haddaba waxaa xaqiiqo ah in qofkastaoo insaanah uu nuqsaan yahay sidaas darteed ma jirto XulBeella Abbaayo Macaanto gabar kulansatay Qurux aan isku si loo arag Mu uqaalkeeda Qof ahaaneed ee buuxin kara indhahaaga , inn agoo wada ogsoon in QofkastooQurxoon indhuhu muddo mil icsadaan, qalbigana aad ugua riyaaqda, iyadoo murti Soom aaliyeedna ey oraneyso {Ruuxii Arratidiisa ku Deeqda Oo n tiisa ku deeqdaa},oo oo looga gol leeyahay qofkii aad muu qaalkisa aad ku qanacdo dhinac kastana kaa raalli geliyo .

Waxaase hubaal ah Xul-Beella Abbaayo Mcaanto in ga bar kasta eey rag uun ay u qurux badan tahay sababtoo ah, Rabitaanka iyo dooqa ayaa inta badan u xooggan ,dhanka quruxda waloow ay jiraan waxyaabi badan oo ka baxsan quruxda oo la isku damco nin abwaan ah oo saaxiibkeey ah magaciisan la yiraahdo C/Qani Jiinoow Maxamed ayaan su’aalay sida uu u arko quruxda basharka uu ilaaheey koonkiisa uu ku abuuray qaasatan quruxda Hablaha Daa’uuska iyo Ubaxa sida uu u arkom isaga oo aan fikir dhe er gelin ayuu waxaa uu igu yiri gabar simin, dhex yar oo lafyogsraara ah leh ayaan dunida ugu jecl ahay dooqeygu waa kaas.markaas baan aniguna ku iri indho kast aragtidii ey ku qanacaan ayaa u qurxoon ,

Midda kale ogoow iney jirto qurux ma dhaafaan ah si aad ahna la isugu raacsan yahay jiritaa nkeeda oo aan aheyn gacan ku rimis iyo isturukeyn aan lagu helin si weyna u hareer marsan hal he yska quruxda lagu raadiyo ee ah {qurux Dukaan bey taal} quruxdaas oo ah dabee cadarabbaaniyaad ah waana middaas salguurin qofkana ka dhigta qof la jecel yahay hadduu dabeecad wanaagsanaado, kana dhigto qof ey u wada riyaaqaan bulshada hab dhaqankiisuna lagu diirsado mar walba na bul shada ka dhex tilmaanaado, ruuxa ey maxabbo dhex msartana yiraahda{ku bartoo kuma deeyo}.

Haddaba Xul-Beella Abbaayo Macaan gabadha dabeecadda wanaagsan lihi alle asluub uu u raa ciyey qurix u dhimmani ma ey jirto ogoowne gacaliyeso Xul-Beella Abbaayo Macaaninay jirto xikaayo oraneyso {gurigaaga dhanta ah waameesha uu qalbigaagu jir uu mar walba joogo}, iyo mid kale oo oraneyso {ruux ku caanshaqay cadaw looma jibiyo}.

Marka Xul-Beella Abbaayo Macaan cadow ha ii jibin, markasta adigaan ku jecelahaye.

Xul-Beella : c/aadir Abboowe Macaanejaceylku waa naxariis rabbaani ahoo abuur leh, heybad iyo da reen aalad wata aadanaha koonkaan ku dil noolne ku jiheeya farxad iyo murugo.

Haddaba eraykastaba ha lahaadee cudu maaha haddii uu ……. La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi Dahab} Tel: 0618455506

TAHNIYAD AROOS FARXAD LEH

Hooyo Muumino Maxamuud Rooble,Hooyo Qadiijo Afrax SeedWeyne,C/qaadir C/lle Nuur {Qalbbi-Dahab}, C/raxm aan C/qaadir C/lle Nuur,Mahad C/lle Nuur,Maqsuud C/lle Nuur Farxiyo C/lle Nu ur,Fowsiyo C/lle Nuur ,Salaado C/lle Nuur Leylo C/lle Nuur,Bishaaro Nuur Muxummud,Sahro Dii ri ye,Fardowso Cismaan Geeyfane,Fartuun Cismaan Ge eyfane, C/Shakuur Cismaan Geeyfane, C/Ra xmaan Ciise Ji mcaale, Muxummud Nuur Maxamed,C/laahi Muxummud Nuur,Hadaafoow Muxummud Nuur, Luul Cabdi Fareey, Cabdi Muxummud Nuur,Nuurto Muxummud Nuur, Maryan Muxummud Nuur, Xaawo Muxummud Nuur, Xasan Cali Xasan {kor iyo hoos},Cabdi Cali Xasan {Jaqiifka} ,Axmed Cali Xasan, Xuseen Cali xasan {Qayaaye}, Saciido Cali xasan, Farxiyo Cali xasan,Abuukar Cali xasan, C/ Qani Jiinoow Maxamed, Fartuun Jiinoow Maxamed,, Naxariis Ibraahin Cabdi, C/Ciil Cali Xasan, Saka riye C/raxiim C/lle,Saadaq C/raxiim C/lle, Iqro C/raxiim C/lle, Faadumo Cismaan Xasan, Xasan Cali Aadan,{X.Naasir}Axmed Nuur Daa’uud, Cali Saciid Aadan,Aweys Cabdi Cismaan {Badmace eye} C/laahi Cabdi Cismaan ,{IndhoCaansgaq},C/Kaafi Maxamed Daa’uud{Kaafi Cadde},KaahoMaxamed Xuseen,Cabdi Sa laad Googleey,Xaawo Cumzr Xuseen , Kuuso Xuseen Xasan,Farxiyo C/qaadir Axm ed, Xamiido Maxamed Xuse en,Aadan Maxamed Jabriil,Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibt o},Madiino Ax med Jimcaale,Cismaan Axmed Jimcaale, Naasir Sh.Cali,C/fitaax Maxamuud Salaad {Di yeeshe}, De eqo Cali,Maxamed Axmed Xalane , Axme Sheekh Cisma an{Fuuf} iyo Shukri Xasan Dabaane {Sha rafeey} Dhamma an dadkaasi waxaay Habalyo Aroos Farxad leh u dirayaan AROOSKA IYO AROOSADDA KALA AH:

MAXAMED C/LAAHI CALI IYO KALTUUN SHEEKH C/RAXMAAN TUUR YARE oo 26/7/2017ka

ku Aqal Galeen M/Muqdisho waxayn leeyihiin noqda kuwii isku waara oo Ubad Aayo wacan kala Hela, Guurkiin Guur Qeyr Gur igiina Furi Nagi Guuloow ka yeela Aamiin Aamiin Aamiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip