
Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo ka qeyb galay Shirwayaha Anoca+Sawirro
Waxaa ugu horreyn shirka ka hadlay guddoomiyaha ANOCA Gen. Lassana Plenfo oo ka warbixyay Horumarka ay ANOCA ku talaabsatay labadii sano ee lasoo dhafay, sidoo kale waxaa warbxino laga dhagaystay xoghayaha Thomas Sithole iyo khasnajiga Habu Gumel, dhanka kale guddoomiyaha Ioc Dr. Thomas Bach ayaa shirka ka jeediyey warbixin dheer oo ku aadan qorshaha IOC 2020 iyo sida looga baahan yahay guddiyada Olombikada Qaaradda afrika iney u dabaqaan qorshahaas.
Waxaa kaloo warbixinno soo jeediyey ururuka ciyartoyda Afrika , ANOCA athletes commission, ururuka haweenka iyo isboortiga , kooxda Olympic Solidarity oo uu horkacaayo madaxooda Pere Mirom iyo kooxda Rio 2016 oo ka warbixiyay halka ay mareyso diyaargrowga marti gelinta tartanka olombikada aduunka.
Geesta kale Xoghhayaha Gos Duraan Axmed Faarax ayaa inta uu shirka socday kulamo la qaatay Madaxda IOC iyo Madaxada ANOCA waxuuna kala hadlay sidii loo horumarin lahaa isboortiga Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo ku jirta xaalad u baahan in mudnan gaar ah la siiyo waxuuna kulankooda kusoo dhamaaday guul.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Waaxda Warfaafinta Gos
Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed oo ka qeyb galay Shirwayaha Anoca+Sawirro
Waxaa magaalada Port Louis ee dalka Mauritius lagu soo gebagabeeyay shirweynihii 16aad ee ANOCA, Association of National Olympic Committees of Africa, waxaana kasoo qayb galay dhammaan wadamada xubnaha ka ah , iyo guddoomiyaha IOC Dr. Thomas Bach, wa