
Shiinaha oo xaqiijiyay in saldhig milateri uu ka dhisanayo dalka Jabuuti
Saraakiil ka tirsan Shiinaha ayaa xaqiijiyay inay meel wanaagsan u marayaan wada hadalada dhex maraya iyaga iyo Jabuuti oo ku saabsan saldhiga milateri ee ay ka sameynayaan Jabuuti.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha Col. Wu Qian ayaa sheegay in saldhigan uu Shiinaha ka caawin doono dhinaca sahayda, kaasoo muddo dheer ay maraakiibta shiinaha dhibaato ku qabeen helista dhinaca shidaalka iyo saadka shaqaalaha maraakiibtooda.
Illaa 60 maraakiib kuwa dagaalka ah ayay Shiinaha u soo direen Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed sanadkii 2008-dii, si ay ula dagaalamaan burcad badeedka, isla markaana u ilaaliyaan maraakiibtooda ganacsiga iyo kuwa saliida.
Col. Wu Qian ayaa sheegay saldhigan uu ka qeyb qaadan doono shidaal qaadashada maraakiibta iyo diyaaradaha Milatari ee Shiinaha, waxey yeelan doonaan meelo ay ku nastaan ciidamada Shiinaha oo ay isku abaabulaan marka ay howlgallo ka fulinayaan Africa, iyo keydad cunto.
"Xarumahan la dhisayo waxey ka caawin doonaan ciidamada Shiinaha, inay kaalin mug leh ku yeeshaan howlgalada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, inay fuliyaan howlgallo ay ku ilaalinayaan maraakiibta mareysa xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed, isla markaana ay bixiyaan kaalmo bani’aadnimo, waxey shiinaha ka caawin doonaan gudashada waajibaadyada caalamiga ah, si ey gacan uga geystaan nabadda iyo xasiloonida gobolka: ayuu yiriAfhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha Col. Wu Qian.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shiinaha uu kaalin muuqata ka qaatan doono xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida gobolka.
Saraakiil sare sare oo ciidamada difaaca Shiinaha ka tirsan ayaa bishan booqday Shiinaha, waxaana wafdigan hogaaminayay Gen, Fang Fengui oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada difaaca, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale sarkaalkan sare iyo saraakiil kale ayaa kormeeray saldhigyo milateri oo aan la carabaabin oo ku yaal Jabuuti
Saraakiil u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay inay ka war qabaan wada hadalka u socda Shiinaha iyo Jabuuti ee ku saabsan saldhiga Shiinaha ka dhisanayaan dalka Jabuuti.
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. David Rodriguez ayaa sheegay in Shiinaha ay muddo 10-sano ay heshiis kula galeen Jabuuti inay saldhig Milateri ka sameystaan dalkooda.
"Waxay saldhig ka sameynayaan Jabuuti, waa markii u horeysay oo Shiinaha saldhig milateri ka sameysto Africa”ayuu yiri Gen. David Rodriguez oo intaa ku daray in dhaq dhaqaaqyada milateri ee Shiinaha aanu sidaas u muuqan, balse saldhigan uu ka caawin doono inay howlahooda sii dheereystaan.
Mareykanka, Faransiiska oo horay u gumeystay Jabuuti iyo Japan ayaa ah dalalka kaliya ee saldhiga ku leh Jabuuti, waxaana sidoo kale isticmaala Dekadaha Jabuuti maraakiibta dagaalka ee dowladaha midowga yurub ee qeybta ka ah la dagaalanka Burcad badeedka xeebaha Soomaaliya.
Shiinaha oo xaqiijiyay in saldhig milateri uu ka dhisanayo dalka Jabuuti
Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay inay qorsheyneyso in saldhig milateri ka dhisato Soomaaliya, kaasoo taageeri doona howl galada Shiinaha ka wado gacanka cadmeed ee la dagaalanka burcad badeedka