Gabar Soomaaliyeed oo Waddanka Australia ku Qabatay Bandhig Dhareed Casri ah [DAAWO]
Zamzam Ducaale oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa ku qabatay habeen hore ku magaalada Melbourne ee dalka Australia, bandhig dhareedkii ugu horeeyay oo casri ah, iyadoo dharka lasoo bandhigay ay ahaayeen kuwo dumarka asturaya.
xigasho:-hiiraan.com
Bandhiggan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne kasoo jeeda jinsiyado iyo dalal kale duwan oo caalamka ah; waxaana dadkii bandhigga goobjoogga ka ahaa ay qaarkood dal-badeen naqashadihii dharka ee lasoo bandhigtay, kuwaas oo u muuqday inay ka heleen.
Sidoo kale, Zamzam ayaa waxay bartay naqshadeynta iyo tolliinka dharka casriga ah ee maanta dunida laga isticmaalo, waxaana ka mid ahaa dharkii xaflada lagu soo bandhigay kuwa aroosyada, kuwa xafladaha lagu tago iyo kuwo kalena, iyadoo dharka lasoo bandhigay ay ahaayeen kuwa dumarku xirtaan.
Haddaba:- DAAWO: Filim iyo Warbixin la Xiriirta Xafladdii Bandhigga Zam-zam: