WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA LUULYO 2017KA

0
Sunday July 09, 2017 - 05:42:30 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA LUULYO 2017KA

    KHUDBADDII FURITAANKA KALFADHIGA 2AAD EE GOALAH SHACABKA Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHUDBADDII FURITAANKA KALFADHIGA 2AAD EE GOALAH SHACABKA Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiye kuxigeennada iyo Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka

Xubnaha Golaha Aqalka Sare

Madaxweynayaasha Dowladgoboleedyada

Danjireyaasha martida inoo ah

iyo dhammaan martisharafta kale

Assalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wa Barakaatuhu

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Marka hore, waxaa mahad leh EEBBE oo noo suurtogeliyey inaan maanta oo ah Sabti, 8dii Luuliyo 2017ka, isugu nimaadno kulanka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Marka labaad, waxaan u mahadnaqayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fursaddaan qaaIiga ah i siiyey, si aan u furo kalfadhigaan, taas oo ka mid ah waajibaadkeyga Madaxweyne ee dastuuriga ah.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee Xilldhibaan Siciid Xasan Geeddi iyo Xildhibaan Cabbaas Cabdullahi Shiikh Siraaji oo inagala qeybgalay Kalfidhigii 1aad ee Golaha Shacabka. Ilaahay ha u naxariisto, ehelladoodiina samir iyo imaan haka siiyo.

Kalfadhigii hore, labada gole ee Baarlamaanku waxay si habsami leh u dhameystireen nidaamkii doorashada dalka iyo isbedelkii dowladda oo ay ku soo gunaanadeen Doorashadii madaxweynaha dalka iyo ansixintii Ra’iisul Wasaarraha iyo Golaha Wasiirrada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynayaasha Dowladgoboleedyada oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay suurtogelinta isbadelkaas taariikhiga ah. Waxaa ilaahay mahaddiisa in si nabad iyo xasillooni ah uu noogu dhammaaday isbadelkaas.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Si aan uga miradhalinno balanqaadyadii aan u sameyney shacabka Soomaaliyeed iyo dareenkii ay muujiyeen bulshadu kadib doorashadii 8dii bisha feberaayo 2017 ka, waa inaan wadashaqeyneynaa innagoo gacmaha isheysanna, una badalnaa taageerada iyo guubaabada shacabka waxqabad mug leh. Waa inaan guulo la taaban karo ka soo hoyinnaa himilooyinka iyo rajooyinka shacabka, si dalka iyo dadku uga baxaan dhibaatooyinka raagaadiyay oo ay ugu horreeyaan nabad la’aanta, cadaaladdarrada, musuqmaasuqa iyo saboolnimada.

Dhibaatooyinkaan, waxaa looga bixi karaa inaan la nimaadno daacadnimo, firfircooni, wadashaqeyn, daahfurnaan iyo islaxisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In kastoo ay jiraan caqabado culculus, haddana waxaa hubaal ah in horumar la gaaray tan iyo markii ay dibusoolaabatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Balse, waqtigaan, hammiga iyo himilada shacabku wey ka duwan tahay middii hore. Waxqabadka iyo horumarka nalaka filayo wuu ka baaxad weyn yahay midkii hore. Sidaa daraadeed, waa in dadaalkeenna iyo waxqabadkeennu ka sii badnaadaan kuwii dowladihii iyo Baarlamaannadii naga horreeyey, si aan guul uga gaarno himilooyinka shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyaan.

 Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaan fursad u helnay in aan hoggaanka dalka qabanno. Waa mas’uuliyad aad u baaxad weyn oo ay nagu aamineen dadka Soomaaliyeed, kuwaas, oo innaga sugaya inaan ka dhabeyno ballanqaadyadii aan si wadajir ah dusha u saaranay. Waxaa taariikhdu qori doontaa, isla markaasna shacabku nagu qiimeyn doonaan waxqabadwadareedkeenna iyo guulaha si wadajir ah aynu uga soo hoyno xallinta dhibaatooyinka ragaadiyay ee dalkeenna iyo dadkeenna.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Muddadii koobneyd ee dowladdu jirtay, waxaa noo qabsoomay howlo dowladnimada muhiim u ah sida:

• Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Barlamaanka, xukuukamdda, hay'adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah

• Ka guul gaaridda xakameynta hubka sharcidarrada ah

• Howlgelinta ciidammo gaar u ah nabadeynta Caasimadda

• Xoojinta wadashaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowladogoboleedyada.

• Qaadidda jidgooyooyin sharcidarro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka

• Ka soo hoyinta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London. Guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maalgaliyaan deeqbixiyayaasha

• Dibuhanashada saxiixa deeqaha ku baxa magaca Soomaaliya. Awooddaas oo muddo dheer gacanteenna ka maqneyd.

• Dhameystirka heshiiskii duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

• Dibusoocelinta duulimaadkii habeennimo ee garoonka Muqdisho.

• Dhameystirka dibuhanashada maamulka hawada Soomaaliyeed ka hor dhammaadka sanadka.

• Guul ka gaarista in aan heshiis la galno dhowr waddan oo ay ku dhibaataysnaayeen maxaabiis Soomaaliyeed si xurriyadoodii loogu soo celiyo. Dufcadii koowaad waxaan dib ugu soo celinaynaa maalmaha soo socda Insha Allaah.

• Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda.

• Qabsoomidda shirar gogol xaar u ah dibuheshiisiin dhab ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaa kale oo na horyaalla howlo aad iyo aad u baaxad weyn. Howlahaasi, waa kuwa naga wadadhaxeeya oo aan Golaha Shacabka la’aantiis horumar laga gaari karin. Howlahaas waxaa ka mid ah:

1) Dibueegista iyo aftiuqaadidda dastuurka,

2) Dhameystirka federaalaynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka,

3) Hirgelinta Xisbiyo Siyaasadeed iyo gaaritaanka qof iyo cod 2021,

4) Dhisidda guddiyada madaxabannaan ee dastuuriga ah ee dhimman,

5) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda,

6) Isla meeldhigidda habka loo wadaagayo khayraadka dalka,

7) Dibuhabeynta hay’adaha garsoorka, iyo

8) Ansixinta shuruucda hortabinta u leh Xukuumadda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dowladdu waxay xoogga saareysaa toddobada qodob ee soo socda:

1) Dibuxasilinta dalka;

2) Dibuhabeynta garsoorka;

3) Dibudhiska kaabayaasha dhaqaalaha;

4) Dhameystirka federaaleynta & Dimuqaraadiyeynta dalka;

5) Xoojinta Xiriirka Caalamiga;

6) Dibuhabeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda;

7) Dibuheshiisiinta dadka Soomaliyeed.

Si aan higsigaas uga miradhalinno, waxaa lagama maarmaan ah in aan u abbaarno si wadajir ah. Waxaa xusid mudan in lixdaas qodob ay leeyihin ahmiyad siman, loona baahan yahay in dhammaantood laga gaaro natijooyin waxkuool ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Nabad La’aani waa Nololla’aan. Sidaa daraadeed, aan ku hormaro hiigsiga dibuxasilinta dalka.

Si aan u gaarno, waxaan ku guda jirnaa ka howlgalka:

1) Dejinta shuruucda iyo qorshayaasha hay’adaha amniga

2) Wacyigelinta iyo dhaqancelinta dhalinyarada marinhabaabsan iyo soo dhaweynta xubnaha ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisinimada;

3) Dardargelinta olalaha la dagaalanka argagixisada iyo fikirkooda gurracaan ee ay ku marinhabaabinayaan dadkeenna;

4) Dibudhiska, iskudhafka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka qaranka iyo hay’adaha amniga, si aan u gaarno isku filnaansho ugana kaaftoonno ciidamada AMISOM ee hadda ina taakuleeya

5) Kahortagga maalgalinta iyo gacansiinta fikirka argagaxnimada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay istiraatijiyad ku saleysan geesinnimo, dhiirranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo qaranka. Annagoo taas ka duuleyna, waxaan abbaari doonnaa wadadii lagu heli lahaa hay’ado amni iyo ciidan waxkuool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka Soomaaliyeed. 

Hay’adaha amniga iyo saraakiishooda, waxaa looga fadhiyaa sidii ay u dejin lahaayeen siyaasado iyo qorsheyaal shaqo oo waxtar leh, diiradana saara helista xog looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka. Sidoo kale, fikirka cusub ee aan dooneyno wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in amnigu uu yahay danta guud, qof walbana laga doonayo in uu ka qeyb qaato. Si taas looga mirodhaliyo, waxaa lagamamaarmaan ah sameynta dadaaal baaxad leh oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dhismaha gaarsoor loo siman yahay waa hiigsiga labaad lamana gaari karo haddii aan la helin cadaalad iyo garsoor baahsan, kalsooni lagu qabo, dhowrana xuquuqda muwaadinka goob walba iyo goor kasta. Si hiigsigaas loo gaaro, waxaan bilownay qorshe ballaaran oo aan wax uga badaleyno garsoorka iyo cadaaladda. Waxaa xaqiiqa ah in ummadi gaari karin horumar, haddaysan lahayn nidaam cadaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka ilaaliyana naftiisa iyo hantidiisa. Waxaa kaloo hubaal ah in cadaaladdarradu ay qeyb weyn ka aheyd sababaha keenay burburka iyo isaamin la’aanta aafesay midnimada iyo amniga ummadda Soomaaliyeed.

Si aan u gaarno waxaan ka howlgaleynaa:

1) Dhameystirka sharciyada iyo habraacyada khuseeya hay’adaha garsoorka

2) Dibuhabeynta iyo tayeynta hay’adaha iyo howlwadeenndada garsoorka

3) Hirgelinta nidaam garsoor oo baahsan, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharicga

4) Islaxisaabtanka iyo ciribtirka dhaqanka musuqmaasuqa iyo eexda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Cadaaladda ma hormarin karno haddii aynaan si adag ula dagaalamin musuqmaasuqa iyo waxisdabamarinta. Sidoo kale, dowladdu ma gudan karto waajibaadkii loo idmaday inta uu musuqmaasuq ka jiro hay'adaha dowladda gaar ahaan kuwa garsoorka. Waxaan bilwonay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha garsoorka dalka si aan dib ugu hanano kalsoonida shacabka. Waxaa naga go’an ciribtirka dhaqanka musuqmaasuqa nuuc walba, heer walba iyo goob walba, si dib loogu hanto garsoor loo siman yahay, loona gaaro dowladwanaag iyo daahfurnaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dibudhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ah qodobka saddexaad, wuxuu u udubdhexaad u yahay dabargoynta saboolnimada, iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, shaqoabuurka, waxsoosaarka, horumarinta tacliinta iyo caafimaadka iyo ka faa'ideysiga khayraadka dalka.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah ee waxaa abuuray colaadaha, iyo xasiloonidarrada ragaaday oo rajobeel iyo darxumo ku noqday ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo danyarta.

Si aan uga miradhalinno dibudhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ku howlannahay:

1) Hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka

2) Dhiirigelinta maalgashiga iyo abuuridda jawi kordhiya dhaqdhaqaaqa ganacsiga

3) Dibudhiska tiirarka dhaqaalaha gaar ahaan kuwa loo isticmalo waxsoosaarka

4) Kobcinta iyo suuqgeynta khayraadka dalka, sida xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ah

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta waxaa udubdhexaad u yahay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod sanadka 2021, si loo gaaro dimuquraadiyad ku saleysan rabitaanka iyo awooddadoorasho ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo wareegay 50 sano ku dhawaad doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan oo wali saameyn ku leh dalka iyo dadkaba. Nasiib wanaag, sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo dhanka doorashada xubnaha Baarlamanka iyo hoggaanka sare ee dalka. Doorashadii bilowga sanadkan, waxaa suurtogal noqday in Xildhibaanada intooda badan laga soo doorto dowladgoboleedyadii iyo degaanadii ay wakiilka ka ahaayeen, si doorasho dadban ah.

Si aan u dardargalinno howlaha federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta, waxaan ku howlannahay:

1) Isla meeldhiggidda qorshaha lagu fulinayo geeddi socodka dibueegista dastuurka

2) Dhameystirka sharciyada iyo Guddiyada dhimman ee doorashooyinka Qof iyo Cod

3) Habka & Geeddi socodka loo hirgelinayo Nidaam Siyaasadeedka Xisbiyada badan

4) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda

5) U diyaargarowga tirakoobka, afti u qaadidda dastuurka, si loo gaaro doorashada qof iyo cod 2021

Waxaa xaqiiqa ah in howlo iyo dadaallo culusi ka horeeyaan gaaridda hiigsiga federaaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka. Si aan uga gudubno caqabadaas, waa inaan u wajahno si wadaninimo iyo geesinimo leh.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Xoojinta xiriirka caalamiga waxaa saldhig u ah xiriir caalamiya oo miisaaman, ku saleysan isqadarin iyo isfaham, innaggoo mar walba horumarineyna danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed, waxaan xoojinay xiriirka aynu la leenahay caalamka, gaar ahaan waddamada aan deriska nahay, dowladaha Carabta, caalamka Islaamka, iyo wadamadda aan xiriirka dhow leenahay, dhanka iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, xiriirkaasi oo ah mid miisaaman, hormarinayana danta dalka iyo dadka.

Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa Heshiiska Barbara, waxaan caddeynayaa qodobadaan:

1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7aad, faqradiisa 2aad, 4aad iyo 5aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8dii feberaayo, 2017 kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.

3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dibuhabeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda oo ah hiigsiga lixaad, waxaa udubdhexaad u ah helitaanka hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaamka iyo sharciga dalka, si hufanna u guta waajibaadkooda shaqo. Hay’adaha dowladda waxaa saamayn baahsan ku yeeshay burburkii muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta aan aheyn.

Si loo meelmariyo barnaamijyada iyo qorshehowleedyada dowladda, waxaa lama huraan ah in dib loo yagleelo haykalkii hay’adaha dowladda.

Si aan u gaarno higsigaas, waxaa lagama maaraan ah:

1) In qiimeyn baaxad leh lagu sameeyo tayada, baahida iyo caqabadaha horyaal Hay’adaha Dowladda;

2) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda;

3) In la kordhiyo tayada shaqaalaha rayidka ah, laguna kabo xirfadley iyo xeeldheerayaal;

4) In la dayactiro xarumaha Wasaarradaha lana howlgeliyo aaladaha teknoolajiyada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Haddaba, si aan u xaqiijinno ballan qaadyadeennii, waxaan ka codsanaya Golaha Shacabka ee sharafta leh in ay ansixiyaan 15ka hindisesharciyeed oo ay dhawaan Xukuumaddu idin hor keeni doonto. Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in haddii hay’adaha dastuuriga ahi ay ka wada ambaqaadan hadaf mideysan aynu gaarneyo natiijooyinka waxqabad ee shacabku naga filayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.    Dhammaad


GUDDOOMIYE TAABID "MAQAAMKA MUQDISHO WAA HOWL DUSHA U SAARAN BAARLAMAANKA 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa khudbad ka jeediyay Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, kaasoo maanta uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiye Taabid ayaa ugu horeyn sheegay in Baarlamaanka uu horyaalo howlo qaran oo culus, isagoo soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Muqdisho iyo sida ay tahay in lagu helo, iyadoo loo marayo sida dastuurka qabo.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda, ayna ku nool yihiin in ku dhow 3 milyan oo ruux, waxaa uu xusay in nidaamka federaalka uu dhigayo in maqaam gaar ah ay yeelato, sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka.

"Maqaamka Muqdisho wuxuu ku dhismi karaa labo shaqo oo waa weyn, mid waa dib u eegista dastuurka iyo go’aan ka gaarista maqaamka magaalo madaxda dalka, go’aanka maqaamka iyo soo saarista sharciyadeeda gaarka ah wuxuu dusha u saaran yahay Xildhibaanada Golaha shacabka”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu geed gaaban iyo geed dheer u fuuli doono wada tashiga qeybaha dadka reer Muqdisho uu xusay inay yihiin shacab adkeysi badan, dulqaad badan canshuurta bixiya, isla markaana diyaar u yihiin in gacan laga siiyo maqaamka dastuuriga ee loo ogol yahay magaalo madaxda Soomaaliya.

Arrinta Maqaamka Caasimadda ayaa aheyd mid muddooyinkii u dambeeyay si aad ah loo hadal hayay, iyadoo siyaasiyiin dhowr ay horboodayeen, sidii xuquuqda ka maqan Caasimada loo raadin lahaa.Gobolka Banaadir ayaa tallaab u qaaday inuu helo mataaladii dhinaca siyaasada, iyadoo markii u horeysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu miiska soo saaray matalaadii Gobolka ku lahaa shirarka lagu jaangoynayo siyaasada dalka, halka Madashii horena ay ku xaqirnaayeen matalaadii shirarka

MIDOWGA YURUB OO LACAG UGU DEEQAY SOOMAALIYA 

Midowga yurub ayaa ku dhawaaqay in ay kaalmo bini’aadnimo oo dheeri ah ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.

Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro.

Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa.Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada bini’aadnimo iyo ka hortagga musiibooyinka Midowga yurub ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan codsi horay ugu yimid isla markaana ay badbaadinayaan nolosha dad badan oo ay abaartu ay saameeysay oo ku nool wadamadaasi dhaca bari afrika.

kaalmadaan dheeriga ah ee midowga yurub ay ku dhawaaqeen ayaana lagu caawin doonaa dadka ay saameeysay abaarta,Iyadoona lacagtaa loogu soo iibin doono cunno iyo daawooyin looga hortagaayo nafaqo darrada ku dhacday carruurta ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay wadamadaasi

MAGAFE SOMALI AH OO LAGU  WAREEJIYEY D/SOMALIYA.

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa loo gacan geliyay mid ka mid ah kooxaha Somalida ee dadka tahriibiya, ka dib markii lagu qabtay Magaalada Juba ee Xarunta Wadanka Koonfurta Sudan. Danjire Xuseen Xaaji Axmed, Danjiraha Somaliya ee Koonfurta Sudan, ayaa xaqiijiyay in ninkani ay Dowladda Koonfurta Sudan ku soo wareejisay Dowladda Somaliya. Ka hor inta aan Somaliya lagu soo wareejin, ayuu sheegay in shan cisho ka hor lagu qabtay Magaalada Juba.

Danjiraha, ayaa sheegay in hay’ado shisheeye oo dhanka ammaanka ahi ay iska kaashadeen soo qabashada ninkaasi, oo madax u ahaa kooxaha wax tahriibiya ee ku sugan Koonfurta Sudan, xiriirna la lahaa magafeyaasha dalka Libya.

Sidoo kale wuxuu sheegay ninkani in uu ahaa nin aad isu qariya, mararka qaarkoodna uu u carari jiray xadka Koonfurta Sudan la wadaago dalka Uganda, waa xilliyada ay Koonfurta Sudan ka socdaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha wax tahriibiya.

Ninka la qabtay oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdulle, da’diisuna ay u dhaxeyso 40 illaa 45 jir, ayuu Safiirka Somaliya ee Koonfurta Sudan sheegay intii muddo ahba in lagu daba joogay, ugu dambeena la ogaaday in uu ku sugan yahay Caasimadda Juba, sidaasina lagu soo qabtay.

Safiirka, ayaa tilmaamay in ninkan uu ka masuul yahay fal dembiyeedyo ka kala dhacay labada Sudan sanadihii la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin dil, kufsi iyo tacadiyo kaloo badan.

Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo u waramay VOA, ayaa sababta C/qaadir Cumar loogu soo wareejiyay Dowladda Somaliya ku macneeyay, iyadoo u haysato dembiyo ugu badan oo uu Somaliya ka galay.

Danjiraha, ayaa wuxuu iftiimiyay maadaama uu ninkani Somali yahay in dalka lagu maxkamadayn doono, dalalka shisheeyena ay ku qanciyeen in dembiyada ay u haystaan, mid ka weyni inay Somaliya u haysato.

WASIIRKA AMIGA KENYA OO GEERIYOODAY .

Dowladda Kenya ayaa goor dhaw xaqiijisay inuu geeriyooday Wasiirkii Amniga Kenya, Joseph Nkaissery, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Masuuliyiinta Kenya ayaa si aad ah uga gaabsaday inay faah faahiyaan sababta keentay geerida Wasiirka oo shalay uun ka qaybgalay isku soo baxay ka dhacay fagaaraha Uhuru Park.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu xalay waqti dambe tagey Isbitaalka Karen, halkaasi oo xaaladiisa guud ee caafimaadka baaritaan uu isugu sameynaayay.

Illaa hadda waxaanan cadayn sababta geerida Wasiirka oo isaga oo caafimaad qaba tagey Isbitaalka, kadibna saaka aroortii la xaqiijiyay inuu halkaasi ku dhintay.

Meydka Wasiirka ayaa hadda waxaa lagu sameynayaa baaritaan dheeri ah, si loo ogaado waxa sababay geeridiisa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegtay inay dib ka faah faahin doonto geerida Joseph Nkaissery.

WARIIYE CUMAR SEERBIYA OO LAGU XIRAY HARGEYSA XILLI UU MUQDISHO KA SOO LAABTAY 

`Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya), ayaa duhurnimadii maanta lagu xiray Magaalada Hargeysa, wax yar uun ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Cigaal.

Ciidamada Booliska, ayaa Wariye Cumar Seerbiya u sheegay in uu xarig yahay, ka dib markii ay Garoonka Cigaal ka soo cago dhigatay diyaarad uu ka soo raacay Magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo muddooyinkanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa ka hawlgelayay Telefishinka iyo Idaacadda Goobjoog, oo fadhigeedu yahay Caasimadda Muqdisho.

Lama garanayo ujeedada ka dambeysa xariga Wariyaha, balse waxaa loo maleynaya in lagu haysto aadista Magaalada Muqdisho, maadaama uu deegaan ahaan ka soo jeedo Somaliland.

Wariyeyaasha Magaalada Hargeysa, ayaa soo sheegaya inaanay weli Xukuumadda Somaliland wax war ahi ka soo saarin xariga Suxufiga Cumar Seerbiya.

15kii bishii February, ayay ahayd markii Magaalada Hargeysa lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon, xilli uu ka soo laabtay Magaalada Muqdisho.

ILLAA SHAN DHALINYARO OO ISKU QOYS AHAA OO LAGU DILAY DULEEDKA MUQDISHO

Wararka ka imaanaya deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen illaa shan ruux oo ahaa dhalinyaro isku qoys ahaa.

Dhalinyaradan ayaa la socday gaari yar, waxayna ka soo laabteen Meyd ay ku soo aasayeen duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya gaari ay wateen kooxo hubeysan ay ku horgooyeen gaarigii ay la socdeen dhalinyaradan, kadibna ay rasaas ku harqiyeen.

Dhalinyarada la laayay ayaa afar ka mid ah isku qoys ahaa, waxaana la sheegay inay ka soo jeedaan qoyska reer Xaaji Gaabow oo ah Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho

Magacyada dhalinyarada la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Caadi Xaaji Gaabow iyo Cabdi Jibaar Xaaji Gaabow iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare.

Lama oga illaa iyo hada sababta loo dilay iyo kooxda ka dambeysa, hase ahaatee waxay arrintan xaalad naxdin leh ku abuurtay qoyska ay ka baxeen.

WASIIRKA BOOSTADA OO KA HADLAY SHARCIGA ISGAARSIINTA 

Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagu hirgalinaayo in loo sameeyo sharciga isgaarsiinta dalka, iyadoo in muda ah uu ka maqanyahay internetka koofurta iyo bartamada Soomaaliya

Wasiirka Boostada Isgaarsinta iyo Tiknoolajiyadda xukumada fedrelka Soomaaliya Ijineer Cabdi Xasan Canshuur ayaa ugu horay waxa uu ka hadlay muhiimada uu u leyahay shaciga isgaarsinta dalka Umada Soomaaliyeed, waxaana xusay in ku dhawaad tobon malyan ay qasaaraan maalintiba bulshada soomaaliyeed

Injineer Cabdi Xasan Canshuur wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada xukumada Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay saameyntii kala dhalatay isgaarsinta ay tahay mid baaxad leh loona bahanayahay sida looga hortagi lahaa dhacdadaan oo kale iyo sida loo ilaalin lahaa xaquuqaha bulshada iyo shirkadaha ganacsi waxa ay xaqa u leeyihin.

Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukumadda Soomaaliya ayaa waxa ay qorsheyneysaa in la dhiso sharciga isgaarssinta dalka taa oo bulshada Soomaaliyeed baahi weyn uqabaan.

XARRAKADA AL SHABAAB OO SAGAAL RUUX KU GOWRACDAY DALKA KENYA 

Dagaalayahanno ka tirsan Alshabaab ayaa Sagaal ruux oo rayid ah ku gowracay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dadkaan la dilay xilli habeen ah, balse Meydadkooda la helay subaxnimdii hore ee saakay, kaddib markiii ay ku soo war galiyeen dadka xaafadda lagu dilay raggaasi.

Afar maalin ka hor ayeey koox looga shakisan yahay in ay ka tirsanayeen Alshabaab waxaa ay saddex sarkaal oo Kenyaan ah ku dileen xaafad ka agdhaw goobta dilkan danbe ee Sagaalka ruux uu ka dhacay.

Goob jooge magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaalkaan qof ee la goowracay.

"Waxaa ay soo weerareen xaafadaha Jima iyo Poromoko waxaa ayna ku dileen sagaal qof oo rag ah waxaa ay u gowraceen sida digaagii oo kale” ayuu yiri goob joogaha in magaciisa la soo xigto.

Weerarada Alshabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba sii xoogeysanaya, waxaana weeraradan danbe imanaya xili dalka uu isku diyaarinayo doorashada madaxtinimada.

WARARKII UGU DANBEEYEY WEERARKII BUURAHA GALGALA IYO DAGAALO KA DHACAY

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen buuraleeydaasi kadib markii ay ciidamadu dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada AlShabaab.

Dagaal mudo saacado ah socday ayaa la sheegay in labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaray,iyada oo ciidamada Puntland ay iska caabin xooggan kala kulmeen dagaalyahanada AlShabaab ee mudada dhowrka Sano ah ku sugan Buuraha Galgala iyo hareeraheeda.

Illaa hadda lama Oga Khasaaraha soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay,iyada oo Puntland Saraakiisha ay sheegayaan in ay Alshabaab ku jabiyeen Dagaalkii ay kula galeen Buuraha Galgala iyo deegaanada hoostaga islamarkaana ay burburiyeen fariisimahoodii.

Wararka hordhaca ah ee soo gaaraya Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamada Puntland ay la wareegeen deegaanka Madarshoon oo Galgala ka xiga dhanka Haylaan ee isla Gobolka Bari in kastoo aan weli AlShabaab aysan ka hadlin.

Warbaahinta ku hadasha Afka madaxtooyada Puntland ayaa baahinayay in dagaaladii halkasi ka dhacay ay Guulo waaweyn ka soo hooyeen Ciidamada Puntland islamarkaana weli dagaaladu ay socdaan,waxana jirin Warar madaxbanaan oo cadeynaya sheegashada Saraakiisha Puntland ee Burburinta Goobo ay Buuraha Galgala kaga sugnaayeen AlShabaab.

Puntland aya haatan wajaheysa dagaalo kaga imaanaya dhanka AlShabaab,waxana Saraakiisha ciidamada Puntland ay horay u sheegeen in ay ka go’an tahay iska difaacida weerar kasta ee kaga yimaada dhanka dagaalyahanada AlShabaab

MADAXDA G20 OO KU DADAALAYA INAY HESHIIS GAARAAN

Madaxda G20 oo kulamo adag ku leh magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka

Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka.

Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag.

Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G20 ayaa socday tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah ay isku dhaceen dibadbaxayaasha.

Booliska magaalada Hamburg ayaa sheegay in ay dhaawacmeen ku dhawaad laba boqol oo askari.

GOORA AYUU FURMAYAA KALFADHIGA LABAAD EE AQALKA SARE?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka.

Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale.

Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya fasaxii ay galeen markii la xiray kalfadhigii koowaad ee Golaha Aqalka Sare

ENG.CBADCANSHUUR XASAN ""MAALIN WALBA 10 MILYAN OO KHASAAE AH AYAA KA DHASHA MAQNAANSHAHA  ITARNETKA 

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in khasaare lixaad leh uu ka dhashay maqnaanshaha Internetka Soomaaliya.

muddo ka badan laba toddobaad ayuu guud ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ka maqan yahay adeegga Internetka Viper Optic kaddib markii uu markab jiiray xargaha soo qaada adeeggaas.

adeegga Viper Opticga ayaa ka qeybqaata dhammaan howlaha hey’adaha dowladda, shirkadaha gaarka ah iyo isku xirka Soomaalida iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya, mudane Eng Cabdi Canshuur Xasan oo wareysi siiyey SNTV, ayaa yiri "khasaaraha ka dhashay maqnaanshaha Internetka waxa uu uu gaarayaa cel celis ahaan maalin walba in la khasaaro 10 Milyan oo Dollar, mudada uu maqan yahayna ay kor u dhaafeyso 130, Milyan waa musoobo weyn arrintaas waxaana ku howlanahay inaan soo gaabinno mudada uu adeegga Internetka sii maqnaan karo”.

Wasiirka Boostada Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in uu Viper Optic isku xiro laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Dhoobleey Soomaaliya, sidoo kale waxa uu tilmamay in hal Xarig oo kaliyah uu yimaado dalka, taasna ay tahay sababta xaaladdaan keentay, laakiin shirkadda Dalcom oo masuul ka ah adeegga Viper Opticga ay kala hadleen sidii looga gaashaaman lahaa in sidaan oo kale ay dib u dhacdo, taas oo keeni karta khasaare ka weyn midka hadda ka dhashay.

"sababaha xoojiyey in xitaa la waayey backup in ay tahay sharci la’aanta dalka ka jirta, waxaan 22kii bishii June golaha wasiirrada geynay sharciga Isgaarsiinta oo ay si akhbaliyad leh ku ogollaadeen, Barlamaanka Soomaaliyeed ee labada aqal waxaan si sharaf leh uga codsanayaa in deg deg ah ay noogu ansixiyaan sharcigan oo meesha ka saari doona wax walba oo ka fog danaha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ogollaanaya ganacsiga xalaasha ah oo ay shirkadaha Soomaaliyeed dhan ku tartami karaan, sidoo kale in meesha laga saaro sida sharci darrada ah ee oo dhaco mar walba hantida shacabka gaar ahaan arrimaga Isgaarsiinta, wasaaradduna ay sii wadi doonto dedaalladeeda” ayuu yiri wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya.

ugu dambeyn Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa xaqiijiyey in toddobaadkaan lagu guuleysan doono cillad bixinta Interterka oo uu yimid markabkii ka shaqeyn lahaa, rajo weynna ay ka qabaan in ugu dambeyn Jimcaha soo socda si dhammeystiran loogu guuleyto xallinta Internetka.

IVAN OO AAD LOOLA YAABEY

Arrin aan hore u dhicin dhinaca diblumaasiyada ayaa gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ee Ivanka Trump ka qayb gashay kulanka wadamada G20 mar lagaga hadlayey arrimo la xidhiidha Afrika iyadda oo mataleysa aabaheed.

Gabdhaha awoodda badan ee ay madaxweynayaashu dhaleen

Ninka uu Trump sodogga u yahay oo hogaamin doono dib u habeynta federaalka

Kulankan oo qabsoomey subaxnimadii saaka ayaa shiishka lagu saarey muhaajiriinta iyo caafimaadka,

Masawir uu mas'uulka shirka uga qayb galay Ruushku uu dhigey bartiisa tweeterka ayaa waxa ka muuqata Ivanka Trump oo fadhida meel u dhaxaysa madaxweynaha Shiinaha Shii Jinbing iyo raysal wasaaraha Britain Mrs May, Wariye ka tirsan bbcda oo ku sugan shirka ayaa sheegay in aanu hore u arag dhacdadan, caadiyan, sarkaal sare sidda xoghayaha arrimaha dibada ama masuul sare ayaa kaalintaas buuxiya.

BANAANBAX XOOGAN OO MAANTA KA DHACAY DEGMADA KAARAAN EE GOBOLKA BANAADIR 

Dibadbax ballaaran ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay dhigayeen qaar ka mid ah shacabka degmadaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya , kooxo xilliga Habeenkii Faga Qabuuro ku yaalla degmadaasi , islamarkaana ka qaata Carrada iyo Fuustooyinka lagu daboolo Qabuurahaasi.

Waxaana dadkaasi ay ugu baaqayeen Masuuliyiinta Maamulka degmada Kaaraan iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga in si deg deg ah arrintaan wax uga qabtaan.

Arrintaan Qabuuraha lagu fagayo xilliyada habeenkii ayaa u muuqata mid ugub ah, oo aad u argagax galisay qeybaha bulshada degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.



BOGGA CAYAARAHA


KOOXDA JUVENTUS OO KU GUULEYSATAY SAXIIXA DOUGLAS COSTA IMISA SANO AYUU SAXEEXAYAA?

Sky Sports Deutschland ayaa haatan sheegaysa in heshiiskii uu Douglas Costa ugu biirayay kooxda Juventus uu ku dhowyahay gabagabo kadib markii labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa xiddigan.

Wararka ayaa sheegaya in labada kooxoodo xalay ka heshiiyeen saxiixa xiddigan iyada oo uu xiddigan xilli ciyaareedka dambe u ciyaari doono kooxda ka dhisan Turin.

Sky Sport Italia, Mediaset Premium, Sportitalia and the Corriere dello Sport iyo Sky Sport Deutschland ayaa dhamaantood sheegaya in heshiiska la soo afjaray.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Juventus ayaa xiddigan ka bixin doonta lacag dhan 35 Milyan iyo waliba lacago dheeraad ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa taas oo ku kici doonta lacag dhan 40 Milyan oo euro sida ay xaqiijisay Sky Italia

TABA BARE KOOXDA REAL EE ZIDANE OO DHARBAAXO KULUL KU DHUFTAY DHIGIISA BARCA

Sida ay ku waramayaa wararka ka imaanayaw wadanka Spain, Kooxda Real Madrid ayaa waxay Barcelona ku garaaceysaa loolankii ay kula jirtay Xiddiga Khadka Dhexe ka xamaasha ee Dani Ceballos.

Ceballos, ayaa toddobaadyadaan oo dhan la hadal hayay inuu udhaqaaqayo Kooxda Barca, waxaase sheekadda go’aamiyay sida ay wararku sheegayaan laacibkaan kadib markii uu go’aan saday inuu udhaqaaqo Los Blancos.

Real ayaa ciyaaryahankaan ku heleysa 18 Malyuun, waxaana uu mari doonaa Tijaabadda caafimaadka maalinka Talaadda ah, wuxuuna ku biiro doonaa Xiddigaha Walaalaha ah ee reer Hernandez, oo dhawaan kooxda la wareegtay.

Soo Qaadashadda xiddigaan ee Real ayaa waxay la micno tahay in iyadoo Macalinka Real ee Zidane uu guul ka gaaray dhigiisa Barca, waxaana ay tahay guushaan mid dhanka Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Liverpool oo wajaheysa xaalad xun oo dhanka suuqa kala iibsiga ah

Burburiyaha aadka loola dhacay qaab ciyaareedkiisa Naby Keita ayaa waxaa loo sheegay in uusan ku biiri doonin kooxda Liverpool xitaa haddii ay kusoo dalbato adduun lacageed dhan 100 milyan oo yuuro.

Keita waxaa la fahamsan yahay inuu isha ku haayo u dhaqaaqidda kooxda ka dhisan Anfield Road, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu bartilmaameed sarre ka dhigtay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Red Bull Leipzig ee dalka Jarmalka.

Kooxda Red Bull Leipzig ayaase waxay sheegtay in uusan iib aheyn Keita si la mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxdooda, xitaa haddii lagu soo dalbado 100 milyan oo yuuro.

Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa waxay si toos ah ugu soo baxday tartanka UEFA Champions Leaguem, maamulaheeda dhanka ciyaaraha Ralf Rangnick ayaana sheegay in aysan iibin doonin Keita taasoo dhabarjab ku ah kooxda Liverpool.

Madax Waynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Oo Chelsea U Soo Bandhigay In Ay 150 Milyan 
Kula Wareegaan Alvaro Morata Iyo James Rodriguez Iyo Ujeedada Ka Danbaysa.

Chelsea ayaa hadda u baahan in ay bartilmaameed kale raadsato kadib markii ay ku fashilantay in ay Romelu Lukaku dib ugu soo celiso Stamford Bridge inkasta oo uu Antonio Conte maamulka kooxdiisa u sheegay in uu muhiimada kowaad siinayo xidiga ree Belgium basle Manchester United ayaa ku dhawaaqday in ay Lukaku kala soo wareegayso Everton.

Laakiin ugu yaraan Chelsea ayaa war fiican heshay iyada oo madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu Chelsea u soo bandhigay in ay 150 milyan oo euros kula wareegi karaan Alvaro Morata iyo James Rodriguez sida uu baahiyay wargayska ree Spain ee Diario Gol .

Real Madrid ayaa Manchester United xaalada ku adkaysay waxayna dalbatay in 90 milyan oo eruos wax ka yar ayna ku iibin karin Alvaro Morata laakiin in hadda ay Madrid kooxda Chelsea ay u soo bandhigtay in Morata iyo James Rodriguez ay ugu soo bandhigtay 150 milyan oo euros ayaa la micno ah in Blues ay qiimo ka hooseeya kii Man United ku heli karto Morata.

James Rodriguez ayaa lagu qiimaynayaa 70 75 milyan oo euros taas oo la micno ah in Alvaro Morata uu Chelsea ku iman karo 75 milyan oo eruos waana lacagtii ay Real Madrid ka diiday in Morata uu Old Traffrod ugu biiro. Chelsea ayaa markii horeba ka mid ahayd kooxaha doonaya saxiix Morata iyo James balse Conte ayaa muhiimada kowaad siinayay Lukaku.

Florentino Perez ayaa doonaya inuu lacag ka soo saaro iibka Alvaro Morata iyo James Rodriguez si uu ugu maal galiyo heshiiska rekoodhka aduunka ah ee ay Real Madrid ku doonayso da’yarka AS Monaco ee Kylian Mbappe kaas oo ay doonayso in ay PSG iyo kooxaha Yurub ugu waa wayn ku garaacdo.

Chelsea ayaa soo dhawayn karta bandhiga Florentino Perez ee Alvaro Morata iyo James Rodriguez maadaama oo uu Conte hadda u baahan yahay gool dhaliye tayo sarre leh oo uu xili ciyaareedka cusub ku soo shirtagi karo. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u heshiisiin la dhex dhigi doono Antonio Conte iyo Diego Costa

Morata Oo Si Qarsoodi Ah Loo Ogaaday Kooxda Uu Ku

 Biirayo Xagaaga Cusub

Sida laga aynu kasoo xiganayno Shabakadda MARCA, ee kasoo baxda Wadanka Spain, laacibkaan weerarka dheela ayaa wuxuu rajeynayaa inuu kasii hoos shaqeeyo maamulka Tababare Zinedine Zidane.

Weeraryahankaan ayaa wuxuu helayay xiriiro joogta ah, kaa soo kaga imaanayay Maamulaha Kooxda Manchester United iyo Naadigaba, kaas oo ay ku doonayeen inay ka dajiyaan garoonkooda Old Trafford.

Balse, MARCA, ayaa soo ogaatay in Xiddigaan uusan qorshihiis aheyn inuu ka tago Los Blancos, uuna doonayo inuu udagaalamo booskiisa xilli ciyaareedka 201718ka, uusan diyaar u aheyn inuu ka hoos shaqeeyo Mourinho.

Sikastaba ha ahaatee, arintaa ayaa waxay dhafaar ku noqoneysaa maamulka Red Devils Iyo dhamaan Jamaahiirta Kooxdaan, kuwaas oo rajo ka qabay inay heli doonaa Wilkaan balse muuqaneys inay ku hun goobeen.

Romelu Lukaku Oo Dalka Maraykanka Maxkamada Lagu Soo Taagayo, 

Booliiska Oo Xidhay Iyo Maalinta Loo Mudeeyay Kiiskiisa.

Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Everton ee Romelu Lukaku oo la filayo in uu dhawaan si rasmi ah ugu soo biiro Manchester United ayaa danbi loogu soo oogay dalka Maraykanka waxaana la muddeeyay maalinta uu maxkamada ka soo hor muuqan doono.

Romelu Lukaku ayaa fasax ku joogay USA waxaana tan iyo maanta soo baxayay warar aaan markii hore la hubin oo sheegayay in Romelu Lukaku ay booliisku xidheen kadib markii uu khalkhal galiyay magaalada uu fasaxa ku joogo isla markaana ay lix jeer booliisku digniin siiyeen balse uu iska dhego tiray.

Dadka degan goobta uu Romelu Lukaku fasaxa ku qaadanayay ayaa dacwad ka gudbiyay kadib markii uu xafladayn iyo music dhegaha kaga qaaday oo ay ka raaxaysan kari waayeen waxaana kiiskiisa la gayey maxkamada taas oo keenaysa in cod dheer oo uu dadwaynaah ku qasay lagu soo eedeeyay.

Wararka laga helayo warbaahinta USA ayaa sheegaya in booliiska Beverley Hills ay Lukaku siiyeen digniin afka ah intii aanay xaaladiisu meesha xun gaadhin waxaana loo sheegay in xafladaynta guriga uu degan yahay uu isagu isku koobo oo uu sameecadaha ama codbaahiyaasha hoos u dhigo taas oo uu xidiga ree Belgium ka dhego adagay.

Romelu Lukaku iyo Paul Pogba ayaa wada degan Beverley Hills waxayna dariskooda dhegaha kaga qaadeen xafladayn iyo qoob ka ciyaar taas oo keentay in ay sabab ugu noqoto in Lukaku loo mudeeyay inuu maxkamada LA ka soo muuqdo October 2 iyada oo eedayntiisa la gudbiyay July 2.

Lukaku ayaan hadda xabsi ku jirin laakiin waxa uu sugayaa inta la gaadhayo waqtiga loo mudeeyay kiiskiisa markaas oo la dhegaysan doono eedaynta loogu soo jeediyay inuu qasay nabadgalyada Beverley Hills oo ah goobta uu degan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Romelu Lukaku ayaan wax xabsi ah sii gali doonin ilaa int laga gaadhayo dhegaysiga kiiskiisa waxayna dadka soo dacweeyay ku eedeeyeen in uu qasay amaankooda iyo deganaanshahooda waxaana arinta soo faragaliyay booliiska oo lix jeer markii ay digniin afka ah siiyeen ee uu diiday Lukaku kiiskiisa mid wayn ka dhigay waxayna geeyeen maxkada oo loo muddeeyay October 2.

Manchester United ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Everton heshiis rasmi ah kala gaadhay saxiixa Romelu Lukaku balse dhamaystirka heshiiskiisu ku xidhan yahay tijaabada caafimaadka iyo heshiiska shaqsiga ee uu Red Devils la gaadhi doono

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip