Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Qadar ayaa sheegay in muwaadiniinta 80 loogaga baahan yahay oo kaliya inay la yimaadaan baasaboor sax ah, iyadoo lagu wado in dalka Qadar uu martigeliyo koobka adduunka ee kubbada cagta sanadka 2022.
Qorshahan ayaa waxa uu u dhaqan gelayaa si deg-deg ah waxaana ka mid ah siddeetanka dal wadamada qaarada Yurub ee Schengen iyo wadamada reer galbeedka,Latin America iyo Asia.
Muwaadiniinta ka imaanaya dalal badan oo Yurub ah iyo meelo kale oo ay ku jiraan Hindiya, Lubnaan, New Zealand, South Africa, iyo Mareykanka waxay u baahan yihiin oo kaliya baasaboor sax ah in lagu soo galo dalka hodanka ah.
Dalka Lubnaan ayaa ah wadanka kaliya ee carbeed ee ku jira liiska iyadoo hore wadamada qaliijka ee ku jira iskaashiga qaliijka oo lix dal ah ay hore u haysteen fasaxan.
Muwaadiniinta 33 dal ayaa loo oggolaanayaa in dalka Qadar joogi karaan illaa iyo 180 dal halka 47 kale ee liiska ka mid ah ay ku sugnaan karaan wadankaas muddo 30 cisho ah taasoo la cusbooneysiin karo hal mar kaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Qadar Mazrouei ayaa sheegay in dalalka ay wadankooda u fasaxeen ay ku xusheen ammaanka ka jira iyo dhaqaalaha uu dalkaas leeyahay.
Madaxa shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways Akbar al-Baker ayaa sheegay in duulimaadyada shirkada ay diyaar u yihiin in ay dadkaas geeyaan dalka Qadar.
3-dii bishan August ayay dowlada Qadar waxa ay sameysay sharciyo gaar ah dadka ku nool wadankaas,sharciyadan cusub ayaa waxa ay u fasaxayaan carruurta hooyadood ay ka soo jeedo dalka Qadar balse aabahood uu yahay shisheeye ay ka heli karaan dhaqaale dowlada Qadar sidoo kalana shaqaalaha xirfada leh eek a shaqeeya dalkaasna ay ka faa’ideysan karan sharciyadaas.
Tirada dadka ee wadanka Qadar ayaa ah 2.4 million iyadoo boqolkiiba sagaashana ay yihiin dadkaas dad ajaaniib ah kuwaasoo ay badankood yihiin shaqaale ka soo jeeda wadamada Asia oo dhalashada Qadar qaatay.
Wadanka Qadar ayaa waxaa haatan saaran go’odoomin ay ku soo rogeen wadamada Sacudi Carabiya,I maaraadka,Baxreyn iyo Masar iyadoo lagu eedeeyay in xukuumada Qadar ay argagaxisada taageerto balse dowlada Qadar ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.
Qadar oo u fasaxday dalkeeda muwaadiniinta 80 dal inay fiiso la'aan ku soo galaan
Dowlada Qadar ayaa u fasaxday dalkeeda inay fiiso la'aan ku iman karaan muwaadiniinta siddeetan dal si ay u fududeyso culeyska ka saaran dhinaca dalxiiska iyo safarada.