
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 29-KA LUULYO 2017-KA
Garsoorayaasha maxkamada oo ka kooban 5 qof ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay go’a anka. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee caasimada Islamabad.
Ejaz Afzal Khan oo kamid ah garsoorayaasha kiiskan qaaday, ayaa sheegay in Nawaz Sharif aanu sii ahaan karin xubin sharafeed kamid ah baarlamaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa u jeediyay ra’iisal wasaa raha in uu aqbalo xukunka maxkamada.
Maxkamada ayaa baaritaan ku haysay tiro dad ah oo uu kamid ah yahay Nawaz Sharif, gabadhiisa Maryam iyo saygeeda, wasiirka ganacsiga iyo xubno kale oo dawlada ka tirsan.
Nawaz Sharif ayaa dhowr jeer ra’iisal wasaare kasoo noqday Pakistan, laga soo bilaabo 1990 kii. Waxaana sanadkii 1999 xilka looga tuuray afgembi aan dhiig ku daadan.
Ma jiro ra’iisal wasaare rayid ah oo dalka Pakistan soo maray oo xilka si nabad ah ku dhamays tay mudo shan sano ah.
Xigasho: BBCSomali
QARAX MIINO OO KA DHACAY DEEGAANKA BUULAMAREER EE GOBALKA SHABEELAHA HOOSE.
Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Qarax Miino oo geestay qasaaro dhimasho iyo dhaa wac uu shalayy ka dhacay degaanka Buulomareer oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Goob joogayaal aan la hadalnay ayaa sheegay in qaraxa lagu aasay meel laami ah oo ay aad u istimaalaan Gaadiidka Ciidanka iyo Gaadiidka B.Lka waxaana dhawaaqa qaraxa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay KNN ayaa sheegay in uusan jirin wax qasaara ah oo ka dhashay qaraxasi Balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in Xiliga qaraxa dhacayay ay goobtaasi marayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.
"Qaraxa Buulomareer ka dhacay wuxuu ahaa Miino dhulka lagu aasay, cid lala eegtay malah an Qaraxa, wax khasaare ah oo uu geystay ma jiraan, Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxay ka sameeyeen Howlgallo”. Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeynka Maamulka Degmada Baraawe.
SIYAASIGA FAARAX MACALIN OO SHEEGAY INUU SHARCIGA LA TIIGSAN DOONO TELEFISHINKA UNIVERSAL
Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo u taagan Musharaxnimada Kursiga Xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay inuu sharciga la tiigsan doono Telefishinka Universal TV ee xaruntiisa tahay London.
Faarax Macalin ayaa ka carooday Barnaamijka Faaliyaha oo ah barnaamij qosol wareedka ah oo lagu soo qaato siyaasiyiinta, isagoo xusay in barnaamijkan looga gol leeyahay in sumcada lag aga dilo, markii la arkay inuu ugu cad cadahay doorashada kursigaas, isla markaana ku guuleysan doono sida uu yiri.
"Universal waxay sameeyeen wax aan xaqiiqo aheyn, sharciga ayaa la tiigsanayaa, aniga xo og uma adeegsanayo, laakiin meel kasta ayaa dacwad uga furi doonaa, meel kasta ay galaan waa ugu daba galayaa, AlShabaab inay ka naf ka doontaan waa gooni. adduunka meel kasta sharci ayaa yaalo”ayuu yiri Faarax Macalin oo la hadlayay Telefishinka RTN ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi.
Telefishinka Universal ayaa dhowr jeer oo hore laga xiray Wariyeyaal iyo xarumo uu ku lahaa qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, waxaana maamulada dalka ka jira ay dhibsanayeen barnaami jka qosol wareedka ee Faaliyaha oo lagu soo qaato siyaasiyiinta, isla markaana dad loo ekeysiiyo siyaasiyiinta wajiyadooda sheekooyin qosol ah laga sameeyo.
Bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii Milkiilaha Telefishinkaas Eng. Axmadey Abuu bakar lagu xiray magaalada Hargeysa, kaddib markii Barnaamijka Faaliyaha Qaranka lagu soo qaa tay warbixin ka hadlaysay heshiiskii Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milateri iyo Dekeda Berbera.
WAFDI KA SOCDA DOWLADDA SOOMAALIYA OO HINDIYA U TAGAYA SII DEYNTA MAXAABIIS KU XIRAN DALKAAS
Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wafdi heer sare ah u di rto dalka Hindiya, si ay ugala soo xaajoodaan sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalkaas.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in wafdigan oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arr imaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dowladda Hindiya kala hadlaya maxaabiista ku xiran dalkaas iyo sii deyntooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dhiggiisa Hindiya ka wada hadli doona xiriirka labada dal, waxaana ay kala saxiixan doonaan heshiiska ku saabsan is dhaafsiga maxaabiista.
Sidoo kale wafdiga ayaa booqan doona magaalooyinka Mombai iyo Hyderbad oo xabsiyada ku yaalla ay ku xiran yihiin Maxaabiis Soomaali ah.
Golaha Wasiirada Hindiya ayaa bishii hore ansixiyay heshiis ku saabsan is weydaarsiga max aabiis oo dhex mari doona Soomaaliya iyo Hindiya. Maxaabiis fara badan Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, waxaana badankood lagu soo eedee yay falal burcad badeednimo.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii la caleema saaray sheegay in maxaabiista ku xiran dalka Hindiya hadii la soo daayo uu bixin doono diyaarada lagaga soo qaadi doono dalkaas.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii maxaabiista ku xiran dalal dhowr ah loo sii deyn lahaa, iyadoo dhowaan ku guuleysatay in lagu soo wareejiyay 114 maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo todobaadkii hore laga soo dejiyay Muqdisho.
LAAMAHA AMAANKA KENYA OO U DIGAY GAADIIDLEYDA MOMBASA IYO LAMU.
Warbaahinta dalka Kenya ayaashalay oo jimco ah baahiyay digniin ka soo baxaya mas’uuliyi inta Kenya ee gobalka Wuqooyi bari dalkaasi Kenya.
Isku Duwaha Dhanka ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa ayaa uga digay Gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Dowlad Goboleedyada Laamu iyo Mombasa in ays an socdaalin iyagoo aan wadan ilaalo ka tirsan Booliska Kenya.
Isaga oo warfidiyeenada kula hadlay Magaalo xeebeedka laamu ayaa waxa uu sheegay in uu ka warqabo in Gaadiidleyda ka shaqeysa wadadaas gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay ay socda alaan ilaalo la,aan.
Madaxa Ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya ayaa dhanka kale tilmaamay in arrintan kaliya aysan dhibaato ku aheyn rakaabka balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay nolosha Darawal ada.
Kenyaa ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay digniinta dhinaca amniga ah ee loo jeedinayo Shacabka iyo mas’uuliyiinta dalkaasi Kenya waxayna walaac ka qabaan Qatar kaga timaada Shab aab.
Doorashada Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay dhacaan weeraro shabaab ay ka geestaan goobaha cod bixinta iyadoo shabaab ay ku hanjabeen in ay qaraxyo iyo weeraro ka geysan doona an goobaha doorashada.
SOOMALIYA IYO SACUUDIGA OO KAWADA HADLAY ARRIMAHA XAJKA..
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildh ibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali iyo wafdi uu hogaaminayay uu kamid yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis ayaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumr ada Dalka Boqortooyada Sacuudiga aan walaalaha nahay Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir.
Inta ay labada wasiir wada joogeen waxey ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee u dhaxee yo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xaj ka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga, manta oo ah khamiis.
Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu ku nuux nuuxsaday sida Xukuumadda Boqorka Sacuudiga ay ugu dadaasho xujeyda iyo adeegyada lasiiyo, si loo fududeeyo arrimaha Xajka xuj eyda na ugu gutaan Cibaadadooda sida ugu raaxada badan.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh. Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.
Labada wasiir waxay isla qaateen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xuj eyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.
HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA OO WAX KA QABNEYSA DHIBAATADA FIISAHA DALKA KU GALKA INDIA
Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa shaa ca ka qaaday in ay adkaatay helida Fiisaha dal ku galka Hindiya oo Soomaali badan ay sameyn ku yeelatay, kuwasi oo arrimo Caafimaad iyo Waxbarasho u aada dalkaasi Hindiya.
Waxa uu sheegay in arrimo amaan darteed dowladda Hindiya ay u adkeysay helida Fiisaha dalkeeda, islamarkaana hada uu kala hadlayo sidii loo xalin laha arrimahaasi dadka Soomaliyeedna ay deg deg ugu heli lahayeen Fiisaha Hindiya oo uu tilmaamay in dano dhaqaale , mid Caafimadd iyo Waxbarasho ay dadka Soomaaliyeed u aadaan dalkaasi Hindiya.
Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hoosta ka xariiqay in markii hore Fisaha Hindiya uu ahaa mid si fudud lagu helo, heyeeshee khaladaad jira awaadeed ay keentay in Hindiya adkeyso Fiisaha dalkeeda.
Halkaan ka soo baxay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli mudooyinkii la soo dhaafay uu aad u adkaa helida Fiisaha Hindiya oo Soomaali bad an dalkaasi ay u tagaan arrimo Cafaamid iyo Waxbarasho, waxaana sameyn ay ku yeelatay talla abadan dad badan oo Soomaali ah.
AKHRISO: JUBBALAND OO KA HADASHAY GO’AANKII MAXKAMADDA SARE
Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii 16kii May ee sanadkan Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabta Doorashada 8 kursi, kuwaasi oo horey uga kala dhacay degaan Doorashooyinka dalka.
Jubbaland oo arrintan ka soo saartay warsaxaafadeed ayaa waxa ay sheegtay in ay ku talin eyso in la raaco go’aanka Natiijadii Doorashada horay u dhacday, kaasi oo ay u aragto mid kama dambeys ah, dibna aan loogu laaban karin.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ah ilaaliyaha Dastuurka dalka waxa ay u soo jeedisay in uu xaliyo khilaafaadka ka dhaxeeya Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan iyaguna ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabto Doorashada 8 kursi, wa xayna sheegeen in ay taageersan yihiin go’aankii Golaha shacabka ee ahaa inaan dib loogu laaban Doorashada Siddeedaasi kursi.
Sida muuqata hadda waxaa isku dhagan Hay’ado awood ahaan isla siman, kuwaasi oo kala ah Hay’adda Sharci dajnta dalka Golaha Shacabka iyo Hay’adda Garsoorka dalka, kadib markii Baar lamaanka Soomaaliya 23kii bishan ay laaleen go’aankii Maxkamada sare ay ku amreysay dib ugu noqoshada kuraasta Sideed xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan.
GAAS OO LOOGU BAAQAY IN UU FARAHA KALA BAXO DASTUURKA PUNTLAND
Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Cirro) oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdi sho ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland looga baahan yahay in uu faraha kala baxo Dastu urka Puntland.
Daahir Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka maamulka Puntland ay xaq u leey ihiin Dastuurka Puntland iney wax ka badalaan.
Waxa uu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay in uu faraha kala baxo Dastuurka Maamulka Puntland islamarkaana aysan macquul ahayn in lagu xad gudbo Dastuurka iyo sharciyada kale ee Puntland.
Qaar ka mid ah beelaha dega Puntland iyo Siyaasiyiinta degaanadaasi ka soo jeeda ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in uu fara gelin ku hayo Dastuurka islamarkaana uu doonayo in uu wax ka badal ku sameeyo.
MIDOWGA YURUB OO MASHAARIIC KA FULINAYA GOBOLADA DALKA
Midowga Yurub ayaa wuxuu sheegay in mashaariic la xiriira wax ka qabashada arrimaha Aba araha uu ka fulinayo guud ahaan dalka, si loo badbaadiyo dadka ay saameeyeen Abaaraha dalka ku dhuftay.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo daraad gaartay magaalada Bay dhabo ayaa sheegtay ujeedka ay u tagtay magaalada Baydhabo in ay tahay sidii halkaasi ay uga bil aabi lahaayeen mashaariicda la xiriira wax ka qabshada Abaaraha ee uu fulinayo Midowga Yurub.
Waxa ay sheegtay ujeedka mashruuca Midowga Yurub in uu yahay sidii uu u caawin lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen, iyada oo sidoo kale sheegtay in waqti dheer ay ku fakarayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen oo ay wax uga qaban lahaayeen Abaaraha, sidaasi darteedna ay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.
"Waxaan joognaa magaalada Baydhabo, waxaa fursad inoo ah in barnaamijkeena aan halkan ka bilowno, Midowga wuxuu marwalba ku dadaalaa sidii uu wax uga qaban lahaa arrimaha bani’aad animada, sidoo kalena uu u caawin lahaa dadka ay saameeyeen Abaaraha”. Ayay tiri Lorenzo.
Daraad magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lore nzo, iyaga oo halkaasi ka bilaabay mashaariic la xiriira wax ka qabashada arrimaha Abaaraha oo laga fulinayo gobolada dalka oo dhan.
MASJIDKA ALAQSA OO SALAADA JIMCAHASHALAY LAGU DUKADAY
Dadka falastiniyiinta ayaa dib ugu laabtay misaajidka barakaysan ee Al Aqsa oo aysan muddo laba todobaad ah ku tukan .
Dadka muslimiinta ee misaajidka ku cibaadaysanayay ayaa si raxraxan ah u soo galiyay misa ajidka ka dib markii hogaamiyayaasha muslimiinta ay qaadeen qaadacaad ahayd in aan misaajidka lagu tukan.
Muslimiinta ayaa waxa ay horey u diideen in ay misaajidka ku tukadaan tan iyo inta ay Israa’iil ka qaadayso halkaasi qalab wax loogu baaro oo ay ku rakibtay.
FEYSAL C. WARAABE OO KU TILMAAMAY MADAXWEYNAHA DDSI INUU YAHAY KELIGII TALIYE
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ku eede eyay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inuu dhibaato iyo gumaad ku haayo dadka Soomaalida.
Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta Somaliland ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar inuu yahay keligii taliye had iyo jeer dhibaato la daba taagan dadka Sooma alida ee degan deegaanada Kililka Shanaad.Waxaa uu sheegay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inuu doonayo inuu kiciyo dadka Soomaalida ee degan xuduudaha, isagoo xusay in taas aanay marnaba ogolaaneynin.
"Sidii Maxamed Siyaad ayaa Aabe la leeyahay, Cabdi Ilay anaga inuu nagu tacadiyo ma ogo lin, waa keligii taliye kharaab ah illaa xuduuda Soomaaliya Caabudwaaq reer uusan wax ka dilin ma jiro oo ciidanka Liyuu Boolis aysan wax yeelo u geysan, mar dhoweyd deegaanka Jaamac dubad ay ay ku dileen 19 ruux”ayuu si kulul u yiri Feysal Cali Waraabe.
Waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay arrintan kala hadlayaan, isla markaana aanay ma rnaba ka aqbali doonin in Cabdi Ilay siduu doono u galo dadka Soomaalida, isla markaana uu kur siga isaga fadhiyo.
Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Somaliland in aysan arrintan ka hadlin, isla markaana Jigjiga ay u tagaan inay kula soo qayilaan.
"Waa u tageynaa Kililka Shanaad Soomaali waa wada degtaa, in cadaalad lagu sameeyo ayaa dooneynaa, ee ma rabno qabyaada dadka reer Somaliland ee dega ayuu kicinayaa, in cadaadis dad keena la saaro ma ogolin, dadkayaga waxay deegaan illaa 400KM gudaha Itoobiya”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ah nin aan la gamban afkaartiisa, isagoo mar walba hadalo kulul ku weerara siyaasiyiinta Soomaalida.
BANKIGA DHEXE EE SOOMAALIYA OO SHAACA KA QAADAY IN LACAG CUSUB DALKA LA KEENAAYO
Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo la hadlay warbaahinta ay aa sheegay in Bangigu uu ku howlan yahay soo daa bicista lacag cusub oo shilin Soomaali ah, taas oo wax looga qaban doono lacagaha been abuurka ah ee dhibaatada ku haysa suuqyada wadanka.
Wuxuu xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo la diyaar iyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono.
"Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir, wuxuuna sii raaciyay
"Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekira yaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hada lkiisa ku daray.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doon to lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee waqtigana la diyaariyay oo kaliya Kunka Shilin.
Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha be en abuurka ah ee loo egaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka gal een, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta laacagtaas sharciga la horgeyn doono.
"Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xa rig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha. Mudooyinkii dambe waxaa sare u kac laga dareemayey qiimaha quudul daruuriga ee suuyada dalka, taas oo loo aaneeyey lacago badan oo suuqyada soo galay lacagtaas oo u badneeed mid been abuur ah.
SHARIIF XASAN OO ISKU SHAANDHEYN KU SAMEYNAYA GOLIHIISA WASIIRADA
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan uu wado wada tashiyadii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta Golihiisa Wasiirada, waxaana maal mahan soo baxayay cadaadis xoogan oo Madaxweynaha kaga imaanayay xubnaha xildhibanada koonfur Galbeed.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Madaxweyn aha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday, sida uu Risaala u sheegay Xildhibaan Cismaan Axmed Islow oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Xildhiban Cismaan Axmed Islow ayaan weydiinay sababta xiligan keentay in Madaxweynaha ay ku cadaadiyan in isku shaandheyn uu ku sameeyo Golihiisa Wasirada.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaadanayay maalmahan Xildhib aanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanaya isku shaandheynta uu wado.
Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna sameeyay hormar aan sidaas u badneyn.
MADAXWEYNE XAAF OO DIB UGU LAABTAY CADAADO ..
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaashalay dib ugu laab tay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, kadib howlo shaqo oo uu ku maqnaa.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaa lada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey), Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xaaf markii uu tagay magaalada Cadaado warbaahinta ayuu halkaasi kula hadlay, wuxuuna faah faahiyay arrimhii uu ku maqnaa, wuxuuna sheegay shirweyne Qaran oo Galmudug la xiriira in dhowaan uu ka furmi doono magaalada Muqdisho, kaasi oo ay qaban qaabadiisu leedahay QM.
Wuxuu sheegay shirka ka furmi doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya in looga hadli doono arrimaha Siyaasada, Samafalka, Ammaanka iyo xalinta khilaafaadka Ahlusuna iyo Galmudug.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xaaf ayaa maamulka Ahlusuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaa taan nabadda, isaga oo sidoo kale Nabadoonada Mudug ka dalbaday in ay xaliyaan colaada ka taagan degaanka Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
BAARLAMAANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY HESHIISKII DEKEDA BOOSAASO KULA WAREEGTAY DP WORLD
Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaashalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiskii Deke da Boosaaso kula wareegeyso Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.
Heshiiskan ayaa waxaa Baarlamaanka horkeenay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed oo ka hor akhriyay heshiiskaas, iyadoo la soo bandhigay Filim laga diyaariyay ma shaariicda dhismaha iyo ballaarinta lagu sameynayo Dekeda Boosaaso.
Xildhibaanada ayaa dood, falanqeyn iyo su’aalo weydiin kaddib waxay isku raaceen in ansixin ta heshiiska, waxaana 60 mudane kulanka soo xaadiray 59 ka mid ah ay ogolaatay, halka Hal xil dhibaan uu diiday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay go’aanka, isagoo sheegay inay ansax tahay heshiiskaas oo Xildhibaanada ay si aqlabiyad leh u meel mariyeen
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay heshiis ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, wadada Garowe iyo Eyl oo ay fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC.
Madaxweynaha Puntland ayaa horaantii sanadkan waxaa uu heshiis Dekeda Boosaaso kula wareegayaan uu la soo galay Shirkadda DP World, heshiiskan ayaa dhigaya in muddo 30 sano ah ay dekeda Boosaaso maamusho shirkadd DP World, Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qii mo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan milyan oo dollar, wajiga laba adna 200 milyan Doolar.
GUDOOMIYE JAWAARI OO KA HADLAY ARIN MUHIIM AH
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shee gay in ay muhiim tahay in la dhiso Axsaab Siyaasadeed.
Waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay dhameystirka Sharciyada ay ku dhaqan geli lahaayeen Axsaabta Siyaasadda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka uu ka gudbo nidaamka Qabaa’ilka oo uu u gudbo nidaamka Axsaabta.
Waxa uu sidoo kale xusay in Siyaasiyiinta ay xaq u leeyihiin in ay sameystaan Xisbiyo sidaasi darteedna loo baahan yahay in la dadaajiyo Axsaabta Siyaasadda.
WASIIR HORTAGAYA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA MAANTA
Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacab ka.Kulanka ayaa waxa uu ka dhacaya Xaunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa looga hadlaya kulanka qorshaha Xukuumada ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ay aa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.
Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu Baarlamaanka hor yimaado.
Su’aalo adag ayaa la weydiin doonaa Wasiirka Cadaaladda kuwaasi oo ay ka mid yihiin saba bta uu u dhaqan gelin waayay Sharciga 28 lr ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SOOMALIYA OO BOOQASHO KU TAGAYA DALKA HINDIYA
Sida ay Sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Hindiya waafdi uu Hogaaminayo wasi irka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa booqasho ku tagaya Todobaadyadda soo socda dalkaas.
Booqashadaan ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo labo cisho ah islamrkaana wafd iga ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.
Wasiir Yuusufgaraad ayaa marka hore booqan doona magaalada New Delhi, isagoo maalinta laba ad tagi doono magaalada Mombay, halkaasoo uu ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, wuxuuna uga sii gudbi doonaa Magaalada Soomalida ay ku badan tahay ee Hyderabad.
Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soo maaliyeed ee sannadaha badan ku xiran xabsiyada dalkaas.
Sidoo kale Sidoo kale kulanka Labada wasiir ayaa la sheegay in lagu kala saxiixan doono he shiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeedee ku xiran xabsiyada Hindiya, kuwaasoo dhaw aanahan lagu jiray dadaallo loogu soo wareejinayo Soomaaliya.
Tirada maxaabista ku xiran dalka Hiniya ayaa lagu sheegay 118maxbuus oo loo haysto falal burcadbadeednimo ah.
KANIISAD LAGA FURAY HARGEYSA
Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxaa laga furay Kaanisad lagu sheegay inay ku cibaadeysan doonaan dadka aan Muslimka aheyn.
Maria Vechhinno oo ah haweenay Kirishtaan ah kuna sugan Somaliland, ayaa sheegtay door wayn inay ku laheyd dib u furista Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka Kirishtaanka ah ee ku sugan Somaliland, taasi oo laga furay Magaalada Hargaysa.
Haweenaydaan Kirishtaanka ah ayaa sheegtay markii Somaliland ay imaanaysay inay u timid laba arin oo kala ah waa mida koowaad hawl la xiriirta mutadawacnimo, iyo sidoo kale qorshaha la baad oo ah sidii dib loogu furi lahaa kaniisada ay ku cibaadaystaan dadka haysta Diinta Kirishtaanka ee Somaliland ku sugan.
"Mudnaan weyn ayeey ii tahay in aan Somaliland u joogo laba hawlood oo mutadawacnimo ah, asalkeygii hore Somaliland waxan u imid hawl mutadawacnmo ah, waxaana ay aheyd dib u furis ta kaniisada Kaatooliga oo dib looga furay Somaliland, taasi oo xirnayd 30kii sano ee la soo dhaafay.”Shacabka kunool degaanada maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya Furista Kaniisadda.
DR. DUFLE OO KA DIGAY QATARTA CAAFIMAAD EE CUDURKA
CAGAARSHOWGA
Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kuna taqasusay cudurada beerka iyo dheefshiidka, dhinaca kalena Barre ka ah kuliyadda Caafimaadka ee Jaam acadda Banaadir ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Cagaarshowga.
Dhaqtarka oo sidoo kale ah Musharax u taagan abaal marinta caalamiga ah ee (Nopel Peace Price) qeybta arrimaha bulshada ayaa intaa ku daray in cudurka cagaarshowga uu yahay dilaa, isagoo faahfaahin ka bixiyey, noocyada cudurkan, sababaha keena, calaamadaha lagu garto, habka looga hortagi karo iyo daweyntiisaba, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan:
Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kaste 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduun ka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer). Halkudhigga sanadkaan 2017 waa "Ciribtirka Cudurka Cagaarshowga "Eliminate Hepatitis”.
Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).
Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan ya hay caruurta dadka waaweyn waa ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada , waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cun to , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan wa xey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.
Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).
Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)
Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qat arsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 257 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).
Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:
Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,
Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).
Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:
– Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:
– Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
– Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
– Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
– Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.
Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.
Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).
Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca Cga waa 71 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaare ysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.
Feyruska cagaarshowga nooca Cga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Posttransfusion hepatitis).
Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 180 maalmood).
Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khata rta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).
Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.
Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:
Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Preicteric Phase): Xiligaas bukaanka wax uu qabaa calaamooyinka sida labolabo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaa mooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.
Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaa yo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaam adahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.
Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan cala amooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicanaayaan calaamadihii hore laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa , waxeyna qadaneysaa.
bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.
Dabka iyo Cagaarshowga:
Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.
Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee cala amooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xil iga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana waxey keeneysaa in bukaanku dib u bilaalbo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafim aad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga
Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa mu ddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).
Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hep atitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).
Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga
Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.
Ugu horeen waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lag alo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada raashiinka lacuno.
Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan fey ruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.
Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 9598% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama ye esho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).
Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo kora aya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaa soo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.
Talosiinta qofka qaba cudurka cagaarshowga
Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:
Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo she egnay waa ka reebban yihiin qofka kaadimacaanka qaba.
Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaa dan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda khamiriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.
Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaadadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.
W/D: PROF/DR. OSMAN MOHAMUD DUFLE.
BOGGA CAYAARAHA
DHACADADII KA DAMBAYSA ISKU DHICII NEYMAR JR IYO NELSON SEMEDO
Xiddigaha isku kooxda ah ee Neymar iyo Semedo ayaashalay isku dhacay gacantana iskula tagay intii ay ku jireen tababarka kooxdoodu isugu diyaarinayso kulanka Real Madrid.
Sida iska cad xiddiga raadinaya albaab uu uga boxo kooxda Barcelona ayay xiddiga cusub isku dheceen dhowr mar tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray inkasta oo ayna si toos ah gacan is ugu qaadin.
Waxa soo baxay muuqaal muujinaya meesha ay ka bilaabatay cadaawadashalay ka dhex dil aacday labadan
AC MILAN OO GUUL KA GAARTAY KULANKII EUROPA LEAGUE.
Naadiga kubada Cagta AC Milan ee dalka talyaaniga ayaa Guul ka gaartay kulankii lugta koo waad ee isreeb reebka koobka UEFA Europa League. ee ay ladheeleen kooxda dalka Romania ee CSU Craiova, kooxda AC Milan ayaa Goolka qura ee ay ku badiyeen waxaa u dhaliyey xidiga daaf aca dhawaan galka ah ee Ricardo Rodriguez,kaas oo kubad bulisyoon ahayd shabaqa dhex dhigay daqiiqadii 44 aad ee qaybta Hore ee ciyaarta.
Lugta labaad ee Cayaartaan ayaa lacayaari doonaa 3 da bisha soo socota waxaana lagu dhe eli doonaa Garoonka AC Milan ee San Siro .
ARSENAL OO BADALKA ALEX OXLADE-CHAMBERLAIN KA HESHAAY PREMIER LEAGEU
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay awoodeeda isugu gayn doonto soo xiro gal inta laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka England iyo kooxda Everton ee Ross Barkley hadii uu Alex Oxlade-Chamberlain ka tago kooxda Xagaaga cusub.
kooxda Everton ayaa ku dhow in ay iska iibiso Barkley kadib markii uu macalinka kooxda ee Ronald Koeman sheegay in uu xiddigan doonayo in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta garoonka Goo dison Park.
Xiisaha ka tagitaankiisa Naadiga Everton ayaa soo jeediyay indhaha kooxaha ugu waaweyn ee ay ugu horeeyaan kooxaha Tottenham,Man United iyo chelsea kuwaas oo doonaya in helaan xid diga
Si kasta ha ahaatee Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay awoodeeda isugu gayn doonto saxiixa xidiga Barkley hadii ay xagaagan waayaan Chamberlain oo lala xiriirinayo kooxaha Liverpool iyo Chelsea.
Laakiin Gunners ayaa xiddigan gacanta ku dhigi karta kaliya hadii ay miiska saarto lacag dhan 55 Milyan oo euro oo ah lacagta ay Tottenham ku dalbanayso xiddigan.
CHELSEA OO SHAACISAY QIIMAHA KAMA DAMBEYSTA AH AY KU FASAXEYSO DIEGO COSTA, XILI ATLETICO MADRID AY KA HOR DALAB KASOO GUDBISAY SAXIIXA LAACIBKEEDA HORE. ABDULKADIR DAJIYE JULY 28, 2017
Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada caalamka kooxda Chelsea ayaa waxay go’aamisay qiimaha ay ku siineyso dhaliyaheeda reer Spain ee Diego Costa kooxaha doonaya adeegiisa inta uu faran yahay suuqan xagaaga, maadaama la fahansan yahay xidigan inuu doonayo ka ka bixitsa ga roonka Stamford Bridge.
Diego Costa ayaa doonaya in wado kasta uu kaga baxo safka kooxda Blues xili ciyaareedka soo aadan, tan iyo markii ay soo baxday sheekadii dhax martay isaga iyo macalinka reer Talyaani ee Antonio Conte. Maadaamo uu doonayo in laacibkan uu ka fasaxo kooxda reer London.
Balse kooxda Chelsea ayaa shaaca laga qaaday in Diego Costa ay ku qiimeysay saxiixiisa aduun dhan £ 55 million, hadiiba ay jirto koox dooneysa saxiixa laacibkan reer Spain, gaar ahaan xili uu Costa qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigay horyaalka Premier League-ga, kadib markii uu kooxdiisa Blues ka caawiyay ku guuleysiga Premier League-ga.
Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa saxiixa laacibkan kasoo gudbisay dhawaan qiimo gaadhsiisan 26 million, laakiin Chelsea ayaan ogolaan doonin dalabka ka yimid dhigeeda Atletico waxayna dooneysaa in hadiiba ay fasaxeyso xidigeedan ay kasoo xareyso aduun dhan £ 55 million.
QODOBADII UGU WAA WAYNAA EE AY WARGAYSYADA SPAIN, ENGLAND, GERMANY, FRANCE IYO ITALY KA QOREEN SUUQA KALA IIBSIGA SAACADIHII LA SOO DHAAFAY. MAHAMOUD BATALAALE JULY 29, 2017
Kooxaha Yurub ayaa si wayn ugu dagaalamaya in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arka an in ay kooxahooda horumarkin ku samayn karaan laakiin xili suuqan waxaa sii adkaanaysa sidii ay koox kastaaba ku heli lahayd bartilmaameedkeeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo koobtay qodobadii ugu muhiimsanaa ee saacadihii la soo dhaafay looga hadlay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha lakala doonayo halan ayaanad kaga bogan kartaa.
France
Arsenal ayaa dalabkii saddexaad oo ku qiimaysan €50 milyan oo yuro ku dalabtay Thomas Lemar laakiin kooxda Monaco ayaa sidii labadii dalab ee ka horeeyay markiiba iska soo diiday wax ayna Monaco ku adkaysanaysaa in xidigani aanu iib ahayn.. (L’Equipe)
Olivier Giroud ayaa wali bartilmaameed u ah kooxda dalkiisa France ee Marseille iyada oo xagaagan la filayo in Giroud uu isakga bixi doono Emirates Stadium kadib imaatinka Lacazetti balse Marseille ayaa wali ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa Giroud.(L’Equipe)
Spain
Manchester City ayaa hogaanka u qabtay tartanka loogu jiro saxiixa Kylian Mbappe kadib mar kii ay kooxda AS Monaco miiska u saartay dalab 160 milyan oo euros ah laakiin kooxda ree France ayaan wali doonayn in ay ku deg degto aqbalaada dalabyada laga soo gudbinayo 18 sano jirkan. (AS)
Barcelona ayaa bartilmaameesanaysa Kylian Mbappe haddii uu Neymar Jr kooxdeeda ka baxo oo uu ku biiro PSG waxayna Barcelon aaminsan tahay in Mbappe ay siin karto fursad kooxda kowaad ah oo ka badan inta uu ka heli karo Real Madrid. (Sport)
Barcelona ayaan wax wada xaajood ah Paris Saint-Germain kala yeelan doonin arinta Neymar Jr iyada oo Barcelona xidiga ree Brazil u ogolaan doonta in uu PSG ku biiro kaliya haddii ay PSG bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah 222 milya yuro.(Mundo Deportivo)
Inkasta oo ay Manchester United dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay Gareth Bale, haddana xidiga ree Wales ayaan doonayn in uu ka baxo Santiago Bernabeu inkasta oo haddii uu Mbappe yimaado Real Madrid uu mugdi sii galid karo mustaqbalkiisu.(Marca)
Germany
Xidiga kooxda Bayern Munich ee Renato Sanches ayaa bartilmaameed u noqday Chelsea iyada oo Antonio Conte uu maamulka kooxda Bavaria wax ka waydiiyay xaalada xidigan intii lagu jir ay kulankii Singapore ku dhex maray kooxaha Bayern iyo Chelsea laakiin Man United iyo AC Milan ayaa Chelsea kula tartamaya saxiixa Sanches. (Sport Bild)
Agaasimaha ciyaaraha kooxda RB Leipzig ee Ralf Rangnick ayaa ku adkaystay in bartilm aameedka Liverpool ee Naby Keita aan xagaagan la iibin doonin. (Bild)
Italy
Inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona, haddaba Juventus ayaa ku adkaysanaysa in Paulo Dybala aanu qiimo kasta iib ku haayn iyada oo ay soo baxday in Paulo Dybala uu badal u noqon karo Neymar oo PSG lala xidhiidhinayo.(Tuttosport)
England
Manchester United ayaa soo cusboonaysiisay xiisihii waqtiga dheer soo jiray ee ayu qabtay saxiixa Gareth Bale kadib markii uu Zinedine Zidane qirtay in wax kastaaba ay dhici karaan inta uu suuqa xagaagu furan yahay iyada oo haddii uu Klian Mbappe ku soo biiro Madrid ay Man United dalaban doonto Bale.(Daily Mirror)
Chelsea ayaa doonaysa in ay la soo wareegto Ross Barkley iyo Alex Oxlade-Chamberlain kuwaas oo min 12 kii bilood ee ugu danbeeyay kaga jira kooxahooda Everton iyo Arsenal waxayna Blues doonaysaa in ay isku darka labadan xidig kula soo wareegto 50 milyan oo gini.(The Sun)
Liverpool ayaa dalabkii ugu danbeeyay oo ka badan 70 milyan oo gini u diraysa kooxda RB Leipzing oo ilaa hadda diidan in ay iska iibiso xidiga uu Klopp doonayo ee Naby Keita waxayna Live rpool lacagtan sarre ugu qaaday kadib markii uu Klopp dalbaday.(Daily Mirror)
BARCA OO LOO HANJABAY HADII AY XALIN WEYDO SHEEKADDA KU AADAN BIXITAANKA NEYMAR
Waxaa maalmihii udambeeyay daaqadda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee qaaradda Yurub si weyn u gilgilay sheekadda ku aadan in ciyaaryahan Neymar, uu ka tagayo Kooxdiisa, waxaana baa csi ku haysa PSG.
Kooxdaan oo ka dhisan caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, ayaa waxaa ay ku bartilmaam eedsaneysaa wiilkaan aduun dhan 222 Malyuun, iyadoona hadii uu qiimahaas ugu biiro uu noqa nayo xiddiga ugu qaalisan.
Barca ayaa waxaa waajib looga dhigay inay xaliso Mushkiladda ku aadan bixitaanka, Neymar, ka dib markii ay hesiish la gashay Shirkadda Fashion-ka, qaabilsan oo laga lee yahay dalka Talyaa niga.
Naadigaan ayaa hadii ay ciyaarayankeed ku qancin weydo inuu kooxda sii joogo ayaa waxay weyn doontaa qandaraas ah ay la gashay Shirkadaan, wuxuuna bilaaban doonaa hirgilin tiisa kadib kulanka El Clasico.
International - Champions Cup:: Singapore July 29
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 29-KA LUULYO 2017-KA
RA'IISUL WASAARAHA PAKISTAN NAWAZ SHARIIF OO IS CASILAY.. Ra'iisul Wasaaraha dalka Nawaz Shariif ayaa iska casilay xilka, kaddib markii Maxkamadda sare ee dalkaas go'aamisay in aanu u qalmin sii heynta xilka. Baaritaanka ayaa lag