Garyaqaan Turkish ahaa oo si toos ah loo toogtay, xilli Saxaafadda uu la hadlaayay (Daawo SAWIRRO
Ciidan dhar-cad ah oo ilaalo u ahaa ninkaasi, ayaa iska caabin ku wajahay kuwii rasaasta ku soo furay. Mid ka mid ah ilaaladii Garyaqaanka ayaa goobtaasi ku geeriyooday. Ma cadda khasaaraha gaaray kuwii weerarka soo qaaday.
Tahir Elci oo ka shaqayn jiray ilaalinta sharciga, ayaa waxaa lala xiriirin jiray in uu si weyn ugu ololeeyo maleeshiyada Kurdiyiinta (K.P.P), oo dagaal kula jirta Dowladda Turkiga, si ay kaga go’aan qaybaha kale ee dalkaasi.
Garyaqaan Elci, ayaa horey loo soo gaarsiiyay fariimo hanjabaado xambaarsan, iyadoona laga dalbanaayay in K.P.P uu u aqoonsado urur argagaxiso, haddii kalana uu naftiisa waayi doono.
Hadalkii ugu dambeeyay ee Elci uu u jeedinaayay Saxaafadda, ayaa ahaa inaysan dadka Turkiga wax xal ihi ugu jirin in ay wada dagaalamaan, isla-markaana uu ku baaqi lahaa in nabadda laga wada shaqeeyo.
Garyaqaan Turkish ahaa oo si toos ah loo toogtay, xilli Saxaafadda uu la hadlaayay (Daawo SAWIRRO
Xoogag hubeysan, ayaa soo weeraray Tahir Elci oo ahaa Garyaqaan u dhashay dalka Turkiga, si weyna looga garanaayay dalkaasi, iyadoo illaa iyo hadda aan la'aqoon cidda dhabta ihi ee dishay.