
Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu Cadaado kula kulmo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, isagoo kala hadli doona sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo qorshahooda yahay soo afjarida xiisada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu u gudbi doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, si uu ula kulmo Mas’uuliyiinta Puntland iyo nabadoonada iyo waxgaradka ku howlan dadaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaada.
Ra’iisul Wasaaraha oo shalay lagu waday inuu tago Gaalkacyo ayaa ka baaqday, sababo la sheegay in Puntland diiday inuu yimaado, hase ahaatee mar dambe aqbashay wada hadalo kadib.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay nabad u kala dhex dhigi laheyd labada maamul ee deriska ah, kuwaasoo maalmo ka hor ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.
Hase ahaatee waxaa walaac xoogan laga muujinayaa xiisada dagaal ee wali ka jirta Gaalkacyo iyo abaabulada ay labada dhinac wadaan, taasoo ka dhalatay barakac ballaaran oo ay sameeyeen dadkii deegaanka.
Dadaalada nabadeed ee ay wadeen odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa suura gelin waayay in midba midka kale uu u hogaansamo heshiiskii maalmo ka hor lagu dhawaaqay ee xabad joojinta ahaa iyo in la kala qaado ciidamada is hor-fadhiya.
Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.