Golaha Wasiirada ee Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyada Sanadka 2016

0
Thursday November 26, 2015 - 20:24:37 in Wararka by
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada ee Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyada Sanadka 2016

    Sida ku xusanSharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96,sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aadee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka;Wasiirka Maaliyadda J.S.L Marwo Zamzam Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku xusanSharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96,sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aadee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka;Wasiirka Maaliyadda J.S.L Marwo Zamzam Cabdi Aadan, maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2015-ka waxay Shirkii Golaha Wasiirrada hor keentay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka.

 Shirkan Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirkan goob-jooga ka ahaa ayaa waxa dhammaantoodba loo qaybiyey nuqul ka mid ah Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka.

8

Buugga Odoroska Miisaaniyadda, oo run ahaantii si qoto dheer oo aad u cilmiyaysan loo soo agaasimay, waxa Golaha Wasiirrada si khibrad iyo farshaxannimo leh uga hor akhriyeyWasiirka Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan, Wasiiru-Dawlihii hore ee MaaliyaddaMudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani)iyoweliba koox-dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah oo ka socday Waaxaha Miisaaniyadda iyo Qorshaynta ee Wasaarradda Maaliyadda.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan waxay si qoto dheer u faah-faahisay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka taasoo ka kooban:

9

 

  1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe,
  2. Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda,
  3. Miisaaniyadda Dawladda Hoose,
  4. Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
  5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG).

 

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadkan 2016-ka ee ay Wasiir Zamzam hor keentay Golaha Wasiirrada waxay ahaydMiisaaniyaddii 24-aad ee uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yeesho, waxaynaMiisaaniyaddani ka badan tahayMiisaaniyaddii sannadka 2015-ka 13%(boqolkiiba saddex iyo toban).

Sidoo kale, Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka, waxa la socday Siyaasaddii Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, oo ay soo diyaariyeenGuddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka.

10

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, meelaha sannadkan muhimadda gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah:

 

1)Nabadgelyada iyo Garsoorka,

2)Waddooyinka iyo Biyaha,

3)Caafimaadka iyo Daryeelka,

4)Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka,

5)Dhulka iyo Beeraha,

6)Dhiirri-gelinta Wax soo Saarka Dalka,

7)Tayeynta iyo Fidinta Maamulka,

8)Aqoonsi Raadiska iyo Doorashooyinka,

9)Maal-gashiga,

10)Dakhliga iyo Hantida Dawladda.

 

Dakhliga Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka:

 

No Hay’adda SLSh. US Dollars
1. Dawladda Dhexe 1,218,000,000,000 203,000,000
2. Hay’adaha Madaxa-bannaan 226,580,189,543 37,763,365
3. Dawladda Hoose 189,609,406,597 31,601,568
4. Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 109,861,212,000 18,310,202
5. Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 27,630,234,000 4,605,039
Grand Total 1,771,681,042,140 295,280,174

 

Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka Jam. Somaliland, iyagoo ka duulaya baahiyaha guud ee uu Qaranku leeyahay iyo meelaha u baahan in la siiyo mudnaan gaar ah, shirkii Golaha Wasiirrada ee 26.11.2015, ayaa waxa isaguna hadal waafiya ka soo jeediyeyWasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdioo 5-tii sano ee ugu dambeeyey ka mid ahaa Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu si khibrad leh oo qoto dheer uga sheekeeyey qaabka iyo hannaanka ay u shaqaynayeenGuddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qarankushantii sano ee ina soo dhaafay iyo sida ay Guddidu mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad u siinayeen halka ay ku jiraan danta Qaranka iyo masaaliixda ummaddu.

 

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu iftiimiyey in GuddidaSiyaasadda Miisaaniyadda Qarankuaanay iyagu ahayn kuwa jaan-gooya, go’aamiya, qayb-qaybiya ama u qoondeeya sadka iyo saamiga miisaaniyadeed ee ay Wasaarad iyo Hay’ad kasta heli doonto. Wasiirku wuxuu sheegay tallaabo kasta oo ay qaadayaan oo khusaysa jaan-goynta Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, inay marka hore Guddi ahaan si taxadir leh uga baaraan degaan cidda ay saamayn ku yeelanayso. Gabagabadii hadalkiisa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku booriyey ina u codeeyaan Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016-ka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MudaneAxmed Maxamed Maxamuud Silaanyooo isagu khibrad badan iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ayaa wuxuu si aad u qoto dheer ula socday sharraxaadii ay Wasiirka iyo Saraakiishii Wasaaradda Maaliyaddu ka bixinayeen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in loo codeeyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka kaasoo Wasiir Zamzam Cabdi Aadan ay hor keentay Golaha Wasiirrada.

 

Kaddibna Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirka goob-jooga ahaa ayaan iyagu guud ahaanba u kala hadhin ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka, dhammaantoodna way u codeeyeen, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip