Dowladda Soomaaliya oo lumisay mid ka mid ah xiriirada caalamka

0
Friday November 27, 2015 - 08:35:53 in Wararka by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo lumisay mid ka mid ah xiriirada caalamka

    Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa ka furmay shir caalamiga ah oo ay ka qeyb gelayaan dowladaha leh badaha, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax Xersi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa ka furmay shir caalamiga ah oo ay ka qeyb gelayaan dowladaha leh badaha, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax Xersi iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo u waramayay warbaahinta Dowladda isagoo ku sugan magaalada London ayaa ka warbixiyay shirkaasi iyo waxyaabaha looga hadlayo, isagoona sheegay in shirkaasi ay soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan badaha ee magaceeda loo soo gaabiyo IMO.

Shirkaan oo magaalada London ka furmay 23-kii bishaan ayaa la soo gabagabeynayaa 2-da bisha December 2015-ka, wuxuuna Wasiirku sheegay in shirarka noocaan aanay Soomaaliya ka qeyb gelin muddo 18-sano ah.

"Marka hore waxaan dadaal u gelayaa in Soomaaliya laga cafiyo kharajka lagu leeyahay oo muddo 18-sano ah aanay bixin, markaas kaddib guddiga shirka ayaa cod u qaadanaya soo jeedinteyda” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka oo jagadaan haya muddo ku dhow hal sano, ayaa sheegay in wasaaradiisu shaqaalaha ka howlgala aanay lahayn khibradda badaha iyo Dekedaha, isagoona sheegay inuu dadaal u gelayo sidii ay u heli lahaayeen tababaro.

Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya mudadii saddexda sano ahayd ay ku fashilantay inay hagaajiso wasaaradaheeda, iyadoo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Wasaaradaha Dowladda ay ka timid bedelka faraha badan ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hayo Ra’iisal Wasaarayaashii howlahaasi fulin lahaa.

XIGASHO:- SOMALIWEYN.COM



 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip