
Tifaftiraha BBC-da Mary Harper oo warbixin cajiib ah ka diyaarisay abwaan Hadraawi
Tifaftiraha BBC-da qeybteeda Afrika Mary Harper ayaa booqatay hoyga abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, iyadoo ka diyaarisay warbixin cajiib ah oo ku saabsan taariikhda bawaanka, maansooyinkii kala duwanaa ee uu tiriyay iyo macluumaad la xariira noloshiisa.
Abwaan Hadraawi oo ah gabyaa caan ka ah guud ahaan dalka Soomaaliya wuxuu tiriyay gabayo galay taariikhda dalka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira jacayl, siyaasad, arrimo bulsho iyo maansooyin anti ahaa xilligii dowladdii dhexe kahor sanadkii 1991-kii.
50-kii sano ee la soo dhaafay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi wuxuu ka shaqeynayay xorriyadda, Soomaali jacayl, nabadda iyo cadaalad in dalka dib loogu soo celiyo kaddib dowladdii kacaanka ee milateriga marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Abwaan Hadraawi waxa uu ka soo jeedaa qoys reer guuraa ah, wuxuuna ku dhashay gobolada Waqooyiga dalka Soomaaliya sanadkii 1943-kii, isagoo sanadkii 1973-kii maxkamad la soo taagay kaddib markii uu tiriyay gabayo lid ku ahaa dowladdii Kacaanka oo uu murtidiisa ku sheegay inay dalka afgembi ku qabsatay.
Halkaan ka dhageyso warbixinta oo dhameystiran
Tifaftiraha BBC-da Mary Harper oo warbixin cajiib ah ka diyaarisay abwaan Hadraawi
Tifaftiraha BBC-da qeybteeda Afrika Mary Harper ayaa booqatay hoyga abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, iyadoo ka diyaarisay warbixin cajiib ah oo ku saabsan taariikhda bawaanka, maansooyinkii kala duwanaa ee uu tiriyay iyo macluumaad la xariir