Jaamacadda Plasma oo noqotay wakiilka joogtada ee Ururada Jamacadaha Caalamiga ah

0
Saturday November 28, 2015 - 17:25:15 in Wararka by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Plasma oo noqotay wakiilka joogtada ee Ururada Jamacadaha Caalamiga ah

    Shirweyne caalami ah oo ay isugu yimadeen in ka badan 500 oo Madaxda Jaamadaha Caalamka ah ayaa lagu soo gaban gabeeyay Magalada Siena ee dalka Talyaaniga, kaasoo si wadajir ah u qabteen Ururka Jamaacadaha Caalamka ee ku maatanaysan UNESCO, Internati

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweyne caalami ah oo ay isugu yimadeen in ka badan 500 oo Madaxda Jaamadaha Caalamka ah ayaa lagu soo gaban gabeeyay Magalada Siena ee dalka Talyaaniga, kaasoo si wadajir ah u qabteen Ururka Jamaacadaha Caalamka ee ku maatanaysan UNESCO, International Association of Universities (IAU), iyo Golaha Gudoomiyayasha Jaamacadaha Talyaaniga ( Conference of Rectors of Italian Universities (CRIU) iyo Jaamacada Siena oo sanadkan u dabaal dagaysay sanad guuradeedii 775aad.

Shirweynahan oo soconay muddo 4 cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii loo caalamiyayn lahaa tacliinta sare ee calaamka, loona aqoonsan lahaa shahaadooyinka ay bixiyaan Jamacadaha ku yaal qaaradaha kala duwan ee adduunka, waxaa Soomaaliya u matalayay Guddoomiyaha Jamacadda Plasma Prof. Xasan Maxamed (Xasan Kaafi) iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Prof. Jimcaale .

Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Prof. Xassan Kaafi ayaa shir ballaaran oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Palasma, waxaa uu uga warbixiyay ardayda iyo Macalimiinta jaamacadda, waxyaabihii uu shirkaas kula soo kulmay, isagoo xusay in shirweynaha uu kaga qeyb galay magaalada Siena uu ahaa mid mid taariikhi ah marka dib loo fiiriyo tariikhda tacliinta sare ee calamka hadii ay ahaan laheyd tirada madax jamaceedka ka kala yimid 5-ta qaradood ee adduunka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma ayaa sheegay in ajandaha shirweynahaas uu ahaa mid xasaasi ah, maadaama jaamacadaha caalamka iyo dowladaha ay hoos-tagan caqabad ka heystaan sida loo aqoonsan lahaa shahaadooyinkooda, kaasoo ka gudba Xuduudaha dalalkooda, gaar ahaan kuwa ka yimaada qaaradaha kale ee caalamka si gaar ah ardeyda wax ku barata qaarada Africa, marka ay waxbarsho u doontaan Jaamcadaha qaaradaha Yurub ama Ameerika inta badan lama tixgalin jirin darasaadkii ay ku soo qaateen Afrika, dood dheer ka dib waxaa la isla gaaray in la diyaariyo heshiis caalami ah oo UNESCO gogol u tahay wasaradaha Tacliinta sare ee dowladaha kaga doodayaan sixiixa heshiisyadaas.

"Maadaama aan wakiil ka aheyn dal uu ku dhacay burbur adag oo beesha caalamka gaar ahaan bahda waxbarshada jaamacadaha Caalamka aysan waxbadan kala socon horumarka waxbarsho ee ka socda dalka ayaan ka wabixinay waxaana kulan gaar ah la qaadanay madaxda sida gaarka u qaabilsan aqoonsiga shahaadooyinka ka yimaada dibadaha kuwaas oo ka caabanayay inay caqabad weyn ka heysato sdii ay u aqoon san lahayeen shahaadooyinka ka yimaada Soomaliya hadii ay ahaan lahayeen kuwa dugsiga sare & kuwa Jaamacadahaba waxayna naga codsadeen in arinta laga caawiyo si dahlinyarada qaxootiga ah ee dalalkooda timid ugu suurta galiyaan inay waxbarshadoodii sii wataan ama ku shaqeystaan shahadooyinkoodaā€¯ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Prof. Xasan Kaafi.

Guddoomiyha ayaa sheegay in Jaamacadda Plasma ay xiriir dhanka waxbarashada la sameysay jaamacado ku yaal dalka Talyaaniga, isagoo xusay in xiriirkan uu noqon doono mid ay ka faaā€™ideystaan ardayda wax ka barata Jaamacadda Plasma qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay jiri doonaan fursado tababar oo ay Jaamacadu ka heli doonto Jaamacadaha ku yaal dalalka Yurub.

Shirkan ayaa ahaa shirweynihii 4aad ee Jaamacada Plasma wakiil ugu noqoto Jamaacadaha dalka, iyadoo june 2014 Guddoomiyaha Jaamacada Plasma lagu gudoonsiyay bilad sharafeed kaalinta waxbarashadu ee dalkiisa u hayo magalaada Mumbia ee dalka India Golaha Madaxweynsha Jamacadaha Caalamka (World Vice Chancellors Congress 28 June 2014).

palas (1) palas (2) palas (3) palas (4) palas (5) palas (6) palas (7) palas (8)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip