Ciidamada K/Kuuriya oo muddo hal sano ah loogu kordhiyay joogitaankooda xeebaha Soomaaliya.
Baarlamaanka dalka Koonfurta Kuuriya ayaa ansixiyay in la kordhiyo waqtiga Ciidanka K/kuuriya ay sii joogayaan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Gudiga difaaca Baarlamaanka Kuuriya ayaa go’aamiyay in mudo ah halsano ah ciidankaasi loogu kordhiyo waqtiga oo sii joogaan ilaa iyo dhamaadka sanadka 2016-ka.
Sidoo kale, Sharcigan qabyada ah ayaa looga fadhiyaa iney ansixiyaan Golaha Shacabka Qaranka dalkaasi maanta oo khamiis ah,sida war ka soo baxay Dowlada K/kuuriya lagu sheegay.
Ku dhawaad 150-askaro oo Koonfur Kuuriya ah ayaa saldhig ku leh dalka isku taga Imaaraadka Carabta (UAE),waxayna muhiimada joogitaankooda ay tahay sidiii tababar ay u siin lahaayeen Ciidanka gaarka ah ee wadanka Bariga dhexe ku yaalo.
Dhanka kale Koonfurta Kuuriya ayaa Cutubyo ciidan ah u soo diray xeebaha Soomaalya sida gacanka cadan sanadkii 2009-kii,si ay qeyb kaga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya ka dilaacay.