Dadkii ku haray Magaalada Gaalkacyo oo isaga barakacay iyo Magaalada oo noqotay furin dagaal

0
Sunday November 29, 2015 - 08:12:39 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii ku haray Magaalada Gaalkacyo oo isaga barakacay iyo Magaalada oo noqotay furin dagaal

    Dadkii ku haray Magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay isaga barakacay Magaalada, ka dib markii uu Sabtidii ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug & Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii ku haray Magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay isaga barakacay Magaalada, ka dib markii uu Sabtidii ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug & Puntland.

Inta badan dadkii reer Gaalkacyo, ayaa isaga barakacay Magaaladaasi, wixii ka dambeeyay dagaalkii 22-kii bishan ka dhacay Bartamaha Magaalada, markii uu is maandhaf soo kala dhex-galay Maamulada Puntland & Galmudug.

Dadka xalay isaga barakacay Magaalada, ayaa ka faa’iideysanaayay wa-xooggaa xabadda oo is taagtey gelinkii dambe ee Sabtidii, iyagoo dareensan in markale uu dagaal dhici karo.

Waxaa saakay laga cabsi qabaa in markale ay foodda is daraan dagaal-yahanada labada dhinac, oo weli isku horfadhiya goobihii ay shalay ku wada dagaalameen.

Dad fara ku tiris ah oo ku haray xaafadaha Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo, oo u joogga in ay guryahooda ilaashadaan, ayaa kuu sheegaaya in xaaladdu ay tahay mid Allow sahal ah.

Dadkaasi waxay kaloo kuu sheegayaan in Magaaladii camirneyd ay noqotay mid furin dagaal ah, waxa isku haayana ay yihiin laba dhinac, oo si aad ah u hubeysan.

Siyaasiyiinta isha ku haysa waxa ka soconaaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa laga soo xigtay, haddii aan la helin wax mucjiso ah oo dhinacyadaasi loogu kala dab qaadaayo, ay Gaalkacyo ku burburi doonto dhiilada colaadeed ee xilligaan ka jirta

xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip