Golaha Wasiirada oo shirkoodii khamiistii uga hadlay qodobo kala duwan
Warbixintaas ka dib goluhu wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyada isku hortaagan inay muujiyaan walaaltinimo, ayna ku xalistaan wixii khilaafaad ah miis wadahadalka ama geed hoostiis sidii dhaqankeenuba ahaa.
Dhanka kale waxaa warbixinta fatahaadaha Elnino laga dhagaystay wasiirka caafimaadka Marwo Xaawa Xasan Maxamed, iyada oo sheegtay inay nasiib wanaag tahay in roobabkii laga cabsi qabay aysan di’in laakiin loo baahan yahay in laga feejignaado maadaama roobab badan lagu odorasayo inay ka da’aan buuraleyda itoobiya taasoo keeni karta fatahaado badan oo hor leh. Xukuumadduna si gaar ah ayay uga warqabtaa uguna heellan tahay sidii loo badbaadin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee degan deegaanadaas.
Ugu dambeyntii, golaha wasiirada ayaa shirkooda tacsi ugu diray Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo taariikhdu markay aheyd 2-da bishan geeriyooday, waxayna tacsi u direen qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Marxuum Cabdullaahi oo ahaa ruug cadaa Diplomaasiyadeed.
----DHAMMAAD----
Golaha Wasiirada oo shirkoodii khamiistii uga hadlay qodobo kala duwan
Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo uu khamiistii shir gudoominayey Ra'iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte waxaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xaaladda amniga dalka.