Laba nin oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Thursday November 26, 2015 - 19:37:05 in Wararka by
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba nin oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Laba nin oo middi uu ahaa Sarkaal Ciidanka Minishiibiyada ka tirsan, ayaa waxaa intii u dhaxeysay Duhurkii iyo Casirkii lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba nin oo middi uu ahaa Sarkaal Ciidanka Minishiibiyada ka tirsan, ayaa waxaa intii u dhaxeysay Duhurkii iyo Casirkii lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cumar Caraale, ayaa waxa Suuq Boocle ku weeraray saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa, iyagoona dhawr xabadood kaga dhuftay qaybaha sare jirkiisa.

Ninka labaad ee la dilay oo Sarifle ahaa, ayaa sidoo kale lagu dilay Suuq Boocle, waxaana dilka ka dib baxsaday rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilkiisa gaystay.

Ciidanka Nabad Suggida & Booliska Degmada Dharkiinley oo ku baxay Suuq Boocle, ayaa waxay ka sameeyen baaritaano ka dhan ah dembiilayaasha.

Saraakiisha ammaanka, ayaan ka hadlin dilalka ka dhacay Degmadaasi iyo haddii ay dad u soo qab qabteen iyo haddii kalaba.

Maalmahaan, ayaa waxaad mooddaa in Magaalada Muqdisho ay dib kaga soo cusboonaatay weerarada, ay gaysanayaan ragga bistooladaha ku hubeysan, ee la xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.

Arbacadii, ayay ahayd markii Degmada Waaberi dhaawac culus loogu gaystay Siyaad Maxamuud C/raxmaan, Agaasimaha Waaxda Sharciyeenta Hubka Ee Wasaaradda Amniga Somaliya.

XIGASHO:- DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip