Wasiir ka tirsan maamulka K/Galbeed Soomaaliya oo war culus ka soo saaray miraha laga dhaxlayo nidaamka Federaalka
Wasiirka Ganacsiga maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/llaahi Sheekh Xasan ayaa war uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu si kulul uga hadlay nidaamka Federaalka ee Soomaaliya xilligaan qaadatay, taasi oo uu sheegay inuu horseedayo colaad hor leh iyo xaalad ka daran midii qabiil qabiilka.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in dadaaladii lagu doonayay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo awood leh aanay marnaba dhismi karin, bacdamaa haatan ay wax ku socdaan in qabiil dowlad laga dhigayo oo loo madax banneynayo inuu isagu sameysto maamulkiisa.
Wasiir Cabdullaahi oo si gaar ah uga hadlayay dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo inay yihiin mirihii laga dhaxlay federaalka, isagoona rajo ka muujiyay in waxgaradka iyo odayaasha ay hakiyaan dagaalada sokeeye, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay sidaan:-
Xiisada Gaalkaciyo waa mirihii Fadaraalka hadii 25sano ree hebel leeysu dilaayay marki Dadku fahmeen diin ahaan iyo dan ahaanba eey ku qasaareen iskana daayeen bilaabeena in eey Dowladnimo ka fikiraan lana soo dhisay xukumadi ugu horeeysay 10 sano kadib taas oo ku dhalatay Dadadaalkii eey walaalaha Jabuti shacab iyo xukumadba aaney ukala herin ayada oo caalamka intiisa kale eey isha ka daawaneyeen ha ugu sokeeyan kuwa aanu isku diinta nahay ee carbeed isla markaasna Jaamacatul carab ayaad kamid tihiin nagu yiri waxa eey u cun tami weysay Deriska Somalia oo ku diirsanaayay in kursiga Somalia ow asaga oon cidi ku fadhin iska dhex yiilay Shirka midowga Africa kadibna waxa eey u yeereen Somalidi ayaga oo usheegay in aaney Dowladi u dhisneeyn loona baahanyahay in Dowlad loo dhiso.
 Aduunyada Jabhado waa kajiri jireen laakiin waxa laheshiisiin jiray jabhadaha iyo xukumada Dagaaku ka dhexeeyo Somaliase waxa looga odayeeyay in Dowlada dhisani ay jabhadaha raacdo.
Jabhadihina waxa loo sheegay in aan Dani ugu jirin midnimo iyo xukumad wadanka maa musha sidaasi Darteed in Dowlad Gobaleedyo loo dhiso xuduudana eey kala yeeshaan sidaasi darteed waxa muuqata hadii beel beel in loo dagaalo laga ilbaxay in ow bilaawday mid Dowlad Gobaleed iyo murano xuduudeed.
Si kastaba hanoqotee waxan rejeeynayaa in waxgaradka Somaliyeed eey fahmi doonaa hagar daamada cusub ee loo dhigay.
Allana waxan kabaryaa in ow kala badbaadiyo Ummada S0omaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa hadda khilaafku ka dhex jiro ee Gaalkaciyo ku wada nool.
Wasiir ka tirsan maamulka K/Galbeed Soomaaliya oo war culus ka soo saaray miraha laga dhaxlayo nidaamka Federaalka
Xaaladda dalka Soomaaliya oo marxalado kala aduwan soo martay muddo 25-sano kaddib isla markaana ay ka dhalatay dowlad rasmi ah ayaa u muuqata mid cagta saareysa xaalad ka daran midii ay ku soo jirtay sanadadii la soo dhaafay, kaddib markii nidaamka