Mareykanka oo Gantaalka K/Waqooyi ku tilmaamay daan daansi Millitari

0
Thursday July 06, 2017 - 22:56:35 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Gantaalka K/Waqooyi ku tilmaamay daan daansi Millitari

    Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaasi Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hubka riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha ay ka dhigan t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaasi Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hubka riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha ay ka dhigan tahay daandaansi milatari.

Nikki Haley waxa ay sheegtay in arrintaasi ay muujineyso in dunidu ay qarka u saaran tahay colaad, waxayna intaasi ku dartay in qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang la soo hordhigi doono Qaramada Midoobey.

Haley ayaa ku hanjabtay in Mareykanka uu xayiraado dhanka ganacsiga ah saari doono waddamada ganacsiga la leh Kuuriyada Woqooyi.

Waxay sheegtay in haatan loo baahan yahay in dalkaasi laga qaado tallaabooyin dheeraad ah maadaama ay miro dhal noqon waayeen xayiraadihii caalamiga ahaa ee muddo saarnaa Kuuriyada Woqooyi.

Dhanka kale, dhiggeeda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu uu tallaabada Kuuriyada Woqooyi u arko mid aan loo dul qaadan karin basle waxa uu ku baaqay in xiisadda la dejiyo oo la wada hadlo.

Waxa uu ku celiyay baaqa horey ay wada jir u soo jeediyeen waddamada Shiinaha iyo Ruushka oo ahaa in Mareykanku uu ka laabto qorshahiisa uu ku doonayo in hannaanka difaaca gantaalada uu ku rakibo dalka Kuuriyada Koonfureed isla markaana uu hakiyo dhoolatuska milatari ee uu ka sameynayo meel u dhow Kuuriyada Woqooyi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip