WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA AGOOSTO 2017-KA

0
Tuesday August 08, 2017 - 10:31:07 in Wararka by
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA AGOOSTO 2017-KA

    FAAHFAAHIN:DAB XALAY KA KACAY SUUQA WEYN EE BAKAARAHA Xalay saaacada marka ay aheyd 12:15daqiiqo ayaa dab xoogan oo geystay qasaaro hantiy adeed waxa uu ka hacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdsiho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAAHFAAHIN:DAB XALAY KA KACAY SUUQA WEYN EE BAKAARAHA Xalay saaacada marka ay aheyd 12:15daqiiqo ayaa dab xoogan oo geystay qasaaro hantiy adeed waxa uu ka hacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdsiho.

Sida aay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa dabku waxuu ka kacay dhanka Sarif Weynaha ee sarta Cali Dheere.

Dabka ayaa la sheegay in uu baa’biiyay goobo Ganacsi ay lahaayeen shacab Soomaliyeed.

Waxaa goobta gaaray ciidanka dowlada oo rasaas adeegsanayay, gaadiidka dab damiska ah iyo shacab la tacaalayay hantidooda.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabka.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaan,waana arin kusoo noqno qotay Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho walina xal looma helin.

CODBIXINTA DOORASHADA KENYA OO BILLAABATAY

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer. Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6dii arroornimo.

In ka badan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalsan codbixinta maanta.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Wararka doorashada Kenya 2017

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin mada xwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,wa xana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

MACLUUMAAD KU SAABSAN DOORASHADA

Doorashada guud ee Kenya ayaa wax ka qaybgalaya musharaxiin kor u dhaafaya 14,000 qof oo u tartamaya jagooyiinka kala duwan.

Boqolkiiba 45 ka mid ah dadka doorashadan Kenya codaynaya waxa ay da'dooda ka hoosay saa 35 jir.

Tirada goobaha codadka laga dhiibanayo ayaa waxa ay dhan tahay 1451 xarumood .

Dhanka ammaanka waxaa loo diyaariyay in ay sugaan 180,000 oo askeri oo sugi doona amma anka xilliga doorashada iyo ka dib ba.

Maxaa sababay in ay dad badan ka qaxaan Nairobi ka hor doorashada ?

Kenya oo xasiloon maalin ka hor doorashada

Toban sano kahor waxa jiray rabshado argagax leh oo ka danbeeyay doorashooyinkii waddan ka ka dhacay, qofne ma doonayo inay soo laabtaan rabshadahaasi.

Laakiin sida ay aragtida codbixintu saadaalinayso labada murashax ee Uhuru Kenyatta iyo Rai la Odinga aad ayay isugu dhaw yihiin, taas ayaa keenaysa baqdinta ah in dhibaato dhacdo.

Hadba sida uu u guuleysto hannaanka codeynta ee computerda ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha (IEBC) ayaa muhiim u ah in loo arko doorashadan in ay ku dhac day si xor iyo caddaalad ah. Haddii hannaankan uu guuldaraysto sidii dhacday 2013, waxa codadka lagu tirin doonaa gacanta, taasina waxay wadanka u horkici doontaa si aan shaki ku jirin in qofka laga adkaado uu dood ka keeno natiijada.

Muuqaal ku saabsan ahmiyadda doorashada kenya

2013kii Raila Odinga waxa uu dacwad u gudbiyay maxkamadda isagoo ka cabanayay in doora shada la xaday. Xiligan waa markiisii afaraad, waxayna u muuqataa iskudaygisii ugu danbeeyay ee ku noqonayo madaxweyne, waxa suurtagal ah inuu ku baaqo in taageerayaashiisa ay wadooyinka isugu soo baxaan haddii uu arko in codadka doorashada la xaday.

PUNTLAND OO QABATAY SHAQSIGII DILAY GUDDOOMIYE KUXIGEENKII HORE EE GOBOLKA BARI

Laamaha amaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii dilay gud doomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo shalay lagu dilay gudaha mag aalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Sida wararka ay sheegayaan beesha uu ka dhashey ninka ku eedeysan dilka guddoomiye kux igeenkii hore ee gobolka Bari ayaa ku guuleysatey in ay soo qabtaan eedaysanaha kadibna waxay ku wareejiyeen ciidanka Booliska, waxaana warbaahinta loo xaqiijiyey in ninkaasi hadda uu ku wareegay gacanta ciidanka amaanka ee Boosaso.

Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa shalay Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari wa xa uu ku dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo ilaa haatan aan la ogeyn sababaha ka dambeeya dilkiisa.

UHURU KENYATA:"NABAD HALAGU CODEEYO DOORASHADA KENYA”

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyey codbixiyayaasha dalkiisa inay codkooda u dhiibtan si nabad ah, isla markaana ay qadariyaan sharaftii aasaasayaasha dalka Kenya.

Doorashadan ka dhacaysa Kenya ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana si aada ugu tartamaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Raila Odi nga.

Doorashada Kenya ayaa isugu jirta illaa lix qaybood oo kala duwan, inkasta oo doorashada ugu xamaasadda badani ay tahay tan madaxtooyada.

FAAHFAAHIN QARAX AY KU DHAAWACMEEN 30 QOF

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa sababay dhaawaca in ka badan 30 qof. waxaana qaraxan lagu rakibay gudaha gaari weyn oo ah nooca khudaarta gura, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Pakistan.

Dadka qaraxan ku dhaawacmay ayaa u badnaa, dadkii waddada hareereheeda marayey xilligii qaraxu dhacay.

Gobolka Punjab ee ay caasimadda u tahay Lahore ayaa ah gobolka uu ka soo jeedo Ra’iisal Wasaarihii xilka laga qaaday Nawad Sharif.

Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa bilawgii bishan xukunka ka qaaday Ra’iisal wasaare Sharif.

Nawad Sharif ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada u soo safto Lahore

FARIISIMIHII CIIDAMADA AMISOM EE DEEGAANKA LEEGO..

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Jimcihii si lama filla an ahayd uga soo baxay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoo se, ka dib muddo dhawr sano ahi oo ay fariisimo ku lahaayen.

Ururka Al Shabaab oo dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Leego, ayaa soo bandhi gay sawirran muujinaya daafacyadii dhirirsanaa ee Ciidamada Amisom ku lahaayen halkaasi.

Shacabka deegaanka oo iyagu tagey daafacyadaasi, ayaa waxay bilaabeen inay ka qaataan agabyadii ay kaga taggeen Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Xoogaga Amisom, ayaa sabab aan rasmi ahaan la sheegin uga guuray Deegaanka Leego, oo muhiim u ahayd isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo.

Gudoomiyaha Deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isxaaq (Al Cadaala), ayaa Ciidamada Amis om ku eedeeyay inaysan ku soo wargelin ka guuristooda Leego.

Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa isagu shee gay in maalmihii la soo dhaafayba ay Ciidamada Amisom hadalhayeen inay ka guurayan Leego, iya goo dib ugu guranaya gobolka intiisa kale, sida uu yiri.

Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa qiray in marinka Leego uu muhiim u ahaa isu socodka Magaalada Muqdisho illaa Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiirka, ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya ay arrintaasi kala xiriirtay Amisom, isla markaana ay raadinayan sababta ay Amisom u soo baneysay Leego, inkastoo sida uu sheegay ay Amisom dadka deegaanka u sheegtay in mustaqbalka ay ciidamo kale goobtaasi kala wareegi doo naan.

G. DOORASHOOYINKA OO SU’AALLO LA WEYDIINAAYO MAANTA

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa Maanta su’aalo weydiinaya Gud diga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood adag ka yeelanaya Warbixintii ay soo gudbiyeen Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Sheekh Cu smaan ayaa horay u sheegay in ay muhiim tahay in Xildhibaanada ay si hufan ugu shaqeeyaan qor hooyinka ay wadaan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka..

Xalimo Ismaaciil Ibraahim " Xaliimo Yareey” oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Xildhibaanada ka codsatay in ay si wanaagsan oo hagar la’aan ah guddiga ula shaqeeyaan.

Sidoo kale waxa ay sharaxaad dheeraad ah ka bixisay holwha culus ee guddigaan horyaalla.

XILDHIBAANADA KOONFUR AFRIKA OO U CODEYNAYA KALSOONI KALANOQOSHADA ZUMA

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa si qarsoodi ah codka ugu qaadaya mooshin ka dhan ah ma daxweyne Jacob Zuma maalinta Talaadada, sida ay ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka ee waddankaasi.

Afhayeenka baarlamaanka Baleka Mbete ayaa go’aansatay arintaan ka dib markii axsaabta mu caaradka ay kiiskaan geeyeen maxkamada dastuurka ee koonfur Afrika.

Xilidhibaanada ayaa rumeysan in cod qarsoodi ah oo loo qaado Jacob Zuma ay xitaa qeyb ka noqon karaan xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee (ANC), kuwaasi oo ay u badan tahay inay ka codeeyaan madaxweynaha.

Mr Zuma ayaa horey uga badbaaday dhowr mooshin oo cod loogu qaadayay.

Xisbiga ANC ayaa xukumayay Koonfur Afrika tan iyo markii ay soo dhamaatay xukunkii cadda anka tirada yar sanadkii 1994, waxa uuna xisbigan aqlabiyad ku leeyahay baarlamaanka.

Go’aanka Ms Mbete ayaa dad badan lama filaan ku noqday waxa uuna waji cusub kusoo kor dhinayaa hubaal l’aanta tallaabooyinka ka dhanka ah madaxweyne Zuma, sida weriyaha BBCda ee Cape Town ay soo sheegyeso.

Hase ahaate, su’aasha haatan la isweydiinayo ayaa ah in xildhibaanada xisbiga talada haya ay diyaar u yihiin inay ka codeeyaan madaxweyne Zuma iyo in kale.

WASIIR CANSHUUR” AWOOD UMA LIHIN LASOO WAREEGIDDA FURAHA 252″

Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ENG. Cabdi Can shuur ayaa sheegay in Wasaaradiisa aysan la heyn awood ay kula soo wareegto furaha Soomaaliya ee 252.

Waxaa uu sheegay in Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay ay gacanta ku hayaan furahaasi, islamarkaana ay gadaal kaga dareen lambaro kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Xildhibaanada golaha Shacabka ay Ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta si loo soo celiyo Furaha Soomaaliya ee 252.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ay ku doonayso in ay kusoo celiso waxyaabihii ay dowladda gacanta ku heyn jirtay oo hadda ay gacanta ku hayaan badankood Shir kado Soomaali ah iyo kuwo Shisheeye.

MADAXWEYNAYAASHI HORE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF IYO XASAN SHEEKH OO HESHIIS DHEX MARAY

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyay ee ka dhashay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo aan lagu kala kicin kadib labada dhinac ay ku gaareen heshiis is cafis iyo is faham ah iyagoo ka heshiiyay mugdigii u dhaxeeyay wada shaqayn bay na ku balameen sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno magaalada Kampala.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khilaafkoodu meel sare gaaray horaantii sanadkan kadib markii doorashadii madaxweynaha ay soo dhowaatay. Waxana kulankan ay yeeshe en uu yahay kii ugu horeeyay oo si fool ka fool ah u kulmaan.

Warar ayaa sheegaya in dowlada Uganda ka shaqeysay heshiiska labada siyaasi iyadoo She ekh Shariif uu degen yahay magaalada Kampala halka Xasan Sheekh Maxamuud uu degen yahay dalka Tanzania,waxaana la rumeysan yahay in Xasan Sheekh Maxamuud uu isgu yimid Kampala si kulanka uu u dhaco.

Hadalo kulkulul ayay labada dhinac saxaafada isu mariyeen waxayna ku guuldareysteen inay isu tanaasulaan illaa daqiiqadii ugu dambeysay doorashada oo uu ku soo baxay Madaxweynaha haa tan talada haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Inkastoo labada siyaasi ay haatan heshiis gaareen ayaan hase ahaatee la ogeyn inay siyaas ada hal meel uga soo jeesan doonaan iyadoo weli la rumeysan yahay in labaduba aysan siyaasada ka bixin.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ay gaareen labadii Madaxweyne ee loogaga adkaaday doora shadii horaantii Febraayo ka dhacday Muqdisho ayaa dadka qaarkii ayaa waxa ay rumeysan yihiin in uu culeys ku noqon karo dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

ISRAEL OO MAMNUUCEYSA TALEEFISHINKA ALJAZEERA

Israel ayaa qorsheeneysaa inay taleefishinka Aljazeera ka mamnuucdo dalka Yahuuda, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.

Wasiirka warfaafinta Ayoub Kara ayaa sheegay inuu doonayo in kaararka aqoonsiga warbaahi need ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka horistaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Isr ael.

Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Alj azeera laga mamnuucay inay ka qeyb galaan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo inuu Israel ka mamnuuco labada kanal ee Alja zeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.

Ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay inuu xir ayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Jerusalem, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rab shado ka hurineyso magaalada.

Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xiray xafiisyadii taleefishinka Aljazeera, oo laga le eyahay dalka Qatar, ayada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Ima araadka, Masar iyo Baxreyn.

XIGASHO: VOA

SARKAALADII U HOREYSAY OO LOO MAGACAABAY AGAASIMAHA AMNIGA GOBOLKA BANAADIR

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Sarkaaladii u horeysay u mag acaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka Agaasi maha Amniga iyo Deriseynta loogu magacaabay Col. Zakia Xuseen oo ka tirsaneyd Booliska Sooma aliyeed.

Agaasimaha cusub ee Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir Col. Zakiya Xuseen ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii xilka laga qaaday Mahad Xuseen Maxamed, iyadoo xil wareejinta uu go ob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga

Col. Zakiya oo reer UK ah ayaa saddex sano ka hor ku biirtay Ciidamada Booliska Soomaaliy eed, iyadoo ka tirsaneyd Qeybta Dambi baarista ee CID, ka hor inta aysan Booliska ka shaqeyn wax ay ka tirsaneyd Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.

Waa haweeneydii labaad oo qabata xilka Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir oo xill igan ku socda is bedel iyo isku shaandheyn, waxaa la filayaa in dhowaan dhowr Haween oo kale ku soo biiraan.

MAXAA SABABAY IN HAWEENAYDII BAARAYSAY DAGAALKA SIIRIYA IS CASISHO?

Carla Del Ponte ayaa sheegtay in ay dhowaan iska casili doonto gudiga caalamiga ah ee baar aya dembiyada ka dhacaya Siiriya. Waxayna go'aankeeda u sababaysay inaanay helin taageeradii ay uga baahnayd golaha ammaanka.

Iyada oo warbaahinta la hadlaysa ayay sheegtay in waraaqdii ay isku casili lahayd ay qortay is la markaana maalmaha soo socda ay gudbin doonto. Waxayna intaas ku dartay in golaha ay ka bixi doonto kadib marka ay isugu yimaadaan shirkooda soo socda kaasi oo dhici doonta bisha September ee sanadkan.

Haweenaydan oo u dhalatay dalka Switzerland ayaa sheegtay inaan cadaalad loo hayn Siiriya, golaha ammaankuna aanu waxba ka qaban arrintaas.

Degmo ku dhow Xalab oo la duqeeyay

Erdogan oo difaacay duulaanka Suuriya

Haddii ay xilka banayso, waxaa shaqada kusoo haraya laba qof oo u kala dhashay Brazil iyo Maraykanka, kuwaasi oo u xilsaaran baaritaan ay ku sameeyaan dembiyada dagaal ee la galay mud adii uu socday dagaalka Siiriya.

Xilli ay jirto kala qaybsanaan baahsan oo ka dhex jirta golaha ammaanka, isla markaana wad amada Shiinaha iyo Ruushka ay dhowr jeer adeegsadeen diidmada qaxayan, ayaanay muuqan ast aamo muujinaya in xaalada Siiriya loo gudbin doono maxkamada dembiyada adduunka. Haweenaydayn ayaa kiiskan gacanta ku haysay tan iyo bishii Murch ee sanadkii 2011kii, si ay u baaritaano ugu samayso tacadiyada ka dhanka ah aadanaha.

MAAMULKA KHAATUMO STATE OO YEESHAY LABO MADAXWEYNE

Maamulka Khaatumo ayaa haatan yeeshay labo madaxweyne kaddib markii uu baarlamaanka maamulkaasi uu kala jabay labo garab, garab kamid ah Baarlamanka Maamulkaas ayaa xilka madax weynaha maamulka u dhaariyeen Cabdalla Maxamed Cali Heybe [ Cagalule] oo horay madaxweyne kuxigeen u ahaa.

Sidoo kale waxaa jira Prof Cali Khaliif Galeyr oo isna madaxweyne ka ah maamulka Khaatumo, waayadii ugu danbeeyayna wada hadalo kula jiray maamulka Soomaaliland oo ku saabsan sidii lab ada dhinac leysugu soo dhaweyn lahaa.

Xildhibaan Cabdikariin Askar Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ba aanay haysan xildhibaano ku filan oo ay cid xil kaga qaadi karaan.

sidoo kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa la sheegay in uu safar uga anbabaxay degmada Buuhoodle, isaga oo warar soo baxaya sheegayaa in uu u dhaqaaqay dhinaca deegaanka Oog oo ka tirsan degmada Laascaabood.Baarlamanka Maamulka Khaatumo State ayaa dhawaan xil kii ka tuuray madaxweyne Kuxigeenkii Cabdalla Maxamed Cali Heybe [ Cagalule].

CABDI QEYBDIID OO LOO DOORTAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DASTUURKA LABADA AQAL

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Cabdi Qeybdiid kaga adkaaday ninkii xilkan kula tartamayay ee C/raxmaan Faroole codod dhan 64.

Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga soc da Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

C/raxmaan Faroole ayaa olole weyn ugu jiray qabashada xilkan, waxaana dadka qaar u saada alinayay inuu ku guuleysanayo, balse si lama filaan ayaa looga adkaaday.

Doorashada Guddoomiyaha Guddigan ayaa ah mid muhiim ah, marka loo eego Guddiyada ka le ee dowladda.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO SHALAY SAGOOTIYAY ARDAY DEEQO WAXBARASHO HELAY

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya Pro Maxamed Sheekh Cismaan Jawa ari, ayaa shalay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu ku sogootiyay in ka badan 45 ar day oo deeq waxbarasho ka helay dowladdaha Kenya iyo Uganda.

Jaamacadaha Nairobi University iyo Makareri, ayey ka kala heleen deeqaha waxbarasho, sida mas’uuliyiinta ay sheegeen.

Pro Jawaari, ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadan waxbarasho oo ay helen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaciil Yuusuf Cismaan iyo xil dhibaan Prof. C/raxman Xaaji Aadan Ibi, ayaa labaduba sheegay sida ay muhiim u tahay dhiiragelinta ardayda Soomaaliyeed.

"Waxaan idinkula dardarmayaa in dalkiina aad wax u soo barataan, waxaan idinka rabnaa in aad dhowrtaan sharafta dalkiina”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dowladda Fed eraalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Arday badan oo Soomaali ah ayaa sanad kasta deeqo sidan oo kale ah ka hela wadamada saaxiibada la ah dowladda Soomaaliya, waxaana dhawaan ardaydii kaalmaha ka galay imtixaankii dugsiyada sare ay dowladda siisay waxbarasho dalka dibediisa ah.

HINDIYA OO XUKUNNO XABSI AH KU RIDAY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED.

Maxkamad ku taalla Magaalada Mumbai ee Dalka Hindiya , ayaa xukunno xabsi ah ku riday 16 Ruux oo Soomaali ah, kwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar lagu afduubtay Dooni kaluumeysato ah sanadii 2011kii.

Doonidan kaluumeysi ayaa sidoo kale waxaa saarnaa shaqaale u kala dhashay Dalalka Iran iyo Pakistan, kuwaasi oo afduub ahaan ay u heysteen Kooxo Burcadbadeed Soomaaliyeed, sida uu sheegay Qaaliga Maxkamada.

C.J. Jagdale oo ah qaaliga Maxkamda ayaa xusay in Raggan lagu xukumay min 7 sanno oo xabsi ah, kadib markii lagu helay kiiska ku aadan afduubtka doonidaasi iyo shaqa alihii la socday.

Waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu dhacay 26bishii March ee Sanadii 2011ka, balse Ciidamada Ilaalada Xeeba ha Hindiya ay qaadeen howlgallo lagu soo xiray raggan, isla markaana lagu soo badbaadiyay 16 kale oo ka soo kala je eda Dalalka Iran iyo Pakistan.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay Burcadbadeednimo, waxaana xusid mudan in dhawaan heshiis dhinaca maxaabiista ay ka la saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo India.

SHIR LAGU DIYAARINAYO ISTIRAATIIJIYADDA WAXBARASHADA MADANIGA EE DIB U EEGISTA DASTUURKA OO KA SOCDA MUQDISHO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cab diraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dibueegista Dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay Wasaaradaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xo osh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.

"Maanta waxaa farxad weyn inoo ah Wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo la gu diyaarin doono Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Geedisocodka dibueegista Dastuur ka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha Wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo Buslahada Rayidka talooyinkooda ku dhisanto Istiraati ijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan” ayuu yiri AVV Xoosh.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.

DAYAX MADOOBAAD XALAY LAGA DAREEMAY MAGAALOOYINKA SOMALIYA

Waxaa xalay dayax madoobaad laga dareemay gebi ahaanba Magaalooyinka Somaliya, iyadoo uu dayaxa gees ka madoobaaday.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in dhammaanba Gobolada Somaliya uu xalay ka jiro dayax madoobaad, islamarkaana ay dadku u dareereen Masaajida, oo laga tukanayo Salaatul Kusuuf.

Magaalooyinka Garbahaarey, Xudur, Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Baledweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso, Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Berbera, Har geysa, Gabiley, Boorama iyo meelo kale, ayaa laga tukanaya Salaatul Kusuuf.

Waxaa jira dalal kale oo xalay laga dareemay dayax madoobaadka, sida India iyo Britain.

Nigeria Oo Lagu Dilay 13 Ka Tirsan Boko Haram

Ciidanka Nigeria ayaa shegay in ay dileen 13 ka mid ah kooxda Boko Haraam, ka dib ciidam ada markii ay hawlgallo ay ka fuliyeen labo gobol oo ku yaallo waqooyi bari ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Nigeria oo lagu magacaabo Saani Cusmaan, ayaa sheegay in cii damada ammaanka hawlgallo ay ka fuliyeen gobollada Borno iyo Aadamato eek u yaallo waqooyi ba ri ay Nigeria ku dileen 13 ka mid ah kooxaha Boko Haram.

Cusamaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tilmaamay in dhakooda ay ka dhinteen labo askari ka dib markii miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari ay saarnaayeen ciidamadaan.

Kooxda Boko Haram ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2002 dii, waxayna doonayaan in ka hir galiyaan Nigeria ku dhaqanka shareecada islaamka.

Bishii Marso,2015 ayaa kooxda waxay ku dhawaaqday in ay ku biiratay kooxda Daacish.

BOGGA CAYAARAHA

FALANQAYNTA REAL MADRID VS MAN UNITED TIIKHDII KULAMADII HORE,DHAAWACYADA & GANAAXYADA IYO WAX WALBA OO AAD UGA BAAHAN TAHAY FINALKA UEFA SUPER CUPKA.

Real Madrid iyo Manchester United ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 si rasmi ah u bilaa ban doona marka ay magaalada Skopje ee dalka Macedonia ay iskaga hor yimaadaan kulanka final ka UEFA Super Cupka. Real Madrid ayaa kulankan xaq ugu yeelatay in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku soo guulaysatay koobka kooxaha Yurub ee Champions Leaque halka Man United ay iyaduna ku heshay in ay ku soo guulaysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europa Leaque.

Kulankan ayaa muhiimad khaas ah u leh labada kooxood ee Real Madrid iyo Manchester Uni ted oo ay kala hogaaminayaan Jose Mourinho iyo Zinedine Zidane. Labada kooxood ayaan magaala da Skopje u soo gaadhin in ay la laabtaan waxaan koobka ahayn, mana jirto koox si khaas ah hadda ugu cad cad oo koobkan loo saadalin karo maadaama oo ay labada kooxood ku jiraan xaalad ayna ciyaartoydu wali noqon taam buuxa maadaama oo laga soo laabtay fasax dheer.

Real Madrid ayaa noqon doonta kooxda magaceeda la soo hor qori doono ee xisaabsan koox da minankeedii joogto oo kale taas oo Los Blancos xaq u siinaysa in ay kulankan ku ciyaarto maaliya deeda kowaad ee ay jeceshahay in ay markasta ku ciyaarto iyada oo Man United loo xisaabin doono kooxda martida ah.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Real Madrid waxaa xagaagan ka baxay ciyaartoyda kala ah Pepe, Fabio Coentrao, James Rodriguez, Danilo iyo Alvaro Morata oo dhamaantood ku jiray liiskii uu Zidane magaalada Cardiff uu u kaxaystay ee finalkkii Champions Leaque laakiin hadda kooxo kale ayay ka tirsan yihiin waxaana badalkooda Madrid soo gaadhay Dani Ceballos oo Real Beits ka soo wareegay iyo xidigii hore ee Atl etico Madrid ee Theo Hernandez.

Warka ugu wayn ee Real Madrid ayaa ah in Cristiano Ronaldo uu ciyaartoyda kooxdiisa ula saf ray Macedonia isla markanaa uu Zidane xaqiijiyay in sababta uu kooxdiisa ula safray in ay tahay sidii uu kulankan u ciyaari lahaa, laakiin lama filayo in uu shaxdiisa ku soo bilaaban karo maadaama oo uu maalmo kooban tababarka qaatay.

Real Madrid ayaan qabin wax walwal dhaawacyo badan ah laakiin xaalada taam ahaansho ee Gareth Bale ayaa shaki la galinayaa. Zidane ayaa liiska kooxdiisa ku soo saaray wiilkiisa Luca Zidane kaas oo bandhig fiican sameeyay kulankii saaxiibtinimo ee ay Real Madrid la ciyaartay MLS AllStars isaga oo rekoodhe baadbaadiyay.

Liiska Ciyaartoyda Uu Zinane Ula Safray Skopje: Navas,Casilla,Luca, Carv ajal,Vallejo, Ramos, Varane, Nacho, Mar celo, Theo Hernandez iyo Achraf, Kroos, Modric,Casemiro, Marcos Llorente, Ase nsio, Isco, Kovacic iyo Dani Ceball os,Cristiano Ronaldo, Bale, Benzema, Lucas Vázquez iyo Mayoral.

Dhinaca Manchester United waxaa kulankan Mourinho haysto madax xanuun dhinaca difaaca ah iyada oo UEFA ay ganaaxyo ku soo rogtay Eric Bailly iyo Phil Jones kuwaas oo aan Man United kulankan u ciyaari karin laakiin Mourinho ayaa xidigaha ganaaxan iyo kuwa kaleba kaxaystay kulankan.

Saxiixyada cusub ee Victor Lindelof, Lukaku iyo Nemanja Matic ayaa haysta fursada ay ku ciyaari karaan kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah tan iyo markii ay Old Red Devils ku soo biireen. Laakiin Man United waxaa kulankan dhaawacyo kaga maqnaan doona Luke Shaw, Ashley Young iyo Marcos Rojo.

XOGTA KULANKA FINALKA UEFA SUPER CUPKA:

Tartanka: Finalka UEFA Super Cup

Kulanka: Real Madrid vs Man United

Garoonka: Philip II Arena, Skopje

Waqtiga: 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Gianluca Rocchi (Italy)

TAARIIKHDA REAL MADRID IYO MAN UNITED EE TARTAMADA YURUB:

Real Madrid ayaa taariikh ahaan Manchester United kaga fiican kulamadii tartamada Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen. Real Madrid ayaa Manchester United guulo ka soo gaadhay 4 kulan, halka afar kulan oo kale ay barbaro la soo gashay waxayna Los Blancos guuldaro 2 kulan ah kala kulanay Man United. Tobankan kulan ayay Real Madrid ku soo dhalisay 20 gool halka iyada laga dhaliyay 16 gool.

Manchester United ayaa iyaduna sida aan soo sheegtay 2 kulan oo kaliya Real Madrid kaga soo guulaysatay 10 kulan oo ay ka hortimid iyada oo afar guuldaro iyo afar barbaro ah ay noqdeen siddeeda kulan ee kale. Waxa uu kulanka UEFA Super Cupku noqon doonaa kulankii 11 aad ee labadan kooxood dhex mara.

NATIIJOOYINKII KULAMADII REAL MADRID VS MAN UNITED OO DHAMAYSTIRAN:

2012/13 UEFA Champions League Wareegiisa 16 kooxood:

Real Madrid 1-1 Manchester United

Manchester United 1-2 Real Madrid

2002/03 UEFA Champions League Sidded dhamaadkii:

Real Madrid 3-1 Manchester United

Manchester United 4-3 Real Madrid

1999/2000 UEFA Champions League Sidded dhamaadkii:

Real Madrid 0-0 Manchester United

Manchester United 2-3 Real Madrid

1967/68 EUROPEAN CHAMPION CLUBS’ CUP AFAR DHAMAADKII:

Manchester United 1-0 Real Madrid

Real Madrid 3-3 Manchester United

1956/57 EUROPEAN CHAMPION CLUBS’ CUP AFAR DHAMAADKII:

Real Madrid 3-1 Manchester United

Manchester United 2-2 Real Madrid

BANDHIGII REAL MADRID IYO MAN UNITED EE UEFA SUPER CUPKA:

Real Madrid: Kooxda caasimada Spain ee Madrid ka dhisan ayaa koobka UEFA Super Cupka ee ay Man United kula tartamayayso ku soo guulaystay saddex jeer oo kala ahaa sanadihii 2002, 2014, 2016; waxayna kaalinta labaad ku dhamaysatay oo koobkan laga qaaday sanadihii 1998 iyo 2000 kii.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee laba sano oo xidhiidh ah ku guulaysata koobka UEFA Super Cupka tan iyo sanadkii 1989 kii iyo 1990 kii markaas oo ay taariikhdaas samaysay AC Milan. Guul ay Madrid gaadho ayaa siin doonta koobkeedii afraad ee UEFA Super Cup waxaana ka horayn doona oo kaliya Barcelona iyo AC Milan oo min shan jeer haysta.

Manchester United: Manchester United ayaa finalka UEFA Super Cupka ciyaaraysa markii afraad laakiin waxay hore ugu soo guulaystay hal mar oo kaliya oo ahayd sanadkii 1991 kii halka sanadihii 1999 iyo 2008 ay guuldaro la kulantay finaladii koobkan.

Laakiin warka ugu fiican ee ay Man United dhiiro galin ka dhiganayso ayaa ah in marka kaliya ee ay ku soo guulaysatay UEFA Super Cupka in ay ahayd markii ay soo qaaday koobka labaad ee Yurub iyada oo markale sanadkan ku soo baxday in ay soo qaday koobka labaad ee UEFA Euoropa Leaque loo yaqaan.

MA OGTAHAY:

Kulankan waxaa lagu ciyaari doonaa magaalada Skopje ee dalka Macedonia waana markii ugu horaysay taariikhda ee kulan final tartamada Yurub ah lagu qabanayo Macedonia.

Waa markii lixaad ee ay Real Madrid ka soo muuqaatay UEFA Super Cupka, waxay soo heshay 3 guulood iyo 2 guul daro ee finaladii tartankan, laakiin kadib markii ay labadii final ee ugu horeeyay soo guuldaraysteen waxay soo guulaysteen labadii kulan final ee UEFA Super Cupka ugu danbeeyay.

Haddii ay Real Madrid ku guulaysato UEFA Super Cupka waxay barbarayn doontaa AC Milan oo sanadihii 1989 & 1990 kii si xidhiidh ah ugu guulaysatay UEFA Super Cupka.

Man United ayaa saddex jeer oo hore ka soo muuqatay UEFA Super Cupka, waxayna ku soo guulaysatay mar kaliya halka labada jeer ee kale ay guuldaro la soo laabtay waana markii afraad ee ay koobkan ciyaarayso.

Ma jirto koox England ka dhisan oo UEFA Super Cupka ku guulaysatay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2005 kii markaas oo ay Liverpool koobkan ka qaaday CSKA Moscow. Laakiin Man United (2008) iyo Chelsea FC (2012, 2013) ayaa guuldarooyin la soo laabtay.

Waa kulankii 11 aad ee tartamada Yurub ah ee ay Real Madrid iyo Manchester United iskaga hor imanayaan iyada oo Real Madrid ay afar kulan soo guulaysatay halka Man United ay laba kulan soo garaacday Madrid waxayna kulamada kale ku dhamaadeen barbaro.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood Ee Kulankan:

REAL MADIRD: Navas; Ramos, Hernandez, Nacho, Carvajal; Casemiro, Kroos, Modric, Bale, Ronaldo; Benzema

Shaki Uu Ku Jiro: Cristiano Ronaldo

MAN UNITED: De Gea; Valencia, Lindelof, Smalling, Blind; Matic, Herrera, Pogba, Mkhitaryan; Martial, Lukaku

Maqan: Bailly, Jones (ganaax), Marocs Rojo, Luke Shaw , Ashley Young , FosuMensah (ama ah uu ku baxayo)

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip