Cawaale Aadan: "Waxay ii noqoneysaa heestii iigu horeysay ee aan ku duubo kuna soo saaro Xamar…"

0
Sunday August 06, 2017 - 13:04:40 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawaale Aadan: "Waxay ii noqoneysaa heestii iigu horeysay ee aan ku duubo kuna soo saaro Xamar…"

    Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyay hees cusub oo uu ku qaadayo magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, isagoona sheegay in heestaan cusub ay ka hadleyso guud ahaan bulshada ku dhaqan dalalka geeska Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyay hees cusub oo uu ku qaadayo magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, isagoona sheegay in heestaan cusub ay ka hadleyso guud ahaan bulshada ku dhaqan dalalka geeska Afrika.

Waxa uu sheegay Fannaanka Cawaale Aadan in heesta cusub ay kula jiraan dhallinyaro reer Xamar ah isla markaana la jili doona masraxiyad ahaan dulucda iyo ujeedka miraha heestaasi.

"Waxay ii noqoneysaa heestii iigu horeysay ee aan ku duubo kuna soo saaro Xamar, baal dahab ah ayayna ii galeysaa” ayuu yiri Cawaale Aadan oo sheegay in fanku qeyb muhiim ah ugu jiro bulshada caalamka.

Fannaanka ayaa sheegay in adduunyadu ay tusaale ka qaadato dal waliba fanka uu leeyahay, wuxuuna tiriyay tuduc ka mid ah heesta cusub ee uu ku qaadayo magaalada Muqdisho, waana sidaan hoos ku qoran:-

Wiilashaa Indhaheygu



Waa Wajeer iyo Gaarisa


Waxa Maanka ku Yaalla


Waa Mugweynta Jabuuti


Niyadeydu Waqeed ba


Waa Mid Joogta Hargeysa


Qalbi Geygana Waadix


Xamar Weeye Rugtiisu


Wabigeyga Jubadiyo


Waan u Jeelay Kismaayo


garaad keyga ku weeynaa


Waaladii Bladweyne


✅Dhagtu weeydh eey maqleyso


✅Taleex baa u wanaagsan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip