
Haweeney Seygeeda ku sumeysay magaalada Beledweyn
Taliyaha Saldhigga Galbeed ee magaalada Beledweyn dhame C/qaadir Maxamed Axmed ayaa sheegay in haweeneyda la soo qabtay ay ninkeeda sun ugu dartay caano, isla markaana xalay abaarihii 10-ka habeenimo uu u geeriyooday sunta.
Wararka ayaa sheegaya in Haweeneyda iyo Seygeeda uu ka dhaxeeyay muran, isla markaana dhowr jeer oo hore ay dalbatay inuu furo, hase ahaatee uu isna diidanaa, taasna ay keentay inay sun ugu darto caano.
Sidoo kale waxaa ay Ciidamada Booliska soo qabteen haweeney kale oo iyana la sheegay inay qorsheyneysay inay ninkeeda sun ugu darto caanaha, isla markaana ay iyada iyo haweeneydii dishay seygeeda isla wadeen qorshahaas.
Dhacdadan ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa magaalada Beledweyn, iyadoo meydka ninka la sumeeyay goor dhoweyd lagu aasay duleedka magaalada.
xigasho:-jowhar.com
Haweeney Seygeeda ku sumeysay magaalada Beledweyn
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen Haweeney dishay seygeeda, isla markaana ay u adeegsatay sun ay caano ugu dartay.