"Puntland waxay reer hiiraan ka qaateen hantidii ay lahaayeen, waxaa loosoo daabacay waraaqado lacago laga soo dhigay, dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ayaa wax loogu badalayay iyagana Subag iyo waxyaalo kale ayay geynayeen dhanka Puntland, maantana waa tanaa waxba uma tarto oo waa faalso”, ayuu yiri Madaxweyne Osobole.
Sidoo kale madaxweynah Dowladda Goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Puntland laga sugayo lacagaha mag-dhowga ee la siinayo shacabka la qiyaamay hantidooda.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Baled-weyne ee Gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay lacago faalso ahaa oo shilling Soomali ahaa kuwaasi oo la sheegay in laga keenay dhanka deeganada maamulka Puntland.
Audio Player
Osoble:-"Puntland Dhac Ayay Noo Geysatay Makdhow Hana Siiso",+Dhageyso
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyey in hantidii dadka reer Hiiraan dhac ay u gaysteen ayna uga badasheen waraaqo ay soo daabaceen, wuxuuna ka codsaday in ay arrintaas mag-dhaw ka b