Gaari Aroos lagu galbin lahaa oo lagu qarxiyay Muqdisho

0
Tuesday August 01, 2017 - 10:57:09 in Wararka by
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Aroos lagu galbin lahaa oo lagu qarxiyay Muqdisho

    Gaari Aroos lagu galbin lahaa ayaa ku qarxay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari Aroos lagu galbin lahaa ayaa ku qarxay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.
Qaraxa oo ahaa nuuca gaadiidka lagu dhejiyo ayaa la sheegay in qeybta hoose ee kursiga darawalka lagu xiray.

Wararka ayaa sheegaya in miinada ay qaraxday ka hor inta aan arooska iyo aroosada lagu galbin gaariga, isla markaana aanu gaarin gurigii aroosada laga soo galbin lahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa mid laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho uu ku dhaawacmay darawal magaciisa lagu soo koobay Cabulaahi Cunguf.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga ay laheyd Xildhibaan ka soo jeeda Koofur Galbeed, balse gaariga uu u diyaarsanaa in Aroos lagu soo galbiyo.

Gaariga arooskan lagu galbin lahaa ayaa aad u sharaxnaa, waxaana ku xardhanaa ubax iyo calaamado midabyo kala duwan leh, balse nasiib wanaag arooska iyo aroosada intii aan lagu galbin ayuu gaariga qarxay.

Dhacdadan oo ah mid ugub ah ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho, waxaana dad badan ay ku kaftamayeen arooska iyo aroosada habeenka ugu horeeya arooskooda oo ay geli lahaayeen bisha malabka inay ku sigteen qarax inay la kulmaan oo ay waxyeelo soo gaarto.

Gaadiidka Aroosyada lagu guuriyo ayaa aad loo qurxiyaa oo lagu sharaxaa ubaxyo, fiyooro iyo calaamado midadbyo kala duwan leh




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip