WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA LUULYO 2017-KA

0
Wednesday July 05, 2017 - 11:38:59 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA LUULYO 2017-KA

    DIB U HABEYN LAGU SAMEYNAYO SHA QADAHA CIIDAMADA BOOLISKA Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada Ciidanka Booliska, taasi oo qeyb ka ah qorshaha hormarinta Ciidama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DIB U HABEYN LAGU SAMEYNAYO SHA QADAHA CIIDAMADA BOOLISKA Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada Ciidanka Booliska, taasi oo qeyb ka ah qorshaha hormarinta Ciidamada Booliska.

Wuxuu sheegay in ay kordhin doonaan Tababarada ay siinayaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay u dhameystiri doonaan dhammaan agabka ay ku howlgalaan Ciidamada.

Sidoo kale Gen. Saacid ayaa sheegay Booliska in ay yihiin Kabaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed loo baahan yahay in ay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi bedelkeeda shacabka wuxuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada.

Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska ku ammaanay qaabka ay uga qeyb qaadanayaan sugidda amniga.

Dhowaan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga uu booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, wuxuuna balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska Ciidamada

BOOLISKA MOZAMBIQUE OO BAARAYA CIDDA SOO ABAABUSHA DILALKA RAGGA BIDAARTA LEH

Booliska gobolka Zambezia ee bartamaha dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu ballaarina yo baaritaannada ka dhanka ah sare u kaca dilalka loo gaysto ragga bidaarta leh.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay dhowr nin oo bidaar leh.

Booliska ayaa ka shakisan dadka wax ku dabiiba dawo dhaqameedka in ay faafinayaan warar aan sal lahayn oo ah in dahab uu ka buuxo madaxyada ragga bidaarta leh, iyagoo rajaynaya in mad axyadaasi loo keeni doono si ay ugu curaaftaan oo ay qeyb ahaan ugu isticmaalaan daweyntooda.

Ilaa iyo haatan booliska ayaa waxa ay soo xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay dileen rag bidaar leh, haatanna waxa ay baacsanayaan dadka soo abaabulay weerraradan lagu bartilmaa meedsana yo ragga bidaarta leh.

Afhayeen u hadlay booliska gobolkaasi Zambezia ayaa sheegay in inta badan dadka dambiil ayaasha ah ee falalkan ku kaca ay ka yimaadeen dalalka dariska ah.

Booliska deegaanka ayaa sidoo kale ka walaacsan dilalka ka dhanka ah dadka Albinaha loo yaqaan ee jirkooda uu ka maqan yahay maadada midabka keento, iyadoo lagala baxayo qaar ka mid ah unugyadooda jirka, arrimahaasi oo dhammaantood ah kuwo ku yimid curaaf ama in lagu faa shado.

NIN ODAY AHAA OO LAGU DILAY DEGMADA DHARKIINLEY

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in xalay degmadaasi lagu dilay nin oday ahaa.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysneyd, ayaa waxaa la sheegay in odaygaasi ay ku toogteen xaafadda Dabaqaynka, iyado ona dilka ka dib u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka, ayaa waxay goobtaasi gaareen mar ay ka carareen raggii dilka gaystay, iyagoona meydka ninkaasi u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Oday Dhaqameedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali C/raxmaan (Axmed Jaxash), ayaa waxay Dhacdo.com ogaatay in uu ka tirsanaa Ergadii Hirshabelle ee Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.

Nin ka tirsan dadka ku dhaqan xaafadda Dabaqaynka, ayaa inoo sheegay in marxuumka la dil ay xilli uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajid xaafadaasi ku yaala, uuna ku sii jeeday hoy giisa. Ragga wax dilay ayuuna sheegay inay wadada u galeen. Sarkaal ka tirsan Hay’adda CID, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dhagarqabayaasha ay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen Nabadoon Axm ed Cali C/raxmaan, islamarkaana uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii ay huwiyeen.

Saddexda nin ee dilkan gaysatay, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinaya Ururka Al Shabaab, oo iyagu horey u sheegtay masuuliyadda dilal ergooyin badan loogu gaystay Caasimadda Muqdisho.

4 NIN OO HUBEYSAN & GAARI AY WATE EN OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Ciidanka ammaanka ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay afar nin oo hubeysan iyo gaari noociisa uu yahay NOHA oo ay wateen, kaasi oo laga soo dhex qabtay Suuqa Bakaaraha ee Maga alada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku sheegay afartaan nin inay wateen bistoolado dadka shacabka ahna ay ku dhici jireen, balse ciidanka ammaanka ay hayeen xogtooda muddana la raadinayay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo Warbaahin ta kula hadlay goobtii raggaan iyo gaarigooda lagu soo bandhigayay, ayaa sheegay maalin kasta raggaan inay dhici jireen dadka shacabka ah ee ku nool Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa.

Wuxuu sheegay ciidamada xasilinta inat ku guulaysteen soo qabashada Afartaan rag iyo gaarigii ay wateen, iminka loo gudbin doono Hay’adaha Cadaalada dalka si tallaabo sharciga waafa qsan looga qaado.

"Afartaan nin iyo gaarigaas ay wateen dadka shacabka ah ayeey ku dhici jireen iyaga oo wata bistoolado waa niman u bareeray dhaca shacabka, balse Hay’adaha ammaanka ayaa ka hortagay inay falkaasi sii wadaan oo gacanta ku soo dhigay.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Dadka ku nool Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley ayaa qaati ka taagnaa dhac habeen iyo maalin loogu gaysto gaadiid ay saaran yihiin rag bistoolado ku hubeysan oo dadka nafta u keenay. Ciidanka ammaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa gaadiidka iyo mootooyinka si aad ah ugu baara goobaha koontaroolada ee magaalada ay ka jooggaan, taasi oo suuragal ka dhigtay in mararka qaarkood la qabto ragga hubeysan.

MADAXWEYNA FARMAAJO OO LA KULMAY SAFIIRKA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Stephen Swirtz.

Kulanka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay qeybta VIPda ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo inta badan Madaxweynaha uu ku qaabilo Diblumaasiyiinta reer Galbeedka ah.

Xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa Howlgallo ka dhan ah ururka Alshabaab, waxaana si Howlgalkaasi uu u fulo Dowladdu ay raadineysaa taageero buuxda oo ay ka hesho Dowladaha taageera.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Dagaalka ka dhanka ah ururka Alshabaab iyo sidii Dowladda Mareykanka ay door muhiim ah uga qadan laheyd fulinta Howlgalada qorsheysan ee Diyaaradaha Droneska ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Stephen Swirtz ayaa Dowl adda Soomaaliya u balan qaaday in Mareykanka uu ka caawinayo la dagaalanka ururka Alshabaab.

Ambassador Stephen Swirtz ayaa dhowaan sheegay in safaaradooda Muqdisho ay dib uga furan doonaan Bisha October ee sanadkan.

TIRO MADAFIIC AH OO KU SOO DHACAY NAWAAXIGA XARUNTA MADAXTOOYADA

Jugta dhowr ah ayaa laga maqlayay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa madaafiic hoobi yeyaal ah oo ku soo dhacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley.

Madaafiicda qaar oo gaarayay illaa lix ayaa la sheegay in afar ka mid ah aanay qarxin, halka la bo kalena ay ku dhaceen nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada oo ay geysteen khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen halka lagu magacaabo shimbir aale iyo agagaarka xarunta Baarista oo ku dhow Madaxtooyada.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay madaafiicda, halka dhaawacyo kale ay jiraan, inkastoo aan la ogeyn tirada dhaawacyada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, hase ahaatee qadka isgaarsiinta ee gacanka ay adeegsadaan Hey’adaha ammaanka ayaa laga sheegay in dhowr madaafiic ku soo dhacday nawaaxiga Madaxtooyada.

Dhowr jeer oo hore ayaa madaafiic lagu soo riday Madaxtooyada oo uu degan yahay Madax weyne Farmaajo, iyadoo maalintii uu Madaxtooyada la wareegayay sidan oo kale dhowr madfac lagu soo riday Madaxtooyada.

Kooxda AlShabaab ayaa dhowr jeer oo hore madaafiic ku weerartay xarumaha dowladda iyo xarumaha kale ee Ciidamada AMISOM.

DAGAAL XOOGAN OO KA DHACAY GOBA LKA SHABEELLAHA HOOSE

Wararka laga helayo deegaanka Ceeljaalle ee gobolka Sh.hoose ayaa ku waramaya in shalay halkaa uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo maleeshiyaad ah oo la sheegay inay gacan saar la leeyihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya kuna sugan deegaankaasi.

Dagaalka dhaxmaray maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay isku qabsadeen lacago laga qaaday gaadiid xamuul ah oo marayey deegaankaasi sidaasna dagaalku uu ku qarxay muddo saacada ahna uu socday sida idaacadda Simba ay warka ku heshay.

Intuu socday iska hor imaadka ayaa lagu waramayaa in hakad ay galeen howlihii ka socday deegaanka Ceeljaalle ee G/Sh/hoose sida ganacsiga,waxbarashada iyo waliba gaadiidkii halkaa isticmaalijiray.

Illaa hadda lama oga inta uu le’egyahay qasaaraha ka dhashay dagaalka maleeshiyaadkaas ku labisan dareeska ciidanka Dowladda ku dhaxmaray deegaanka Ceelljaalle waxaana saraakiisha ammaanka iyo waliba maamulka deegaankaasi xubno ka mid ah oo aan la xariirnayna ay ka gaab sadeen in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan dagaalka shalay halkaa ka dhacay halkaa qaarkoodna aysan ka jawaabin wicitaankeena.

ASKAR KA TIRSAN MILATARIGA SOOMAA LIYA OO LAGU LA’YAHAY GOBOLKA GEDO

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaalkii Daraad ka dha cay Degaanka Birta –dheer oo Hoostaga Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo lagu la’ yahay Askar ka tirsan Ciidanka Milatariga oo qeyb ka ahaa Dagaalkaasi.

Askartaan oo Nolol iyo Geeri aan Gacanta lagu hayen ayaa Tiradooda lagu sheegay Saddex Askari sida ay KNN u sheegeen Saraakiisha Xoogga Dalka Ee Gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa Degaanka TuuloBarwaaqo ee Gobolka gedo,waxaa ay ku soo bandhigeen Meydadka Afar Askari oo ay sheegeen in ay ku dileen Dagaalkii Daraad ka dhacay Degaanka Birta dheer..

MADAXWEYNAHA SUDAN OO BISHA SOO SOCOTA BOOQASHO RASMI AH KU TAGAYA RUUSHKA

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AlBashiir ayaa bisha soo socota la filayaa inuu booq asho rasmi ah ku tago dalka Ruushka, kaddib markii uu martiqaad uu ka helay Madaxweyne Vlad amir Putin.

AlBashiir oo loo heysto dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada ayaa waxaa doon dooneyso Maxk amadda caalamiga ah ICC ee fadhigedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa xaqiijisay in Madaxweyne AlBa shiir uu bartamaha bisha Agosto ee soo socota uu booqasho ku tagi doono magaal ada Moscow.

Labada Madaxweyn Sudan iyo Ru ushka ayaa ka wada hadli doona arri mo quseeya labada dal, gobolka iyo caalamka ku saabsan.

Sudan ayaa sugeysa in Mareykanka uu ka qaado cunaqabateynta ganacsi iyo kuwa kale oo la saaray 20 sano ka ho

RA’IISUL WASAARAHA OO KA QEYB GALAY SHIRKA MADAXDA MIDOWGA AFRIKA

Iyadoo daraad uu magaalada Addis Ababa uu ka furmay shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa madaxda shirkaas ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Was aaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha dhalinyarada Afrika, dib u habeynta ururka, bajadka uu ku shaqeynayo iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayay tahay markii u hor eysay ee uu ka qeyb galo shir madaxeedkan, waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu khudbad ka jeed iyo shirka oo shalay la soo xiri doono, isagoo kulamo gaar gaar la qaadan doono madaxda shirka ka soo qeyb gashay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku guuleystay in la sii daayo Maxaabiis ku xiran dalka Itoobiya oo gaareysa 120 maxbuus oo ay ku jiraan kuwo u xiran inay sharci darro ku galeen dalkaas.

Mr Kheyre ayaa horay dowladda Itoobiya ugala hadlay sii deynta maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalkaas, waxaana lagu wadaa in dib ugu soo laabashadiisa magaalada Muqdisho ay u soo raacaan maxaabiis lagu qiyaasay tobaneeyo oo noqonaya qeybta u horeysa ee maxaabiista la sii daa yay ee dalka lagu soo celinayo.

MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA IYO KUWA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO SHIR UGA FURMAYA MUQDISHO

Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan looga hadlayo arrimaha siyaasada, amniga iyo qodobo kale.

Shirkan oo noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan Madasha Hoggaanka Qaranka, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa shirkii u horeeyay uu dhacay bishii April ee sanadkan, kaasoo laga soo saaray qodobo badan oo ugu muhiimsanaa dhismaha Golaha Amniga Qaranka oo Madaxda maamul goboleedyada qeyb ka yihiin.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in shalay illaa berri ay ku soo xaroodaan magaalada Muqdisho, si uu shirka u furmo todobaadkan gudihiis, ka hor inta uusan bilaaban kalf adhiyada Baarlamaanka labada Aqal.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa goor dhow lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo ambabaxay Garowe, halka madaxda maamul goboleedyada Gal mudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay ugu sugnaa Muqdisho.

Shirkan ayaa ka furmi doona Madaxtooyada, waxaa la filayaa furitaanka shirka kaddib inay shirka ka soo qeyb galaan wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.

DEGAANKA GURICEEL GUUD AHAAN AY XIRAN YIHIIN XARUMIHII GANACSIGA EE DEGMADAASI.

Ganacsatada ayaa diidey qaada shada lacagta shilin Soomaaliga kadib markii la sheegay in degmadaasi lagu arkay lacago shilin Soomaali oo been abuur ah.

Kaliya waxa furan suuqyada qud aarta iyo hilibka ee degmada Guriceel, lam qaadanayo lacagta shilin Soomaaliga ah.

Ciidamada Ahlusunna ayaa billaabay howlgallo ay ku xirxirayaan ganacsatada degmada Guriceel, maadaama ay diideen qaadashada lacagta shilin Soomaaliga.

Ganacsato caan ka ah degmadaasi ayaa la xiray, kuwaasi oo loo qaaday dhanka degmada Dhuusamareeb oo ah xarunta ugu weyn ee Ahlusunna.

Saameyn badan ayeey dadka ku yeelatay diidmada lacagta shilin Soomaaliga ah, waxaana ganacsatadu ay dalbanayaan in wax looga iibsado lacagta doolarka.

DIYAARADA AIR ARABIA OO SAAKA BILA WDAY DUULIMAADKEEDII UGU HOREEY AY GAROONKA HARGEYSA

Hargaysa: Diyaarada Air Arabia Oo Saaka Bilawday Duulimaadkeedii Ugu Horeeyay Garoon ka Hargeysa iyo M/kuxigeenka somaliand Saylici oo Ka hadlay Xafladaasi soona dhaweeyey.

Hogaamiyayaasha Somaliland oo ka qeyb galay furitaaka duulimaadka cusub ee diyaarada Air Arabia ayaa Waxaa sy ka jeediteen khudbado lagu soo dhaweynaayo furitaanka imaanshaha diyaaradan.

DAACISH OO LAGA QABSADAY QEYB KA MID AH MAGAALADA RAQA

Xulafada uu Maraykanka hoggaaminayo ee Suuriya ayaa sheegaya in fallaagada la magac baxday xoogagga dimuquraadiga ee Suuriya ay jabiyeen gidaarka qaybta qaddiimiga ah ee ma gaalada Raqa, oo ah halka ay ku xooggan tahay kooxda dawladda islaamiga.

Xulafadan ayaa sheegtay in weerarkaasi ay gacan ka gaysteen oo ay duqeeyeen labo qay bood oo ka mid ah gidaarkaasi.

Arrintaa ayay sheegtay in ciidamada dhulka ka hawlgalayay ay u sahashay in ay gudaha u gal aan qaybta qaddiimiga ah ee magaaladaasi oo ay doonayeen in ay dagaalyahanada kooxda daacish aysan ku aasin miinooyin sida magaalooyinka kale ee horey looga qabsaday.

Dagaalka Raqa ayaa ku soo beegmaya waxa lagu tilmaamay ruqaansigii ugu dambeeyey ee la doonayo in Magaalada Mowsil looga qabsado kooxda Dowladda Islaamka, halkaasi oo ah halkii ugu dambaysay ee ay ku xooganaayeen kooxdaas gudaha Ciraaq.

BALEDWEYNE OO LA GEEYAY LACAG LA GA QAADAY MAGAALADA MUQDISHO

Waxaa Shalay shaqeynaya Ganacsiga Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Maalmahaan hakad ku jiray.

Ganacsatada Magaalada Baledweyne ayaa diiday in ay qaataan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah,waxaana ay sheegeen in ay kala garan waayeen Kunka Shilinka Soomaaliga ah ee Dowladdii dhe xe iyo midka Been abuurka ah ee inta badan Dalka lagu Farsameeyo.

Magaalada Muqdisho ayaa Shalay laga qaaday Lacag Shilin Soomaali ah,waxaana wax looga iibsanayay Suuqyada Magaalada Baledweyne.

GUDOOMIYE TAABID OO AMAR KUSOO ROGAY GANACSATADA SUUQA BAKAARAHA..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa ganac satada Suuqa Bakaaraha ku amray in ay furan Wadooyinka Xeran ee Suuqaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ganacsatada loogu baahan yahay in ay baneeyaan oo ay furan inta u dhaxeysa Iskoosyada Bakaaraha iyo KPP oo hada Howlo nadaafadeed ay ka socoto.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada laga doonayo in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Suuqa Bakaaraha isla markaana Maamulka gobolka kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lagaa Suuqa.

Guddoomiye Thaabid ayaa ganacsatada ugu baaqay in aysan suurta gal ahayn in ay ganacsi oo keliya u yimaadaan Suuqa Bakaaraha balse aysan ka qeyb qaadan ololaha uu Maamulka gobolka ka wado Suuqa.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan dib u soo celinta bilicda Wadada u dhaxeeysa Isko osyada Howl Wadaag iyo KPP.

Wadada u dhaxeeysa Isgoosyada Bakaaraha iyo KPP ee dhex marta Suuqa weyn ee Bak aaraha ayaa hada waxaa ka soconayo howlo Nadaafadeed oo dib loogu furayo Wadadaasi, sidoo kalena dib loogusoo celinayo bilicdii ay lahayd.

XABAAL WADAREED LAGA HELAY BARIGA MAGAALADA MANDERA

Sida ay xaqiijiyeen Siyaasiyiinta Soomaalida ee laga soo doorto magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa Xabaal wadareed laga helay bariga Degmada Mandheera.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in aysan wali hubin cidda rasmiga ugu dambeysa Xabaal wad areedkaas laakiin waxaa ay sheegeen in ay tuhmayaan Ciidanka amaanka ee maalmihii la soo dhaa fay jooga degaankaas.

Meydadka 5 Qof oo midi haweeney tahay ayaa laga helay degaanka Bambo,Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka Isbitaallka Degaanka Lafeey ayaa Saxaafadda u sheegay in dadkaasi Mad axa laga toogtay ka dibna la aasay.

Mid ka mid ah Eheladda dadka la helay Meydadkooda oo lagu magacaabo Cabdi Caraaye ayaa sheegay in walaalkiis la goobaayay muddo dhowr maalmood.

Gudoomiyaha Mandera ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano sababta ka dambeysay in la dilo dadkaasi.

Ilaa iyo hadda ma cadda cida dishay dadkaasi oo ahaa dad Shacab ah oo aan waxba gal absan.

AGAASIMIHII HORE EE WASAARADA WARFAAFINTA BAHLAAWI OO GAADHIGIISA QARAX LAGULA EEEGTAY KM4

Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa Agaasimihi hore ee wasaarada Warfaafinta Somaliya ayaa lagu qarxiyey agagaarka wadada KM4 xili uu ka so baxay hotel jazeera

Qaraxa ayaa si weyn looga maqlaayay magaalada Muqdisho, lama garanaayo in gaariga loo gu xiray Qaraxa iyo in ay tahay miino dhulka loogu aasay,

waxana soo gaadhay dhaawac culus oo loola cararay Cusbitaalka

Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa mudo dheer agaasime ka ahaa wasaarada Warfaafinta Somaliya, hasa yeeshee dhawaan ayaa xilkaasi laga qaaday

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE ADDIS ABABA OO KA HADLAY MAXAABIISTA LAGA SII DEYNAYO XABSIYADA ITOOBIYA

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ka hadlay maxaabiista laga sii deynayo xabsiyada Itoobiya, isagoo sheegay in maalmaha soo socda dalka lagu celinayo illaa 120 maxbuus.

Safiirka oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in sii deynta maxa abiista ay tahay mid horudhac ah, oo qeyb ka ah is afgarad dhex maray labada dowladdood, isagoo xusay ka hadalka arrinta maxaabiista uu soo bilowday safarkii Madaxweyne Farmaajo ku yimid Addis Ababa iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Waxaa uu sheegay in kaddib la isku afgartay in isaga oo ah Safiirka iyo kuxigeenkiisa ay tagaan magaalada Jigjiga, halkaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis ga araya 120,

"Maxaabiista aan soo aragnay waxay ku xirnaayeen Jigjiga, si wanagsan ayaa loola dhaqmay, qaarkood waa wareysanay, iskuulo ayay dhigtaan, tababar ay ku shaqeystaan ayaa la siiyay, waxaa la siiyay wacyi gelin”ayuu yiri Safiirka.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in maxaabiistan badankood ay u xiran yihiin dambiyo la xir iira inay si sharci darro ah dalka ku soo galeen, iyo qaarkood oo sharcigii dalka ku joogeen ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in lagu soo wareejiyo, isla mark aana loo qaadi doono dalka, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaarado lagu qa ado soo diri doonto sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay inay jiraan maxaabiis kale oo ku xiran xabsiyada Itoobiya ayuu sheegay in xabsiga ay tageen Jigjiga ay intaas maxaabiis ku arkeen, balse ay jiri karaan kuwa kale oo ku xiran xabsiyada kale oo aysan war u heyn.

Waxaa uu sheegay in sidii bur burkii u dhaxay Soomaalida ay iska soo galaan Itoobiya, isla markaana isugu jiraan qaar dhulka mara iyo kuwa diyaarad ku yimaada, isagoo xusay inta badan aanay ku soo wargelin, hase ahaatee loo sheego marka ay maqlaan Soomaali xiran ay daba galaan oo ay raadiyaan sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay bartiisa Twitterka ku soo qoray inuu ku guuleystay in dowladda Itoobiya ay ku wareejiso 120 maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista qaar ee la sii deynayo ay u badan yihiin kuwo laga qabtay xuduuda Itoobiya, oo badankood u socday Tahriib, kuwaasoo ku xiran xabsi ku yaalla Jigjiga, waxaa la sheegayaa inay jiraan maxaabiis ku xiran xabsi ku yaala duleedka magaalada Addis Ababa.

Maxaabiistaas ayaa waxaa ku jira Wariyaha caanka ah Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha, kaasoo Maxkamad ku xukuntay 27 sanno oo xarig ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay tuhun ku saabsan inay ku lug lahaayeen qarax ka dhacay Addis Ababa dhamaadkii sanadkii 2013dii.

WARIYE BOQORKA BARTAMAHA OO KA MID AH 120 MAXBUUS OO UU RW KHEYRE KA SO SAARAY XABSIYO ITOOBIYA

Xafiiska Ra’isla Wasaare Kheyre ayaa u xaqiijiyey Raido Dalsan in Wariye Maxamed Aweys Muudeey "Boqorka Bartamaha ” oo mudo 4 sano ah ku xirna Itoobiya oo ka mid ah maxaabiis uu Ra’isal wasaarada uso wado dalka

Boga Kheyre ayaa lagu qoray in maxaabistan dawladda lagu so wareejiyey

"Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fuli naysa heshiiskii aan wada galnay Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay in ay na gu soo wareejiso Maxabiista Somaliyeed ee ku xiran "ayu yiri Ra’isal Kheyre

Shirka oo sannadkan diiradda lagu saarayay dhallinyarada Afrika ayaa noqon doona mid manfac weyn uleh dhallinyarada Afrika oo dhallinyarada Soomaaliyeedna qeyb ka yihiin.

BOGGA CIYAARAHA

ARSENAL OO 70 MILYAN OO GINI KOOXDA SPORTING LISBON KAGA DALBANAYSA LABO XIDIG

Kooxda Arsenal ayaa xagaagan si wayn ugu jirta suuqa kala iibsiga waxayna u muuqataa in ay sarre u qaaday lacagihii looga bartay in ay suuqa ciyaartoy kagala soo wareegto.

Kadib markii ay xili ciyaareedkii la soo dhafay ku dhamaysatay kaalinta shanaad ayuu Arsene Wenger bilaabay in uu kooxdiisa ka dal bado in markan jeebka gacata si wayn hoos loogu galiyo.

Arsenal ayaa shalay ama barri si rasmi ah u dhamaystiri doonta saxiixa xidiga uu Ars ene Wenger waqti dheer doonayay ee Alexan dre Lacazette kaas oo heshiis shan sano ah Arsenal u saxiixi doona waxayna Gunners koo xda Lyon kula heshiisay lacag 50 milyan oo eu ros ka badan.

Laakiin markale Arsenal ayaa u jeedsatay kooxda Sporting Lison oo kala ah William Carvalho iyo Gelson Martins kuwaas oo ay ka soo bixinayso 70 milyan oo gini waana lacag u dhiganta 80 milyan oo euros. Arsene Wenger ayaa doonaya in labadan xidig uu kooxdiisa ku soo xoojiyo.

ISKU AADKA HORYAALKA INGARIISKA



Sabti, 12 August, 2017

Arsenal v Leicester City

Brighton v Manchester City

Chelsea v Burnley

Crystal Palace v Huddersfield

Everton v Stoke City

ManUnited v West Ham

Newcastle v Tottenham

Southampton v Swansea City

Watford v Liverpool

Sabti,, 19 August, 2017

AFC Bournemouth v Watford

Burnley v West Bromwich Albion

Huddersfield v Newcastle United

Leicester City v Brighton

Liverpool v Crystal Palace

Manchester City v Everton

Stoke City v Arsenal

Swansea City –v Man United

Tottenham – v Chelsea

Sabti, 26 August, 2017

Bournemouth v Manchester City

Chelsea v Everton

Crystal Palace v Swansea City

Huddersfield v Southampton

Liverpool v Arsenal

Manchester United v Leicester

Newcastle v West Ham United

Tottenham Hotspur v Burnley

Watford v Brighton

Sabti, 9 September, 2017

Arsenal v AFC Bournemouth

Brighton v West Bromwich

Burnley v Crystal Palace

Everton v Tottenham Hotspur

Leicester City v Chelsea

Manchester City v Liverpool

Southampton v Watford

Stoke City v Manchester United

Swansea City v Newcastle

West Ham United v Huddersfield

Sabti, 16 September, 2017

Bournemouth v Brighton

Chelsea v Arsenal

Crystal Palace v Southampton

Huddersfield Town v Leicester

Liverpool v Burnley

Manchester United v Everton

Sabti, 10 March, 2018

AFC Bournemouth v Tottenham r

Arsenal v Watford

Chelsea v Crystal Palace

Everton v Brighton

Huddersfield v Swansea City

Manchester United v Liverpool

Newcastle United v Southampton

Stoke City v Manchester City

West Bromwich v Leicester City

West Ham United v Burnley

Newcastle United v Stoke City

Tottenham Hotspur v Swansea

Watford v Manchester City

West Bromwich v West Ham

Sabti, 17 March, 2018

Bournemouth v West Brom

Burnley v Chelsea

Huddersfield v C/ Palace

Leicester City v Arsenal

Liverpool v Watford

Manchester City v Brighton

Stoke City v Everton

Swansea v Southampton

Tottenham v Newcastle

West Ham v Man United

Sabti, 31 March, 2018

Arsenal v Stoke City

Brighton v Leicester City

Chelsea v Tottenham r

Crystal Palace v Liverpool

Everton v Manchester City

Man United v Swansea City

Newcastle v Huddersfield T

Southampton v West Ham

Watford v Bournemouth

West Bromwich v Burnley

Sabti, 7 April, 2018

Bouremouth v C/Palace

Arsenal v Southampton

Brighton v Huddersfield

Chelsea v West Ham

Everton v Liverpool

Leicester v Newcastle

Man City v Man United

Stoke City v Tottenham

Watford v Burnley

West Brom v Swansea

Sabti, 14 April, 2018

Burnley v Leicester City

Crystal Palace v Brighton

Huddersfield Town v Watford

Liverpool v AFC Bournemouth

Man United v West Bromwich

Newcastle United v Arsenal

Southampton v Chelsea

Swansea City v Everton

Tottenham v Manchester City

West Ham United v Stoket

Sabti, 23 September, 2017

Arsenal v West Bromwich Albion

Brighton v Newcastle United

Burnley v Huddersfield Town

Everton v AFC Bournemouth

Leicester City v Liverpool

Manchester City v Crystal Palace

Southampton v Man United

Stoke City v Chelsea

Swansea City v Watford

West Ham United v Tottenham

Sabti, 23 September, 2017

Arsenal v West Bromwich Albion

Brighton v Newcastle United

Burnley v Huddersfield Town

Everton v AFC Bournemouth

Leicester City v Liverpool

Manchester City v Crystal Palace

Southampton v Man United

Stoke City v Chelsea

Swansea City v Watford

West Ham United v Tottenham

Sabti, 14 October, 2017

Brighton v Everton

Burnley v West Ham United

Crystal Palace v Chelsea

Leicester City v West Bromwich

Liverpool v Manchester United

Manchester City v Stoke City

Southampton v Newcastle United

Swansea City v Huddersfield

Tottenham v AFC Bournemouth

Watford v Arsenal

Sabti, 21 October, 2017

Chelsea v Watford

Everton v Arsenal

Huddersfield v Man United

Manchester City v Burnley

Newcastle v Crystal Palace

Southampton v West Bromwich

Stoke City v AFC Bournemouth

Swansea City v Leicester City

Tottenham Hotspur v Liverpool

West Ham United v Brighton

Sabti, 28 October , 2017

AFC Bournemouth v Chelsea

Arsenal v Swansea City

Brighton v Southampton

Burnley v Newcastle United

Crystal Palace v West Ham

Leicester City v Everton

Liverpool v Huddersfield Town

Manchester United v Tottenham

Watford v Stoke City

West Bromwich v Man City

Sabti, 21 April, 2018

Bournemouth v Manchester

Arsenal v West Ham United

Brighton v Tottenham Hotspur

Chelsea v Huddersfield Town

Everton v Newcastle United

Leicester City v Southampton

Manchester City v Swansea City

Stoke City v Burnley

Watford v Crystal Palace

West Bromwich v Liverpool

Sabti, 28 April, 2018

Burnley v Brighton

Crystal Palace v Leicester

Huddersfield v Everton

Liverpool v Stoke City

Man United v Arsenal

Newcastle v West Bromwic

Southampton v Bournemouth

Swansea City v Chelsea

Tottenham v Watford

West Ham v Man City

Sabti, 5 May, 2018

Bournemouth v Swansea City

Arsenal v Burnley

Brighton v Manchester United

Chelsea v Liverpool

Everton v Southampton

Leicester City v West Ham United

Manchester City v Huddersfield

Stoke City v Crystal Palace

Watford v Newcastle United

West Bromwich v Tottenham

Axad, 13 May, 2018

Burnley v AFC Bournemouth

C/Palace v West Bromwich

Huddersfield Town v Arsenal

Liverpool v Brighton

Manchester United v Watford

Newcastle United v Chelsea

Southampton v Man City

Swansea City v Stoke City

Tottenham v Leicester City

Sabti, 4 November, 2017

Chelsea v Manchester United

Everton v Watford

Huddersfield v West Bromwich

Manchester City v Arsenal

Newcastle v AFC Bournemouth

Southampton v Burnley

Stoke City v Leicester City

Swansea City v Brighton

Tottenham v Crystal Palace

West Ham United v Liverpool

West Ham United v Everton

Sabti, 18 November, 2017

AFC Bournemouth v Huddersfield

Arsenal v Tottenham Hotspur

Brighton v Stoke City

Burnley v Swansea City

Crystal Palace v Everton

Leicester City v Manchester City

Liverpool v Southampton

Manchester United v Newcastle

Watford v West Ham United

West Bromwich Albion v Chelsea

Sabti, 25 November, 2017

Burnley v Arsenal

Crystal Palace v Stoke City

Huddersfield v Manchester City

Liverpool v Chelsea

Manchester United v Brighton

Newcastle United v Watford

Southampton v Everton

Swansea City v Bournemouth

Tottenham v West Bromwich

West Ham United v Leicester City

Sabti, 28 November, 2017

AFC Bournemouth v Burnley

Arsenal v Huddersfield Town

Brighton v Crystal Palace

Leicester City v Tottenham

Watford v Manchester United

West Bromwich v Newcastle (8pm)

Sabti, 2 December, 2017

Bournemouth v Southampton

Arsenal v Manchester United

Brighton v Liverpool

Chelsea v Newcastle United

Everton v Huddersfield Town

Leicester City v Burnley

Man City v West Ham United

Stoke City v Swansea City

Watford v Tottenham Hotspur

West Bromwich v C/ Palace






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip