Ardayda Jaamacadda SIMAD oo Dhiig Tabarucaad ugu deeqay Bankiga Dhiiga ee Isbitaalka SOS

0
Saturday November 28, 2015 - 17:28:41 in Wararka by
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Jaamacadda SIMAD oo Dhiig Tabarucaad ugu deeqay Bankiga Dhiiga ee Isbitaalka SOS

    Xarunta Jaamacadda SIMAD ayaa waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad Dhiig loogu tabarucayo Bandhiga Dhiiga ee Isbitaalka SOS, si hooyada iyo dhalaanka la dhigayo Isbitaalkaas ee dhibaateysan loogu bad baadiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Jaamacadda SIMAD ayaa waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad Dhiig loogu tabarucayo Bandhiga Dhiiga ee Isbitaalka SOS, si hooyada iyo dhalaanka la dhigayo Isbitaalkaas ee dhibaateysan loogu bad baadiyo.

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Kulyadaha Engineering ee Jaamacadda SIMAD, waxaana ay aheyd mid looga hadlayay sidii Ardayda iyo Macalimiinta ay dhiig ugu tabaruci lahaayeen Isbitaalka SOS.

Eng. Maxamed Maxamuud oo ah Hormuudka Kulliyadda Engineering ee Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in barmaanijkan uu yahay sidii ardayda Jaamacadda ay dadkooda dhibaateysan ay ugu yaraan wax u tari lahaayeen, gaar ahaan in dhiigooda ugu deeqaan dadka tabaaleysan.

"Barnaamijkan waxaa uu yahay in ardayda la baro in dadkooda wax u taraan, waxaana faa’idada ku jirta uu yahay in ardayga qudhiisa uu hibnayo caafimaadkiisa, isla markaana uu yahay qof caafimaad qaba, waa barnaamijkii koowaad, waxaa qaban doonaa mid weyn oo Jaamacadda ay ka wada qeyb qaadan doonto sidii dhamaan isbitaalada kale dhiig loogu tabarucilahaa”ayuu yiri Hormuudka Kulliyada Engineering ee Jaamacadda SIMAD.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Hormuudka Kulliyada Caafimaadka Dr. Maxamed Amiin oo sheegay in bixinta dhiiga uu yahay mid caafimaad, loona baahan yahay in qof kasta uu dhiigiisa ugu deeqo dadka walaalihiis ah ee dhiban, waxaana uu ku booriyay in gabdhaha ay ka qeyb qaataan dhiig bixinta, maadaama aan dhaqan ahaan loo baran in gabdhah ay dhiig bixiyaan, sidaas darteed loo baahan yahay in caalamka ay kaga daydaan.

Madaxa qeybta Baarista iyo Keydka dhiiga ee Isbitaalka SOS oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay arkaan Ardayda iyo Macalimiinta Jaamacadda SIMAD inay gartaan dhiigooda ugu deeqaan walaalahooda, waxaana uu xusay inay soo dhoweynayaan tallaabadan, isla markaana tahay arrin yididiilo leh.

Ku simaha Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ana Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Eng. Maxamuud Maxamed Calasow ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tabarucaada dhiiga ee ay sameeyeen ardayda iyo Macalimiinta, waxaana uu tilmaamay inay tahay waxa ugu muhiimsan ee dadka lagu bad baadiyo, isla markaana ah sadaqada ugu fiican ee dhiig la baxsado..

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Jaamacadda SIMAD ay mar walba dadkeeda gar gaarto ayna garab istaagto, taasna ay qeyb ka tahay barnaamijyada lagu gar gaarayo dadka danta yar.

IMG_6446 IMG_6470 IMG_6542 IMG_6551 IMG_6569 IMG_6628 IMG_6638 IMG_6675 IMG_6701




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip