Saraakiil ka tirsan ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegay in qabashada dhalinyaradan ay doonayeen inay ku biiraan Al-Shabaab.
Sawiradan dhalinyaradan ayaa lagu soo bandhigtay barta Facebook ee ay leeyihiin Ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaano PSF.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dhalinyarada laga qabtay duleedka magaalada Garowe inay Tahriib u socdeen.
Puntland ayaa dagaalo kula jirta Al-Shabaabka ku sugan dhulka buuraleyda Gobolka Bari, waxaana maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland howl gallo ka wadeen buuraha Galgala.
Ciidamada Puntland oo qabtay 14 dhalinyaro la sheegay inay u socday Al-Shabaabka Galgala
Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa duleedka magaalada Garowe ku qabtay illaa 14 dhalinyaro ah oo ay sheegeen inay u socdeen Buuraha Calmadow oo saldhig u ah Kooxda Al-Shabaab.