SAWIRRO: Bannaanbax dhaqameed ay ka qayb-galeen boqollaal ruux oo lagu Qabtay Muqdisho
Dibadbaxayaasha ayaa kusoo ururay garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, halkaas oo uu kula hadlay nabaddoonka Mukhtaar Sheekh Axmed Maxamed Xasan, sidoo kalena ay ka hadleen wax-garad iyo nabaddoono kale.
"Boqortooyadii deegaannada beesha lagu aqoon jiray way bur-burtay, waxayna u jirtaa maanta magac ahaan, mana aqbali doonno in sidii maqaayadihii oo kale qofkii dhaqaale haysta uu ugu adeegto magaca boqortayadii soo jireenka ahayd; waxaanan gundhignay manta gogosha dhaqanka,” ayuu nabadddoon Mukhtaar Sheekh yiri.
Sidoo kale, nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay dowladda Somalia in ay soo fara-galiso dhibaatada ka dhex-jirta ummaddaan siyaasadda ku milantay; isagoo si gaar ah farriin ugu diray wasiirka arimaha gudaha iyo fadaraalka Somalia.
Ugu dambeyn, odayaashii dhaqan iyo waxgaradkii kale ee ka qayb-galay isku-soo-baxaas ayaa ka hadlay boobka dhaqanka loo geysto, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in wixii maqan si nabad ah lagu raadsho oo aan colaad la horseedin.
SAWIRRO: Bannaanbax dhaqameed ay ka qayb-galeen boqollaal ruux oo lagu Qabtay Muqdisho
Banaanbax oo uu soo qaban-qaabiyay nabadoonka degmada Cadale, nabadoon Mukhtaar Sheekh Axmed Maxamed Xasan, hal-ku-dhiggiisuna ahaa maalinta gundhigga gogosha dhaqanka ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan.