
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA AGOOSTO 2017-KA
Guddoomiye (Jawaari) ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee G/Wakiilada Somaliland looga baahan inuu si cadaalad ah u maamulo Golaha Wakiilada Somaliland. Md.Jawaar ) ayaa waxa uu sidoo kale u gu baaqay inuu si hufan oo cadaalad ah ugu adeego Shacabka uu masuulka ka yahay.
"Anigoo ku hadlaya magaca G/Shacabka iyo shacabka Soomaaliye ed, waxaan hamblayo boga adin iyo dhiiragelin u dirayaa Md. Baashi Maxamed Faarax oo loo doortay G/wakiilada Somaliland, waxaana Alle uga baryeynaa inuu guuleysto”. Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa shalay doortay G/ B/S/L/LAND kadib markii Shlay subax doorasho ay ka dhacday hoolka Xildhibaanada ay ku shiraan M/ Hargaysa ee xarunta Soma liland.
Todobaad ka dib ayaa la filayaa in la doorto Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soma liland.
RAILA ODINGA OO KA DIGEY IN DOORASHADA KENYA LAGU SHUBTO
H/miyaha mucaaradka Kenya Rail Odinga ayaa ka digey in do orash ada dalkiisa lagu shubto ka hor 2 maalmood oo ay shacabka Kenya u dareerayaan doorasho guud. Wareysi uu siiyay taleefi shinka Al Jaze era RWasrihii hore ee dalka Kenya ayuu ku sheegay in xisbigiisu diy aariyay qorshe uu ugaga hortagayo in natiijada la farageli yo.
"Waxay doonayaan Jubilee inay natiijada qiyaameeyaan,ma jirto wax kale oo sameyn karaan balse waan ku kalsoonahay in aan guul weyn ka gaareyno doorashada Talaadada dhacaysa.”ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kenya.
"Isku day kasta oo lagu doonayo in shacabka Kenya lagu qiyaaneeyo uma dulqaadan doono.”ayuu sii raaciyay Odinga. Kenyatta oo 7aadkii la soo dhaafay qudbad ka jeedinayay meel fagaare ah ayaa beeniyay inay doonayaan in ay ku shubtaan doorashada oo ay qiyaano same eyaan,balse waxa uu ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan qor she lagu dhiso dowlad wadajir ah.
"Mucaaradka waxa ay waqtigooda ku lumiyeen shirar jaraa’id iyo la dagaalanka guddiga doora shada hadda ayay garowsdeen inay guuld aro la kulmayaan oo doorashada loogaga horeeyo.”ayuu yiri Kenyatta.
Inkabadan 19 million oo ruux ayaa isu diiwaangelisay inay codkooda dhiibtaan doorasho guud oo ka dhacaysa dalka Kenya Talaadada soo socota Hogaamiyaha xisbiga ODM Odinga oo hore u soo noqday R/wasaare dalka Kenya ayaa la tartamaya Madaxweynaha dalka Ke nya ahna hogaamiyaha xisbiga Jubilee doorasho ka dhacaysa Kenya Talaadada soo socota iyadoo laga cabsi qabo in rabshado ay hareeya an doorashadan.
THAABIT OO KAFAALA QAADAY NOLOSHA CARUUR AY HOOYADOOD KU GEERIYOOTAY QARAXII DAARUSHIFA
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay kafaalo qaadeen Xaalada Cafimaad Saddex Caruur ah oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee isbitaalka Daarushifa.
Thaabit ayaa sheegay in Caruurtan ay Hooyadood ku geeriyootay qaraxaasay,islamarkana uu ku booqday isbitaalka ayna kafaalo qaadeen daweynta iyo ka warqabka Xaaladooda.
Caruurtaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed, Cabduqaadir iyo Mustaf,waxa ayna u baahan yihiin daryeel dhanka Caafimaadka ah iyo damaanad qaadka noloshooda.
RAYID LAGU XASUUQAY WAQOOYIGA AFGHANISTAN
Saraakiil ayaa sheegay in dabley ku dileen woqooyiga Afghanistan ugu yaraan 50 qof oo dumar iyo caruuri ku jiraan.
Waxay sheegeen in dagaalyahannadaasi weerareen saldhig ciidadama nabad gelyadu ku leeyihiin degmada Sayaad ee gobolka Sare Pul habeenimadii sabtidii oo ay dabna qabad siiyeen gur yihii u dhawaa.
Zabihullah Amani oo ah afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in rayidka "loo laa yey si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan”.
Ilaa hadda ma cadda dableyda weerarka qaaday cidda ay ahaayeen. Talibankuna waxay sheegeen in ay xubno ka tirsan ciidamada nabadgelyada ku dileen weerar ay ku qaadeen deegaan kaa.
Bilihii u dambeeyey ayaa dagaalada ka socda Afghanistan xoogaysteen, in ka badan 16,662 qof oo rayid ah ayaana lagu dilay sannadkan qaybtiisii hore sida ay sheegeen warbixino ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa isna ka baaraan degaya in uu kordhiyo tirada ciidamada Maraykanka ah ee taageeraya milatariga iyo booliska dalka.
MAS’UULIYIIN KA TIRSAN WASAARADDA DASTUURKA IYO MADAXDA URURADA BULSHADA RAYIDKA OO KULAN YEESHAY
Shir u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda, shirka ayaa ahaa mid loogu diyaar garoowayo shir afar maalin socon doona oo beri ka furmi doona magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar kamid ah Lataliyayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulanka la yeeshay Madaxda Urarada Bulshada Rayidka oo soo booqaday Xarun ta Wasaaradda, kuwaasoo ka kala yimid dawlad goboleedyada dalka.
Wasaaradda ayaa waxa ay qabanqaabisay kulan beri ka bilaabmi doona Muqdisho oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu diyaariyo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyi Gelinta Buls hada, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dibueegsita Dastuurka, Kulankaa oo ay door weyn ka qaadan doonaan Bulshada Rayidka ayaa madaxdooda iyo masuuliyiinta Wasaardda isku afgarteen in uu noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin la mahdiyo.
Ugu dambayn, waxaa ay labada dhinac isku fahmeen in Istiraatijiyooyinka ka soo bixi doona shirka beri furmi doona ay noqdaan kuwo ay ku hawlgalaan dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka qayb qaadan doona Geedisocodka dibueegista Dastuurka.
WARIYE LAGU XIRAY GAROWE
Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa ku xiray Magaalada Garowe Cumar Siciid Maxamed oo ahaa xoghayaha warfaafinta ururka MAP isla markaana ka tirsanaa Horseed Media iyo Telefishanka Somali Cable.
Ciidamada ayaa Wariyaha ka qabtay Agagaarka Madaxtooyadda Puntland, waxaana lagu xiray saldhig ku yaalla Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe.
Laamaha Ammaanka waxa ay sheegeen in wariyaha uu soo galay Shaki, islamarkaana ay Su’aallo weydiin doonaan.
Ilaa iyo hadda Macadda sababta lagu xiray Wariye Cumar Saciid.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Wariyeyaasha ku sugan Garowe, waxa ay la kulmaayeen tacadiyo , sida in xarig loo geysto.
ISLOW:"WAXAAN LA WAREEGAYNAA AMAANKA GOLAHA SHACABKA IYO MUQDISHO STADIUM”..
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Duca ale) ayaa sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan sugida amniga Xarunta Gollaha Shacabka iyo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.
Wasiir Islow ayaa tilmaamay in haatan la wado qorshaha ku aadan in Ciidamada AMISOM dalka ay ka baxaan marka la gaaro sanadka 2021ka islamarkaana dowladda Soomaliya ay wado qorshe ay kula wareegayso amniga Xarunta Gollaha Shacabka iyo Garoonka Kubadda cagta ee Muqdisho Sta dium oo haatan amnigeeda ay sugaan Ciidamada AMISOM.
"Qorshe waxaa jiro in Ciidamada AMISOM ay dalkaan ka bixi doonaan sanadka 2021ka marka qorshahaas wuu bilowday oo Ciidamada Booliska ayaa la wareegay xaruntii Jaamacadii Umadda Soomaliyeed oo dhawaan laga saaray Ciidamada AMISOM,Dowladda Soomaliya waxaa ka go’an in ay la wareegto xarumaha muhiimka ee dalka”, ayuu yiri Wasiir Islow.
Dhawaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa isaga baxay Xaruntii Jaamacadda Umadda oo muddo 10sano ah ay ku sugnaayen waxaana haatan ku sugan Ciidamada booliska Dowladda Soomaliya.
UGANDA IYO TANZANIA OO DAAH FUREY MASHRUUC BALAARAN OO DHUUMAHA SALIIDA QAADA AH
Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli iyo dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dhuun qaada saliid ceyrin oo ka bilaabaya deegaanka Hoima ee dalka Uganda gaaraysana dekada Tanzania ee badweynta Indian ee Tanga.
Dhuunta saliida ceyriin ee bariga Afrika oo loo soo qaabiyo EACOP ayaa lagu dheririn doonaa 1,443kilometer taas oo uu ku kacayo aduun gaaraya 3.55 billion oo dallarka Amerikaanka ah, wax ayna maalintiii qaadaysa 200,000 liter oo saliid ah marka uu mashruuca la howlgeliyo. Kaas noqon doontaa kan ugu balaaran adduunka oo nooceeda ah.
Madaxda ku howlan dhismaha dhuuntan shidaal ayaa sheegay in ay bilaabi doonan mashruuc an horaanta sanadka 2018 isla markaana qaadan doonta muddo 36 bilood ah iyadoo abuuri doonto 6,000 ilaa 10,000 oo shaqo.
Keydka saliida ee dalka Uganda ayaa hadda lagu qisaasaa 6.5 billion oo fuusto oo laga soo saari karo 1.7 billion dhul gaaraya.
Munaasabadda lagu dah furayay mashruucan ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin sar sare oo ay kamid yihiin wasiiro iyo saraakiil kale oo ka kala socota hey’adaha kala duwan ee dowl adda oo mashruucan uu quseeyo.
Isagoo ka hadlayay xafladda taariikhiga ah, ayuu madaxweyne Magufuli sheegay in mashruu can uu yahay mid horumar deg deg ah u keeni doono labada dal iyo guud ahaan bulshada bariga Afrika.
Madaxweynaha dalka Tanzania Mr. Magufuli, ayaa intaa ku daray in gobolka Tanga oo kali ah ay mashruucan ka faa’ideysan doonaan in ka badan 45,000 oo dhalinyaro ah.
Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa ku tilmaamay in dekada Tanga ay tahay muhiim halka jugfaari ahaan ay ku taalo iyo nabad geliyadda gobolka.
Waxaa uu sheegay in mashruucan uu keeni doono saliid qiimo jaban korna u qaadi doonta duulimaadka gobolka, maadaama shirkadaha diyaaradaha ay heli karaan shidaal raqiis ah.
Wasiir ku xigeenka tamarta iyo macdanta ee dalka Tanzania Medard Kalemani, ayaa sheegay, in dhismaha dhuuntan shidaal ay fulin doonaan sadex shirkadood oo labo kamid ah laga leeyahay dalka France halka tan kale UK ka socoto.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dhuuntan ay mari doonto sideed gobolka oo Tanzania ka tirsan 24 degmo iyo 184 tuulo.
Dowladda Uganda ayaa qorsheynaysa in ay bilowdo soo saarista shidaalka sanadka 2020, waxaana la leeyahay sababta marinta Tanga loo doortay in ay tahay in Uganda uu qiimo ahaan u jaban yahay waddadan maadaama dhulka uu u badan yahay mid siman oo aan kala koreynin.
R/WASAARE KHAYRE OO BOOQDAY KAYDKA RAASHINKA EE CIIDANKA D/SOOMAALIYA.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Tali yaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galab ta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen gooba ha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda Qaranka ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciida madda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difa acaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raa shinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaa ma ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hant ida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.
"Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tam aynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay dhamaan ciidamad da dalka maadaama ay iskood u go’aan sadeen in ay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku shaqeynaya xaaladd adag, lana dagaalamaan codowga shacabka Soomaaliyeed.
DUQEYN CULUS OO KA DHACDAY SH/DHEXE
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa duqeyn culus xalay waxa ay ku garaaceen duleedka degaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii halkaasi ay soo galeen dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo Ajaanib ay ka mid yihiin.
Masuuliyiinta Maamulka Degmada Mahadaay, ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, halka sidoo kale ay sheegeen in lagu dhaawacay rag Ajaanib ah oo Shaba ab ka bar bar dagaalamaayay.
Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/laahi Xuseen Maxamed, ayaa Radio Risaala u sheegay duqeyntaasi in lagu dilay Sarkaalka Shabaabka ka tirsan, halka ku dhaawacmay, dhaawacooda doon looga qaaday degaanka Nuur dheere oo wabiga ku dhaw, loona qaaday dhanka degaanka Fiidow sida uu hadalka u dhigay.
"Ciidanka Dowladda iyo Amisom oo wadajir ah ayaa fuliyay duqeynta, waxaana laga sameeyay degaanka Cali fooldheere, koleey waxaa naloo sheegay saddex ruux oo dhaawac ah iyo laba mayd ah inay ka qaadeen degaanka Nuur dheere oo doon ay uga qaadeen, dadka shacabka ah ayaana noo soo sheegay, inay u sii socdeen dhanka Fiidow.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Mahadaay.
Ciidanka Dowladda, ayaa Shabaab muddooyinkii u dambeeyay kula dagaalamaayay dhulka ha wdka ah ee degaanka Cali Fooldheere, halkaasi oo ay adag tahay sida Shabaab looga saaro, maad aama dhul hawd ah uu yahay, Shabaabkana ciidan badan ay geeyeen.
CIIDAMADA KENYA OO HEEGAN LA GELIYAY KADIB DOORASHADA BERRI KA DHICI DOONTA KENYA
Dowladda Kenya ayaa Ciidamadii ugu badnaa oo isugu jira Boolis,Milatari iyo kuwa sida gaarka ah u Tababaran gelisay Heegan sare si aysan u dhici Rabshado lagu Carqaladeynayo Doorashada Madaxweyne ee Berri ka dhici doonta Wadanka Kenya.
Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in Dowladdu ay Heegan buuxa gelisay Ciidamada Ammaanka,waxaana Ciidamada ugu badan la dhigay Xadduuda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.
Berri oo ah 8da Augstu waxaa Wadanka Kenya ka dhici doona Doorashada Guud ee Dalka, wax aana Dadka ku nool Dhulka Soomaalidu ay degto Ee Waqooyi Bari Kenya ay qabaan Cabsi Xooggan ,Maadaama Alshabaab ay dhowr jeer Weeraro is xig xiga ay ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari.
XILDHIBAANNO MOOSHIN KA KEENAY BADEECADAHA DALKA DIBADDIISA LAGA KEENO
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta Kulanka Golaha Shacabka hor geeyn doona Mooshin ka dhan ah Badeecadaha Dalka Dibaddiisa laga keeno iyadoo gudaha Dal ka Soomaaliya laga heli karo Badeecooyinkaas oo ay Dalka yaallaan.
Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Moo shinkaasi Maanta la hor geyn doono Xubnaha Golaha Shacabka islamarkaana Xildhibaanno ka bad an 50 Mudane ay Mooshinka ku saxiixan yihiin,waxaana Maanta la filayaa in Kulanka Golaha Shacab ka Mooshinkaasi la hor geeyo.
Tan iyo waxii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdi dhexe ee Soomaaliya ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa ay Dalka keenaan Badeeco laga heli karo Gudaha dalka,mana jirto Dowlad Kantoroosha arrintaas Maadaama Dalka uu weli ku jiro Xaalad aan daganeyn.
RAILA ODINGA OO KA DIGEY IN DOORASHADA KENYA LAGU SHUBTO
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Rail Odinga ayaa ka digey in doorashada dalkiisa lagu shubto kahor labo maalmood oo ay shacabka Kenya u dareerayaan doorasho guud.
Wareysi uu siiyay taleefishinka Al Jazeera ra’iisalw asaarihii hore ee dalka Kenya ayuu ku shee gay in xisbigiisu diyaariyay qorshe uu ugaga hortagayo in natiijada la farageliyo.
"Waxay doonayaan Jubilee inay natiijada qiyaameeyaan,ma jirto wax kale oo sameyn karaan balse waan ku kalsoonahay in aan guul weyn ka gaareyno doorashada Talaadada dhacaysa.”ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kenya.
"Isku day kasta oo lagu doonayo in shacabka Kenya lagu qiyaaneeyo uma dulqaadan doo no.”ayuu sii raaciyay Odinga.
Kenyatta oo toddobaadkii la soo dhaafay qudbad ka jeedinayay meel fagaare ah ayaa beeniyay inay doonayaan in ay ku shubtaan doorashada oo ay qiyaano sameeyaan,balse waxa uu ku eedee yay mucaaradka inay doonayaan qorshe lagu dhiso dowlad wadajir ah.
"Mucaaradka waxa ay waqtigooda ku lumiyeen shirar jaraa’id iyo la dagaalanka guddiga doora shada hadda ayay garowsdeen inay guuldaro la kulmayaan oo doorashada loogaga horeeyo.”ayuu yiri Kenyatta.
Inkabadan 19 million oo ruux ayaa isu diiwaangelisay inay codkooda dhiibtaan doorasho guud oo ka dhacaysa dalka Kenya Talaadada soo socota
Hogaamiyaha xisbiga ODM Odinga oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare dalka Kenya ayaa la tartamaya Madaxweynaha dalka Kenya ahna hogaamiyaha xisbiga Jubilee doorasho ka dhacaysa Ke nya Talaadada soo socota iyadoo laga cabsi qabo in rabshado ay hareeyaan doorashadan.
PUNTLAND OO SHEEGTAY IN AY GUBAYSO LACAGO AAN LAGA LAHEYN DEEGANADEEDA..
Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay inay gubayaan lacagta aan laga lahayn Puntland, iyagoo sidoo kale amray in kantaroolada lagu celiyo lacagaha lagasoo daabulayo koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaso ayaa sheegay dhibaatada ugu weyn ee keentay kala soocida shilin Soomaaliga inay la xiriirto lacago tiro badan oo lagasoo keenay koonfurta Soomaaliya,taasoo loogu dan leeyahay in Puntland lagu waxyeeleeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka bari Dhedo ganacsatada sariflayaasha Boosaaso in ay qeyb ka yihiin dhibaatadda wuxuuna uga digay lacagaha ay kala soocayaan, isagoo sheegay inay Puntland tilaabo adag ka qaadi doonto sariflihii lagu helo isagoo kasoo horjeesta go’aankii Puntland kasoo baxay.
MIISAANIYADDA SANADKA 2017 IYO QARAA SHAADKA KU BAXAYA HEY’ADAHA DAWLDA
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Shal ay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee san adkan 2017, ka dib markii W/Maaliyadda ay bi shii hore ay horgeysay Baarlamaanka Miisaani yadda 6 bilood ee sanadkan ka harsan.
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka aya a soo bandhigay warbixinta ku noqoshada odo roska Miisaaniyada Qaranka ee sanadka, iyag oo wax ka bedel ku sameeyay miisaaniyaddii ay soo diyaarisay W/Maaliyadda oo qaladaad badan ka buuxay.
Miisaaniyadda sanadkan 2017 ee ku baxaya D/Soomaaliya ayaa gaaraya lacag dhan 260 Milyan oo Dollar, halka miisaaniyadkii hore ay aheyd 246 Milyan, warbixinta Guddiga Maaliy adda uu soo saaray ee ku saabsan miisaani yadda sanadka 2017 iyo qarashaadka ku ba xaya Hey’addaha dowladda:
HORDHAC
Ku Noqoshada Odoroska Miisaaniyada Qar anka ee 2017ka waa Miisaaniyad Sanadeedkii 1aad ee uu falanqeeyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka 10aad ee JFS,Guddiga Maa liyaddu waxa uu u xilsaaranyahay isagoo wa kiil uga ah G/Shacabaka sida ku xusan Qodob ka 67aad, Faqradiisa 7aad Xeerhoosaadka G/Shacabka arrimaha Miisaaniyadda. Isagoo si guud oo dhammeystiran u eegaya Qoonda da Miisaaniyadda tixgelinayna soo jeedimihi G/Shacabka, kana fiirinaya dhinacyada; (b) Si yaasadda Qorshaha Miisaaniyadda,(t) Xaqiiq ada dhabta ah ee ay ku dhisantahay Misaaniy addu xisaab ahaan iyo sharci ahaanba (j) Hu binta isku dheelitirnaanta Dakhliga ka soo xaro onkara ilaha dhaqaale ee ku talogalka Miisaan iyaddu ku qotomo iyo (x) Kharashyada Qor sheysan ee Miisa aniyadda, wuxuu dulmar gu ud ku sameeyey kana baaraandegay oddoros ka ku noqoshada Miisa aniyadda 2017 oo loo soo gudbiyey G/Shacabka laguna wareejiyay Guddiga Maaliyadda 15/7/2017.
SHURUUCDA IYO SIYAASADDA MIISAANIYADDA
Sida habdhaqanka maaliyadeed ee soo gu dbinta Miisaaniyada Guud ee Qaranka caada da u ah waa inay Xeerka Miisaaniyadda iyo li faaqyada qoondada miisaaniayaddu koobaya an warbixinno dhammeystiran oo iftiiminaya dhinacyada kala duwan dhaqaalaha dalka gu ud ahaan iyo qoondada Miisaaniyadeed ee dal ka si ay u fududaato in si sahlan loogu fahmo miisaaniyadda, arrimahaas oo ay ugu muh iimsan yihiin;
1.Shuruucda ay ku dhisan tahay Miisaaniyada {2}.F/faahin cad oo Dakhliga iyo Kharashka ah
3.Sababaha korar iyo dhimis kasta oo dakhli ama kharash cusub
4.Warbixinta Deymaha Qaranka iyo f/fahintod
5. Warbixinta Dee/qaha Qaran ee la filayo in la helo {6}Warbixinta dhigaalka/Keydka Qaranka
7.Warbixinta Mashaariicda H/mrineed ee dal ka u qorsheysan. ,Xeerka Qoondada Miisaani yada ee aan wax ka badalka ku samaynay:
Xeerka Qoondada ayaa dib loo eegay waxaa na la isla gartay Guddiga iyo Wasaaradda ma aliyada in Qodobada qaarkood toosin lagu sameeyo.
HADDABA MEELAHA WAX LAGA BADALAY WAXAA KA MID AH QODOBADA HOOS KU CAD.
2.3 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiiska Dhexdi isa {1}. wasiirku wuxuu xafiis dhexdiis.
A. Wuxuu Wasiirku kala wareejin karaa khar ashka miisaaniyada joogtada ah walax walax hadii ay is ku madax yihiin.
B.Kala wareejin karaa miisaaniyada mashruuc kuna wareejin karaa mashruuc kale kadib mar kii hay’adda mashruucaasi hore ugu qoondays naa ogolaato, Ra’iisul Wasaaruhuna saxiixo.
2.4 Miis/niyad Warejinta X/fisyada Dhexdooda 1.Wasiirku wuxuu u wareejin karaa miisaaniya da joogtada ah ee loo qoondeeyey xafiis dawl adeed in loo wareejiyo xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in xafiiska loo qoondeeyey miisaan iyada aanu wada isticmaali karaynin Miisaani yadaas hay’adda loo qoondeeyeyna ogolaato Ra’iisul Wasaaruhuna saxiixo.
2. Wasiirku wuxuu amri karaa in Miisaaniya da mashaariicda ee loo qoondeeyey xafiis loo ware ejiyo mashruuc xafiis kale, ka dib markii la xaqiijiyo in Miisaaniyad yaraanta xafiiska la ga dabooli karo Miisaaniyada mashaariic loo ansixiyey sanadkaas xafiis kale oo dawladeed.
3.Wasiirku waa inuu kusoo wargeliyaa Guddi ga Maaliyadda ee G/Shacabka kala wareejinta ku xu san Qodobka 2.3, Faqradiisa (B) iyo (T) iyo Qodobka 2.4,Faqradiisa (1) iyo (2) ee Qo ondada Miisaan iyadda si uu hubiyo sharci aha an inay waafaqsantahay xeerka iyo habraaca Miisniyadda ee san. maaliyadeedka 2017ka.
2.5 Wareejinta Miisaaniyada Keydka (Lama filaanka)
1.Wasiirku wuxuu ka dib oggolaanshaha G/ Wasiirada amri karaa in miisaaniyada kaydka lama filaanka loo wareejiyo loona isticmaalo kharash xaalad degdeg ah, ka dib markii ay dhacaan hawlo gurmad degdeg ah oo u baah an kharash degdeg ah oo aanay baahidoodu horay u muuqanin waqtiga la diyaarinayay Mi isaaniyada sanadka. Ansixinta G/wasiirada ka dib Wasiirka waxa uu la wa daagayaa G/Maal iyada G/Shacabka ogolaanshaha G/Wasiirada ee wareejinta keydka lama filaanka ah oo sab abeysan. Kolka uu wasiirka ansixiyo soo ware ejinta khaarashka keydka ka bida waxaa lagu wareejinayaa hay’adda ka mas’uulka ah.
2.Kharashka kaydka lama filaanka waxaa keliya oo loo isticmaali karaa xaalad degdeg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacay, a ma kharashaad muhiimad Qaran oo lama hur aan ah leh oo aan muuqanin markii la diiyarin ayay qoondada Miisaaniyadda. Loomana istic maali karo baahida kharashka caadiga ah ee xafiisyada dowladda.
Kaydka kabidda (Lama filaanka) Waxaa gu ddiga u cadaatay in isticmaalka madax xigaha lama fila anka miisaaniyaddii loo qoondeeyay 6dii bilood ee hore ee sanadkaan loo adeegs aday kharashaad ka geddisan sida xeerka qoo ndada Miisaaniyadda ku cad. Tusaale ahaan 6dii bil waxaa laga istic maalay madaxa kaydka kabidda (lama filaanka) lacag dhan $1,283, 697 oo kabadan qoondadi 6dii bilood ee san adkaan 2017, kharashkaas dheeriga ah wax aa laga soo wareejiyay madax xigaha 2314 ee raasumaalka si aan waafaqsanayn xeerka qo ondada Miisaaniyadda 2017.
2.7 Deymaha/Amaahda
Deymaha iyo Amaahda sharciyeysan ee la ga dhaxlay Miisaaniyaddii 2015 iyo 2016ka ayaa noqoneysa deyn usoo gudbeysa sanad ka 2017ka, waxayna noqoneysaa qeyb ka mid ah mudnaanta kharashka, Waxaana W/ Maaliyadda inay soo cadayso deymaha laga dhaxlay Miisaaniyadda sanady adii 2015 iyo 2016 oo tifatiran iyada oo laga bixinayo mee sha ay uga jirto mudnaanta qarash bixinta.
3.1 MUDNAANTA KALA HORUMARINTA QARASH BIXINTA
Haddii ay timaaddo hoos u dhac dhanka da khliga ah ama deeqaha wasaaradduna fulin weyso bi xinta dhammaan kharashaadkii kutala galka miisaniyadda 2017, waxaa mudnaanta kharash bixinta loo raacayaa sida ay u kala horreeyaan ee hoos ku taxan:
1.Raashinka iyo gunooyinka CQS.
2.Mushaharooyinka/gunooyinka shaqaalaha Rayidka ah
3. Gunada Xildhibaanada, G/Wasiirada iyo Agabka iyo Adeega Barlamaanka
4.Khidmadaha maaliyadu ku shaqayso (Bangi ga Dhexe iyo Bangiga Horumarinta)
5.Mushaharka iyo gunnooyinka daynta ah ee ka soo wareegay Miisaaniyada sanadkii hore.
6. Adeegga iyo agabka Xafiisyada Dowladda
7. Daynta iyo qaamaha la hormarsaday.
G/Maaliyadda G/Shacabka wuxuu ku adkeyna yaa W/Maaliyada inay qaraarka G/Shacabka ee mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ay u fuliso sida uu u qoranyahay.
3.8 Warbixin Xisaabeedka
1) Dhamaan Hay’adaha Dowladda waa in ay u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda dhamaan xisaab xidhka kharajka iyo dakhliga ee bishaas ugu danbeyn 7da bisha xigta iyadoo la raacayo qaabka uu tilmaami doono Xisaabiyaha Guud. Waxaa aw ood loo siiyey Wasa aradda inay hakiso bixinta qoondada ee miisaaniyadda ee hayadaha ke eni waaya xisaabxirka billaha ah. Guddiga iyo Wasaarada waxaa ay isla garteen in laga bila abo bisha Agoosto 2017 loo dhaqan gelin doo no qodobkaan sida uu u qoranyahay.
4. Canshuurta iyo Tacriifada Furdooyinka
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo W/Maaliyaddu waxa ay isla garteen in dham aan tacriif ada kujirta xeerka qoondada miisaan iyadda laga saaro lana hor keeno G/Shacabka ka hor inta aan la keenin Miisaaniyadda 2018.
Ø Canshuurta Faai’idul Faa’idada (Mushaara adka) Guddiga iyo W/Maaliyaddu waxa ay isla garteen in aysan jirin waxa canshuura ah oo ku waajibaysa Gunno xileedyada si waafaqs an xeerka Lr. 5, November 7, 1966.
Ø Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu wa xaa ay isla garteen in guud ahaan Mushaarka Ciidamada lagu kordhiyo lacag dhan $50, mar ka laga reebo inta darajo (grades) wax ku qaa data laga bilaabo 1da Noofember 2017, wax aana shardi ah in loo furo xisaab dhamaan cii danka qaranka ka hor bisha Noofember 2017, lamana bixin karo wax gunno/mushaar ah oo aan lagu shubin xisaabta gaarka ah ee askari waliba laga bilaabo 1da Noofember 2017.
Ø Guddiga iyo wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in Mushaarka Xildhibaanadii ho re ee Barlamaankii 9aad la bixiyo 1 Bil sannad kan 2017, shanta bil ee kalena lagu daro Miis aaniyadda 2018.
MUUQAALKA GUUD EE MIISAANIYADDA
G/Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee G/Shac abka, isagoo maskaxda ku haya arrimaha kor ku xusan, tixgelinayana duruufaha dalku ku suganyahey wuxuu muddo 2 todobaad ah ku hawlanaa dib u eegista iyo ka baaraandegista Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2017, taasi oo muujinaysa muuqaalka hoos ku xu san.
SIDA UU TUSAYO JAANTUSKA1, EE KUTALA GALKA KU NOQOSHADA MIISAANIYADDA 2017 KA OO DHAN US$ 260M
waxaa ka muuqda in Miisaaniayaddu wali si weyn ugu kooban tahey kharashyada Adeeg ga Maamul ka iyo Diffaaca taas oo looga qoon deeyey miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan US$ 247.7M ka na ah 95.3%. Halka ha dhaaga oo dhan US$ 12.3M oo loogu talo ga lay mashaariicda horumarinta una dhiganta 4.7% Qoondada Miisaaniyadda.
JAANTUSKA 1AAD: MUUQAALKA GUUD EE MIISA ANIYADDA SANNADKA 2017
9 Falanqaynta iyo Talo Bixinta Guddiga Maaliyadda G/Maaliyaddu wuxuu kulan falan qayn ah ka la yeeshay Madaxda W/Maaliyadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka W/maaliya dda. Dhinaca kalena waxey warbixinno iyo ca bashooyinba ka dhegeysteen qaybo ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha dawladda.
Haddaba markii si qoto dheer loo falanqeey ey loogana baaraandegey kutalagalka Miisa aniyadda ee Dakhliga iyo Kharashka Sannad ka 2017ka waxaa u soo baxdey arrimaha hoos ku qoran oo uu guddigu ka tilmaan bixiyey.
DAKHLIGA MIISAANIYADDA
Dakhliga miisaaniyaddu wuxuu aalaaba ka kooban yahey canshuuraha iyo khidmadaha kala duw an ee sharcigu jideeyey, kaalmooyin ka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiq san ka soo baxa, daymaha qaranku soo deyns ado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniy adihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo kor odho miisaaniyadda.
1.Guddigu markii uu eegay dakhliga gudaha ee miisaaniyadda waxa u muuqdey inuu sam eeyey isbeddel korodhsiimo balse aad uga yar kororsiimadii 6dii bilood ee hore sanadki 2016, guud ahaan dakhliga gudaha iyo dibadda ee 6da bilood ee sannadkan ugu horraysay wa xaa ay noqotay US$93 M kororsmiimaduna waa US$3.5 M oo lamid ah 3.8% halka 6dii bil ood ee sanadkii hore 2016 ka uu ahaa dakh liga guud ee gudaha iyo dibadda US$ 89.5 M kororsiimada uu sameeyayna ay ahayd US $28.9 M oo lamid ah 32.3%, halka 6di bilood ee ugu horaysay sanadki 2015kii dakhliga gu ud ee gudaha iyo dibadda uu ahaa US$ 60.6 M.Guud ahaan Ku noqoshada miisaaniyad sannadeedka (2017) dakhli ahaan waxey ka yartahay middii ku talogalkii iyo ku noqoshadi sannadkii hore (2017) Kii, waxayna inta badan ku saleysantahay miisaaniyad ku celintii sann adka 2016. Sidaa darted Guddigu waxa uu soo jeediyay in kor loo qaado howlaha dakhli ururinta dalka.
2.Sida ku cad jaantuska 1aad waxaa muu qata in ay ku baxayso 54.8% ku baxayso hay ’adaha adeega maamulka guud, waxaana sababa arintaan kororka shaqaalaha dowlad da oo joogta ah,
KHARASHKA MIISAANIYADDA
1. Dhinaca Kharash bixinta dawladda wuxuu guddigu falanqeyn dheer ka yeeshey duruuf aha adag ee ka horyimid dheelitirka Miisaaniy adda iyo Isbeddelada lagu Sameeyey Miisaani yadda. {2.} Ka dib markii guddiga iyo wasaara ddu yee sheen kulamo isdabajoog ah waxaa la isla gar tay in meelaha qaar ay muhiim tah ay in isbe ddel lagu sameeyo taasi oo ay sab abtay duru ufo baahiyeed oo lagama maarma an ka dhig aya in la daboolo. Islamarkaana ay soo kor odhay deeqlacageed oo dhan USD 14.1 milyan taasi oo loo qaybiyey meelaha u gu baahida ba dan leh sida ka muuqata jaa ntuska hoos ku xu san.
Ø Guddigu markii uu u kuurgalay Miisaaniyad da waxaa u soo baxdey in miisaniayaddii la soo gudbiyey April 2017 ay kusoo korodhay shaqaale dhan 618 oo aan kujirin Miisaa niy addi 6di bilood ee sanadkaan 2017, tirad aasi oo kharashkooda lagu soo daray isbedd elka miisaaniyadda ku celiska ah ee cusub.
Talooyin iyo Soo Jeedimo
Dhammaan soo jeedimada soo socda wax aa ay noqonayaan qaraar marka Golaha Shac abku ansixiyo waxayna kala yihiin sidatan:
1.Si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona ila aliyo hufnaanta maaliyadda guddigu wuxuu a ad u adkaynayaa dhaqangelinta qaraarada G/Shacabaka ee ku wajahnaa hagaajinta hawl aha dakhliga iyo m/ulka kharashadka Dowlada
2.Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in miisaaniy adda hay’adda Bi’adda iyo duurjoogta la raa ciyo wasaaradda Wasaaradda xannaanada xo olaha, dhirta iyo daaqa.
3.Guddigu isagoo tixgelinaya soo jeedimihii shacabkii ka qayb galay dhegaysigii dadwey naha ee Miisaaniyadda 2017 ka wuxuu soo je edinayaa iney Xukuumaddu diyaariso qorshe qaran oo horuma rineed oo ku aadan miisaaniy adda kaalmada ah ee beesha caalamku ugu deeqday horumarinta dalka iyo in miisaaniay adda gudaha looga qoondeeyo qayb horuma rineed miisaaniyada 2018.
4.In ay xukuumadu si guud uga wada shaqay so dib u habaynta Miisaaniyadda Ciidamada Qaranka ee 2018 kahor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka sidoo kale lagu soo saleeyo Gunnada Ciidamada darajadooda.
5. In Wasaaradda Maaliyaddu usoo gudbiso Guddiga Maaliyadda liiska daymaha oo faah faahsan iyo qorshaha lagu bixinayo ka hor Mii saaniyadda 2018. {6.}Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Miisaa niyadda Safaaradaha loo qoondeeyay lagu shubo akoomada Safaarad aha ay ku leeyihiin Bangiga Dhaxe. Safaaradii aan akoon lahayna si deg deg ah loogu furo.
7. Guddigu waxa uu soo jeedinayaa in lagu soo faah faahiyo Miisaaniyadda 2018 qoonda da duud uubka ah ee ay Dowlada Dhexe siiso Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir, De keda Xamar, Hay’adda Socdaalka iyo Jins iyadaha iyo wixii la hal maala.
8.In mashaariicda horumarinta lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh, lana waafajiyo Qo rshaha Horumarinta Qaranka (NDP), looguna qaybiyo si caddaalad ah gobollada iyo degm ooyinka dalka, iyadoo fursad loo siinayo xil dhibaannada qaranku inay qayb ka ahaadaan talada mudnaanta ma shaariicda laga fulinayo deegaan doorashadooda.
9. Guddigu waxa kale oo uu Golaha u soo jee dinayaa in wasaaradda la faro soo diyaarinta xeer Miis aaniyadeed qaran sanadka 2018 oo lagu salayn doono gunnooyinka xileed ee Siya asiinta iyo sahay safarada si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
10. Waxa kale oo guddigu soo jeedinayaa in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuru ucda maaliyadda ee dhiman sida; Shar ciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sha rciga Maam ulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacab ka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018.
11. Si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo hufnaanta maaliyadda Dowladda guddigu wu xuu soo jeedinayaa in cidkasta oo qaadata mu shaar joogto ah ama gunno Dowladeed (si yaasiyiin, ciidan iyo shaqaalaha rayidka) loo fu ro xisaab (account) u gaar ah oo si joogta ah loogu shubo/wareejiyo.
GABOGABO
Guddigu isagoo tixgelinyaa duruufha dalku kujiro iyo in dalku lahayn wax miisaaniyad ah mudo bil ah sidoo kalena maanka ku haya xa qa sharci ee ay leeyihiin Xubnaha Golaha Sha cabka, Guddigu wuxuu ka codsanayaa G/sha rafta leh isagoo gudanaya waajibaadkiisa dast uuriga ah isla markaana xeerinaya duruufaha marxaladda dhaqaale ee dalku marayo in ay ansixiyaan ku noqoshada Miisaaniyadda Sann adka 2017. =DHAMMAAD=
WASIIR BEYLE OO UGA MAHADCELIYEY XILDHIB AANADA ANSIXINTA MISSAANIYADDA
W/Maaliyadda XFS Md. C/xman Ducaale Ba yle oo shalay ka qayb galay kulankii G/Shac abka ayaa uga mahad celiyey ansixinta Miis aaniyada qaybta ka hartay sanadka 2017ka.
Ugu horayntii Gudoomiyaha G/Arrimaha Ma aliyadda u qaabilsan Baarlamaanka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay miisaaniyadu mudadii 2a usbuuc ahaa ee ay gacanta ku hay een. "Miisaaniyadda waxaa nal agu soo wareejiyey 15, July, 2017, waxaan ku samaynay dib u eegis ballaaran, marxalado ka la gadisan ayeey soo martay intaan wadnay dib u eegista, Waxaan la wad aagnay shacab ka Soomaaliyeed si ay fikir uga dhiibtaan, wa xyaalihii ay talo ahaan noo soo jeediy een ba dankooda nooma suurta galin in lagu daro mii saaniyadan, waxaanse isla go’aaminay in mii s aniyadda sanadka 2018 aan ku darno tal ooyinkaas. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in misaaniyada aad ansixisaan” ayuu yiri gudo omiyihu.
Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee BFS C/wali Sh Ibraahim Muudeey ayaa ka codsaday xilhibaanada inay u codeeyaan Mii saaniyada, waxaana cod bixinta oo gacan ta ag ahayd ogolaaday 167 xildhibaan halka ay ka aamuseen labo xildhibaan, mana jirin cid diiday.Ugu danbayntii Wasiirka Maaliyadda ayaa u ga mahadceliyey xildhibaanada ansixin ta ay ansixiyeen miisaaniyada, wuxuuna ka ballan qaaday in wasaaradu qaadanayso talooy inka G/BFS u qaabilsan Maaliyadda ee ah in misa aniyada 2018ka ay noqoto mid lagu sa meeyey wada tashi balaaran.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN
{SheekoTaxane ah}
Q/73aad
Abaayo waxaa jira in inta badan Jaceylka isagoo oo jira ay haddana qeyb ka mid ah Bulshada oo ah Dumarka way Qarsadaan {Ab koow Aa dan iyo Abooto Xaawo} way Jecleyd umana aysan muujin jirin Jaceylkeeda balse {Nabi Aadan} waa kii u muujiyey in uu Jacel Daran uu u qabo isagoo Qancinteeda u cunay geedkii Sababay in Jannadii Carfoo need Guda heeda looga soo Saaro, Abbaayo Xul Beella waxaa kale oo tusaale inooga filan in dumarku ey qarsadaan. Haddaba Jaceylka waxaan ku qeexi karaa waa nolo sha beni aadamka Jaceyl la’aantiina Nolol ma jiri karto.
Abbaayo ogoow qofkii isagoo wax jaceyl jaceylkiisa qarsadana dhibaatuu u keenaa , dhibaatadaasoo ah mid aan la soo koobi karin hadhow.
Haddaba gabdhaha jaceylkooda suuraha iyo santaagga ku qa riyo ha qaateen waanada ay ku Heestay gabadh fannaanad soom aaliyeed ah oo la yiraahdo Deeqo Axm ed Raage Heeskaasoo hal ku dhiggiisu yahay :
DUMAROOW HA SUUROON HEES
Haddaba waa tan Heestii ee Akhris wanaagsan;
*Jaceylkaan Sannado Badan, Sogor dahaayey
Sahaminaayey kana Sarriiganaayey……….
Nabsi waa ma Seexdee ma haddani siqliyo Orod
Suxul duub ku Raadshaa,……
Cad ceel subax la Moodkii, Markuu Sabada ii yimid,
Haddaan soo dhaweyn lahaa, Maanta silic ma joogeen
aahaah alla way.
Aneys Geliyey Siriqdee Dumaroow, ha Suuroon
Laabata waxaad ka Jeceshiniin Su’aal Maya ha Oranina
Baqdina Haku Seegin.
*Jaceylkaan Sannado badan Sogardahaayey Sahaminaayey
kanaa Sariiganaayey
Nabsi waa Ma Saxeedee, ma haddaan sililcya Orad
Suxul Duub ku Raadshaa…..
Cadceed subax la modkii, Baraya sacbbo hoorsaday
haddaan soo dhaweyn lahaa, Maanta Silic ma Joogeen
aah aah alla jabay……
Aneys Geliyey Siriqdee Dumaroow, ha Suuroon
Ragga Kaad u Jecehsihiin,Jawaab Maya ha Oranina
Ragna Ha Isa Seegina
Haddaba XulBellaAbbaayo Macaan Jaceylka ayaa ah {Marxa lad Marna Aadag , Marna Fudud oo haddana misna Mar Macaan Marna Qaraar sida sibirka Dacaarta iyo Qalka oo kale ah, sidoo ka le waxaa lagu sifeyaa inuu mar yahay Cudur marna waa Caafima ad.haddaba siduu qofka u asiibo, waxaana shaki ku jirin Jaceylku inuu yahay wax Jiro Balse Jaceylka ayaa lagu fasiraa inuu yahay {Shukulaato aad u macaan badan iyo Miidda Malabka}, Taasina wa xaa sheegay dadka sida wada jirka ah uwada qeybsaday noloshoodana ku soo wada qaatay Macaanka iyo farxadda iyo reynreynta.
Dhanka culimada cilmi nafsiga } jaceylka waxaay ku fasireen marka jaceylka qofka kaligii lagu cidleeyo inuu wax qaraar yahay sababto ah waa ku caajiseysaa , waxaa na kaa idlaanaya fir fircoon idii iyo cuntada oo kuu dhadh ami weysa waxaadna dhaxleysaa fik ir aan dhaammaad laheyn adi goo nacaya bulshada oo dhan noo ceey doonta ba ha ahaadaanee waxuuna kaa dhigaa goonni joog aan cidna raacin.
Runtiigacaliso galkaceylka waxaa u Aabbe ah kalsoo nida , had deysan jirinna waxaey ku xiran tahay in la is aami no , waayoo is aamminkuna waxaa uu ku yimaadaa in qof waliba kan kale uu daacad u yahay. Haddaba waxaa xaqiiqo ah in qofkastaoo insa anah uu nuqsaan yahay sidaas darteed ma jirto XulBeella Abbaayo Macaanto gabar kulansatay Qurux aan isku si loo arag Muuqaalkeeda Qof ahaaneed ee buuxin kara indhahaaga , innagoo wada ogsoon in QofkastooQurxoon indhuhu mud do milicsadaan, qalbigana aad ugua riyaaqda, iyadoo mur ti Soomaaliyeedna ey oraneyso{Ruuxii Arratidiisa ku Deeqdaa – Oontiisa ku Deeqdaa},oo looga golleeyahay qofkii aad muuqaalkisa aad ku qanacdo dhinackastana kaa raalli geliyo . Waxaase hubaal ah XulBeella Abbaayo Macaanto in gabar kasta eey rag uun ay u qurux badan tahay sababtoo ah…. .La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah
W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi -Dahab} Tel: 0618455506 |
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA AGOOSTO 2017-KA
JAWAARI OO KA HADLAY DOORASHADII GOLAHA WAKIILADA EE SOMALILAND G/G/Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Sh.Cusmaan (Jawaari) ayaa hambalyo iyo boga adin u diray Guddoomiyaha cusub ee Go laha Wakiilada Maamulka Somaliland Baashi Maxamed Fa arax oo