WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Sunday November 29, 2015 - 07:19:48 in Wararka by
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA NOVEMBAR 2015-KA

    RA'IISUL WASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO GUDDI MAGACAABAY XALINTA COLAADA GAALKACYO Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shalay ku soo laabtay magaalada Muq disho, kadib safar hal maalin uu ku tagay Cadaado iyo Garowe ayaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO GUDDI MAGACAABAY XALINTA COLAADA GAALKACYO Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shalay ku soo laabtay magaalada Muq disho, kadib safar hal maalin uu ku tagay Cadaado iyo Garowe ayaa sheegay inuu Guddo u magacaab ay xalinta colaada Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa Cadaado iyo Garowe uu ahaa xalinta colaada ka taa gan Gaalkacyo, waxaana uu xusay inuu la soo kulmay Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland.

"Labada Madaxweyne waxay iga ogolaadeen inay magaalada Gaalkacyo tagaan, si colaada loo joojiyo, in ciidamada la kala qaado, in dadkii barakacay la soo celiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Guddiga uu u magacaabay xalinta colaada ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu rajo ka muujiyay in la soo afjaro colaada. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Garowe ugu soo tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo uu xusay inay tagi doonaan magaalada Gaalkacyo, si ay u sii wadaan dadaalada nabadeed

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay inay dib u fiirinayaan hab ciidamo lagu kala dhex dhigo labada dhinac, waxaana uu tibaaxay hadii labada ciidan ee is hor fadhiya la kala qaado ay baajin karto arrintaas.

Sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay marwooyinka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo iyana xusay inay ka qeyb qaadanayaan dadaalada nabadeed, isla markaana ay tagayaan Gaalkacyo.

Dagaalo cusub oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay mar kale ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna dagaaladan ka dhashay dhimasho iyo dhaawac

WASIIRO SHALAY LA DHAARIYAY IYO SHARCI DIB LOOGU EEGAYO KHARASHKA DOWLADDA FS OO LA ANSIXIYAY

Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa shalay lagu hordhaariyay wasiirro dhawaan uu soo mag acaabay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke; iyadoo dhinaca kale xildhibaannadu ay isla shalay ansixiyeen qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda Somalia.

Markii la furay shirka baarlamaanka Somalia ayaa la dhaariyay wasiirrada dhawaan la soo magac aabay oo kala ah; Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo horay u ahaan jiray danjiraha Somalia u fadhiyay Turkiga oo loo dhaariyay xilka wasiirka Tamarta iyo Biyaha iyo Inj. C/rashiid Maxamed Axmed oo loo dhaariyey xilka wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

Dhaarinta wasiirada kaddib waxay xildhibaannada baarlamaanku u codeeyaan qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda Somalia ee bilihii Jannaayo illaa May ee 2015ka, oo uu soo diyaariyay guddiga maaliyada, qorsheynta, miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’daha dowladd.

Natiijada codeynta ayaa waxay noqotay 140xildhibaan iyadoo hal xildhibaanna uu diiday sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka federaalka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shirguddoominayay.

Ugu dambeyn, kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee shalay waxaa xildhibaannada loogu qayb iyey mashruuc ku saabsan ilaalinta badqabka dhulka iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya, iyadoo sharcigaan sameyntiisa ay ka dambeysay doodihii golaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka yeeshay xuduudda u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

KULAN LOOGA TASHANAYAY XUQUUQDA SHAQAALAHA EE DHINACA DASTUURKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Kulan wadatashi ah looga hadlayay arrimaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee dhinaca dastuurka, si loo caddeeyo Xuquuqaha Qofka shaqaalaha ah iyo waajibaadka lagu leeyahay ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho.

Qodobka Labaatan iyo Afraad ee Dastuurka KMG ayaa qeexaya Xiriirka Shaqaala ee sida loo su gi karo Xuquuqahooda, waxaana kulankan lagu soo bandhigay qodob ah in qofka shaqaalaha ee shaqo joojin sameeya aan la

Gudoomaha Isutagga Midowga Urarada shaqaalaha Soomaliyed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa sheegay in kulankan wada tashiga uu yahay mid muhiim u ah shaqaalaha, isla markaana la ogaado xuquuqaha ay ku leeyihiin Dastuurka.

Maxamed Cismaan ayaa sheegay in qof kasta oo shaqaale ah uu leeyahay xuquuq gaar ah, isla markaana aan marna lagu xadgudbi karin.

Xildhibaan C/llahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in isutagga Midowga Shaqaalaha ay soo gudbiyeen fikir wanaagsan oo dhaxal gal ah, kaasoo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Xil dhibaan Maryan Cariif Qaasin oo ka hadashay kuulanka Wadatashiga ah ee lagu soo uruurinayo Fikrada ha qaybaha Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan midka shaqaale weynaha Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysay fikradaha iyo talooyinka qiimaha leh ee ay ka heleen kulanka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Iftin Founda tion, gaar ahaan mashruuca Fursad oo shaqo abuur u sameeya Gabdhaha wax bartay iyo Na

CIIDAMADA JUBBALAND OO SHABAAB KA SOO FURTAY 100 NEEF OO XOOLO AH

Kadib howlgal ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Degmada Afmadoow Gobolka Jub adda hoose ay ka sameeyeen deegaano hoostagga Degmadaasi ayaa waxa ay ciidamada ku soo furte en Xoolo nool oo Shabaabka ay ka aruuriyen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa wuxuu ka dhacay deeganada kala ah Taabto, Arbaqaso iyo Xayo oo ku yaallo dul eedka Degmada Afmadow, waxaana Shabaabka ay xoolahaasi ka aruuriyeen dadka deegaanka.

Shabaab ayaa dadka ka aruuriyo xoolo nool oo Shabaabka ay dadka uga qaadaan Zakawaadka, hayeeshe qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka gadooday falka Shabaab ay xoolaha nool uga aruurs aden ayaa u ashtako aaday ciidamada Jubbaland ee Degmada Afmadoow, taasi oo keentay ciidamada inay ka jawaabaan cabashada dadka ka soo yeertay.

Taliyaha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Degmada Afmadoow Aar Sheekh Cali ayaa u shee gay Warbaahinta in ciidamada ay soo furteen xoolo gaaraya 100 neef oo isugu jira lo’, Ari iyo Geel int aba.

Waxa uu sheegay xoolahaasi inay qorsheynayaan inay u kala celiyaan dadkii lahaa, maadaama markii horeba dadka si qasab ah looga qaaday, oo awood loo adeegsaday.

Howlgalka xoolahan nool lagu soo furtay ayaanan wax dhiig ah ku daadan sida uu Taliyaha she egay, maadaama Shabaabka haystay xoolaha aysan aheyn ciidan badan oo durba ay kala carareen, markii ay heleen macluumaadka ku saabsan in ciidan ku soo wajahan yahay.

DOWLADDA INGIRIISKA OO MAXKAMAD HOR KEENTAY MUWAADIN U DHASHAY DALKAAS OO KU BIIRI RABAY AL SHABAAB.

Terefor mulindawa oo ah 21 jir u dhashay dalka Ingiriiska ayaa la horkeenay Maxkamad ku taala dalkaasi isagoo lagu eedeeyay in uu doonayey in uu ku biiro Xarakada Al Shabaab ee Som aliya,waxaana Mr terefor ay ciidamada Booliska ee dalka ingiriiska ka qabteen sanadkii hore garoonka diyaaradaha hitroow ee dalka Ingiriiska isagoo doonayey in uu u soo dhoofo Somalia si uu uga barbar dagaalamo Al Shabaab.

Mr ferefor oo la sheegay in uu muslimay sanadkii 2013 ayaa la xaqiijiyey in uu si aad ah u xiisa ynayey in uu ka mid noqdo Xarakada Al shabaab oo weeraro badan ka fuliya bariga Africa.

Maxkamada Kingston ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in muwaadinkaasi uu qirtay qorshaha uu ku doonayey in uu uga mid noqdo Al Shabaab.

Richard Walton oo ka mid ah saraakiisha ka hortaga argagixisada ayaa sheegay in mudo dheer ay ku daba joogeen terefor oo haysta dhalashada dalka ingiriiska waxaana mr Richard Walton uu intaasi ku daray in ay wado qorsho ay ugu hortagayaan dhalinyarada u dhashay dalka ingiriiska ee doonaya in ay kuu biiraan kooxaha xag jirka ah.

Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in ninkaasi ay xukunto maxkadamada Kingston ee dalka Ingiri iska

DANJIRAHA SOMALIA EE SOUTH AFRICA OO LAGA GUDOOMAY WARQADIHII AQOONSIGA SAFIIRNIMO

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi danjirnimo ka gudo omay danjiraha Somalia u fadhiya dalkaas, Jamal Maxamed Barrow.

Zuma ayaa aqalka madaxtooyada dalkiisa kaga guddoomiyay safiirrada 15 waddan oo ay Soma liya ku jiro warqadaha aqoosniga danjirenimo; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Canada, Malaysia, Pana ma, Zambia iyo Falastiin.

Danjire Baroow oo si weyn ugu dhexmuuqday safiirrada kale ayaa markii uu waraaqihiisa aqoonsi ga safiirnimo u gudbinayay madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa xusay inuu salaan iyo dhambaal inuu uga sido madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna intaas ku daray safiirku inay Soomaaliya abaal lama illa awaan ah u gashay dalka Koonfur Afrika xilliyadii midabtakoorkii ka jiray Koonfur Afrika.

"Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wada madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan Koonfur Afrika garabtaagnenyn xilliyadii xuriyaddoonka ay ku jirtay 1970yadii illaa 1980yadii, sidaad la socoto Somalia hadda way kasoo ka baxayasaa dhibaatadii gaartay; iyadoo garab ka hashay idowga Afrika, waxayna u baahan tahay in la garabqabto, waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan kuusoo gudbiyo aqoonsigayga safiirnimo,” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhankiisa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabilaadda safii rrada cusub; isagoo sheegay in dowladdiisa ay soo dhaweynayso danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Sidoo kale, Zuma ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; dhibaato oyinka bay’ada, qulqulka qoxootiga, midnimada Afrika iyo ciidammo ay Afrika yeelato, kuwaasoo loogu talogalay inay ka hortagaan wadamada ay ka dhacaan colaaduha, isagoo intaasi raaciyay in Koonfur Af rika ay dhawaan u soo xirtay tababar ciidamadii ugu horreeyay ee Afrika ka socday. Wuxuuna sidoo kale ka hadlay shirka Shiinaha iyo Afrika oo bisha December lagu wado inuu ka dhaco magaalada Johann esburg.

"Mudanayaal Kusoo dhawaada Koonfur Afrika waan wadashaqeyn doonnaa iyadoo la tixgelin aayo heshiisyada iyo wadashaqeynta dalalka aad matashaan ee xushmadda iyo wadashaqeynta ay naga dhexeyso,” ayuu yiri Jacob Zuma.

Ugu dambeyn, danjire Jamaal Barroow ayaa ka mid ahaa danjirayaal ay dowladda Somalia ay u magacowday dalalka caalamka qaarkood, waana safiirkii labaad oo Soomaaliya ay u magacowdo dalka Koonfur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, ku waasoo dalkaas ku haysta ganaciyo kala duwan, lana kulma dilal iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhac ay u geystaan kooxo burcad ah.

ASKARI U DHASHAY DALKA UGANDA OO SOMALIYA KU DHAAWACMAY OO DOWLADDA UGANDA KU EEDEEYAY INAY DAYACDAY.

Askari ka mid ahaa ciidanka Amisom ee Somaliya ku sugan, kana soo jeeda dalka Uganda oo sanadkii 2014kii ku dhaawacmay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay Dowladda Uganda inay dayacday.

Maliki Wakibi ayaa ku dhaawacmay Qarax qabsaday Gaarigii uu la socday 2014kii,waxaana dha awaciisa oo darnaa darteed loo qaaday Uganda,halkaas oo uu dhaqtar jooga Nairobi ka dhigtay dhaqt arka la soconaya xaaladdiisa caafimaad.

Waxa uu degan yahay Askariga deegaanka Kareu oo ka tirsan dalka Uganda, waxaana uu caafi maad u aadaa bil kasta Magaalada Nairobi dhaqtar ku sugan, iyadoo qarash ahaan ay ka baxdo lacag gaaraysa Shs700,000 oo Lacagta Kenya ah kuna bixiyo Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi.

Askarigaan ayaa wuxuu dhalay 10 caruur ah, Dowladda Uganda ayaa wuxuu ku eedeeyay inay dayacday daryeelkiisa caafimaadka iyo mida qoyska intaba.

Waxaa uu yiri "waxaan ahay Aabbe haysta 10 Carruur ah kuna nool Guri ka sameysan Caws ama Aqal Caws laga sameeyay,mana heysto daryeel dhanka Dowladdeyda ah”.

Xaalada dhabta ah ee caruurtiisa ay ku nool ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay mid adag oo u ba ahan in Dowladda ay caawiso, maadaama isaga uu yahay mid dhaawac ah.

Askarta Amisom ee Somaliya ku sugan ayaa qaata bil waliba lacag badan oo aysan helin ciida mada Dowladda Somalida.

AFAR RUUX OO SIYAABO KALA DUWAN LOOGU DILAY MAGAALADA BUULO BURDE

Dilal kala duwan ayaa siyaabooyin kala gedisan uga dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan iyo deeganada ku xeeran, waxaana dilalkaan ay salka ku hayaan falal aargoosi ku saleysan aan ooyin qabiil.

Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in la dilay oo saddex ka mid ah xalay lagu dilay deegaan lagu magaca abo Dabayoodle oo Khiyaastii Buulo burde u jirta 30KM.

Iyadoo xalay saddexdaasi ruux la dilay, ayaa shalay aroortii Bartamaha Magaalada Buulo burde waxaa lagu dilay nin kale oo dilkiisa loo sababeeyay arimaha aanooyinka qabiilka ah, waxaana dilka ruu xaan uu daba joogaa saddexda ruux ee xalay la dilay.

Duqa Degmada Buulo burde Cismaan Geedi Raagge, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilal ka ku saleysan falalka aanooyinka qabiilka ah ee ka dhacay Degmada Buulo burde iyo nawaaxigeeda.

Cismaan Geedi Raagge, ayaa sheegay ciidamada Amisom iyo Maamulka Degmada inay baarayaan dilalkaan qorsheysan iyo waxa salka ay ku hayso, iyadoo Maamulka uu ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa arimahaasi.Si dhab ah looma oga waxyaabaha uu salka ku haayo dilalkaan aanooy inka qabiilka ah ee ka soo cusboonaday Degmada Buulo burde.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO SHEEGAY INUU TALEEFAN KULA HADLAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inay nasiib darro tahay dagaalada halkaas ku soo laabtay, waxaana uu xusay in ka maamul ahaan ay ka xun yihiin.

"Aad ayaa uga xunahay dagaalkaas soo laabtay, ka maamul ahaan waxaa ku dadaaleynaa in dag aalka la joojiyo, lagana wada hado waxyaabaha sababay dagaalka”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu taleefan kula hadlay dhigiisa Puntland C/wali Gaas, ayna ka wada hadleen sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Guddi ka qeyb qaata xalinta colaada Gaalkacyo uu magacaab ay, waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in dhinaca Puntland ay magacaabaan Guddi, si howsha wada jir loo wajaho.

Waxaa uu soo dhoweeyay dadaalada dowladda Federaalka ugu jirto xalinta colaada Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha ay daraad ka wada hadleen sidii xaalada loo dejin lahaa, loona soo afjari lahaa colaada.

"Waxaa muhiim ah in colaada taagan si wada jir ah loo wajaho xalinteeda, waxaa soo dhoweynayaa dadaalada dowladdu wado ee nabadeynta ah”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku eed eeyay dhinaca Puntland inay dagaalka soo qaadeen, isla markaana ku tala galka uu ahaa in shalay mag aalada Gaalkacyo ay tagaan Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayay iyo wafdi uu hogaa minayo Madaxweynaha Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee xiisada dagaal ee ka dhex taagan labada Maamul ayaa sii xoogeysaneysa, waxaana dagaaladii shalay dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo ku dhintay illaa sideed ruux, h

SADDEX NIN OO FALASTIINYIIN AHAA OO LAGU DILAY DAANTA GALBEED ...

Ciidanka Israel, ayaa Jimcihii siyaabooyin kala gedisan u dilay saddex nin oo Falastiiniyiin ah, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda mudada labada bilood ka badan ee ka jirta dhulka shacabka reer Falastiin, balse ay Yahuuddu xoogga ku haysato.

Nin Falastiini ahaa, ayaa lagu toogtay oo lagu dilay Deegaanka Kfar Adumim oo ka tirsan Daanta Galbeed, ka gadaal markii uu gaari jiirsiiyay qaar ka mid ah Ciidanka Israel. Askarta waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Nin kale oo gaari watay, ayaa askar kale oo Israeliyiin ahaa ku jiirsiiyay Magaalada Qudus, xilli ay wadada ku lugeynayeen, waxaana ku dhaawacantay tiro Israeli ah, iyadoona la toogtay ninkii gaariga jiirsiiyay.

Booliska Israel, ayaa nin kale waxay ku toogteen meel ku dhow xero qaxooti oo ku taala Maga alada AlKhalil (Hebron), xilli Boolisku ay ka wadeen hawlgal ay ku raadinayeen maleeshiyaad iyo hub. Boolisku waxay ka caroodeen bambaanooyinka dhalooyinka laga sameeyo oo lagu soo tuuray. Warbaahinta Israel, ayaa tebisay in sideed ka mid ah Ciidanka Israel lagu dhaawacay laba weerar oo gaari loo adeegsaday, oo ka dhacay Daanta Galbeed.

Wasiirka Difaaca Maamulka Israel, Moshe Ya’alon, ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso weeraro joogto ihi, oo kaga imaanaaya waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Sarkaal u hadlay Booliska Israel, ayaa sheegay in ay gacan adag ku wajahayaan argagaxisada, oo uu ku eedeeyay inay wadaan weeraro ka dhan ah Yahuudda.

Xiisadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israel oo bilaabatay dhammaadkii bishii September, ayaa wax aa lagu dilay 96 Falastiiniyiin iyo 19 Israeliyiin ah.

BANNAANBAX KA DHAN AH RUUSHKA OO KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL

Boqolaal ka mid ah shacabka Turkiga, ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib waxay bannaanbax ka dhig een Magaalada Istanbul, ka dib xiisadda cakiran ee labada dal soo kala dhexgashay maalintii Tala adada.

Bannaanbaxayaasha oo watay sawirada Madaxweyne Vladimir Putin iyo Calanka Suuriya, ayaa ku qaylinaayay ereyo kul kulul oo ka dhan ah Xukuumadda Moscow, weerarada ay ka wado dalkaasi Suuriya.

Xiisad weyn, ayaa soo kala dhexgashay Ruushka iyo Turkiga, tan iyo markii ay Ciidanka Cirka Turkiga dhulka soo dhigeen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka.

Turkiga & Ruushka, ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ballaaran oo xagga dhaqaalaha ah, wuxuuna xiriirkaasi uu hadda u muuqdaa mid sii xumaanaaya. Ruushku wuxuu joojiyay ganacsigii kaga ima anaayay Turkiga.

Ruushka waa dalka labaad ee ganacsiga ugu ballaaran la leh Turkiga, waxayna Xukuumadda Mo scow ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku ciqaabeyso Turkiga, balse waxay bidhaamisay inaanay diyaar u ahayn dagaal ka dhan ah Xukuumadda Ankara.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka, ayaa Khamiistii Dowladda Turkiga weydiistay in raalige lin ay ka bixiso tallaabada, ay ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale Khamiistii diiday in wax raalige lin ihi uu ka bixiyo soo ridista diyaaradaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Ruushku uu ku ciyaaraayo dab, marka aad milicsato waxa uu ka wado dalka Suuriya.

QARAX LAGU WEERARAY DEEGAAN SHIICADU AY DEGTO OO KU YAALLA GOBOLKA KANO EE WADDANKA

Qarax khasaare badan dhaliyay ayaa lala beegsaday deegaan shiicadu leedahay oo ku yaalla gobolka Kano ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah iyo hoggaamiyaha Shiicada dalka Nigeria. Muhammad Turi ayaa sheegay in 21ruux lagu dilay qaraxaas, tiro intaa ka ba danna ay ku dhaawacmeen, sidoo kale booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in khasaare aad u xooggan uu qaraxaas ka dhashay, balse ma sheegin cadadka khasaaraha.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Dakozoye oo Koonfurta kaga aaddan mag aalada Garum Mallam oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Kano.

"Deegaanku waa mid geedo badan oo beero leh, kuna taalla wadada dhinceeda, walaaeenu waa sidii goob walba looga dhigi lahaa amni, waayo qaraxu wuxuu ahaa mid xoog badan,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Kano, Muhammad Musa Katsina. Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay inaan weli la garanayn cidda ka dambeysa weerarka; balse tuhunnada la qabo ayaa ah inay u badan tahay inay ka dambeyso weerarkan kooxda Boko Haram oo ka dagaallanta Nigeria.

Boko Haram ayaa horay qaraxyo noocan oo kale ah uga geysatay dalka Nigeria, kuwaasoo saba bay khasaaraha badan oo isugu jirta dhimasho & dhaawac fara badan.

WARARKA CAALAMKA

RUUSHKA OO KU DHAWAAQAY IN UU JOOJIYAY FIISO LA'AANTA AY DADKA TURKIGA KU YIMAADAAN DALKIISA

Dowladda Ruushka, ayaa waxay iclaamisay inay joojinayso fiiso la'aantii ay dadka Turkiga ku ima anayeen dalkaasi, iyadoona ay tani bilaaban doonto bisha January ee sanadka soo socda. War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Kremlinka, ayaa waxaa lagu shaaciyay tallaabada shacabka Turkiga looga mamnuucay bilaa fiisihii, ay ku imaanayeen dhulweynaha Ruushka.

Qoraalka waxaa kaloo lagu cadeeyay in Ruushku uu joojinaayo dhammaanba ganacsiga kaga yi maada dalkaasi Turkiga, si jawaab looga dhigo burburintii diyaaradooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin kale oo dheeraad ah, si buu yiri Turkiga loo ciqaabo, oo ka tallaabay buu yiri xad kasta oo macquul ah.

Sanadkii 2014ka, ayaa waxaa dalka Turkiga dalxiis ahaan u tagey in ka badan saddex milyan oo Ruushka u dhashay, wuxuuna Turkigu ka faa’iiday mallaayiin dollarka Mareykanka ah. Ruushku wuxuu amray inaanay dadkiisu u dalxiis taggi karin Turkiga.

Ruushka, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga carooday diyaaraddii uu Talaadadii ka soo riday Turk iga, waxayna bilaabeen tallaabooyin ka dhan ah Xukuumadda Ankara.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka, ayaa Khamiistii Dowladda Turkiga weydiistay in raaligel in ay ka bixiso tallaabada, ay ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale Khamiistii diiday in wax raalig elin ihi uu ka bixiyo soo ridista diyaaradaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Ruushku uu ku ciyaaraayo dab, marka aad milicsato waxa uu ka wado dalka Suuriya.

BURUNDI: LATALIYAHA MADAXWEYNAHA BURUNDI OO KA BADBAADAY WEERAR LAGU QAARIJIN LAHAA

Saraakiisha booliiska Burundi iyo goobjoogayaal ku sugan maaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi ayaa sheegay inuu ka badbaaday lataliyaha madaxewyne Pierre Nkurunziza weerar ko oxo hubeysan ku qaadeen gaarigiisa, kuwaasoo doonayay inay qaajiyaan.

Ku xigeenka afhayeenka booliiska dalka Burundi, Moise Nkurunziza ayaa sheegay inuu ka badb aaday lataliyaha madaxweynaha Burundi, Zenon Ndaruvukanye weerar kooxo dabley ahi ay la beegs adeen gaarigiisa oo marayay bartamaha magaalada Bujumbura, inkastoo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa mid kalena uu dhaawac culus kasoo gaaray.

Xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan waxaa ka dhacayay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay go’aankii madaxweyne Nkururnziza uu ku sheegay inuu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimo ee waddankiisa.

Goobjooge magaciisa ku sheegay, Ndaruvukanye ayaa isaguna u sheegay qaar ka mid ah warb aahinta caalamiga ah in kooxo hubeysan ay weerareen mas’uul ka tirsan xukuumadda Burundi, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana uu intaas ku daray goobjooguhu in gaariga Zenon Ndaruvukanye ay weer areen lix qof oo dabley ah mar uu marayay xaafadda Kajaga ee magaalada Bujumbura.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta xukuumadda iyo mucaaradka kasoo horjeeda ayaa waxaa u dhexe eya isugaarsi, iyadoo tiro ka mid ah labada dhinac weerarro si gaar ah loola eegtay lagu dilay, waxaana xiisadda dalkaas ka taagan walaac ka muujisay Beesha Caalamka.

TURKIGA OO KA DIGAY XAYIRAADAHA AY DOWLADDA RUUSHKU DOONAYSO INAY KU SOO ROGTO DALKOODA

Turkiga ayaa shalay ka digay xaryiaadaha Ruushku uu doonayo inuu waddankeeda kusoo rigo, ka dib markii Ruushku ay ku goodisay maalin ka hor inay aargudasho ahaa xayiraad dhaqaale ugu soo rogi doonto Turkiga; taasoo u ah jawaab diyaaraddii ay Turkigu kasoo rideen Ruushka Salaasadii lasoo dhaafay.

Ruushka ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay xanibaado kusoo rogi doonto cuntada uu Tur kiga u dhoofiyo dalkooda maalmo gudahood, xilli ay kordhisay baaritaannada cunnooyinka beeraha ka soo go’a ee uga yimaada dalka Turkiga.

Sidoo kale, wasiirka beeraha dalka Turkiga, Faruk Celik ayaa sheegay in aargudasho kasta oo ga nacsi oo dalka Ruushku ay ka sameyso diyaaraddii uu Turkiga soo riday ay dhaawac xooggan gaarsiin doonto beeraleyda waddanka Ruushka.

"Marka aad fiiriso tirada waxyaabaha lasoo dhoofiyo iyo kuwa la dhoofiyo, way caddahay in talla abo kasta oo aan wanaagsanayn ay u saameyn doonto midda beeraleyda Turkiga ku yeelan doonto bee raleyda dalka Ruushka. Sidaa awgeed, arrintaan waa in loola macaamilaa si deggen. Waa inaan diya aradda lasoo riday diirradda saarnaa oo aan dhibaatada dhinacaas ka eegnaa. Tan ayaa ah habka ugu habboon ee lagu joogteyn karo danaha labada waddan,” ayuu yiri Celik oo warfidiyeenka kula hadlayay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Faruk Celik ayaa intaa ku daray in Turkiga aysan weli go’aan rasmi ah oo xanibaad ah ka helin Ru ushka. Isagoo ka digay inay tahay khalad in xiisadda ka dhexoogan Ruushka iyo Turkiga ay saameyso beeraha, ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Dhanka kale, madaxda caalamka ayaa labada dal uga digay inaysan sii xumeeyn xiisadda. Laa kiinse way caddahay in Ruushanku ay dooneyso inay dhaqaale ahaan u ciqaabto dalka Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha waddanka Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa ku amray dowladdiisa inay qa addo tallaabooyin ay ka mid yihiin hakinta mashaariicda sida wadajirka ah labada wadan uga dhexeeya iyo yareynta cunnooyinka uu Ruushku Turkiga ka soo dhoofsado.

Muranka u dhexeeya dalka Turkiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale hakad ku keenay heshiis cusub oo dhoofinta qamadiga ah oo dhex mari lahaa dalka Ruushka oo ah dalka soo saara qamadiga ugu ba dan dunida iyo Turkiga oo ah kan ugu iibsiga badan qamadiga Ruushka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushanka, Vlad imir Putin ayaa waxaa suurogal ah inay wadahadallo ku yeeshaan kulan madaxeedka cimilada adduun ka oo tododbaadka soo socda ka dhaci doona magaalada Paris, sida ay ilowareedyo ka tirsan madaxt ooyada Turkigu sheegeen, laakiin ma jiro waqti rasmi ah oo loo qabtay kulankan.

HADAL HAYNTA HIIGSIGA 2016 OO HOWLIHII DALKA LAGU HILMAAMEY!

Sheekooyinka ay dadkii hore iiga sheegeen waxa ay dowlad tahay, hanaankii loo shaqeyn jiray, iyo awoodii Dowladda Soomaaliya awoodii ay ku lahayd Africa inteeda kale Ayaan ku laab qabowsan jiray. Waxaan niyadda ku hayay in mar un aan arki doono dalkeyga oo dowlad leh, si aan dadka dowlad aha leh markay ka sheekeysanayaan dowladahooda aan ugu sheeko darsado.

Sannadku markuu ahaa 2012, waxaa bilaabatay ifafaalo iyo in dalku ka baxay ku meel gaarkii. Ma ahayn doorasho dadku ka wada qaybgalayay waxeyse ahayd dowlad ay dooranayaan wakiilo /xildhib aano ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa meesha laga saarayay hogaamiye koo xeedyadii dalka joogay si loo yareeyo awoodaha ay xiligaas dalka ku lahaayeen, taas oo ka mid ahayd waxyaabihii na farxad geliyay haddaan nahay bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradda.

Markii aanu ka baxnay dowladdii ku meel gaarka ahayd isla markaana dalku yeeshay dowlad fed eral ah oo adduunka oo idil soo dhaweeyeen, ayaa ballan qaadyadii dowladdaas cusubi waxaa ugu wey naa in 4 sanno ka dib ay dowladdatani gaarsiin doonto dalka, halqof iyo hal cod oo dalka oo idil ka wada dhici doonta.

Muddo ka dib Hadal heynta ugu ballaaran ee dalka taala misna ugu weyn waxay noqotay hiigsiga 2016 iyo sidii laga yeeli lahaa. Intaas waxba uma dhaafsaneyn oo ma muuqan saansaantii iyo qaababkii yoolkaas dheer lagu gaari lahaa.

Waxaase uga sii darnaa dadka soomaaliyeed, is qab qabsi dowlada dhexdeeda ah oo iyadii isku mashquushay. Iyaddoo faragelin shisheeye aysan meesha ka marneyn. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa soo ifbaxayay waxyaabo badan oo dib u dhac ku keenayay dalka. Isku shaandheyn aan shacab ka loo fasirin waxa ay salka ku heyso. Waxaa xal loo heli waayay Amnigii dalka, oo goortii isku shaan dheyn ama beddelid Ra’isal Wasaare ay timaadoba faraha ka sii baxayay. Waxaa hakad galayay dham maan adeegyadii bulshadda u baahneyd.

Howlkastaa oo la bilaabona, loo diiday in ay dhameystirmato, haddaan tusaale yar usoo qaada nno waxaa ka mid ah howlaha dhammeystirmi waayay DASTUURKII idlaa ee uu dalku lahaa. Dowladda Federaalka ah markay u hartay wax ku dhow hal sanno ayaa bilaabatay in baarlamaankii iyo xukuuma ddiiba ay ku baaqeen in dalku aaney doorasho halqof iyo halcod aaney ka dhici Karin, baarlamaankana mudo kordhin loo sameeyo. Inkastoo Soomaalidu ku maahmaahdo nabar aad fileysay Naxdin maleh, haddana waa cusub ayaa noo baryay.

Waxaa sameysmay maamul goboleedyo ay dadku ku qaybsameen oo dalka intiisa kale badan ka dhismay, oo koonfurtii iyo bartamihii Soomaaliya oo 11 gobol isku ah loo sii qaybiyay 5 maamul gobol eed, arrintaan oo qalqal gelisay sii jiritaanka Dowladda federaalka.

Waxaa soo kordhay in magaalo madaxdii Soomaaliya ay ciriiri gasho, hadday ahaan lahayd waddooyinkii ugu waaweynaa ee dalku lahaa oo cid waliba meel ka xirato. Waxaa batay safarro aan mac no badan dalka u lahayn. Askartii Soomaaliyeed oo aan xuquuqdoodii helin. Halka kuwa AMISOMna mushaar fara badan iyo xuquuq aan kala go’in ay helayaan.

Gudaha Magaalada muqdisho oo lagu kala qaxo, dadkii masaakiinta ahaa guryahoodii laga kiciyo iyadoo aan la siin, baddel iyo meel kale oo ay caruurta geystaan. Waxay dadkaas waayeen hoy, biyo waxbarasho. Carruurta qaar ee guryahaas laga kiciyay ayaa qaarkood noqday darbi jiif iyo caseeyayaal aan heysan xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen.

Waxaa nasiib darro ah in qof kastaa oo Soomaali ah ku dedaalo sidii uu ugu dhex noolaan lahaa dhibaatadda dalka ka jirta, balse aannu ku fekerin sidii looga bixi lahaa coladda iyo gaajada dalka ka jirta. Haddaba beesha caalamka hiigsiga 2016 maxaa u dheer.

W/D Sucdi Daahir Diiriye ( Qajaf Weyn)

CASHARKII 20 AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD Muhiimada Cilmibaarista (Significance of the Study) Waxaan shaki ku jirin in cilmibaaris waliba ay leedahay muhiimad u gooni ah oo ay kaga duwan tahay cilmibaarista kale ee horay loo sameyay.

Marka la qeexaayo muhiimada cilmibaarista, waxaa lagu qeexaa in ay tahay qoraal looga dhaa dhacsiinaayo aqristaha in ay cilmibaarista tahay mid muhiim ah una qalanto in la amba qaado.

Qorista muhiimada cilmibaarista waa mid xasaasi ah, maxaa yeelay, waa halka cilmibaaraha uga dhaadhacsiiyo aqristaha in cilmibaaristiisa u qalanto in la amba qaado. Guud ahaan, qaybtaan waxay ka jawaabtaa dhoor su’aalood oo ay ka mid tahay, sababtee cilmibaaristan ugu qalantaa in akhristaha uu akhriyo? sababta qof uu udoonayaa in umaal galiyo cilmibaarista? Hadii ay soo dhamaato daraasada yaalala wadaagaa oo ka faa’iidaysanayo?

Dhinaca kale Waxaa muhiim ah in la ogaado in xiriir toos ah uu ka dhaxeeyo bayaanka dhibaatada (Problem statement) iyo muhiimada cilmibaarista (Significance of the study). Cilmibaaraha waa in uu sheego dhabaatada jirto in xal keeda la soo jeedin doono marka la dhameeyo cilmibaarista.

Dadka ku xeel dheer cilmibaarista waxay sheegaan in Muhiimada ay tahay halka laga ogaado in daraasada ay u qalanto in la ambaqaado. Dhinaca kale, macalimiinta jaamacadaha ee qiimeeyo Buuga Qalin jabinta jaamacada, si taxadar leh ayay u akhriyaan tuducda ka hadlayso muhiimada daraasada. Hadii cilmibaaraha si cad u qeexiwaayo, waxa daraasada ay ku yabooheyso, waxay u badan tahay in ay qadacaan in la amba qaado cilmibaarsita, taasina waxay dhabar jab ku keeni kartaa dadaalkii uu soo waday cilmibaaraha mudada dheer.

Cilmibaaraha waa in uu sheego, halkee banaan ee u baahan in la buuxiyo ee daraasada buuxinaysaa? Cilmibaaraha waa in uu si cad u sheego waxa daraasada soo kordhinkarto iyo sida looga faa’iidaysan karo. waxaa loo baahanyahay in xog lagasiiyo aqristaha ku saabsan sida cilmibaaristan ay uga qayb qaadansayo waxa ku soo kordhinta aqoonta hada jirto.

Waxaa loo baahan yahay in la sheego dhoor qodob oo muhiim ka dhigayo in cilmibaaristan la amba qaado, sida, hadii cilmibaaristaan la dhameeyo in ay wax ku soo kordhinkarto aragtiyaha jiro (theory contribution) mida dhaqanka (practical contribution) ama qoraaladii hore (literature contribution). Cilmibaarayaasha qaar ayaa muhiimada waxaa kale oo ay ku daraan, in aan weli daraasad nucaan oo kale ah aan horay loo samayn, sidaas aawadeed ay cilmibaarista ay tahay mid muhiim ah.

Ugu danbayntii, siyaabo kala duwan ayaa loo qoraa muhiimada cilmibaarista, waxaase inta badan la isku raacsanyahay in lagu bilaawo guud ahaan waxa daraasada sookordhinkarto marka la dhameeyo. Waxaa haboon in la sheego, waxa bulshada ka faa’iidayaan cilmibaaristan, kadib hoos loogu soo daadago waxa gaarka looga faa’iidaysan karo.

Waxaa kale oo muhiim ah in la cadeeyo cida sida tooska ah iyo sida dadban ugafaa’iidaysanayso natiijaa cilmibaarista. Hadii cilmibaarista la xiriirto caafimaadka, waa in la sheego waxa ay ku soo kordhin karto guud ahaan caafimaadka, gaar ahaan qaybta sida gaar ka ah wax looga qorayo. Sidoo kale, hadii ay cilmibaarista ay la xiriirto tayada waxbarashada, waa in la sheego guud ahaan waxa ay kusoo kordhin kasto tayada waxbarashada, gaar ahaan qaybta ay sii quseyso sida dugsiyada hoose ama jaamacadaha.Waxaa soo diryaariyayDr. Shafici Sharif Mohamedfayosom@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip