Siraj Fegessa ayaa sheegay in degenaanshihii iyo xasiloonidii dib loo soo celiyay, mudadii dalka uu saarnaa xaalada deg dega.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayaa bishii October ee sanadkii hore sheegay in lix bilood oo xaalad deg deg ah uu ku soo rogay, kaddib markii banaan baxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalooyin ka mid ah dalkaas.
Banaan baxyada ayaa looga soo horjeeday dowladda Itoobiya, waxaana ay ku baaheen dhulka ay degaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.
Warbixin ay soo bandhigtay Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa sheegtay in 669 ruux ay ku dhinteen banaan baxyadii rabshadaha watay.
Xaalada deg dega ayaa bilihii u horeeyay saameysay magaalooyin dhowr ah, iyadoo xayiraado iyo bandow lagu soo rogay magaalooyin warbahinta bulshada, waxaana diblomaasiyiinta laga mamnuucay 40km meel ka baxsan Addis Ababa u safraan
Inta badan xayiraadaas ayaa si tartiib tartiib loo qaaday bilihii la soo dhaafay, kaddib markii xaalada amniga ay soo hagaagtay.
Dowladda Itoobiya oo qaaday xaaladii deg dega aheyd ee lagu soo rogay dalkaas
Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay qaaday xaaladii deg dega aheyd ee lagu soo rogay dalkaas bishii October ee sanadkii 2016, kaddib markii ay hareeyeen banaan baxyo rabshado watay oo boqolala qof ku geeriyoodeen. laguna gubay shirkado ajnabi i