WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA SEBTEMBAR 2015-KA

0
Wednesday September 09, 2015 - 11:02:27 in Wararka by
  • Visits: 2275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA SEBTEMBAR 2015-KA

    JAWAARI OO KU HANJABAY IN UU IS CASILI DOONO, HADDII AAN WADA HADAL LAGU XALLIN MOOSHINADA ISKA SOO HORJEEDA Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cis maan Jawaari, ayaa ku hanjabay in uu is casili doono, h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JAWAARI OO KU HANJABAY IN UU IS CASILI DOONO, HADDII AAN WADA HADAL LAGU XALLIN MOOSHINADA ISKA SOO HORJEEDA Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cis maan Jawaari, ayaa ku hanjabay in uu is casili doono, haddii aan wada hadal lagu xallin Mooshinada iska soo horjeeda. Guddoomiyuhu wuxuu ku wareeray arrinta Mooshina dan, oo qir iyo qir uu ka jooggo.

Guddoomiyaha, ayaa Jimcihii soo saaray warqad, taasoo uu Xukuumadda & Xil dhibaanaduba ugu baaqaayay in arrinta Mooshinada wada hadal lagu dhammeeyo, si looga fogaado qalqal siyaasadeed, oo dalka uu madaxu la galo.

Mooshinada iska soo horjeeda, ayaa ah mid lagu doonaayo in Xafiiska Shaqada looga ergo Madaxweynaha iyo mid kaloo lagu difaacaayo. Xildhibaanada kala taagee rsan Mooshinadaasi waxay ka horyimaaden in laga wada xaajoodo, iyadoo aan wax Maxkamad ah leesla gaarin.

Prof. Jawaari oo Isniintii darraad Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka ku qa abilay diblomaasiyiin Reer Galbeed ah, ayaa u sheegay walaaciisa la xiriira Mooshin adaasi, islamarkaana uu ka daalay in labada dhinac uu ka dhaadhiciyo waxaa uu xalka uu yahay.

Jawaari wuxuu ku celceliyay in xalku ugu dhow ee xiisadda taagan looga gudbi karaa ay tahay, in labada dhinac ay miiska wada hadalada isugu yimaadan, iyadoo la ba dbaadinayo Dowladda fadhi baradka ah.

Jawaari, ayaa xubnahaasi u sheegay in xilka uu iska casili doono, haddii aynaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sharciga u hogaansamin, lagana wada hadal Mooshinada miiska saaran.

Xildhibaanada keentay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intoodu badan ka laabatay Mooshinkaasi, markii laga dhaadhiciyay inay tanaasul sameeyan, si maslaxada dalka looga taliyo.

HADLIYE:- SOOMAALIYA WAXA AY U BAAHAN TAHAY IN LAGA KAALMEEYO CIIDAMMADA IYO MAALGASHI

Wasiirka Arrimaha Dibbada ee Dowlada Federalka Soomaaliya Abdusalam Omer ayaa sheegay in taageerada uu ururka Alshabaab helayo ay sii yaraanayso balse loo baahan yahay in si buuxda loogaga qeybgalo baabi’inteeda dhinaca ammaanka iyo weliba dhaqaalaha.

Cabdsalam Cumar Hadliye oo haatan booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa wareysi dhinacyo badan taabanayo siiyay wakaalada wararka ee Reuters waxana uu ugaga hadlay arrimo kala duwanoo ay ka mid tahay baaritaanka lagu hayo shirkada Som Oil. Hase yeeshee wasiirka ayaa xooga saaray wareysigiisa arrimaha dhaqaalaha.

"Waxaan u baahanahay in ciidankeenu uu helo tababaro.waxaan u baahan na hay gaadiid iyo weliba fursado shaqo iyo maalgelin lagu sameeyo dalkeena,”ayuu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Hadliye isagoo wareysi siinayay wakaalada wararka ee Reuters.

Wadanka Soomaaliya ayaa ku dib u soo kabsasho laga dareemayay tan iyo mar kii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2012, kadib inkabadan labaatan sano oo dagaalo sokeeye ay ka dhacayeen. Dhismooyin cu sub ayaa laga taagay magaalada ay qaraxyadu hore u soo daashadeen iyadoo Soo maalida ka timid qurbaha ay wadankooda maalgelin ku bilaabeen.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdsalan Hadliye oo mar soo noqday guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in niyadiisu ay tahay in uu daqli xoogan uu soo galo dalka Soomaaliya, isagoo xusay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sanadkan sii dhamaanaya uu jecel yahay

in dalka ay soo gasho lacag gaareysa $500 million, sanadka 2016kana ay gaarto $1 billion, isagoo xusay in dalka Soomaaliya uu fursad u haysto kalluumeysi iyo horumar laga sameyo ceelal shidaal iyo weliba in la kordhiyo wax soo saarka beeraha.

Dalka Soomaliya ayaa laga dhoofiyay illaa shan malyan oo xoolo isugu jira geel,lo’iyo ari sanadkan iyadoo xoolahaas loo iib geeyay wadamada khaliijka.Waxana wax soo saarka gudaha uu sare ugu kacay boqolkiiba afartan sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibada xukuumada Soomaliya Hadliye ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada London in uu qorsheynayo in 15ka bishan September uu ka qeybg alo kulan ka dhici doona Abu Dhabi kaasoo lagu doonayo in lagu soo jiito shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah in ay duulimaadyo ku yimadaan caasimada dalka ee Muqdish Turkish Airlines ayaa ah shirkad heer caalamig ah oo duulimaadyo ku tagta dalka Soom aaliya gaar ahaan caasimada dalka.

Hay’ada Caalamiga ah ee Lacagta (IMF) ayaa dib u eegidii ugu horeysay ku sam eysay dhaqaalaha dalka Soomaaliya muddo rubuc qarni ah waxa ay ku sheegtay in uu kordhay 3.7 boqolkiiba sanadkii 2014.

SEDDEX SANO KA DIB KHUDBADDII MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Shalay oo kale 8-dii bishii Sebteembar, 2012 waxa ay ahayd maalintii uu jeediyey khudbadiisa musharaxnimo markii uu xilka madaxweynenimada u tarta mayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilkaasi oo labo maalin ka dib ku guuleystey.

Seddex sano ayaa laga joogaa maalintaasi, waxayna ahayd maalin taariikhda Soomaaliya baal calaamadaysan ka gashay, waxayna ahayd biloowga muddo afar sano ah oo Soomaaliya ay galaysay xukun cusub iyo xaalado aanan markaasi la sa adaalin karin.

Dadka intooda badan dhug iyo dareen gaar ah uma aysan heynin hadaljeedi nta Xasan Sheekh Maxamuud maadaamaa aanan markaasi wax badan laga aqoo nin, islamarkaasina aanan loo saadaalineynin in uu xilka ku guuleysto maadaamaa ay tartamayeen dad siyaasadda kaga horeeyey.

Laakiin sida aad ka arki doonto tuduca ugu horeeya ee khudbadda, Xasan Sheekh isaga kalsooni badan ayuu ku qabay inuu ugu yaraan rajo wanaagsan leey ahay, sababtoo ah xildhibaano badan oo baarlamaanka ku jirey ayuu taageero ka heystey.

Haddaba waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa khudbaddii oo dhameyst iran bal si aad wax uga xusuusataan balanqaadyadii uu sameeyey iyo waxa shalay ka qabsoomey.

Khudbadii Murashax Xasan Sheekh Maxamuud

Taariikhda: 08/09/2012

Goobta: Golaha Shacabka

Hore u dhaca Khudbadda

Bismilaahi raxmaani raxiim asalaamu caeykum, ugu horeyntii Mudane gudo omiye, xildhibaanada iyo marti sharafta waa idiin salaamayaa dhamaantiin, salaan ka gadaal, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo xildhibaanada federaalka Jamhuuri yada Soomaliya ee waqtigooda iyo dhagahooda I siiyay inaan halkan uga soo je edyo barnaamijkayga siyaasadeed, waxaa kaloo rabaa inaan u mahadceliyo xildhib aanadii Soomaaliyeed ee soo rashaxay ama I soo jeediyay inaan noqdo murashax ka tirsan murashaxiinta tartanka madaxweynimada sanadka 2012-ka

Mudane gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada qaranka Soo maaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo marti sharafta nagala soo qeyb gashay fadhigaan, salaan ka gadaal, waxaan u mahad celinayaa waqtigiina qaaliga ah ee aad i siiseen, si aan idiinku soo bandhigo aragtidayda siyaasadeed ee la xirii rta hogaaminta dalka xili Soomaaliya ay qabto baahi is badal iyo hoggaamineed oo leh karti, hufnaan kaasoo ku shaqeynaya caddaalad, nabad iyo horumar

Mudane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, dhibaatadeeda ma aha, waxa nagula tilmaamo oo kaliya, duruufo aad iyo aad u adag ayaa ka jira dalkeena oo ay ummaddeena shalay soo martay in ka badan 22-sano oo dhibaata ah oo dalka duruufo adag ku jiray, waxaan maraynaa marxalad xasaasi ah oo ku sifaysan sida uu tilmaamay abwaankii Soomaaliyeed ee yiri ’Markay is wada dooxataybaa daad usoo galaye, dab haduu baqtiyo meelbaa dadab ka qiiqaaye’……qiyaaso xanuun ba dan oo shacaka Soomaaliyeed soo maray oo uu muteystay in lagu tilmaamo tilmaa mo xun laakin ay sababeen duruufihii soo jiray mudada dheer Bal qiyaas gabar So omaaliyeed oo ku dhalatay xero qaxooti ama xero barakac gudaheed kadibna ku ko rtay kadibna ku noqotay hooyo Soomaaliyeed oo leh caruur iyada iyo caruurteedana ay ku wada noolyihiin xeradaii inta ay Soomaaliya ka garanayaane ay tahay inta ay saxaafadda ka maqlaan ama ay ka arkaan, bal qiyaas subax subaxyada ka mid ah oo aad soo joogtay oo hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda canjeero u dubanaysa uu madfac habaw ah inta ku habsaday oo caruurtii iyo ayadaba qaarna ay dhinteen qaarna ay dhaawacmeen oo ay la kulmeen naafow nolashooda inta ka hartay ay la noolaadaan, bal xasuuso kuwa cabsi amni iyo kuwa dhaqaale awgood isugu tuuray badaha oo boqolaal iyagoo ah ku naf waayey badda gudaheeda ama markii ay ka gudbeen badahana lagu xadgudbay xuquuqdoodii banii’aadanimo, meeqa Soomaali ah oo laga yaabo qaarkood inay goobtan nala joogaan ama hawada naga dhageys anayaan oo iyagoo aan dambi laheyn inta la afduubtay la dulleeyay, xuquuqdoodiina meel looga dhacay

Mudane guddoomiye,mudanayaal iyo marwooyin bal milicsada degmada ama xaafadda aad ku nooshahay ama tuulada aad ku nooshahay oo aad joogto, inta yar ee fursadda tacliinta heshay ka sokow meeqa caruurteena ka tirsan ayaa wadda da carrada ku beegta ka dibna ku sifooba dib jirnimo, meeqa caruurteena ka tirsan ayaa la il daran ama u geeriyootay xanuuno la daaweeyn karay, meeqa waayeelk eena ka tirsan ayaa waayey daaweyntii iyo xanaanadii ay u baahnaayeen, xaqana ay u lahaayeen dalkooda, imisa jeer ayaad goobjoog u soo aheyd nin danbiile ah oo gacan ku dhiigle ah oo qof muwaadin ah oo aan dambi galin inta dilay ka dib dambi gii uu galay inta laga xayuubiyay oo laga qaaday la yiri reer hebel baa reer hebel dilay, ka dibna ay sababtay kuwa ka loo aan dambi laheyn oo sababta ay u dhinteen ama u dhaawacmeen ay tahay ninkaas dambiilaha ah inay ku reer ahaayeen oo kaliya.

Xaddiga kala aamin baxa iyo kalsooni darada ummaddeena dhex martay ee asbaabtaas aan soo sheegay iyo in kaloo la mid ah ay geysatay waxaa sabab u ahaa dowlad la’aanta ama dowlad dalka hanata oo aanan dhicin.

Mudane gudoomiye,mudanayaal iyo marwooyin haddii aan intaas kusoo kobo muuqaalka aan quruxda badneyn ee shalay ka jira dalkeena, waxaa xusid mudan inaan leenahay taariikh midnimo iyo mid siyaasadeed oo magac iyo maqaam kusoo yeelatay dunida hadda ka hor, waxaan ku sifoownay marka la fiiriyo Afrikadii xuro wday 1960-yadii, waxaan aheyn kuwoo dal si sahlan oo colaad iyo maquunis laheyn ku midoobey iyagoo waliba ka xuroobay labo nidaam gumaysi oo aad iyo aad u kala duwan, waxaa in lagu faano mudan inaan laheyn madaxweynihii ugu horeeyay Afr ikadii xurowday 60-kii ee xafiiska doorasho ku yimid kadib doorasho uga tagay, aad iyo aadna ay ugu yareed dalalkii xuroobey 60-kii inay sidaa ka dhacdo.

Waxaan aheyn dalka kaliya ee qaarada Afrika ku yaala ee u hardamaayey sidii ay ummaddiisa dowladnimo iyo dowlad u noqon laheyd, halka dalal kale oo fara badan oo qaarada ku yaala ay halgamayeen oo dadaal badan ugu jireen ummadn imo kala duwaashaha ay kala duwanaayeen awgeed, sidoo kale Soomaaliya waxay magac iyo maqaam ku laheed ururo caalami ah oo waaweyn oo ay wax ka dhistay oo aababulkoodii ama dhismahoodi ay laheyd, Jamhuuriyada Soomaaliya waxay aheyd dowladihii ugu horeeyay ee wax ka aasaasay ururkii Midowga Afrika ee loo ya qiin OAU, waxaa kaloo aan hormuud ka aheyn aas-aasidii ururka OAU oo aan mad axweyheenii waqtigaa ka mid ahaa ra’yigaas uu kasoo curtay ama uu ka yimid, Soomaaliya waxay xubin firfircoon ka aheyd oo laga qadarin jirin dhamaan siyaas adda ururadaas oo ay aad iyo aad caan ugu ahyed.

Lix da Tiir ee Saldhiga u ah Siyaasadda Dowladda Madaxweyne Xasan Shiekh

Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin hadii aad ii doorataan iguna aamintaan xilka madaxweynaha dalka waxaan barnaamijkeyga siyaasadeed kusoo koobayaa, waxaa saldhig u ah lix tiir oo aan u bixiyay tiirarka waaweyn oo aan u ugu magacdarnay dib usoo kabashada ama dib u soo noolaashada Soomaaliya.eeg

Tiirka koowaad:- Xasillinta dalka, Sarreysiinta Sharciga iyo Dowlad Wanaaga

Xasillinta dalka waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku taagnaan karto dowladnimo waarta oo hano qaadda, waxaana ugu horeeya xasillinta dalka: Amniga, Garsoorka, Dowlad dhisidda iyo Dowlad wanaaga, waxaa dib u habeyn ku sameyn doonaa hadii alle yiraado, xoojin doonaa hay’adaha amniga qaranka si ay awood buuxda ugu yeeshaan hanashada amaanka dadka iyo dalka muddo gaaban gudaheed, waxaan dhisayaa ciidan tayeysan oo leh tiro ku filan oo ay ku gutaan waa jibaakiisa qaran, isla markaasna heli doona xuquuqda iyo dayeelkooda joogtada ah, waxaan abuuri doonaa xiriir ku saleysan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo ciidama da qalabka sida, dalkeena waxaa lagu caleemeeyaa marar badan arrimaha xag jirni mada, waxaan ka hortagi doonaa afkaarta xagjirnimada midda diineed iyo midda qa biileed intaba, korna waxaa u qaadidoonaa doorka ay culumada ku leedahay la daga alanka xagjirnimada, sidoo kale waxaa nasiib dari aa u xanuun badan ah arrinta bur cad baddeedka dalka Soomaaliya mar walba magaciisa lala xiriiriyo, waxaan xoogga saari doonaa ciidan ilaaliya badaha Soomaaliya oo ka hortaga burcad badeednim ada iyo kaluumaysiga sharci darada ah ee lagu daldasho kheyraadkeena, waxaan fursad iyo shaqo u abuuri doonaa dhalinyarada camalka ka dhigatay falalka burcad badeednimada”

Garsoorka: Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, xasilin guud kama suuro galayso dalka inta laga helaayo garsoor madax banaan oo cadaalad ah, sidaas daraateed waxaan dhisayaa nidaam garsoor iyo caddaalad madax banaan oo kalsooni iyo aaminaad ugu qabta howshiisa heysta, oo kalsooni iyo aaminaad sii yay muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaasna dhowra xuquuqda iyo xuriyadda Aas aasiga ah ee muwaadinka, waxaan soo celin doonaa sharaftii iyo heybaddii hay ’adaha garsoorka iyo garsoorayaasha, waxaan hirgalin doonaa nidaamka xisbiyada badan si loo xaqiijyo in shacabka doortaan madaxdooda si xor iyo xalaal ah”

Geeddi u socodka dhismaha dowladnimada: Mudane gudoomiye, mudan ayaal iyo marwooyin, si loo dhiso dowlad dhameystiran, waxaan hoosta ka xarii qay aa in diinta islaamka tahay saldhigga hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed, wax aan dhameystirayaa dastuurka, gaarsiinayaa heer loo qaado afti qaran, waxaan ku baahinayaa awoodda dowladnimada dhamaan gobolada dalka iyadoo aan la tashan doono xildhibaanada Soomaaliyeed iyo indheer garadka dalka” Haweenka waa laf dhabarka umada Soomaaliyeed, waxaan kor u qaadayaa doorka haweenka ee ka qeyb galka qeybaha kala duwan ee dowladnimada.

"Dhallinyarada waa udub dhaxaadka dalka, waxaan hubin doonaa inaan u diyaarino hogaanka iyo hor-umarka dalka ee mustaqbalka.

Dowlad-wanaaga: waxaan dhisayaa maamul dowladeed oo ku saleysan aqoon, karti, hufnaan iyo wada tashi, waxaan cirib tirayaa musuq-maasuqa, eexda, laaluushka iyo lunsashada iyo ku takri falka hantida Soomaaliyeed, waxaan abuuray aa hadii alle yiraahdo guddi madaxbanaan oo la dagaalamay musuq-maasuqa, isla markaasna, waxaan dhisayaa hay’addaha isla xisaabtanka dowladda ka mas’uulka ah, waxaan hor-u-marinayaa shuruucda maaliyadda dalka, isla markaana abuurayaa hay’ado qaran oo u xil saaran uruurinta cashuuraha iyo dakhliga guud ee dalka.

Waxaan dhiiri-galin doonaa warbaahinta madax banaan oo mas’uul ah, wax aan aad iyo aad dowlad wanaaga ka mid oo tiirarkeeda hormarin doonaa wada shaq eynta madaxtooyada iyo barlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Tiirka labaad: Soo Noleynta Dhaqaalaha Dalka

Mudane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin kaabayaasha nolosha waxaan ka shaqeynaynaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha muwaadinka iyo midda qoyska Soomaaliyeed, waxaan abuurayaa haddii alle yiraahdo xarumo lagu tababaro xirfadla yda iyo xoogsatada Soomaaliyeed si ay u sahlanaato inay shaqeystaan, soona saartaan noloshooda.

Waxaan dhiirigalinayaa horumarinta dhaqaalaha qoyska, sidii qoyska Soomaa liyeed ay miiskiisa u saarnaato wixii ay cuni lahaayeen, waxaan kobcinaynaa waxsoo-saarka dalka sida kan beeraha, xoolaha, Kaluumaysiga, isla markaana ka shaqeynayaa sidii wax soo saarkaas loogu heli lahaa suuqyo caalami ah.

Waxaan ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka iyo duur joogta haddii alle yiraahdo, sidoo kale waxaa muhiimada saaridoonaa dib usoo celinta qaxootiga iyo dib u dajinta barakacaasha.

Kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ka shaqeyn doonaa haddii alle yiraahdo daya ctirka kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, buundooyinka, kanaallada, deka ddaha iyo garoomada diyaaraddaha, waxaan hirgalin doonaa mashaariic cusub oo lagu dhisaayo kaabayaal cusub gobolada dib u dhacsan sidii heerka nolosha bulshada u no qoto mid isu dheeli tiran.

Tiirka Sedexaad: Nabadeynta iyo Dib- u-Heshiisiinta

Muddane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan dhisayaa hadii alle yiraahdo guddi heer qaran oo waajibaadkiisa tahay dib u heshiisiinta, waxaan door muhi im ah siin doonaa hoggaamiyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culimaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, waxaana la abuuri goloyaal gaar u ah wada tashiga bulshada”

Waxaan ka howgali doonaan sidii loo abuuri lahaa bulsho Soomaaliyeed oo ka caafimaad qabta caddaalad darida, heyb sooca, quursiga, kooxeysiga iyo sadbursiga.

Tiirka Afaraad: Soo Nooleynta Adeegyada Bulshada

Mudane guddoomiye, mudanayaal waxaan soo noleynayaa adeegga bulshada, dhinaca tacliinta, qaasatan dhinaca caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka iyo faya dho wrka guud ee bulshada.

Tiirka shanaad: Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed

Waxaan geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaa in la helo Soomaaliya mid ah oo dadkeeda iyo dalkaba ay mideysan yihiin, wada hadalka bilowga ee u bilowday Soomaaliya iyo Somaliland waa sii hormarinaynaa, caqabad kasta oo hortaagan waa ka qaadeynaa, midnimada Soomaaliya waxaan rabnaa inay ku timaado, si wadajir ah iyo si la wada doonayo oo aan qolana lagu dhibin, qolana xoog lagu qasbin, xooggaasi ha dduu yahay mid ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba si loo helo midnimo waarta oo dib u dhac dambe aanu ku imaanin, dowlada aan dhisayo waxay muhiimad wayn siin doontaa sii wadidda iyo kamiro dhalinta hadafkaas midnimada qaranka soomaaliyeed ah, wax aan amaanayaa maamul gobeedyada dalka ka jira si amni u sameeyaan dalka”.

Tiirka Lixaad: Dib U Dhiska Dalka Ilaalinta iyo Abuuridda Xiriir Caalami ah

Mudane Guddoomiye mudanayaal waxaan dhisayaa xiriir caalami ah oo ku sale ysan iskaashi iyo wadajir, waxaan soo celinaynaa sharaftii iyo karaamadii ay laheyd um madda Soomaaliyeed, waxaan ku dadaaleynaa Soomaalida cusub inay xiriir wanaagsan oo ku dhisan iskaashi iyo is qadarin la yeelato waddamada dariska ah iyo kuwa caa lamka intaba, waxaan qabnaa ra’yiga ah geeska Afrika oo ka madax banaan ku tartanka hubka iyo colaada oo ay qowmiyada iyo dalalka ku nool ay dhex marto is qadarin iyo wada shaqeyn dhinaca amniga, dhaqaalaha, ganacsiga”

Mudane guddoomiye waxaan ka mahadcelinayaa sida qadarinta leh ee Baar lamaanka Jamhuuriyada Federaalka Xildhibaanadiisu ay ii dhageysteen.

 

Xigasho:-goobjoog.com

WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA GALMUDUG OO LAGU WEERARAY CABUDWAAQ

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ay aa sheegaya in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Galmudug C/qa adir C/llaahi Warsame ay kooxo hubeysan ku weerareen guriga u uka degen yah ay degmada Cabudwaaq.

Wasiirka ayaa la sheegay in ay weerareen ciidamo taageersan maam-ulka Ahlusunna ee gobolada dhexe waaberigii shalay waxaana weerarkaas ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan saddex ruux oo isugu jira kooxdii weerarka qaaday iyo ilaal ada wasiirka ayaa waxaa soo gaaray dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug ayaa ka badbaaday weerarka.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Galmudug C/qaadir C/llaahi Warsame ayaa ku eedeeyay weerarka lagu qaaday inay ka dambeeyeen ururka Ahlu Sunna lagana soo abaabulay weerarka magaalada Dhuusomareeb. Maamulka Ahlusunna ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeeynta uu u soo jeediyay wasiirka ka tirsan maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa mararka qaarkood gaara gacan ka hadal waxana ciidamada Galmudug ay bishii aynu ka soo gudubnay xabsiga u taxaabeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ay ugaga dhowaaqday magaalada Dhuuso mareeb.

WEERAR BAM OO LAGU DILEY TOBAN ASKARI OO TURKI AH GOBOLKA

Weerar lagu qaaday bas ay saarnaayeen ciidamo Turkey ah bariga dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintey toban askari halka tiro kalana ay ku dhaaw acmeen.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in ay ku dhinteen dad rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Turkiga ayaa sheegay in ay weerarkan uu ka dhacay gobolka Igdir ee bariga dalka Turkiga.

Weerarka lagu qaaday baska ayaa yimid labo maalmood kadib markii ay ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga lagu diley weerar lagu qa aday kolonyo gaadiid ah gobolka Koofur Bari ee Hakkari,

Weerarka bamka ayaa sheegtay dagaalyahano ka tirsan ururka la mamnu ucay ee Kurdistan Workers’s Party(PKK).

Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dowlada Turkey waxa ay ku dho-waa qday duqeyn cirka ah oo ay ka geysanayso baro ay saldhigyo ku leeyihiin ururka PKK ee Waqoyiga dalka Ciraq iyo weliba dagaalyahanada ISIL ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Ururka PKK ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayaan ciidamada Turkey bishii July ka dib markii ay burburtay xabad joojin u dhexeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Turkey Ahmet Davutoglu ayaa ku hanjabay in ay ka tiritiri doonaan ururka PKK buuraha ay ku leeyihiin saldhigyada kadib labada weerar oo ay ku dhinteen illaa iyo 16 askari oo Turkiyiin ah.

QUNSULKA SOMALIYA EE MAGAALADA CADAN OO KA DIGAY KOOXAHA DAGAALKA YEMEN KA WADO IN AY SOOMAALIYA SOO GALAAN

Qunsulka Somaliya ee Magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayaa digniin ka bixiyay in dalka Soomaaliya ay soo galaan Kooxaha colaada ka hurinaya dalka Yemen, xilli Yemen uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Dowladda iyo Xoogag xagjiriin ah.

Axmed Xasan Cabdi (Axmed Suudaani) Qunsulka Soomaaliya ee Maga alada Cadan, wuxuu kaga digay Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya inay taxadar dheeri ah yeeshaan, sidoo kalena laga warqabo Xeebaha Sooma aliya.

Wuxuu sheegay inay macquul tahay Xoogaga ka dagaalama dalka Yem en inay u soo tallaabaan dhanka dalka Soomaaliya iyaga oo soo maraya badda si ay colaad uga sii huriyaan gudaha Soomaaliya.

"Maadaama ay Dowladdii meesha ka maqan tahay, Kooxahani waxay soo aadi karaan dalkeena, iyagoo waliba hubeysan ama wata dad badan si ay dagaallo uga huriyaan waddankeena, waxyaabaha wax lagu qarxiyo ayay sidoo kale soo heli karaan, marka Hay’adaha ammaanku waa inay isha ku hayaan dha q-dhaqaaqa xeebaha.” Ayuu yiri Axmed Suudaani oo la hadlay Radio Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay uga digay Kooxaha ka dagaalama dalka Yemen inay ku soo dhex dhuuntaan dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi dib uga soo noqonaya.

Dalka Yemen, waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya Kooxaha Mucaarad ka iyo Dowladda dalkaasi, waxaana suuragal ah dagaalamayaal ka tirsan Xuuti yiinta iyo Al-Qaacidada Yemen inay Soomaaliya yimaadaan iyaga oo ka faa’ iideysanaya koontarool la’aanta xeebaha dalka Soomaaliya.

Al Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta waxaa ka bar bar dagaalama Ajaanib badan oo u kala dhashay wadamo kala duwan kuwaasi oo u soo dagaal tagay dalkeena Soomaaliya.

WASIIRRADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA AY KU SHAQEYNAYAAN LIX BILOOD EE SOO SOCOTA

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Maamul gobolkeedkaas, iyagoo ugu dambey nna Ansixiyay Miisaaniyadda uu lixda bil ee soo socota uu ku shaqeyn doono Maamulka Galmudug.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Galmudug, Cali saciid Cumar ayaa soo bandhigay shaxda Miisaaniyada Lixda Bil ee soo socota, Taasoo Cadadkeedu yahay 4,600,0000 [Afar Milyan iyo Lix Boqol oo Kun] oo Doollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Galmudug ayaa sheegay in Miisaaniyadd an lagu saleeyay habraacyo lagu soo bandhigay Qoondeynta Miisaaniyada wasaaradaha oo ay ka mid yihiin; Mushaaraadka shaqalaha rayidka, midka ciid anka iyo sidoo kale Qarashaadka dheeriga ah ee Safarrada iyo isticmaalka xafiisyada Wasaaradaha.

Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug oo eegaya Muhiimada ay leeda hay Fududeynta Qabashe hawleedka u yaalla Maamuka ayaa soo dhaweeyay Qaabka uu u soo diyaariyay miisaaniyadda wasiirka Maaliyadda Galmudug, Cali saciid Cumar.

Ugu dambeyn, Shirka Golaha Wasirrada oo uu shirguddoominayay Wasi irka Cadaaladda iyo Garsoorka Galmudug, C/qaadir Sheekh Cali ayaa Waxaa Goob-joog ahaa 34 Wasiir, kuwasoo si wadajir ah u ansxiiyay Miisaaniyadda.

QOYS UGANDA U DHASHAY OO LA SIIYAY MEYDKA ASKARI AAN AHAYN WIILKOODA OO SOMALIYA LAGU DILAY

Qoyska askari ka tirsan Ciidanka UPDF ee toddobaadkii hore lagu dilay Somaliya, ayaa sheegay in la siiyay meyd aan ahayn midka wiilkooda.

James Odoki oo adeer u ah Emmanuel Wanyama, oo ka mid ahaa Ciida nkii Uganda ee 1-dii bishan lagu dilay Degmada Janaale Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay qoyska oo ka yimid Degmada Busia, magaca wiilkoodu Emmanuel Wanyama inuu ka soo muuqday 10-kii magac ee Dowladda Uganda shaacisay inay yihiin askartii Khamiistii meydadkooda la geeyay Magaalada Kampala.

"Wanyama waa nin laba lafood ah, wuxuu kaloo nabaro ku lahaa gacm aha, oo uu boorash kaga gubtay xilligii dhalinyaranimadiisa. Laakiin markii aan furnay naxashka waxaan xaqiiqsanahay in meydka uu ahaa mid aad u gaaban, mana ka muuqan calaamado muujinaya in Wanyama uu yahay.” Ayuu yiri James Odoki oo la hadlay Warbaahinta Uganda.

"Waanu ku wareernay, ma garanayno waxa aan samayn doono. Carmala dda/marwada laga dhintay iyo hooyada ayaa hadda la safraaya meydka, oo ay u celinayan xeryaha Bombo.” Ayuu yiri James Odoki.

Waxa kaloo uu intaa ku daray "Walaalkii oo soo daahay wuxuu meydka u aqoonsaday in kooda uu yahay, ka hor intii aan anaga soo qaadan. Waxaan u maleynaynaa in xubnaha qoysaska qaarkood ay ku jahwareeri karayan saa maynta uu qaraxu ku yeeshay askariga. Waxa aan sii wadi doonnaa tijaabo deg deg oo dheecaanka ah.”

Hooyada dhashay askarigan, ayaa sheegtay in laba maalmood ka hor ay wada hadleen wiilkeedii, ka hor intii aan la shaacin in lagu dilay Soomaaliya, mudadaana uu teleefankiisu xirnaa. Meydadka askarta reer Uganda, ayaa waxaa soo helay Taliyaha Ciidanka Cirka Uganda, General Sam Turyagyenda iyo Taliyaha Shaqaalaha Ciidamada, Brig. Leopold Kyanda.

Weerarka Degmada Janaale, ayaa waxaa muuqanaysa in isku dhex yaac uu ku keenay Taliska Militariga Uganda, xilli ay Shabaabku sheegeen inay ku laayeen askar gaaraysa 70 askari.

DOWLADDA KENYA OO QORSHEYNAYSA INAY WEERAR KU QAADO SHABAABKA KU SUGAN DHULKA KEYMAHA EE BONI

Xukuumadda Kenya, ayaa wada qorshe ay ku qaadeyso weerar ka dhan ah Shabaabka fariisimada ka sameystay dhulka Keymaha Boni ee ku dhaw Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, gaar ahaan dhanka Gobolka Xe ebta ee dalka Kenya.

Kenya hada waxa ay ku guda jirtaa Diyaarinta ciidankii weerari lahaa Key maha Boni, si halkaasi looga saaro Shabaabka ku dhuumaleysta oo la sheegay inay gaarayaan ilaa 300 oo ciidan ah.

Guddoomiyaha Degmada Lamu Frederick Ndambuki, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters inay doonayaan hubinta ammaanka dhulka Key maha iyo sidii loog saari lahaa Shabaabka halkaasi ku dhuumaaleysta.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya, ayaa sheegay inay jiraan Shabaab badan oo ku dhuumaleysta dhulka Keymaha ah, halkaasi oo deegaan ay ka dhigteen oo xitaa xaasaskooda ay la joogaan.

Kenya ayaa dhawaan u digtay dadka shacabka ah ee ku nool Keymaha Boni inay si deg deg ah halkaasi ugu guuraan, maadaama ciidamada ay qaadayaan weeraro qorsheysan oo lagu xaqiijinaayo ammaanka dhulkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya qoysas badan inay ka Barakaceen dhulka Keymaha ah iyaga oo ka cabsi qaba inaan dushooda lagu dagaalamin, waxaana ay u baqooleen dhulka kale ee nabadda ah si ay ugu nagaadaan.

Al Shabaab ayaa la aaminsan yahay weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya inay ka abaabulaan dhulka Keymaha fog ee Boni oo hooy u ah Shabaabka Kenya.

DOWLADAHA FRANCE, BRITAIN IYO GERMANY OO KU DHAWAAQAY TIRADA QAXOOTIGA REER SYRIA EE AY QAABILAYAAN

Iyadoo ay sii kordhayaan qulqulka shacabka reer Syria ee ka baxsanaya colaada ka aloolsan dalkooda, ayaa Dowladaha France, Britain iyo Germany, wa xa ay ku dhawaaqeen tirada Qaxootiga Syrianka ee ay qaa-bilayaan.

Madaxweynaha dalka France Francois Hollande, ayaa ku dhawaaqay dalkiisa tirada Qaxootiga uu qaabilaayo, wuxuuna sheegay inay qaabilayaan 24,000 kun oo Qaxooti Syrian ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain, David Cameroon, ayaa sha aciyay tirada Qaxootiga Syrianka ee dalkiisa ay ku qaabilayaan shanta sano ee soo socota, isaga oo sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 20,000 oo qaxooti ah.

Qaxootiga ugu badan ee Syria, ayaa waxa ay ku jiraan Xerooyin ku yaalla dalalka Turkiga iyo Jordan, waxaana Dowladahan ay sheegeen inay ahmiyad siin doonaan Caruurta iyo Haweenka oo ka mid ah dadka ugu nugul.

Dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu aqbali doono 800,000 oo kun oo qaxo oti ah oo inta badan ah kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ka jirta dalalka ay ka soo jeedaan.

Qaxooti badan oo Syrian ah ayaa ka cararaya dagaalada iyo dhibaato oyinka ka jira dalkooda, iyadoo aysan jirin damqasho ay ka helayaan dalalka Carabta.

Tallaabada ay saddexdaan Dowladood ay ugu dhawaaqeen tirada Qaxo otiga Syrianka ay qaabilayaan ayaa ah mid muhiim ah, maadaama shacabka re er Syria ee baxsadka ah ay u baahan yihiin garab istaag buuxa.

PUNTLAND OO LACAGO CUSUB OO SHILING SOOMAALI AH SAMEYSATAY

Xildhibaan Burhaan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa she egay lacagta ay soo saartay maamulka Puntland ay haatan ka shaqeyn doonto deegaanada ay ka arrimiso Puntland , haatanna lagu billaabay Ciidamadooda.

Burhaan Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in sababata keentay in ay laca gta keensato Puntland deegaanadooda oo ka dhamaaday Shiling Soomaaligii, islamarkaana ay soo food saartay dhaqaalo xumo.

Dhinaca kale Xildhibaan Burhaan ayaa carabka ku adkeeyay in lacagtanidhammaan deegaanada Puntland ay ka hirgaleyso Isticmaalkeeda islamarkanaa aanu jiri doonin cid is hortaagta.

Dhawaan ayey ahayd markii Agaasimaha Bankga Muqdisho uu sharci dar ro ku tilmaamay lacagta ay keensatay Puntland.

MAXAA KALA SOCOTAA 10-KA XIRFADOOD EE HAB DHAQAN JILEEDKA KU SOO BADATAY MOGADISHU.

yaxya-sh-caamir-500x4331-Si aad madax ugu muuqato waa in waddada gurigaaga tagto lagu xiro dhagxaan wa aweeyn, dhallin yaro aad qaraaba tihiin oo dares ciidan wato waa in ay baabuurka kuu saran yihin.waxaad tahay siyaasi.

2- Si aad Diaspora ugu muuqato waa in aad 6 saac qoraxda oo kulul aad jaako qaadato, madaxa xiirato, waa in aad garbka surato boorso u eg kuwa laabtoobka lagu qaato,af somaliga aad ku hadleeyso waa in aad jajabiso,dhowr xaraf oo English u egna aad ku darto,waxaa tahay diaspora.

3- Si aad nabddoon ugu ekaato,waa in aad qaadato nooca sharaxan ee cimaamadaha Boosaaso laga keeno,macawis iyo baakoor qaali ah, fadhi ku diriradana aad ka shee gto,war been ah oo aan dadku ogeeyn,iyo in arrin aanan lagaala tashan eeyna dalka ka soconeeyn.

4- Si aad wariye ugu ekaato waa in aad rekoor yar wadato, jeebkana dhow qalin aad ku wadato.

5- Si aad culumada cusub ugu ekaato waa in aad wadato surwaal gaaban,iyo qamiis sharaxan oo rekaame qoorta looga hardhay,tusbax gaaban,jeebka korana eey ka dhax muuqato lacag doolar ah oo aan lakala garan Karin in eey tahay 1$ iyo 100$. Barafuuna uu kaa soo carfaayo,xataa ha noqdo catarul mayt ( kan maydka lagu carfiyo) .waana in aad taqaan dhowr xadiith oo aadan aqoon saxaabiga wariyay.

6- Si aad ugu ekaato parfasoor waa in aad wadato dhowr buug oo waaweeyn oo ay habooneed in aad guriga uga soo tagto, marka aad hoteelada timaad waa in daal badan kaa muuqdo dadkana aad ugu sheekeeyso in aad xalay oo dhan aad imtixaan saxe eysay, ka dibna aad koffee dalbato.

7- Si aad ugu ekaato sarkaal hore ee ciidan, waa in aad soo xirataa garaado dhowr bil ha hor laguu sheegay sida loo xirto, dadkana aad uga sheekeeyso dishabillinka ciida mada, dagaalkii 77 wixii aad ka maqashay,iyo akadeemiya aadan magaceeda Karin.

8- Si aad ugu ekaato madaxda NGO, waa in aad wadato faylal fara badan,oo ay ku jir aan joornaala gaboobay, waa in aad dadka uga sheekeeysaa,UNDP,WFP,iyo wax qab adka looga baahan yahay,waa in aad u sheegtaa xuquuqul insaanka,waana in hadalk aaga ay ku jiraan dhow xaraf oo NGO yada lagu yaqaan,sida: transparent, Acco untability, emergency Aid, humanitarian, nonprofit, displaced people, workshop, seminar, iwm.

9- Si aad la taliye sare ugu ekaato, waa in aad CV gaaga ka been sheegto, waa in aad soo jeediso talooyin aad maqashay in wadama kale ku horuu mareen laakin aan Soma liya ka hirgali Karin,waa in aadan ka jawaabin su’aal ku saabsan sida waxa aad sheeg eeyso u jiri karan.waa in aad ku calaacashaa haddii taladeeyda madaxdu iga qaadan lah eed dalku beri hore ayuu horuumari lahaa.

10- Si aad ganacsade ugu ekaato,waa in aad suubsato warqada dakadda lagu ga lo,hadalkaagu waa in uu ubataa, Dubai iyo Kenya soomaalida joogto, ka sheekee in aad tahay ganacsade tolkiisu ka dambeeyaan haddeeyna qaaraan ka rabin . Haka jawaabin haddii lagu weeydiiyo LC, Import Export, iyo Bank account illeyn mataqaanide.

Qore:-Prof Yexye Sheekh Caamir



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip