WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA LUULYO 2017-KA

0
Monday July 31, 2017 - 10:00:04 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA LUULYO 2017-KA

    AQRISO: ISKU SHAANDHAYNTA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isku shaan dheeyay Golihiisa Wasiirada. Suxufiyiinta oo looga yeeray Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AQRISO: ISKU SHAANDHAYNTA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isku shaan dheeyay Golihiisa Wasiirada. Suxufiyiinta oo looga yeeray Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo sheegaya in si rasmi ah loogu dhawaaqay isku Shaandhaynta Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo Shan Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Wasiirada la magacaabay, ayaa ka yar tirada Wasiiradii hore oo dhawr iyo lixdan gaarayay. Wasiirada cusub qaarkood waxay ku cusub yihiin saaxada siyaasadda. Wasiirada la magacaabay waxaa ku jira Wasiiro hore.

MAREYKANKA OO KU HANJABAY INUU TALLAABO KA QAADAYO XASARADAHA KA SOCDA VENEZUELA

Natiijooyin horudhac ah ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay ka soo baxaan doorashada dalka Venezuela ee aftida loogu qaadayay in dib loo qoro dastuurka dalkaasi.

Ugu yaraan toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qalalaaso ay doora shad aasi sababtay, waana maalmihii uu dhiigga ugu badan ku daatay ku dhowaad afar bilood oo dalka asi ay ka jirto xasiloonidarro siyaasadeed.

In ka badan boqol qof ayaa noloshooda ku waayay qalalaasaha dalkaasi ka socda. Waxaa jir ay isku dhacyo dhex maray booliiska iyo dad dibad baxayay oo ka soo horjeeday codbixintaasi. Cod bixinta ayaa waxaa ka biyo diiday xisbiyada ka soo horjeeda madaxweyne Maduro oo xukuma baar lamaanka Venezuela. Waxay ku doodayaan in tani ay keliya waqtiga u sii dheereyneyso madax weynaha.

Dhanka kale Mareykanka oo ka jawaab celinaya xasaradaha ka taagan Venezuela, ayaa she egay inuu tallaabo xoggan ka qaadi doono waxa uu ugu yeeray "keligoodtaliyeyaasha". Wuxuu she egay inay ku jiraan xildhibaannada lagu soo doortay doorasho uu ugu yeeray inay ahayd mid daciif ah .

WASAARADDA GAADIIDKA OO SHAACISAY SAACADAHA SHAQO EE GAROONKA AADAN CADDE

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo cirka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Salaad, oo shalay la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in garoonka diyaa radaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo dhameystirey qalabkii sahlayay duulimaadyada habeenkii islamarkaana garoonka uu shaqeynayo in ka badan 16 saacadood.

Wasiirka ayaa shirkadaha duulimaadka ee ka howlgala dalka u sheegay in habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyn karaan.

Waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee Tawaradooda ku yaalaan degmooyinka Wadajir, Waaberi, Hodan, Xamarweyne, Xa marJajab iyo Warta nabadda in ay ku xiraan leerar muujinaya tawaradooda si diyaaradaha habeen kii aysan u dhibaateyn.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada dalka, Ra’iisul wasaaraha xukuuumadda Soomaaliya ayaana dhowaan daah furey duulimaadka habeenkii ee Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

AMISOM OO KA HADASHAY DAGAALKII QARAARAA EE GOBOLKA SHABELLAHA HOOSE…

Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ayaa si kooban kaga hadlay dagaalkii qaraaraa ee shalay ay Ururka Al Shabaab kula galeen Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo khasaaro buuran gaystay.

Dagaalkan, ayaa ka dhacay meel ku dhow Deegaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeyso Shalambood iyo Buulo Mareer, ka dib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socd een Ciidamada Amisom oo ka yimid Deegaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer.

Afhayeenka Ciidamada Amisom, Korneyl Joe Kibet, ayaa waxaa uu xaqiijiyay kolonyo ay wat een ciidamadooda in lagu weeraray Gobolka Shabellaha Hoose, islamarkaana uu weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda lagu aasay,Afhayeenka oo la hadlay BBC, ayaa qiray in dagaal culus uu ciidamadooda iyo Shab aabka ku dhex maray Deegaanka Golweyn, waxaase uu ka gaabsaday in uu faah faahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, ha yeeshee uu xiriiro la leeyahay Saraakiisha Amisom ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose, si xoggo kaga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ururka Al Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkan, ayaa sheegay inay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Amisom, islamarkaana ay gacanta ku hayaan meydadka askartaasi.Sarkaal Shabaabka u hadlay, ayaa Warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hubkii ay askartaasi wateen, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in dagaalkii shalay khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Ciidanka Militariga Uganda, ee ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ka joogga Somaliya.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Golweyn iyo goobaha kale ee ku dhow dhow, ayaa waxay shee geen in shalayy illaa duhurnimadii shalay ay maqlayeen hubka waaweyn, oo labada dhinac ay dagaalka isu adeegsanayeen.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo Ciidanka Uganda ka soo gaara Gobolka Shabel laha Hoose, tan iyo weerarkii 1dii September ee sanadkii 2015ka ka dhacay Degmada Janaale, kaasoo Ciidanka Uganda looga dilay 50 askari.

QADAR OO GANAFKA KU DHUFATAY DALABKA WADDAMADA KHALIIJKA CARABTA.

Qadar ayaa ku gacan seyrtay dalabka waddamada carbeed ee horey xiriirka ugu jaray dalkaasi.

Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan AlThani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa ay lid ku yihiin shuruucda caalamiga ah, waddamada xayiraadahaasi soo rogayna ay diidan yihiin in ay arrintaasi qiraan.

Sucuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa waxa ay doonaya in Qadar ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadkii loo soo jeediyay ka hor inta aysan wax wada hadal ah la furin waddamadani.

SHARIIF XASAN OO CODSI U DIRAY XILDHIBAANADA K/GALBEED

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xildhibaan ada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo shalay isku shaandheyn lagu sameeyay.

Waxa uu sheegay xildhibaanada in looga baahan yahay in aysan eed ka keenin xukuumadan, ayna si deg deg ah ku ansixiyaan, si xukuumadan ay eedeeda u qaadato, shaqadeedana ay u gudato.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasi irada cusub waxa uu ugu baaqay ansixintooda kadib in shaqadooda ay si sax u gutaan, waqtiyada shaqadana ay xaadir ku ahaadaan xafiisyadooda, si shacabka ay ugu adeegaan.

"Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa in ay xukuumadan, ansi xiyaan, wax kasta oo Bani’aadam sameeyay ma dhama, Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in xukuumadan aysan eed ka keenin, oo ay ansixiyaan, si shaqadooda ay u gutaan”. Ayuu yiri Shariif Xasan.Shariif Xasan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wa siiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

WASIIR XOOSH OO KA CUDUR DAARTAY INUU SOO XAADIRO KULAN UU KU HORTAGI LAHAA BAARLAMAANKA

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa la shee gay inuu ka baaqsaday kulankii shalay uu Baarlamanaka ku hortagi lahaa, kaddib markii todoba adkii hore loo yeeray.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo shalay sugayay Wasiir Xoosh, si ay su’aalo uga weydiiyaan qaraarkii uu ka hor yimid ee ku aadanaa go’aankii Baarlamaanka uu ku laalay amarkii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu celiyo doorashadii 8dii kursi ee muranka la geliyay sharci ahaansha hooda.

Wasiir Xoosh ayaa warqad u soo qoray Guddoonka Baarlamaanka ka codsaday in dib loogu dhigo kulanka, isagoo tilmaamay in 11 Agosto uu diyaar u yahay inuu horyimaado Baarlamaanka.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka horyimid, isla markaana sheegay in aanay macquul aheyn.

Intaas kaddib Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku xiran tahay inay fasax siiyaan iyo in kale, iyadoo lagu in cod loo qaado warqada fasaxa uu dalbaday Wasiir Xoosh oo ah inuu Baarlamaanka ku hor imaanayo 11 Agosto iyo in kale.

GUDDIGA JOOGTADA OO GO’AAN KA GAARAYA DIB U EEGIS LAGU SAMEEYO XILKA WASIIR XOOSH IYO IN KALE

Fadhigii Xildhibaanada golaha shacabka ee shalay ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo cudur daar u soo gudbiyay Guddoonka, kaasoo uu ku dalbanayo in mudada uu ku hor imaanayo Golaha looga dhigo 11 Agosto, iyadoo Xildhibaanada ay shalay ka sugayaan inuu hor yimaado, kaddib markii todobaadkii hore loo yeeray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka horyimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeey een inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,

Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in cod la geliyo codsiga Wasiirka ah, waxaana cod qarsoodi ah oo loo qaaday waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, halka 77 Xildhibaan ay diideen.

Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah Xildhibaanada ka dafay warqadii ay ku qorneyd natiijada, taasoo keentay in Xildhibaano kale ay kala tuuraan.

Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaa raan in dib u eegis lagu sameyn doono xilka Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan in Wasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida

Qodobka 69aad ee Dastuurka ayaa awood u siinaya Golaha shacabka in codka kalsoonida kala noqdaan Xubin Wasiir ah oo ka tirsan Xukuumadda.

Wasiir Xoosh ayaa lagu heystaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, kaasoo uu ku naqdi yay go’aankii Baarlamaanka, isagoo ku sheegay in Baarlamaanka aanu awood u laheyn inay jebiy aan go’aan ay gaartay Maxkamadda sare.

GOGOSHA NABADEYNTA BEELO KU DAGAALAMAY CADALE OO DIB U DHAC KU YIMID

Kulan lagu waday inuu shalay ka furmo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir shabelle ayaa dib u dhac uu ku yimid kadib markii ay soo gaari waayeen magaalada Jowhar qaar ka mid ah ergadii kaqeybgali lahayd shirka.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen oo la hadlay ergada ka qeybgalaysa shirka dib u heshiisiinta beelaha Celi iyo Cabdalle ayaa sheeg ay in berri oo ah Isniin 31ka July 2017 uu si rasmi ah u furmi doono madasha dib u heshisiinta laba da beel.

Ergada oo shalay uu Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe qado sharaf ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Jowhar ayuu kula dardaarmay inay ku dadaalaan sidii loo soo afjari lahaa colaada u dhexeysa labada beel ee walaalaha ah ayna gogosha ku dhamaystaan khilaafka u dhexeeya labada beel.

Ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa shalay soo dhamaystirmay waxaana lagu wadaa in xildh ibaano iyo wasiiro ay goobjoog ka noqdaan furitaanka madasha dib u heshiinta beelaha.

Sidoo kale waxaa ergada hadal dardaaran u jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gob oleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle waxana uu sheegay Caadle in Nabadu ay tahay shey muhiim ah shacabka oo abaaro soo daashadayna aysan ubaahneyn barakac iyo in dhiig iska daadiyaan.

Labada beel ayaa khilaafkoodu waxa uu salka ku hayaa lahaansho dhul deegaan ah oo ku yaal deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe

WASAARADDA AMNIGA OO FAAHFAAHISAY QARAXA KA DHACAY MUQDISHO

Inta la xaqiijiyay Shan ruux ayaa ku geeriyootay, halka dhaawaca uu gaarayo 10 ruux sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda amniga, kadib markii gaari noociisa lagu sheegay Harrier uu ku qarxay wadada Maka AlMukarama, gaar ahaan meel u dhaw Saldhiga Degmada Waaberi oo laa miga dhinaciisa saaran.

Gaarigaan ayaa xilliga uu qarxaayay wuxuu maraayay wadada, waxaana hortiisa iyo gada ashiisa socday gaadiid kale oo wadada isticmaalaayay, laamiga hareerihiisana waxaa fadhiyay dad ganacsi kala duwan iyo sheeko ku haystay.

Mar kaliya ayaa la maqlay jug aad u xooggan oo qaraxa ah, wuxuuna qaraxaasi galaaftay nolosha dad rayid ah oo shaqooyinkoodii maalinlaha ah u joogay wadada dhinaceeda, halka kuwa kalena Bajaaj iyo gaadiid ay saarnaayeen.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa ku eedeey ay qaraxaasi inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab oo ay ku xasuuqeen halkaasi dad shacab ah.

WASAARADDA DIINTA IYO AW QAAFTA SOMALILAND OO KA HADASHAY KINIISADDII DIB LOOGA FURAY HARGEYSA

Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw qaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aanay jirin kiniisad cusub oo loo ogolaaday balse ay jirtay in kiinsadii hore u jiri jirtay in loo fasaxay inay ku cibaadaystaan dadka aaminsan diinta Kiristaan ka ee wadanka ka hawlgalla.

Wasiirku waxa uu sheegay in dastuurka iyo shareecadda islaamku diidanayn in dadka ehelu kitaabka ah inay dalka yimaadaan oo ka shaqaystaan,isla markaana ma diidana in ay ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen.

"Dalka Somaliland wuxu leeyahay dastuur, dastuurkeeni wuxuu leeyahay ma ogola in diin aan ahayn ta islaamka in lagu faafiyo iyo in dadka Somaliland diintoodda bedelaan, shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland kama soo horjeeddo dadka ehelu kitaabka ahi inay dalkeena yimaadaan, oo ay ka shaqaystaan ama sifo sharci ah ku joogaan,mana diidayso inay dadkani ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen ee dhisnaa illaa xiligii ingiriiska toddoba atan sanno ka hor.”

"waxaanu cadaynayna in aanay jirin kiniisad cusub oo Hargeysa laga dhisay sida lagu faafi yey baraha bulshadda isticmaasho oo sawiro aan xaqiiqda ka turjumaynin oo been abuur ah lagu faafiyey , lama ogola in kiniisad cusub laga dhiso gayiga Somaliland”.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in digniin la siiyey gabadhii ajaanibka ahayd ee hadal kan loo turjuntay in kiniisad cusub la dhisayo ka soo yeedhay.

"Xukuumada Somaliland ee hadda tallada haysa waxay ku suntan tahay wacyiga diinta islaamka iyo horumarinta diinta islaamka sida Idaacada Quraanka kariimka ah, barnaamijyada kala duwan ee diinta ee ka socota warbaahinta dawladda, marna looga cabsan maayo arrimaha diin ta”ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, hadal haynta kiiniisadan sodan sanno ka dib dib looga furay magaa ladda Hargeysa ayaa noqotay arrimaha lagaga doodo goobaha la iskugu yimaado iyo baraha bul shadda isticmaasho taas oo lagu dhaliilayey dawladda inay ogolaato in dib loo furo kiniisad jiri jiray iyo mid cusub toonna.

KHAYRE OO BAAQ U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay ka dhacay wadada Makkah Almukarama ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qara xaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad degdeg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

"Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranima da ummada Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa galaaftay nolosha tob an ruux, halka shan iyo toban kalana ay ku dhaawacantay, kuwaasi oo hada lagu baxnaaninayo isbitaalada Muqdisho.

AFHAYEENKII ALSHABAAB OO LOO HEYSTAY IN DUQEYN LAGU DILAY OO HADLAY

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Ragge (Cali Dheere) ayaa hadlay kadib 4todobaad kahor markii ay soo baxeyn warar ku aadan in lagu dilay duqeyn ka dhacday tuul ada Kuunyo Barow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta Xarakada Alshabaab ayaa ugu horeyntii ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ee u dhaxeeyay Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Wuxuu sheegay afhayeenka Alshabaab in ciidamadoodu ay dileen 39 Askari katirsan melleteriga Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, islamarkaana uusan qasaaro soo gaarin Ciidamadooda waa siduu hadalka u dhigee.

Dhanka kale Afhayenka Xarakada Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Ragge ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawan uu baahiyay wargeys laga leeyahay Mareykanka oo ka faalooda arrimaha malatariga kaasi oo daabacay in duqeyn lagu dilayAfhayeenkii Alshabaab Shiikh Cali Dheere.

TRUMP IYO ABE OO U HESHIIYAY KUURIYADA WOQOOYI

Ra’iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegaya in isaga iyo madaxweyne Trump ay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in lala tacaalo Kuuriyada Koonfureed sababo la xiriira gantaalkii ugu dambeeyay ee ay tijaabisay.

Ra’iisalwasaare Abe waxa uu sheegay in aysan isla soo hadal qaadin tallaabo milatari oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang.

Abe ayaa weriyeyaasha u sheegay in Trump uu uga mahadnaqayo go’aankiisa ku aadan Kuu riyada Woqooyi.

Kal hore, safiirka MareKal hore, safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa sheegtay in xilligii wadahadalka uu dhammaaday.

Nikki Haley ayaa sheegtay in aysan jirin sabab kalfadhi degdeg ah uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uga yeesha arrinta Kuuriyada Koonfureed, haddii bey tiri uusan ka dhalanayn qaraar cadaadis lagu saarayo Pyongyang.

Waxay intaasi ku dartay in Shiinuhu uu ku khasban yahay inuu go’aansado in uu doonayo in uu qaado tallaabo muhiim ah iyo in kale.

ABUU MUSCAB:"30ASKARI AMISOM AYAA LAGU DILAY GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE”,

Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ku dhow maga alada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaliya.

Afhayeenka Howlglada Xarakada Alshaabaab shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warb aahintada Alshaababa aya sheegay in weerar xoogan ay kuuu qaadeen saldhigyo ay ku sugnaaye en Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.

Waxa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 30askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa Saldhigyadda deegaankaas ku yaala.

"Muslimiinta waxaan ugu bishaaraynaynaa in dagaallo shalay ka dhacay Gobolka Shabe elaha hoose lagu jabiyay AMISOM, Alshabaab waxay dul istaageen oo ay gacanta ku hayaan Mey dadka 39 Askari oo saraakiil sare sare kamid yihiin, dhammaan wixii hub ah aa ee ciidankaasi watayna waa laga qaniimeystay” sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Taliska ciidanka Al Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka Howlglada Xarakada Alshaa baab shiik C/casiis Abuu Muscab waxa uu sheegay in jidka loo galay askar ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo ka amba baxay dhanka Danoow kunasii Jeeday Buula Mareer.

GOLAHA SHACABKA OO DIIDAY CODSIGA WASIIRKA ARIMAHA DASTUURKA

Kulanka golaha shacabka jamuuriyadda Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) iyadoo ajendaha kulanka uu ahaa weydiin su’aal oraaheed ku abaaran wasiirka arimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhowaan mooshan ka keeneen 10 mudane oo ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa guddoonka golaha shacabka u soo gudbiyay qoraal uu ku cudur daaranayo in uusan shalay hor imaan karin golaha, isagoo codsaday in dib loogu dhigo waqtiga uu hor imaanayo golaha loogana dhigo 11ka bisha August ee soo socota.

Xildhibaan, C/fitaax Cismaan Daahir, oo kamid ah mudaneyaashii mooshinka ka keenay wasiirka, ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn cudur daarka uu soo gudbiyay uuna doonayo in dib u eegis lagu sameeyay xilka wasiirka.

"Maadaama na loo sheegay waqti aad ugu dambeeyay waqtigii ay aheyd in na loo sheego, ku ma qanacsanin, in wasiirku uu u baxay xaalad caafimaad, waxaana qabaa in isagoo maqan laga doodo, maadaama uu ixtiraami waayay u yeeristii baarlamaanka, in xilkiisa dib u eegis lagu same eyo,” ayuu yiri C/fitaax.

Sidoo kale, xildhibaan Samiiro Xasan C/laahi, ayaa sheegtay in golaha looga baahan yahay in ay tixgeliyaan cudur daarka uu soo gudbiyay wasiirka.

"Mudane guddoomiye, maadaama muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu caafimaadkiisa xaq iijin karo, waxaa rabaa barlamaanka sharafta leh, maadaama aysan jirin wax deg deg ah oo wadan ka qalqal ugu jiro aan sugno waa mudo gaaban,” ayay sheegtay Samiira.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad, ay aa sheegay in xildhibaanada ay leeyihiin go’aanka wasiirka loogu diidayo codsigiisa iyo haddii ay u ogolaanayaan.

Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii dambe cod geliyay codsiga wasiirka ar imaha dastuurka oo ah in loo ogolaado in waqtiga loo kordhiny,85Xildhibaan ayaa diiday codsiga wasiirka, halka 71Xildhibaan ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay sadex mudane.

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa arintan u xil saaray gudiga joogtada ah ee golaha u qaabilsan dastuurka in ay go’aan ka soo saaraan.

CIIDAMADA NABADSUGIDA OO XALAY SIIDAAYAY WARIYE MUQTAAR NUUR

Ciidamada NabadSugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Xalay Xabsiga ka siidaayay Sawir qaade Muqtaar Nuur oo Caanka ah Baraha Bulshada sida Youtubeka iyo Facebook.

Ciidamada ayaa Sawir Qaadaha u xirnaa mudo Saddex Maalin ah kadib markii ay xireen xiray Maalintii Khamiista aheyd ee la soobdhaafay,balse ugu dambeyn Xalay uu xuriuadiisa helay.

Ilaa iyo hada macada sababta loo xiray Wariye Muqtaar Nuur,waxaana siideyntiisa waqti badan ku bixiyay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaa mac Aadan oo Shalay kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

 

BOGGA CAYAARAHA

HESHIISKA UU PHILIPPE COUTINHO BARCELONA U SAXIIXI DOONO OO LA OGAADAY, HESHIISKU WUU DHOWYAHAY

Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhowaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara koo xda Liverpool ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Spain.

Wargayska StarSports ayaa fahamsan in kooxda reer Spain ay diyaarinayso dalab dhan 90 oo ay ku doonayso 25 jirkan reer Brazil.

Barcelona ayaa wakhti hore laha soo diiday dalab dhan 72 milayn oo euro laakiin kooxda Barcelona ayay ka go,antahay in ay hesho xiddigan xagaagan.

Sida laga soo xiganayo wargayska Sports Coutinho ayaa ku sii dhowaanaya in uu ku biiro kooxda Barcelona kadib markii ay wadahadaladii u soo dhamaadeen wakiilka xiddigan iyo Barc elona.

Xiddigan ayaa ogolaaday in uu kooxda Barcelona u saxiixo heshiis wakhti dheer ah oo ah 5 sano xilli ay haatan Barcelona u jeedsan doonto in ay wadahadalo la furto kooxda Liverpool.

DHALIYAHA TOTTENHAM HOTSPUR HARRY KANE OO KA JAWAAB CELIYAY XIISIHII UU KA MUUJIYAY MACALINKA KOOXDA CHELSEA EE ANTONIO CONTE ..

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa ka jawaab bixiyay hadal uu dhawaan ka dhawaajiyay tababaraha reer Talyaani iyo kooxda Chelsea ee Antonio Conte, wuxuuna sheegay in wax walba uu ku hadlay Conte ay ahaayeen wax wanaagsan, laakii uu xiligan kaliya diirada saarayo kooxdiisa Spurs-ka.

Harry Kane ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay weeraryahanada ugu wanaagsan xiligan hory aalka Premier League-ga iyo yuruba, xili ay kooxo fara badan ay doonayaan in gacanta ay ku dhig aan saxiixiisa, halka Chelsea ay qeyb ka tahay kooxahaha doonaya saxiixa xidigan.

Antonio Conte ayaa maalmo kahor wuxuu sheegay in hadiiba uu doonayo sameynta saxiixa weeraryahan uu lasoo saxiixan lahaa laacib sida Harry Kane oo kale, laakiin uu tilmaamay in qiim aha uu kaga soo bixi karo Tottenham Hotspur uu gaadhsiisan yahay aduun dhan £ 100 million. Sidaas darteed laacibkan reer England ayaa doonay in uu ka jawaab celiyo hadalkii macalinka kooxda Blues.

Harry Kane oo la hadlayay shabakada "Sky Sports” ayaa wuxuu u sheegay isaga oo ka jaw aab celinayay hadalkii Antonio Conte: "Inuu iga hadlo macalin sida Antonio Conte oo kale dabcan waa wax wanaagsan, laakiin haatan waxa kaliya ee aan doonayo ayaa ah inaan diirada saaro koo xdeyda Tottenham, iyo wuxuu iga doonayo inaan sameeyo tababare Mauricio Poche-ttino”. Kane ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: "Waxaan leeyahay Bar-tilmaameedyo cad oo ay ka mid yihiin inaan si wanaagsan ugu diyaar garoobo xili ciyaareedka cusub si Tottenham ay meel wanaagsan u gaadho”.

NEMANJA MATIC OO MARAY TIJAABADA CAAFIMAADKA MAN UNITED IYO LAMBARKA UU RED DEVILS U QAADAN DOONO OO LA OGAADAY.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa ka heshiiyay iibka xidiga xulka qaranka Serbia ee Nemanja Matic kaas oo haddbaa ku sugan magaalada Manchester. Kadib wada xaajoodyo dhex maray maamulada kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa lagu go’aamiyay qiimaha uu Nemanja Matic uu biirayo Man United oo ah 40 milyan oo gini waxayna lacagtani gaadhi doontaa 50 milyan oo gini.

Nemanja Matic ayaa maray tijaabada caafimaadka Manchester United waxaana la sugayaa waqtiga ay Red Devils si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto heshiiskiisa. Waxaa loo arkaa guul wayn oo u soo hoyatay Manchester United iyo Jose Mourinho in Chelsea ay ogolaatay in Nemanja Matic uu Old Traffrod ku badasho Stamfrod Bridge.

Nemanja Matic ayaa saddexdii sano ee ugu danbeeyay laba ka mid ah Chelsea ka soo caa wiyay in ay laba koob oo Premier Leaque-ga ah ku soo guulaysatay waxaana loo arkaa xidigii Paul Pogba ka soo saari lahaa tayadiisa dhabta ah isaga oo xidiga ree France markan fursad u heli doona in uu ka ciyaaro booskii uu Juventus wacdaraha kaga soo dhigay ee dhexda hore.

Manchester United ayaa Nemanja Matic ka dhiganaysa saxiixa saddexaad ee xagaagan wax aana ka horeeyay Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku laakiin Jose Mourinho ayaa wali doonaya in xidiga xiga ee loo keenayaa uu noqdo Ivan Perisic oo ka tirsan Inter Milan kaas oo isna qalbiga ga shaday in uu Old Traffrod ku soo biiro. Matic ayaa tababarka Man United ugu biiray Carrington training ground.

Nemanja Matic iyo Antonio Conte ayaa isku dhacay taas oo keentay in xidiga ree Serbia laga saaray kooxdii Chelsea ee kulamada saaxiibtinimo ku soo ciyaartay China iyo Singapore wuxuuna Conte doortay in booskii Nemanja Matic uu ku buuxiyo Bakayoko oo uu Blues ku soo biiray isaga oo dhaawac qaba.

Matic ayaa Manchester United u qaadan doona lambarka 31 aad oo uu baneeyay Bastian Schweinsteiger iyada oo Matic uu jeclaan lahaa inuu qaato lambarka 21 aad oo uu muddo todoba sano ah heerka kooxeed kaga soo xidhnaa isla markaana uu qarankiisa u qaato laakiin Ander Her rera ayaa Manchester United u qaata lambarkan.

TABABAREPEP GUARDIOLA OO SI CAD UGA HADLAY MUSTAQBALKA XIDIGIISA KHADKA DHEXE EE SAMIR NASRI.

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa wuxuu qiray in go’aanka Samir Nasri Etihad Stadium ay tahay mid ku xidhan isaga iyo wakiilkiisa, xili uu sii sheegay macalinka reer Spa in in dhamaan xidigaha ku sugan Sky Blues ay isag muhiim u yihiin.

Samir Nasri ayaa si xoogan lala xidhiidhinayay in suuqan xagaaga uu ka baxayo Etihad Sta dium dhowr sababood oo ay ugu horeeyso in xiligan uusan Pep Guardiola u baahneen adeegiisa, maadaama ay kooxda haatan yimaadeen saxiixyo cusub.

Pep Guardiola ayaa u sheegay shabakada "Sky Sports”: "Ka hadalka mustaqbalka Samir Na sri? Runtii si wanaagsan ayuu haatan ugaranayaa xaalada kooxda Man City, liiska kooxda Sky Blues waxaa qeyb kasoo noqday saxiixyo cusub oo si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe, balse waxaan arki doonaa waxa dhaca”.

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: "Xaalada iyo go’aanka Samir Nasri wuxuu la mid yahay Eliaquim Mangala, sababtoo ah mustaqbalkiisa waa mid ku xidhan isaga iyo wakiilkiisa, laakiin inagu muhiim ayeey inoo yihiin dhamaan xidigaha safkeena kan ugu yar ee ah Brahim Díaz ilaa iyo kan ugu weyn ee Vincent Kompany”.

Ugu dambeyn Pep Guardiola ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: "Wixii tagay muhiim ma ahan, bal se waxaa muhiim ah in si wanaagsan loo eego mustaqbalka”.

INTERNATIONAL - CHAMPIONS CUP:: NORTH AMERICA

ROMA 1 -1 JUVENTUS *

29'0 - 1 M. Mandzukic,74',E. Dzeko 1 - 1waxaa lagu kala baxay rigooreyaal (4 - 5) Guushana ku Raacday kooxda Juventus

International - Audi Cup August 1

18:45 Atletico Madrid? - ? SSC Napoli

21:30 Bayern Munich? - ? Liverpool

International - Club Friendlies

Bayer Leverkusen 1 - 3 Lazio

AFC Bournemouth 0 - 1 Valencia

Crewe Alexandra 3 - 1 Stoke City

Sheffield Wednesday 0 - 2 Rangers

Udinese 1 - 1 Hannover 96

Arsenal 1 - 2 Sevilla

Schalke 04 1 - 0 Eibar

Vaalerenga 0 - 3 Manchester United

illarreal 3 - 1 Levante

Real Betis 1 - 1 Besiktas

Lyon 1 - 1 Montpellier

Perugia 1 - 1 SPAL 2013

FC Porto 4 - 0 Deportivo La Coruna

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIY AAN



{SheekoTaxane ah}

Q/72aad

Ka dibna inta kursi goobta ka ag dhawaa ag timid be ey iska fariisatay dabadeedna miis hoteeda yaalay bay koobkii shaaha ahaa ey saaratay intaa ka bacdi Xul –Bella waxaa ay miiska dushiisa ka soo qabsatay warside jace yl ah dabadeedna aqris bey kula dhaqaaqday jaraa’idkii in cabbaar ah markii ay aqrisatay wargeyskii waxaa ay saa caddu soo gaartay {8: 00 subaxnimmo},intaa ka dib Xul-Beella waxaa loo keenay quraacdii ay maalintaa cuni laheyd iyadoo maalintaas ay quraacda u keentay walaasheed Yusra ,Xul-Beella markii ey quraacdii ka fara xalatay ka dib inta ey soo qube ysastay ayeey u dhaqaaqday qolkeedii la bbiska, dabadeedna dharkeedii xulka ahaa ayey ku labb isatay waxaa ayna isku buufisay xulkii Varfuunnada ee {al ba quur iyo titanic}, ka dibna waxaa ey u soo dhaqaaqday bo steejadii ay gaariga ka raaci laheyd daqiiqado yar ka bacdi bustejada ayeey soo istaagtay waxaana bus teejada yaal ay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen gabdho qura kaasoo ahaa mid u kireysanaa gabdhaha waa ay weydiisatay in ay la raacdo wayna u oggolaadeen gaa rigii ayey dhinace eda la raacday gabdhaha gaariga waxaay u kiresteen oo uu muraadkoodana ahaa inay ku aadaan xeebta liido ga ariga markii ay saranaayeen in cabaar ah waxaa la gaaray xeebta liido gaarigii ayaa la joojiyey xeebta liido bannaan keeda ka dibna gabdhihii gaarigii bey ka wada dageen, in ta ay diracyadii iska wada sibeen bey buumooyin iyo funa anado isku wada reebeen markaana u dhiib teen gabadhii Xul-Beella aheyd iyagii oo dhanna baddii ayeey dab baal asho u aadeen.

Xul-Beellana Bacadkii Xeebta ahaa ina ayDhacdiid u Seexatay bey Gabdhihii Saaxiibbadeed ahaa ee Badda Gudaheeda ku Dabbaalanayey bey Daawasho kula dhaqaaqday .

Intaa ka dib C/qaadir inta uu Quraacday ayuu soo qubeystay buu ku Labistay dharkiisii kuwii ugu Qurxoonaa wuxuuna isku buufiyey Barafuunnadiisii kuwii ugu carafta badnaa ee uu noociisu ahaa {Titaanik}.

C/qaadir waxaa uu ka soo baxay Daaradda hore ee Gurigooda waxaana uu u soo dhaqaaqay dhanka Busteejadii uu Gaariga ka raaci lahaa daqiiqado ka dib wuxuu yimid Busjeeda Gaadiidka laga raaco isagoo ilbiriqsiyo ka dibna gaari noociisu ahaa BUS TATA ah ayuu goobtii la soo raac ay isagoo daqiiqado ka dib gaarigii kaga degay Busteejada gaadiidaka Xamarweyne isagoo isla goobtaasina ka raacay gaari kale oo noociisu ahaa Caasi isagoo bartilmaameedkiisu ahaa inuu aado Xeebta Liido .

In Cabbaar ah markii gaarigii uu saarnaa uu kaga degay xeebta liido oo qasdiguusi ahaa c/qaadir isagoo u dhaqaaqay dhanka xeebta markii uu tagayana waxuu daaqasho kula dhaqaaqay dhalli nyaradii wiilal iyo gabdho isugu jiray oo xeebta bannaankeeda ku sheekeysanyey isagoo ka dhex raadinayey Lammaantiisii Xul-Beella aheyd.

C/Qaadir in yar ka dib ayuu indhihiisu qabteen SaaxiibtiisiiXul-Beella in ayr ka dibna dhankeeda ayuu u dhaqaaqay.

C/qaadir wax yar ka dib waxuu soo dul istaagay Saaxiibtiisii Xul-Beella , markii ay indhahda is qabt eenna waa ay isku soo boodeen ayna is marxabbeeyeen iyagoo iaku faraxsan waxaayan dabade ed iskula dhaqaaqeen badda gudaheeda, waxyar ka dibna halkaasi ayey dabaalasho ka bilaabeen kolkii ay in cabaar ah dabaalanayeen waxaaya iskula soo dhaqaqaaqeen ddhanka xeebta waxaa yna wada fariisteen bacaadkii xeebta liido iyagoo halkaasi ka bilaabay haasawohoodii .

Maalintaa waxaa sheekada daah furkeeda bilaabay Wiilka C/qaadir ah ahaa isagoo ku bilaabay sheekada sida tyan:-

C/Qaadir:- Xul –Beella Abbaayo Macaan Marka hore waan ku salaamay, Marka Xigtana abbaayo ogoow Jaceylka waa wax Jira soona jiray ilaa waqtigii Ifkala keenay Lbadeynii walid {Aadan iyo Xaawo} Qof walba oo aadmi ahan wax buu jeclaadaa ama isagaa la jeclaadaa.

Abaayo waxaa jira in inta badan Jaceylka isagoo oo jira ay haddana qeyb ka mid ah Bulshada oo ah Dumarka way Qarsadaan { Abkoow Aadan iyo Abooto Xaawo} way Jecleyd umana aysan muujin jirin Jaceylkeeda balse {Nabi Aadan} waa kii u muujiyey in uu Jacel Daran uu u qabo isagoo Qancinteeda u cunay geedkii Sababay in Jannadii Carfooneed Gudaheeda looga soo Saaro,

Abbaayo Xul Beella waxaa kale oo tusaale inooga filan in dumarku ey qarsadaan.

Haddaba Jaceylka waxaan ku qeexi karaa waa nolosha beni aadamka Jaceyl la’aantiina Nolol ma jiri karto .

Abbaayo ogoow qofkii isagoo wax jaceyl jaceylkiisa qarsadana dhibaatuu u keenaa , dhibaatadaasoo ah mid aan la soo koobi karin hadhow.

Haddaba gabdhaha jaceylkooda suuraha iyo santaagga ku ariyo ha qaateen waanada ay ku heestay gabadh fannaanad soomaaliyeed ah oo la yiraahdo deeqo axmed heeskaasoo halku dhiggiisu yahay :-…

La soco isniinta danbe insha

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi -Dahab}

 Tel: 0618455506


 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip